SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Cabbey Daahir Rooble oo Ku Geeriyoodey London, UK
Allah ha u naxariisto, Ehelkiisina samir haka siiyo...
  • Wixii faahfaahin ah oo ku saabsan qormadaan waxaad la xiriiri kartaa Goolhayihii Qaranka C/qaadir Ciise cabdi (biyooley) oo tel. kiisu yahay 07958635317

Taariikh Nololedkii Marxuum Cabbeey Daahir Rooble

CabeyCabey

Tacsi: geerida Cabbeey Daahir

Allaha u naxariistee, waxaa 13ki Nofembar 2005, ku geeriyoodey magaalada London, Cayaaryahan ka mid ahaa Xulkii Qaranka Soomaaliya, waa Cabbey Daahir Rooble, oo una cayaari jirey Naadigii Dawladda Hoose ee Muqdisho. Cayaaryahan Cabbeey, isagoo si weyn loo maamuusay, waxaa lagu aasay magaalada London, 18kii Nofember, waxaana aaskiisa ka soo qaybgalay cayaartooydii hore ee Qaranka qaarkood iyo cayaartooy cusub oo reer London ah.

Cabbeey Daahir Rooble, wuxuu u cayaari jirey Naadigii Dawladda Hoose ee Muqdisho.
Wuxuu ku dhashay magaalada Buulaburde, 1954.
1972kii wuxuu u saftey Ciyaarihii Goboladda, isagoo u cayaarayey Gobolka Hiiraan.
Sannadkii 1973 waxaa ku biiray Naadigii Dawladda Hoose oo uu i cayaarayey ilaa 78kii,
Dabadeedna wuxuu noqday coach labaad ee Naadiga.
Wuxuu kaloo u saftey xulkii qaranka laga bilaabo 1975,
Wuxuu qaadan jirey NO.3, wuxuna ka ciyaari jirey baasha bidix.

Cabbeey Daahir Rooble wuxuu sanooyinkii dambe,ku noolaa galbeedka magaalada London, xaafadda Southall.Tifaftiraha Wargeyska Kasmo, laba sano ka hor geeridiisa, ku wareystay London. Wareysigaas, oo cayaaryahanku kaga warbixinayey dhinacyo ka mid ah noloshiisii hore, horumarkii iyo dhibaatada la soo deristey. Waa tan warbixintii isagu qoray:

‘Waxaan ku dhashay gobolka Hiiraan, magaalada Buuloberde, 1954. Halkaas ayaan ku barbaarey. Dugsiga hoose, dhexe iyo Quraanka ku burtay.Yaraanteydii waxaan aad u jeclaa Cayaarta Kubadda Cagta. Waqtigaas afar kooxood ayaa ka dhisnaa Buuloberde. Kooxdaydu waxay ahayd Kooxda Ardayda. Xulka Cayaaraha Degmada Buuloberde ayaan ka mid ahaa, waxaaan cayaaro saaxiibtinimo u tegi jirnay Magaalo-madaxda gobolka ee Beledweyne, mararna iyaga ayaa noogu imaan jiray Buuloberde.

1970kii, cayaarihii gobollada Soomaaliya ee ugu horreeyey, laguna qabtey Muqdisho, ayaan ka mid ahaa cayaartooydii xulka Gobolka Hiiraan. Sannadkii xigay ee 1971, Cayaarihii dugsiyada dalka, ayaan kooxdii gobolka Hiiraan ee ardayda, ka mid ahaa, mar labaadna waxaan cayaar u imid Muqdisho.

1973 ayaan ku wareegay oo ka mid noqday Kooxdii Dawladda Hoose ee Muqdisho (Munishiibiyo). Waxay ila galeen heshiis, aan iyaga kooxdooda, Seria A-da, kaga mid noqday, waxaana la igu qaatey lacag, qiimaha markaas, nolosha Soomaaliya, heer sare ahayd 500 (Shan boqol) oo shillin Soomaali ah. Asxaab badan oo dalka caan ka ahaa, ayaa naadiga igu soo dhoweeyey. Waqtigaas Duqa Magaalada Muqdisho, waxaa ahaa Xasan Abshir Faarax oo aad u dhiiri-gelin jiray cayaaraha. Waxaan ka cayaari jiray difaac iyo weerar, No3. Laba sano ka dib, markaan ku soo biirey Kooxda Minishiibiyo, waxay ku guuleysatey markii ugu horreysey1975, in ay hanato Koobka Horyaalka Soomaal iyeed. Haddiiba waxaan caan ka dhex noqday Muqdisho iyo kooxha Seria-A, waxaana 1976, cayaarta Bariga iyo Bartamaha Afrika lagu qabtey dalka Kenya. Kooxdii aan anigu ka mid ahaa ee ahayd tii horyaalkii Soomaaliya qaaddey ayaa cayaarahan timid. Cayaartaas guul weyn kama aanan soo hoyn, waana nalaga soo badiyey.

Sannadkii 1978, dhaawac ayaa lowga iga gaarey. Sababtaas darteed, 1979-kii, Isbitaalkii Medina ee Muqdisho ayaa la dhigay, waxaana la iga qalay kuraankurta lowga. Seddex bilood ayaan halkaas jiifey, waxaana kharashka bixinayey Dawladda Hoose ee Muqdisho.

Laakiin xanuunkii waa sii batey, waxayna noqotey in Talyaaniga la ii qaado 1980-kii. Markaan soo noqdey, waan wadi kari waayey cayaarihii. Waxaan noqday xaas iyo carruur aan dhalay, ka dibna dalka Sacuudiga ayaan aadey 1981-dii. Halkaasna muddo seddex sano ah ayaan ka shaqaysanayey, waxaana dalka ku soo noqday 1984. Gobolka Jubada Hoose, magaalada Kismaanyo ayaa waxaan ka furtay dukaan Qalabka Dayactirka (Spare Parts), kaas oo uu gacan iga siiyey walaakey oo Bangiga Ganacsiga ee Kismaanyo ka shaqaynayey. Halkii markii hore aan caan ka ahaa cayaaraha, iminka waxaan caan ka noqday Kismaanyo, anigoo ah Cabbeey Spare Parts. Laakiin, Spare Parts kuma aanan joogine, 1986 ayaan mar labaad dib ugu noqday cayaaraha, anigoo markan la ii doortey Tababaraha Kubadda Cagta ee J/Hoose. Isla markaas waxaan sii gadaneyey dukaankii, ilaa laga soo gaaro bilowgii 1991, markaas oo dagaalladii Muqdisho ka dhacay, dad badani ku soo qaxay Jubada Hoose, gaar ahaan magaalada Kismaanyo. Xamar ayaan u soo qaxey, laakiin waxay noqotey ‘Gud ka guur oo Qanje u guur! Wixii aan hanti ku lahaa Kismaanyo oo aan Xamar la imid, dhamaanteed waa la bililiqaystey. Markii la soo gaarey 1992-dii, waxaan doon kaga soo qaxay magaalada Marka, waxayna na keentay magaalada Mombasa ee Kenya. Waxay ahayd markii ugu horreysey oo aan doon raaco, waxayna ahayd markii ugu horreysey oo aan Soomaaliya ka qaxey. Waxaan jidka ku sii jirnay 5 casho. Waxaa ii bilowday qaxitaanka:Kenya, sii marey Jabuuti, Sacuudiga, iyo ugu dambeystii, 1999, aan soo galay Yurub, dalkan UK.

Markaan London imid, waxaa ila socdey laba gabdhood oo aan anigu dhalay, Farxiyo iyo Kinayo. London waxaan ka degney dhinaca galbeed, xaafadda Ealing. Aniga iyo labadayda gabdhood waxaa nala dejiyey Hotel la yiraahdo Hangar Lane. Laba bilood gudahoodna waxaa nala dejyey guriga aan hadda ku nool nahay oo ku yaal Glof Lane oo ka tirsan Xaafadda Southall. Dalkan waxan ku joogaa qaxootinnimo buuxda (Ind).

10 Okt 2002, ayaa xanuun weyn, igu soo boodey. Guriga aan deganahay ayaa la iiga qaadey ambalaas, waxaana degdeg ah la i geeyey Ealing Hospital, iyadoo lugta bidix ay aahayd halka xanuunku wareemay. Isbitaalku wuxuu i siiyey kaniini xanuun dejiye ah, faleebana waa lagu shubay, laakiin nasiib-darro, dhaqtar aniga oo aan la kulmin ayaa muddo laba saac ku dhowaad ah la igu soo celiyey gurigaygii.

Seddex casho ka dib, mar labaad ayaa iyadoo ambalaas la igu wado, dib la iigu celiyey isbitaalkii, iyadoo markaan la igu qaadey Wheel Chair, xanuunka lugta iga hayana uu yahay mid aan la qiyaasi karin. Sidii kolkii hore ayaa waxaa la bilaabey in la igu duro laba faleebe, kii seddexaadna aniga ayaa diidey. Waxaan ku qaylinayey: 'war dhaqtar iigu waca'!

Waxba la iima qaban, waxaana anigu iskay ugu noqday gurigaygii. Subaxii xigey ayaa la ii geeyey dhaqtarka xaafadda, GP-kayga. Wuxuu ii diray in aan dhiig iska soo qaado, laba maalin ka dibna waxaan dib ugu noqday GP-ka, wuxuuna noo sheegay in lugta ay laba caallir (infaction) qabto, uuna raadinayo in la i jiifiyo Isbitaalka, iyo dhaqtar aqoon gaar ah u leh jiradan, anigana dib ayaa gurigayga la iigu soo celiyey, iyadoo ka dhigan in dhaqtarkii iigu maqan yahay in isbitaalka jiif la iiga diyaarinayo. Laakiin xanuunku intaas waa sii kordhayey, waana sii xumaanayey.

Halkaas, markay marayso, xanuunkii daqiiqad walba sii xumaanayo, lugtii bilowdey in ay joojiso nuuxsigii, ayaan la tashaday xaaskayga oo iyadu waqti dambe dalkan soo gashay, iyo rag aan saaxiibbo nahay. Waxaa la go’aansadey in 25kii Okt. 2002, aniga iyo gabadhada Farxiya aan ka baxno Garoonka Standstead, una ambabaxno dhanka Jarmalka. Waxaan ka degnay magaalada Bonn.

Nin ka mid ahaa xiddigihii Kubadda Cagta ee Soomaaliya, laguna magaacabo Shaash, kana tirsanaa Kooxdii Horseed, iyo xaaskiisa Xaliimo ayaa gacan igu siiyey in ay i geeyaan Isbitaalka ‘Johaness Hospital’ ee magaalada Bonn. Isla markiiba waxaa lagu bilaabey baaritaan lugtii. Muddo ku siman 5 saac, dhaqaatiirtu waxay go’aan ku gaareen in la qalo lugta. 4tii Nofember 2002 waxay go’aan ku gaareen in lugtu ayan caymo lahayn oo ay dhimatey, cudurkiina ilaa jilibka gaarey. Talo kale ma jirto. Waxaa loo wacay nin lagu magacaabo Jaamac oo Soomaali ah, shaqaalaha isbitaalkana ka mid ah. Waxaa loogu yeeray in uu ii fasiro talada dhaqaatiirta: lugtu in ay goyn tahay, si aniga naftayda loo badbaadiyo.

Halkaas ayaan ku waayey xubin ka mid ah xubnaha ugu qaalisan ee qofka. Halkaas ayey ku go’day lugtii aan goolal badan ku dhaliyey ama kuwo dhalan lahaa ku daafacay. Halkaas ayaa lixaadkaygii, dhamaanshaygii iyo awooddaydii qofeed, xubin aan ka soo kabasho lahayn, ku maqan tahay. Laakiin, gadaal iyo London, isbitaalkii Ealing, warqad uu u soo diray gurigayga ayaa igu wargelineysey in 10 Dec2002, aan imaado isbitaalka oo la jiifinayo. Laakiin, waqtigaas bil ka hor ayaa Jarmalku gooyeen lugtii oo ay sheekeen: in lugta aan kala imid England mar horeba dhimatay.

Waxaan rumeysan nahay in lugtaydu dayac iyo masuuliyad xumo xirfadeed ee ka timid GP-ga iyo isbitaalkeygii, ay la go’day. Waxaan bilaabey in aan u howlgalo in aan u dacwoodo magdhow.
Waxaa wareystay: C/qaadir Shire
London, 2004.

ISha: Taariikhda iyo Qormada - Shabakada Kasmo

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 25, 2005


Injineer Soomaaliyeed oo Lagu Diley Diinsoor
Eng. Max'ed Ibraahim Dheel oo 15 sano ku maqnaa dalka Mareykanka ayaa waxa uu Degmada Diinsoor ugu soo laabtay sidii uu gacan u siin lahaa dadkiisa, waana la diley, warkaas iyo Muqdisho oo uu wiil naftiisa ku waayay Xabad Sigaar ah... ka akhri..
HALKAN... GUJI...
Nov 7


Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD