SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - COMPUTER

"Yusuf Ali Trojan Horse" oo Dadka Internetka Dhex Mushaaxaya ka Xanibaya Websiteyada Qaawanaanta, waxana uu bedel kooda shaashada ka soo saarayaa Qur'aan....

  • Tarjumadii SomaliTalk.com | Sept 8, 2005

Qeexid: Trojon Horse = Waa barnmaij ku lingaxan barnaamij kale, kaas oo dhibatao u geysan kara computerka
Qeexid: Malware = waa barnaamijyo dhib u geysta computerada..

Waxaa beryahay internetka dhex wareegaya nooc kamid ah barnaamijyada loo yaqaan "Trojan horse", kaas oo dadka internetka dhex mushaaxaya ka xanibaya websiteyada qaawanaanta iyo websiteyo ay ku qoran yihiin erayo la xiriira qaawanaan iwm, sidaas waxaa shaaca ka qaaday shirkada Sophos oo kamid ah shirkadaha sameeya aaladaha lagaga hor tago Viruska Computerka.

Barnaamijkan oo toddobaadkan soo shaac baxay oo magiisa la yiraahdo Yusufali-A, waxa uu korka ka daalacanayaa am akala soconayaa websiteyada ay booqanayaan dadka adeegsada barnaamijka Windows, haddii websiteka ay booqdaan uu cinwaankiisa ku qoran yahay erayo uusan (yusufali-A) jeclaysan (sida "dhawr-iyo-jir", "xx", "galmo" ama iwm) markaas websitekii inta uu qarsoomo ayaa waxaa shaashada ka soo baxaya Qur'aan u qoran sidan:

"Ogow (kuna sugnow Nabiyow) inaan eebbe mooyee Ilaah kale jirin, una dembi-dhaaf-waydii naftaada iyo mu'miniinta Rag iyo Haweenba, Eebana waa ogyahay dhaqdhaqaaqiinna iyo nagaadigiinnaba"
Suurat Muxammad, Aayada 19-aad.

"Barnaamijkan (Yusufali-A) waxa uu kaga duwan yahay noocyada loo yaqaan 'malware' waxa weeye isaga oo aan isku deyayn in uu wax lacag ah xado ama xado xog sir ah laakiin wuxuu u dhaqmaayaa sidii in uu ilaalinayo edebka - waxa uu xanibayaa websiteyada uu u arko in ay yihiin kuwo aan booqasho ku haboonayn" sidaas waxaa yiri Graham Cluley oo ah aqoonyahay xagga teknoolojiyada ee shirkada Sophos. Waxana uu intaas ku daray "Dabcan waa dhici kartaa in uu barnaamijkani si khalad ah u xanibo websiteyo aan ahayn nooca qaawanaanta, sida websiteyo xagga caafimaadka la xiriira ama xagga dhaqanka oo loogu talo galay dhawr-iyo-jirrada".

Haddii websiteka uu barnaamijkani u arko mid aan daalacasho ku haboonayn uu furnaado muddo, waxa uu barnaamijka Yusufali-A shaashada computerka kasoo saarayaa dhambaal dhehaya "Guji halkan si aad uga baxdid", haddii markaa hagaha (mouse-ka) la dhaqaajiyo waxaa sanduqii dhambaalku ku qornaa isu rogayaa looxyo taagan oo ay dusha kaga qoran tahay erayada 'waxaan ku jira shabakad xiran' (OH! NO i'm in the Cage). Waxaana ka dul muuqda batoono ay ku qoran yihiin "kabax computerka, dami, ama istaar" ("LogOff, ShutDown & Restart"), hagaha waxa uu ka dhex muuqanayaa sanduuqaad. Xaqiiqadii saddexda batoon waa isku mid oo kii lataabta waxa uu sabab u noqonayaa in computerku damo.

"Yusufali-A Trojan waxaa dhici karta in ciyaar ciyaar loo qoray ama si xeel dheer loo qoray si loo nadiifiyo dabeecadaha dadka adeegsada Internetka' ayuu yiri Cluley. Waxana uu intaas kudaray "wax kasta oo ay ahaato sababtii loo qoray, dadka computerada adeegsada waxaa la gudboon in ay ay computerkooda kaga difaacaan barnaamijyada ka hor taga Visuska".

Tarjumadii SomaliTalk.com | Sept 8, 2005


Gabagabada kulan Cilmiyeedkii Koowaad ee Muqdisho
Waxaa xalay Lagu Soo gabagabeeyay masjidka weyn Alraxiim  ee  xaafada Towfiiq Kulan cilmiyeed diini ah oo ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo Muqdisho lagu qabto, xafladdii gabagabadana waxaa ka soo qayb galay... Warka oo dhan... Guji...

Ciidamo ka yimid Mustaxiil oo soo Gaarey Jowhar
Wararka ka imanaya Jawhar ayaa... Guji....

NORWAY::: Warbixin Bannaanbaxii Looga Soo Horjeedey Zenawi
Warbaahinta Norway ayaa ka hadlay bannaanbaxa... Guji Sept 6

Kulankii Soomaalida Woqooyiga Ameerika oo Lasoo Gabagabeeyey
Kulan diineedkii 5aad ee W/Ameerika oo saddexdii beri ee uu ka socdey Minneapolis oo ku dhamaaday guul 
Ka Akhri halka Sept 5

 

»Baaqa Baarlamaanka Puntland Ma Mid Wadaniyadeedbaa| kaashawiito
»Qoraal uu London kasoo saaray Inj. Sayid Axmed Sh. Daahir....
»
MAQAALADA KALE EE MAANTA::: KA AKHRI HALKAN... GUJI..


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD