SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOOMAALIYA

Puntland waxay kamid tahay Dalka Soomaaliya, CiidankaPuntland waxay ka mid yihiin Ciidanka Qaranka...

Puntland waxay ka mid tahay dalka Soomaaliya, ciidamada laga soo ururiyayna ee hada soo gaaray Jowharna waa qayb kamid ah ciidamada qaranka cid ka hor istaagi kartaana ma jirto inay Muqdisho iyo wadanka qaybihiisa kale tagaan, waa hadalkii gudoomiyaha Sh/Dhexe Maxamed Dheere.

Gudoomiyaha Sh/Dhexe Maxamed Dheere iyo saraakiil ay weheliyaan ayaa waxay intaa ku dareen in ay soo dhaweenayaan cid kasta oo doonaysa inay umada Soomaaliyeed u soo celiyaan darajadii ay laheed iyo sharaftii.

hadaba waxaan ugu baaqaynaa dadka ku andacoonayo in Soomaaliya ama Jowhar ay soo galeen ciidamo itoobiyaan ah inay ka waantoobaan baahinta arimaha qalqalka galinayo shacabka Soomaaliyeed, Hana ogaadaan in sharciga loo tiigsan doono afxumada ay ku hadlayaan.

Wararku waxa ay intaa ku darayaan in ciidamadan soo gaaray Jowhar ay ku yimaadeen si nabad ah ayna yihiin Ciidamadii xooga dalka ayna ka qaybqaadanayaa howlaha qaran ee ka socda jowhar iyo dalkaba, weerarna kuma aha Muqdisho.

Ciidamadan ayaa lagu soo waramayaa inay ku hubaysan yihiin aalado casriyeesan sida hubka lidka diyaaradaha qoryaha fudud gawaari gaashaaman iyo qalabka habeenkii wax lagu arko

somalishowtv zakaria aden (Xayow)
xayga4@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 8, 2005


Atlanta: Xaflad Dhaqaale Ururinta Jaamacadda Camuud  

Australia: Dumarka Soomaaliyeed oo ka cawday Ragooda Qaadka Ruuga | Warbixintii Xiish

Masar:dowlad da'a ah iyo dimoqoradiyad curdin ah
Faalladii Gurbiye... Qaahira

Soomaaliya iyo kenya oo heshiis Iskaashi kala saxiixday
Warbixintii Mumtaz ... Kampala


Gabagabada kulan Cilmiyeedkii Koowaad ee Muqdisho
Waxaa xalay Lagu Soo gabagabeeyay masjidka weyn Alraxiim  ee  xaafada Towfiiq Kulan cilmiyeed diini ah oo ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo Muqdisho lagu qabto, xafladdii gabagabadana waxaa ka soo qayb galay... Warka oo dhan... Guji...

Ciidamo ka yimid Mustaxiil oo soo Gaarey Jowhar
Wararka ka imanaya Jawhar ayaa... Guji....

NORWAY::: Warbixin Bannaanbaxii Looga Soo Horjeedey Zenawi
Warbaahinta Norway ayaa ka hadlay bannaanbaxa... Guji Sept 6

Kulankii Soomaalida Woqooyiga Ameerika oo Lasoo Gabagabeeyey
Kulan diineedkii 5aad ee W/Ameerika oo saddexdii beri ee uu ka socdey Minneapolis oo ku dhamaaday guul 
Ka Akhri halka Sept 5

»Baaqa Baarlamaanka Puntland Ma Mid Wadaniyadeedbaa| kaashawiito
»Qoraal uu London kasoo saaray Inj. Sayid Axmed Sh. Daahir....
»
MAQAALADA KALE EE MAANTA::: KA AKHRI HALKAN... GUJI..


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD