SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KHAYRAADKA DABIICIGA


December 2002: Heshiis ayaa dhex maray madaxda Somaliland iyo nin lagu magacaabo Meier oo reer Norway ah. Mr. Meier oo uu lasocdey nin asakiisu Hindi yahay oo la yiraahdo Rajan wax ay la kulmeen Daahir Rayaale Kaahin, heshiiskana waxaa la saxiixay wasiirkii Biyaha iyo Khayradka Dabiiciga ah, Mohamed Abdi Farah (Malow).

January 2005 ayey ahayd markii afar dhakhtar ay shegeen in ay woqooyi bari Soomaaliya u safri doonaan bisha Febraury. Dhakhaatiirtaas oo kala ahaa Graham Forward, Wayne Pennington, Mark Salib iyo Debbie Wilson (kalkaaliso). Bishii Febraayo ayey dhakhaatiirtaas reer Australian ah waxay Puntland u yimadeen in ay caawinaad gaarsiiyaan dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartey bad-gariirka (Tsunami).

Waxaa dhakhaatiirtaas soo racay Terry oo reer Australia ah oo markaas sheeganayey in uu ka socdey hay'ad samofal oo caawisa carruurta magaceedana la yiraahdo "Kids In Need".

May 2005: Waxaa magaalada Nairobi ku kulmay Ra'iisul wasaaraha DFKMG iyo mr. Meier oo uu la socdo wiil la yiraahdo C/raxmaan Liibaan oo reer Norway ah. Wiilkii waxaa markiiba loo magacaabay Qunsulka Soomaalida u fadhiya Norway, ninkii reer Norwayna lataliyaha gaarka ah ee Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya kala taliyaha arimaha soo saarida Shiidaalka.

June 10, 2005: Terry waxa uu ka mid noqday wafti uu hoggaminayey madaxweyna DGPL, Gen. Cadde Muuse, waftigaas oo sii maray dubai, kaddibna aadey Nairobi si ayug aqayb galaan xafladii guuritaanka e DFKMg ayugu guureysey Soomaaliya. Waxaa kale oo waftigaas ka mid ahaa Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirika Caalamiga ah ee DGPL, Dr. Faroole. [Eeg halkan]

Waftigii Puntland, Markii ay Nairobi tageen waxay la kulmeen madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha DFKMG, halkaas oo ay ku kala xanaaqen Gen. cadde Muuse iyo C/Laahi Yuusuf kadib markii DFKMG diidey in heshiis loo saxiixo Terry. [Eeg halkan]

August 25, 2005: Ayaa waxaa si weyn u soo shaac baxay heshiiska hoose ee DGPL l agashay Terry in uu ku saabsan yahay dhammaan waxa ku jira dhulk ahoos tiisa, sida macdan, bartool ama gaas. Heshiiskaas oo si qarsoodi ah u socdey.

August 26, 2005: Waxaa maxkamad lasoo taagey ninkii Reer Norway ee heshiiska la galay Somaliland, noqdayna lataliyaha gaarka ah ee Ra'iisul wasaaraha DFKMG ee xagga soo saarida shiidaalka, mr. Meier.

August 28, 2005: ayaa ra'iisul wasaraha DFKMG waxa uu war ka soo saaray magaalada Nairobi uu shaaca kag aqaadayin heshiis caalami ah oo ay gasho Puntland uu yahay waxba kama jiraan... [Eeg Halkan]

August 29, 2005: ayaa DGPL waxay u jawaabtey hadalkii Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, ayagoo soo saaray war saxaafadeed uu ku saxiixnaa Axmed Cabdi Xaabsade oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha & Amniga ee DGPuntland. [Eeg halkan]

Madacweyne kuxigeenka DGPL Maxamed cali Yuusuf GaagabAugust 31, 2005: Magaalaad Dubai ee dalka isutaga imaaraadka carabta waxaa heshiis ku saabsan baaritaanka khayraadka dabiiciga ah kala saxiixday Terry iyo DGPL, waxaana heshiiskaas goob joog ka aha madaxweynaha DGPL iyo wasiirka maaliyada (Dr. Gaagaab).. [Eeg halkan]

September 9, 2005: Madaxweynaha Soomaaliya, C/Laahi Yuusud Axmed oo jooga Jawhar ayaa yiri: "Sharci ahaan marka maanta in Puntland laga gar leeyahay anaa maanta qiraya, weliba Puntland-na waa ka imid, waana ku dhashay, madaxweyne waa  u ahaa, ninkii dembi gelayaa yeelkiis anigu lama wadaago, ninkii khalad gelayaa yeelkiis." [Eeg halkan]

Madacweyne kuxigeenka DGPL Maxamed cali Yuusuf GaagabSeptember 10,2005: Wasiirka maaliyada DGPL, Dr. Gaagaab ayaa shir ku qabtay Boosaaso, waxana uu sheegay shirkada bishiiba ay bixin doonto $200,000 iyadana ammaankeeda loo sugi doono, waxana uu sheegay in ay hawsheeda bilaabi doonto October 2005. [Eeg halkan]

Digaag Gata, si Puntland Shidaal Loogu soo Saaro 

cabdiwaaxidC/Waaxid C/hi Khaliif


Lonodn, UK

cabdulwaxid@hotmail.com 

Sept 14, 2005


Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

Wasiirka Maaliyadda Puntland Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) baa laga hayaa inu yiri: shirkadda Corsort la yiraahdo ayaa Puntland shidaalka ka baareysa. Wuxuu sheegay in aysan shirkaddu heysan dakhli ay wax ku baarto marka ganacsatada reer Puntland baa laga rabaa iney iibsadaan digaag si shirkaddu lacag u hesho dabadeedna shidaal loo soo saaro! Kalluunkii Puntland baa kooxo bucad ahi dhaceen marka ma haddaad   rabtaan inaad digaag   dadka ka gaddaan? 

Awal baa Puntland heshiish la gashay Itoobiya si ay kalluun uga bedelato qaad/jaad; maantana waxay maraysaa digaag aan gadanno iyadoon bedel lahayn. Weligay heshiis noocaas ah ma maqal xitaa sheekooyinka khiyaaligaa kuma arag. Keliya, gumeysiga oo xoog wax ku qabsada ayey arrinta wasiirku ka suurtoobi kartaa. Bal u fiiri oraahdii hal-abuur Sangub oo ahayd: 

Ø       wanka macasha ii qabo

Ø       adna gowrac ii maro

Ø       dhiiggana aan muudsado 

Hadda wasiirku wuxuu leeyahay digaag gata dabadeedna lacagtiinna ayaan shidaal idiin ku baareynaa. Wasiirku ma fahmi la’yahay in lacagta dadku ay iyagu leeyihiin oo aan heshiis aysan iyagun raalli ka ahayn loo geli karin? Wasiirka waxaan ku leennahay: annagoon digaag gadan maan lacagtayada ku raadsanno shirkado shidaalka noo qoda oon innagu xulunno? Caqli ruuxa lihi wuxuu fahmayaa in wasiirka ka wado: ganacsatada Puntland wey heysaa lacag shidaal lagu qodo marka si looga soo saaro, digaag halaga gado! 

Lafdhabarta dhaqaalaha Soomaaliyeed waa xoolaha nool. Xoolihii noolaa oo la gadan la’yahay ka warran wasiirka leh ha la gato digaag laga keenay waddamo kale? Teeda kale haddii wasiirku ogaanlahaa dhibaatada kala heysata digaagga (shimbiro) iyo waddama dhaqda; maanta kuma hadleen hadalladaas. Qofkii akhbaarta caalamka kala socda  saxaafadda ooy ku jirto BBC-da laanteeda Afsoomaaliga iyo warbaahinta kale ee Soomaaliyeedba iney sheegaan khatarka uu adduunka ku hayo cudurka  la yiraahdo hargabka/durayga shimbiraha (bird flu) oo uu keeno feyras. Waddamadii qaniga ahaa baa hadda digaaggoodii qabbiray oo u diiday iney bannaanka istaagaan si uusan u qaadin cudurkaas; marka sidee lagu fekeray in digaagga khatarkaas ku jira  la keeno waddan Soomaaliya oo kale ah oo xitaa manaafacaadsan la’ hilibka xoolaha iyo kalluunka? Xoolaheennii noolaa oo caafimaad qaba baa hadda waddamada Khaliijku leeyihiin waa jirranyihiin! Waxay waddamadaasi fahmayaan dhibta ay keenikaraan xoolo jirran. 


Shirkada Digaaga iyo shidaalka ee Boosaaso, Soomaaliya

Maxaa arrintaas ku xambaari kara wasiir lagu tuhmayo in magaciisa laga hormariyo “Dr?” Maaddaama la xaqiijiyey in sun khatar ah lagu duugay Soomaaliya oo dhan ooy Puntland ku jirto. Lana xaqiijiyey in nimanka dullaaleyda u ah dagaaloogayaashu ay magacooda ka hormariyaan “Prof.” ama Dr. Waxaa cad in Xaafuun iyo aag dhan oo Puntland ka mid ah laga gaday shirkad iyaduna aan lacag heysan laakiin ay dhici karto in la yiraahdo sigaar halaga iibiyo si lacagta sigaarkaas ka soo baxda, Puntland loogu sameeyo dekedo, garoommo diyaaradeed iyo waddooyin laami ah! 

Waxaan shacabka Puntland u sheegayaa haddaad maqli jirteen dhukaan, sambab, qanje iyo cudurro kale oo xoolaha keliya lagu maleynjiray in hadda hargabka shimbirahu  ku dhici karaa dadka. Sidoo kale waxaa loo malaynayaa in dadku kala qaadi karaan. Feyraska uu keeno hargabka  dadka ku dhaca waxaa la dagaalama difaaca jirka oo garanaya. Inta badan wuxuu hargabku dilaa dadka waaweyn, carruurta yaryar iyo dadka cudurada kale diloodeen. Laakiin hargabka shimbiruhu noo soo gudbin karaan wuxuu keenayaa in feyraskaasi bedesho barootiinkiisa ku daboolan dabadeedna uu ka raadgato difaaca jirka. Mar haddaan difaaca jirku garin kain cudurka, waxay keeneysaa in torob torob loogu dhinto iyadooysan jirin si loola tacaalo. 

Marka dadka reer Puntland waxaan ugu qalbiqaboojinayaa inay jiraan dad ka dhamqanaya dhibka dadka iyo degaanka lagu hayo. Marka, inkastoo idinkoo soo taagan la idin iibsaday haddana waxaa idiin maqan dad badan oo aruurinaya feylasha lagu qoroyo dadka sunta, xaalufka iyo iibka ka wada geyigeenna. Marka shacabkii waxaa ka soo haray iney sidii Ismaaciil Mire dhahaan: 

Ø       ilmaroojihii bey khatalay kii aan aamminaye (hadda madaxda Puntland)

Ø       amakaagay goortay wankii arraxda tuujeene

Ø       anigoo arkaayaa gacmaha la igu iibsadaye 

Sida Soomaalidu u tiraahdo: raggu jabkiisuu sheegtaa ayaa Ismaaciil Mire Allaha u naxariistee gabaygaas ku bilaabay: 

Ø       nimanyahow awoow iyo awoow iyo abkaan sheegto

Ø       iyo anigu weligay ma arag iibsi lacageede 

Waxaa kaloo la rabay haddaysan madaxda Puntland garin karin cidda heshiis lala geli karo iyo waxa dhib ah oo ka imaan karta iney weydiiyaan dadkii garanaya. Sidii Nabigu (SCW) xaddiiska ugu sheegay in dawada jahligu tahay weydiinta.

C/Waaxid C/hi Khaliif
Lonodn, UK

cabdulwaxid@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 14, 2005


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD