SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Guddoomiyaha Baarmalaanka oo kula kulmay  laba senator Magaaladda Washington D. C.


Coleman/Dayton meet with Somali Parliament Speaker and Dpty Prime Minister
On September 12th, 2005


Waxaa maanta (Sept 12) ka dhacay xafiiska Sentator Coleman ee ku yaal Magaalada Washington D.C. kulan u ka qeyb galay, Guddoomiaya Baarlamaanka Federaaliga KMG ah ee Jamhuuriyada Soomaaliyeed Md. Sharif Xasan Sh. Aden, Wasiirka Warfaafinta ahna Ra’iisul wasaare ku xigeenka 1aad Md. Mohamud Jama Sifir, Md. Zakaria Mohamud Haji Abdi, Dr. Cali Khalif Glayr iyo Mr. Xasan Saciid oo ka tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Washigton D.C..


Kulankaas waxaa ka soo qeyb galay dhinaca Mareykanka laba Senator oo kala ah Senator Comelman iyo Senator Dayton oo laga soo doorto gobolka Soomaalidu ku nooshahay ee Menisota. Kulankaas waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo kala duwan. Guud ahaan waxaa laga siiyey warbixin guud oo dhinac walba taabanaysa.

Waxay uga warameen ujeedada socdaala Mareykanaka, ka dib, waxay uga warameen xaalada murugsan ee Soomaaliya manta mareyso iyo khilaafka ama kala qeybsanaanta haatan ka dhux jirta Hay’adaha Dowladda Federaaliga ah (TFI’s) iyo waxa lagu kala qeybsamay. Sidoo kale, waxay u soo bandhigeen baahida deg deg ah ee Soomaaliya u baahay iyo kaalinta ama taageradda loo fidin karo Soomaaliya si wax looga qabto dhibaatadan daba dheeratay iyo sidoo loo kobcin lahaa hay’adaha dowladda tayadooda iyo wax qabadkooda.

Waxay sidoo kale lagu qeexay ahamiyada go’aanki golaha amaanka iyo dadaalka nabadeed ee uu wado ergayga gaarka ah ee qaramada modoobay Amb. Fall ee looga dan leeyahay in khilaafka lagu soo afjaro iyadoo axdigu saldhig u yahay.

Inta waxa sii dher in la tilmaamay in manta loo baahayn in Soomaaliya laga dhisho maalmul ku dhisan dimoqraadiyad saldhigeedu yahay rabitaanka shacabke, saraynta sharciga, xukun wanaag iyo ku dhaqanka sharciga si loo soo afjaro kala danbayn la’aanta dalka ka jirta iyadoo wax kastaba loo marayo wado nabadeed, sababta oo ah Soomaali wey ka daashay colaad iyo dagaal, waxay u baahan tahay nabad, xasilooni iyo adeeg kala duwan, arrimahaasna laguma gaari karo, ilaa la helo, kalsooni iyo is aminid salka ku haysa wada shaqeyn wax kool ah iyo in qof walba in laga ilaaliyo wixii dhibaya laguna tix galiyo rabitaankiisa sharciga waafaqsan, si loo dhiso wax Soomaali u wada cuntama sida ummaddaha kale.

Warbixinta ka dib, labada Senator, waxay soo bandhigeen su’aalo dhowr ah, oo ay ka mid ahayeen sida ay wax ula qaban karaan Baarlmaanka ama Soomaaliya guud ahaan.


Kulankaasi wuxuu ku dhammaaday guul, iyo in kulankan la sii wado lana sii balaariyo, si loo gaaro wada shaqeyn buuxda oo dan u ah labada dal iyo labada shacab.


wixii faahfaanin ah fadalan booqo cinwaanka

http://coleman.senate.gov/


Madaxweynaha Soomaaliya oo ku sugan Xarunta Qaramada Midoobay

  • Kulan Dhex Maray C/Laahi Yuusuf iyo Kofi Annan

Sawirka madaxda adduunka

Wafdigii uu hogaaminayey Madaxweynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa gaaray Xarunta Qaramada Midoobay ee New-York oo uu ka socdo shirkii lamagac baxay (UN.MILLENIUM)oo ay ka soo ka qeyb-galeen Madax gaareysa 160, oo ka kala yimid Daafaha ADuunka.

Madaxweynaha iyo Wefdigiisa,oo ka soo degay xalay New-York International AirPort, ayaa waxaa si weyn oogu soo dhaweeyay Madaarka Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool  Dalka Mareykanka,oo ay hogaaminayeen Fanaaniin, oo ay ka mid yihiin Saado Cali warsame, Axmed Cali Cigaal iyo Maxamed C/laahi Sangub iyo Fanaan kale oo aan halkaan ku soo koob karin.

Wefdiga Madaxweynaha ayaa ka qeyb-galay casho sharaf xalay loo sameeyay Madaxda Dunida oo ka dhacday, Magaalada New-York, C/laahi Yuusuf oo uu safarkani u yahay kii oo gu horeeyay oo uu ku tagay Dalka Mareykanka tan iyo waagii loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu kulamo gaar ah la qaato Madaxda Aduunka, isagoo kulankiisii oogu horeeyay maanta la yeeshay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Koffi Annan.

Qodobada oogu muhiimsan oo laga hadlayo kulankan ayaa ka mid ah:

1-ka hortaga Argagaxisada.
2-ka hortaga Macluusha.
3-Isbedel lagu sameeyo hanaanka Hey'ada Qaramada Midoobay.
4-In la balaariyo kuraasta loo yaqaan (SECURITY-COUNCIL).
Iyo qodobo kale oo u qarsoon

Madaxda shirka Wefdiga balaaran oo uu hogaaminayo Madaxweynaha waxaa ka mid ah Xubno ka kooban Wasiiro, oo ay ka mid yihiin:

1-Wasiirka Arimaha Dibeda:Mudane C/laahi sheekh ismaaciil.
2-Wasiirka Horumarinta Reer Miyiga:Mudane Maxamed Maxamuud Gacmadheere.
3-Wasiirka Dekadaha:Mudane Cali ismaaciil Giir.
4-Wasiirka Madaxtooyada:Mudane Khaalid Cumar.
5-Wasiirka Warfaafinta:Mudane Maxamuud Maxamed Xayir.
6-Wasiir-kuxigeenka Haweenka:Khadiijo Diiriyo iyo Xubno kale.
Maalinimada Beri oo ay ku beegan tahay Jimco 16ka Septembar ayaa lagu wadaa in Madaxwenaha Soomaaliya uu khudbadiisa ka soo jeediyo kulanka loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.

Xuseen Yaasiin Gode-Gode

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 15, 2005


Maxaa Run Ka ah Hadalkii "Wakiilka" Terry u Fadhiya Magaalada Garoowe
Mucaawinadii uu Soomaaliya u soo diray Brian Morrison laakiin wakiilka Terry uu sheegay in Guji

Maxamuud Wardheere oo Ku Baaqay in Masaajidada iyo Culimada Islaamka la Ixtiraamo
Qoraal uu Minneapolis ka soo saaray ayuu Guji


»Digaag Gata si Puntland Shidaal Loogu soo Saaro| C/waxid
»»
Jowhar Ma Masaaru- Shariif baa? |  Amiin Yuusuf

Puntland maku Tusaale Qaadan Doontaa Khiyaamadii Ku Dhacday Somaliland iyo Ra'iisul Wasaare Geedi
Xabsigii loo taxaabay Mr. Meier kaddib markii ay ka fashilantay shirkadii shidaalka ka baari lahayd... Guji...


Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD