SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Gen. Morgan iyo Col. Hiiraale oo Isku Salaamay shirkii Magaalada Dayniile..

            Waxaa maalintii shalay ahayd deegaanka Deyniile oo uu ka arrimiyo wasiirka amniga Qaranka Max’ed Qanyare Afrax ka dhacay shir aad u baalaran oo ay isugu yimaadeen siyaasiyiin ay ka mid ahaayeen Max’ed Qanyare Afrax, Barre Aadan Shire, Muuse Suudi Yalaxow, Cusmaan Caato, Max’ed Ibraahim Xaabsade, Yuusuf Indha-Cadde iyo Gen. Morgan waxana kulankaasi looga arrinsanay arrimo fara badan oo soo wajahday Dowladda Federaalka kaddib markii xubnaha ku sugan Muqdisho ay sheegeen in ciidamda lagu uruuriyay Jowhar loo diyaarinayo wax ay ugu yeereen dagaal la doonayo in lagu soo qaado Muqdisho.

Kulankaani waxa uu lahaa muhiimad gaar ah waxaa wanaagsan isu salaamay oo isku gacan qaaday Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) iyo Gen. Max’ed Xirsi Siciid Morgan oo iyagu ku dagaalamayay gacan ku haynta Magaalada Kismaayo. Labadaani nin markay ay is gacan qaadeen waxaa u dhacay sacab aad u fara badan waxaana mid walba ka muuqatay farxad iyo raynreyn. Gen. Morgan iyo Col. Hiraale waxa aysan is arag muddo ku dhow toban sano iyagoo dagaalkii ugu dambeeyay ee uu Gen. Morgan ku qaado magaalada Kismaayo uu ahaa bishii September ee kal hore gaar ahaan maanta oo kale, iyadoo dagaalkaasi ay ku dhiteen dad aad u fara badan.

Gen Moorgan oo waayadan ku sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa mar la wareystey wuxuu sheegay in uusan mar dambe ka qayb qaadan doonin dagaal sokooye oo uu sheegay in aan lagu gaareen wax guul ah.

            Generaaku  wuxuu kaloo sheegay in uu diyaar u yahay in la kulmo cid kasta oo wax ka tirsaneyso haba Noqoto waqtigii uu socdey Dagaalkii Sokeeye iyo kii Maxamed Siyaad Barre,  waxaa kale uu sheegay in la gaaray waqtigii ummadda soomaaliyeed laga saari lahaa dhibaatada.

            Gen Moorgan  iyo Barre Hiiraale waxaa la doonayey in la kulan siiyo waqtigii uu socdey shirkii Baraawe waxaana la sheegay in kulankaas uu u baaqdey arrimo farsamo waxaa la filayaa in maalmaha soo socda la kulansiiyo Generaalka iyo Corneylka.  

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

 

Shirkii shalay ka dhacay deegaanka Deyniile

Qanyare oo sheegay in aysan marnaba tanaasuli doonin Haddii aan ..

            Waxaa maalintii shalay ahayd deegaanka Deyniile ka dhacay kulan aad u balaaran oo ay isgu yimaadeen xubnaha sida aadka ah uga soo horjeeda dowladda Federaalka ee ku sugan Magaalada Jowhar waxaana xubnahaasi ka mid ahaa Wasiirka Amniga Max’ed Qanyare Afrax, Wasiirka ganacsiga Muuse Suudi Yalaxow, Wasiirka Howlaha guud iyo guryeynta Cismaan Xasan Cali Caato, wasiirka dib u dhiska iyo dib u dejinta Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale), Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Cismaan Cilmi Boqore, xildhibaan Max’ed Ibraahim Xaabsade waxaan xubnahaani qado u sameeyay wasiirka amniga Qaranka Max’ed Qanyare Afrax oo sheegay mar uu halkaasi ka hadlay in aysan marnaba tanaasuli doonin. “Haddii aan tanaasulno waxaan shacabka u sheegeynaa in aan ka tanaasulnay in Muqdisho aysan Caasimad, in dalka la keeno ciidamo shisheeye IWM, waxaana ku taagan nahay axdiga ku meel gaarka ah” ayuu yiri Max’ed Qanyare Afrax oo sheegay in dhinaca kale aysan marnaba ogoleyn in wixii khilaaf ah lagu dhameeyo wada hadal iyo is afgarad, waxa kalloo ka hadlay Muuse Suudi Yalaxow oo si kulul u weeraray dowladda Itoobiya oo uu sheegay in aysan rabin in Soomaaliya ay ka dhalato dowlada, xitaa waxa uu sheegay in xitaa ay diiday in Muqdisho ay noqoto Caasimad. waxaa kalloo ka hadlay xildhibaan Max’ed Ibraahim Xaabsade oo sheegay in khilaafka Dowladda loo baahan yahay in uu noqdo mid lagu dhameeyo wada hadal iyo is afgarad ee uusan noqon dagaal iyo IWM

            Dhinaca kale Salaad Cali Jeele oo ah wasiir ku xigeenka warfaafinta ee dowladda Federaalka oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Jowhar ayaa waxa uu ka waramay shirarka maalmahan uga socda qaar ka mid ah Dowladda Magaalada Muqdisho, wuxuuna shirarkaani ku tilmaamay kuwo aan waafaqsanayn shuruuucda iyo axdiga ku meel gaarka ah.

            Mar uu ka hadlayay shirka la damacsan yahay in uu ka dhaco Magaalada Balcad ee Gobolka Sh/dhexe waxa uu yiri Salaad Cali Jeele “shirkaasi waxaa u aragnaa mid la doonayo in lagu abuuro daandaansi dagaal wixii ka yimaada oo dhibaato ah mas’uuliyadeeda waxaa qaadi doona ciddii soo abaabuyshay” wuxuu intaasi sii raacyay “wuu dhamaaday waqtigii kooxeysiga waayo dhamaan ururadii ka jiray dalk waxay u xuubsiibteen qaab dowladadeed”.

Waxaa maalintii shalay ahayd Hotel Ramadaan ee Magaalada Muqdisho ka dhacay kulan ay isgu yimaadeen Siyaasiyiin, waxgarad iyo Odoyaal ka tirsan beesha Mudulood waxaana kulankaasu looga hadlayay dhaqdhaqaaqa shireed ee maalmahan ka socda Magaalada Muqdisho iyo shirka la doonayo in lagu qabto Magaalada Balcad ee Gobolka Sh/dhexe waxayna xubnihii ka qaybgalay shirkaasi ay u soo jeediyeen kuwa qabanqaabinaya shirkaasi inay ka tanaasulaan shirkaasi oo ay joojiyaan.

            “Waxaan og nahay in shirkaasi uu keenayo dhiig hor leh oo ka dhex daata siyaasiyiinta Soomaaiyeed mana doonayno, waxaan ka soo horjeednaa in shirkaasi uu ka dhaco Balcad ee Gobolka Sh/dhexe, dadweynaha waxaan u soo jeedinaynaa in arrintaasi ay ka hor tagaan” ayuu yiri Nabadoon Muriidi Dalfac.

            Xubnihii kale ee halkaasi ka hadlay waxaa ka mid ahaa nabadoon Casho Beereey oo isna yiri “Dad aan u dhalan deegaankaasi ma tagi karaan waana uga digayaa, wixii ka yimaadana iyaga ayaa mas’uul ka noqon doona”.

            Xubnihii kale ee halkaasi ka hadlay waxay u soo jeediyeen xubnaha kale ee Beesha Mudulood ee qabanqaabinaya shirakaasi in arrimaha beesha Mudulood ay faraha kala baxaan.

             Sidoo kale Golaha Guurtida Hawiye ayaa soo saaray war saxaafadeed ku saabsan xaaladda maalmahan ka jirta Magaalooyinka Jowhar iyo Muqdisho ee lagu wado abaabul dagaal, wuxuun goluhu ugu baaqayaa labada dhinac in ay joojiyaan abaabulka dagaal waayo ayay yiraahdeen maanta shacabka Soomaaliyeed waxa uu u baahan yahay wax u qabasho iyo gargaar

.           Golaha waxa uu si aad ah uga xumaaday dhacdadii ay gaysteen shaqsiyaad ka tirsan ururka USC/SNA ee Cakaaro kaddib markii golaha lagu yiri isaga guura xafiiskii ururkaasi uu ku lahaa KM-5 sidaa drteed qof kasta waxa uu xaq u leeyahay in Muqdisho oo uu ka dego meeshii uu doonayo ururkana waa in uu jawaah ka bixyaan falkaasi waxaan qorlaakaani na soo gaarsiiiyay afhayeenka golaha C/llaahi Cabdule Weheliye

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Sept 17, 2005


  • Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo Qaabilay Madax ka tirsan dunida
  • Wasiirka Arrimaha Dibadda DFKMG oo Khudbad Ka Jeediyey Kulankii Madaxda Adduunka ee Lagu Qabtay Xarunta Qaramada Midoobey...
  • Reysalwasaare Geedi oo Xafiis ka furanaya Magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo Qaabilay Madax ka tirsan dunida

Sept 17...Jowhar.Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane cabdullahi Yuusuf Axmed ayaa Hotelka uu dagan iyo Xarunta uu Shirka ka socdo ee New York ku qaabilay Madaxweynayaal,Raiisul Wasaarayaal,Wasiir Arrima Dibadeedyo iyo Xoghayaal Guud.

Madaxweyne Yuusuf Madaxda uu la kulmay waxaa ka mid ah Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Ra'iisul Wasaaraha Itobiya Mudane Meles Zenawi, Ra'iisul Wasaaraha Sweden, Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Liibiya C/ramaan Shalqam,Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda carabta Al-saydi Camir Mussa, U-qeybsanaha Xoghayaha Guud ee Qaramadda arrimaha Joojinta Colaadaha iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Boqortooyadda Maroko

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane cabdullahi Yuusuf waxa uu Masuuliyiintaasi uu la kulmay uu uga warbixiyay Dadaalka ay Dowladda federaalka KMG ee Soomaaliya ay ku dooneyso soo celinta Amaanka iyo kala dambeynta iyo sidii loogu dhisi la Hay'adihii Sharciga, wuxuuna Madaxweynayaasha, Ra'iisul Wasarayaasha uu ka codsaday in Dowladiisa gacan lagu siiyo sidii ay dib ugu hanan laheyd Qaranimadii Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG Mudane Cabdullahi Yuusuf Axmed waxaa la filayaa in saacadaha soo socda uu la kulmo Wadahadalana uu la yeesho Madaxda kala ah Raaisul Wasaraha Kanada, Madaxweynaha Dalka Shiinaha, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Ruushka, Madaxweynaha Ciraaq iyo ku-xigeenka Xoghayaha Arrimaha dibadda ee Dalka Mareykanka. 

Isha Warka:: Xafiiska Ra'iisul wasaaraha | Jawhar, Soomaaliya


Wasiirka Arrimaha Dibadda DFKMG oo Khudbad Ka Jeediyey Kulankii Madaxda Adduunka ee Lagu Qabtay Xarunta Qaramada Midoobey...

  • Tarjumadii SomaliTalk.com | Isha: UN.org | Sept 16, 2005
Photo
Wasiirka Arrimaha dibada DFKMG, Cabdullahi Sheikh Ismaaciil. Inkasta oo sawirkaan ay AP ku tilmaantay in uu yahay Madaxweynaha DFKMG, Cabdullaahi Yusuf Axmed oo ka khudbaynayey Qaramada Midoobey, balse sawirku waa wasiirka oo Qaramada midoobey ka khudbaynayey. Eeg halkan

Hadalkii Wasiirka oo dhamaystiran oo ku qoran Af Ingriisi Ka Ka Akhri Halkan... GUJI


Wasiirka Arrimaha dibada DFKMG, Cabdullahi Sheikh Ismaaciil, ayaa Jimcadii (Sept 16) khudbad dheer waxa uu ka jeediyey xarunta Qaramada midoobey oo ay isugu yimaadeen madaxda adduunka.

Khudbadiisa oo SomaliTalk.com si kooban u tarjumtey waatan:::

Wasiirku ugu horayn waxa uu Maraykanka uga tacsidayeeyey dadkii ku tabaaloobey duufaantii ka dhacday aagga ku xeeran gacanka xeebta Koonfureed ee Maraykanka, halkaas oo ay dad badani ku dhinteen, kumanaal kalena ku barakacen, ayna ku burbureen magaaloyin badani, taas oo uu ku tilmaamay mid ay dadka Soomaaliyeed dareemi karaan xanuunka soo gaarey dadka Maraykanka.

Kaddib waxa uu u mahad celiyey qaramada Midoobey oo u dabaal degeya 60-guuradeedii. Waxana uu Qaramada Midoobey ku ammaanay horumarka ay ka geysatey xagga nabadda iyo arrimaha dhaqan-dhaqale. Inkasta oo uu xusay in aan la ankiri karin dib u dhaca soo maray taariikhda Qaramada Midoobey.

Kaddib waxa uu xusay in weli dunida ay dhibaatoyin badani ka tagan yihiin, sida iska-horimaadyo, iyo fakhri kuwaas oo loo baahan yahay in wax laga qabto.

Aqoonsiga xuquuqda dadka reer Falastiin in ay yeeshaan dal ay leeyihiin oo ku dhinac yaal Israel, iyo Bariga dhexe oo nabad ah waa aasaaska yoolka ay tahay in la gaaro si loo xoojiyo nadaba adduunka.

Waqtigan oo ah xilliga ka dambeeya dagaalkii qaboobaa, iska hor imaadyadii gudaha waxaa bedeley iska hor imaadyo dalal ee arimaha caalamiga ah, arintan cusub oo u baahan in waji cusub lagu eego si loo gaaro xasilooni goboleed iyo mid caalami ah.

Waxa loo baahan yhay qarnigan in dib u habayn lagu sameeyo Qaramada Midoobey si ururkaas looga dhigo mid sida uu yahay kasii Dimoqraadisan, kana jawaabi og arrimaha caalamiga ah, ahna mid waxa uu qabanayo ay waadax yihiin.

Kaddib waxa uu ka hadlay arrimaha Soomalaiya, oo uu sheegay in iska hor imaadyadii ka jirey 14kii sano ee la soo dhaafay loo aanayn karo beesha caalamka oo ku guul daraysatay in ay jawaab ku haboon ka bixiyaan. Waxana uu intaas ku daray in dagaalkii ahliga ahaa uu Soomaliya ka dhigay meel gebi ahaanba afka ciida gashatay, ha noqoto xag maamul iyo xag qaab dhismeed guud ahaan, taas oo cawaaqib xun reebtay.

Waxana uu intaas ku daray in dadka Soomaaliyeed ay rabaan isla mar ahaantaasn ay mudan yihiin in beesha caalamku ay si firfircoon arimohooda wax uga qabato oo aan laga huleelin ama aysan u rajo dhigin.

Waqtigii tegey waxa uu la tegey dhammaan murugadiisii, laakiin hadda arintu waxay tahay in taageeradii beesha caalamka ee la ilaawey ay hadda taagan tahay. Beesha caalamku waa in ay ka qayb qaataan dib u soo noolaynta qaranka oo ay dhinac istaagaan isku dayganaga dib u dhiska qarankayaga halkii ay isku mashquulin lahayeen wax aan sidaas u buurayn ama usii ridnayn.

Waxana uu xusay in aan la ilaawi karin dawladaha xubnaha ka ah IGAD, Midowga Yurub, Ururka Carabka iyo Qaramada Midoobey taageeradii ay ka geysteen shirkii Soomaalida mudada 3da sano ku dhow uga socdey Kenya. Waxana uu si gaar ah ugu mahad naqan Dawlada kenya iyo Koffi Annan - xoghayaha guud ee qaramada Midoobey.

Waxana uu xusay in shirkii dheraa ee kenya mirihii ka dhashay ay ahayd dawlada Federaalka kumeel gaarka ah oo kulankan qaramada Midoobey uu ka joogo wafti uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya, Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Waxana uu sheegay in hadda ay hay'adaha dawladu ay ka hawlgalaan magaalada Jawhar oo ah caasimada kumeel gaarka ah oo 90km woqooyi ka xigta Muqdisho oo ah Caasimada Soomaaliya, waa sida uu hadalka u yiri'e.

Waxa kale oo uu xusay in xasilinta Soomaaliya aysan ahayn shaqada Soomaalida oo keliya, laakiin ay tahay in beesha caalamku aysan iska fogeyn markasta oo xaalad baahi timaado.

La'aanta in si rasmi ah loo taageero Soomaaliya si ay ugu soo biirto beesha caalamka oo oo laga dhigo nabad, taas la'aanteedu waxay gacanta u geleysaa argagxisada caalamiga ah iyo kuwa ka shaqaynaya xaalad qas, qalaanqal, qalaalaaso iyo sharci darro.

Ugu dambayntiina wasiirku waxa uu ugu baaqay xubnaha beesha caalamku inay deeq ama gargaar u fidiyaan Soomaaliya si ay uga soo kabato dagaalkii ahliga ahaa ee 14ka sano. Arrintaas oo ah in horay looga dhaqaaqo oo aan la sugin, ayuu yiri.

Xusuus: Sawirka sare oo aan kasoo xiganey AP oo ah sawirka wasiirka, waxa ay AP ku qortay in uu yahay madaxweynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed oo Qaramada midoobey ka khudbaynaya, balse waa wariika oo Khudbaynaya...Eeg halkan

Tarjumadii SomaliTalk.com | Sept 17, 2005


Reysalwasaare Geedi oo Xafiis ka furanaya Magaalada Muqdisho

Reysalwasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliyeed Prof-Geedi ayaa shaaca ka qaaday in uu dhamaadka Bisha Septembar rajeynayo in uu si toos ah Dawladiisa ooga hawlgeli-doonto magaalada Muqdisho.

Prof-Geedi waxa uu warqad u diray Wakiilka Qaramada Midoobay u qaablisan Soomaaliya, Froncois Fall, wuxuuna ku wargaliyay in isagoo tixgelinaaya danta guud iyo maslaxada Shacabka Soomaaliyeed in uu mustaqbalka dhaw la kulmi doono Xubnaha Golahiisa Wasiirada ee mucaaradka iyo Xildhibaanada Baarlamaanka ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

Mudane Fall ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo tegista Reysalwasaaraha ee Magaalada Muqdisho ayna tahay talaabo geesinimo ah oo loo qaaday dhinaca Nabada, waxaana uu ku tilmaamay in Go'aanka uu qaatay Reysalwasaaraha, ay noqon doonto talaabo rajo weyn xanbaarsan oo lagu soo afjari karo khilaafka ka dhex taagan Xubnaha Dawlada iyo Baarlamaanka.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan xaga siyaasada oo saldhigiisu yahay Neyroobi,ayaa lagu sheegay in Beesha Caalamka ay soo dhaweyneyso hindisaha Reysalwasaare Geedi ayna balan-qaadayaan inay u fidiyaan dhaqaalo deg-deg ah hawsha uu Geedi ku doonayo in Golihiisa Wasiirada uu kulan oogu qabto Magaalada Muqdisho.

Mr-Fall ayaa ku booriyay Wasiirada mucaaradka ah inay ka faaiideystaan fursadan qaaliga ah ayna ka soo qeybgalaan shirka loo qabanayo Wasiirada oo ka dhacayo markii oogu horeysay Magaalada Muqdisho.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Reysalwasaare Geedi uu saldhig ka dhigan doono Hotel Ramadan iyo Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, waxaana laga dareemayaa Magaalada Muqdisho dhaq-dhaqaaq balaaran oo lagu soo dhaweynayo Wefdiga Reysalwasaaraha, soo dhaweyntan ayaa loo xilsaaray Wasiirka Arimaha Gudaha Xuseen Ceydiid iyo Gudoomiyaha isku xirka Dawlada iyo Shacabka Mudane Caaqil Koogaar.

Dhinaca kale hadalka ka soo yeeray Prof-Geedi waxaa aad oogu riyaaqay Shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho,iyadoo Magaalada laga bilaabay in Goobaha Ganacsiga lagu dhejiyo Sawirada Reysalwasaaraha.

Siidoo kale Wakiilka Soomaaliya u qaabilsan Wadanka Talyaaniga Mario Rifenili ayaa maanta soo dhaweeyay hadalka ka soo yeeray Mudane Geedi, wuxuuna ku booriyay in sida oogu dhaqsiyaha badan uu Xafiis ooga furto Magaalada Muqdisho.

Isweydiintu waxay tahay hadii Reysalwasaare Geedi uu xafiiskiisa ka furo Magaalada Muqdisho, Xubnaha Mucaaradka ma la shaqeyn doonaan mise waa mucaaradi doonaan.

Xuseen Yaasiin Gode-Gode

email: godegode_6@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 17, 2005


Markabkii lagu haytey Xarardheere oo u dhaqaaqay Ceel-Macaan



Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Australia ayaa DGPL waxay ugu baqeen in muddo 72 saacadood gudhood ah ay kusoo magacawdo guddi xaqiiqo raadis ah oo soo baara heshiiskii shirkada Consort, haddii kale... Guji... Sept 17


Maxaa Run Ka ah Hadalkii "Wakiilka" Terry u Fadhiya Magaalada Garoowe
Mucaawinadii uu Soomaaliya u soo diray Brian Morrison laakiin wakiilka Terry uu sheegay in Guji

Maxamuud Wardheere oo Ku Baaqay in Masaajidada iyo Culimada Islaamka la Ixtiraamo
Qoraal uu Minneapolis ka soo saaray ayuu Guji


»Digaag Gata si Puntland Shidaal Loogu soo Saaro| C/waxid
»»
Jowhar Ma Masaaru- Shariif baa? |  Amiin Yuusuf

Puntland maku Tusaale Qaadan Doontaa Khiyaamadii Ku Dhacday Somaliland iyo Ra'iisul Wasaare Geedi
Xabsigii loo taxaabay Mr. Meier kaddib markii ay ka fashilantay shirkadii shidaalka ka baari lahayd... Guji...


Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD