SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 Mucaarad iyo Muxaafid la isugu tag Shabeelada Dhexe 

Wax la yiraahdo saldannada ama xukunka waa wax  aad iyo aad loo jecel yahay oo mararka qaarkood ku gaarsiinaya meel aad u xun oo ah adduunyo seeg iyo Aakhiro seeg xitaa waxaa la sheegay in Xayawaanku aad u jecel yahay bal sheekadan fiiri , beribaa boqor waxa uu ka talin jiray Deegaan Boqorkaasi markii uu muddo uu xukumayay halkaasi ayaa waxaa martiqaaday Boqor kale in uu muddo bil ah uu la joogo, Boqorka la martiqaaday waxa uu lahaa cunte kariye aad u yaqaan sida cuntada loo kariyo  waxa uuna u Karin jiray cad aad u macaan oo uu Duhurkii u keeni jiray, cadkaas ayaa ahaa mid si aad ah loo soo farsameyn jiray qofkii dhadhamiyaana uu ka sheekeenayo muddo, Boqorkii waxa uu ka fekeray waxa uu ka yeelayo cadkaas macaan, waxa uuna go’aansaday in uu Salddanada uga sii tagto walaalkii markii uu ku wareejiyay wixii ku saabsanaa boqortooyada iyo maamulkeeda ayaa waxa uu la dardaarmay ninkii cunta kariyaha ahaa waxa uuna yiri “Cadkaad ee keeni jirtay uma keeni kartid walaalkeey, ee mudada bisha ah ee aan maqanahay cadkaas waxaad siineysaa Eygeyga”, Amarkii ayuu qaatay Cunta kariyihii, cadkiina maalin walba oo uu karinaya waxa uu hoosta ka dhigaa Eygeyga oo isagu si aad ah u macaansaday, Boqorkii markii uu soo dhameystay siyaaradiisii ayuu dib ugu soo laabtay deegaankiisii, markiiba wuxuu kala wareegay walaalkii oo si ku meel gaar ah u hayay xilka , Cunta kariyihii Markii uu damcay in uu cadkii macaanaa u geeyo Boqorka, ayaa waxaa is hortaagay Eygii oo yiri “Wallee ima dhaafo cadkaan”, intuu dib u laabtay oo cadkii meel dhigay ayuu boqorkii u tagay waxaana lagu yiri cunta-kariyihii “Aaway cadkii”, markaasuu waxa uu yiri “Aniga oo doonayo in aan ku soo qaado ayuu Eygii is hortaagay oo meel aan uga dhaqaaqo waayay” markaasaa waxa lagu yiri “ku laabo ee cadka ii keen” sidii ayuu yeelay, hase yeeshee, haddana waxaa is hortaagay Eygii oo isagu markaanba bilaabay in uu Cunta-kariyhii ku dilo ama kula dagaalamo Cadkii, markiiba Cunta kariyihii dib ayuu ugu soo laabtay Boqorkii wuxuuna ku yiri “Waxaa weli I hortaagan Eygii” Boqorkii waxa uu yiri oo ma dhici kartee, Boqorkii intuu dib u galay Qasrigii ayuu waxa uu soo qaatay Bistoolad, farta ayuu ka saaray Cunta kariyihii waxa uuna ku yiri “Markaan haddii uu iskaa hortaago, Bistooladaan madaxa ku jabi”, markii uu damcay in uu soo qaado cadkii ayaa sidooyoo kale Eygii is hortaagay, markaa ayuu Eygii ku yiri “wallee cadkaan ima dhaafo maanta”, Cunta-kariyihii isagoo fulinayo amarkii boqorka ayuu Bistooladii la soo baxay Eygiina madaxa jabiyay, halkii uu ku dhintay, si halhaleel ah ayuu Cunta-kariyihii cadkii ugu keenay Boqorkii, wuxuuna ku yiri “Walaalkay, haddi aan ku dhihi lahaa cadkaan ha la sii siiyo, sidaan oo kale ayuu cadka ugu dhegi lahaa oo lagama fujiyeen, isagana halkii uu maray Eyga ayuu mari lahaa”.

            Soomaaliya 15-kii sano, waxay isku dileysay waa xukunka, sidaa darteed haddii aan xal loo helin midda haatan aan ku jirto waxay keeneysaa dagaal hor leh, iyadoo shirkii lagu qabtay Nairobi uu ahaa kii ugu muhiimsanaa waayo waxaa ka qaybgalay intii xukunka dooneysay, raali ayayna ka ahaayeen wixii halkaasi ka soo baxay waxaana taas kuu caddeenaya codadkii faraha badnaa ee uu helay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo gaarayay 189 cod waa aqlabiyad aad u balaaran, waxayna beelihu codadka u bixiyeen sidatan:

            Digil iyo Mirifle 57-cod, Beelaha Hawiye 55-cod, Dir 45-cod, Daarood 22-cod, Beelaha isbahaysiga 10-cod marka la isku daro waa 189 cod , waxaad halkaan ka garaneysaa in beesha Daarood ee ka soo jeedo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ay siiyeen tiro aad u yar, Beelaha Hawiye oo iyagu bixiyay codadka intaa la eg ayaa haatan waxay u muuqdaan kuwo ka soo horjeeda Madaxweynimada C/llaahi, waxana mid aad loola yaabi karo, shacabkuna waxay leeyihiin “Adinkaa doorateene maxaad haatan ku diideysaan oo aad ku Mucaaradeysaan”, “Shar iyo Kheyr waxaa loo baahan yahay in aad C/llaahi soo dhaweysaan, waayo waxaad ku mararsiyootaan maanta meesha ma yaalaan Waxaa la filayaa in dhawaan kooxaha Mucuraadka ah isugu tagaan Magaalada Balcad oo ka tirsan Gobalka Sh/dhexe, waxayna kooxahaani shirkaas halkaasi ugu qabanayaan, ismuujin dhinaca awooda ah, maadaamada uu C/llaahi isna ciidamo ku uruurinayo Gobalka Sh/dhexe, sidoo kale waxay doonayaan in caalamka tusiyaan Gobalka Sh/dhexe.la wada joogo

            Gen. Morgan ayaa waxa uu ahaa raggii sida aadka ah u waday dagaaladii ka dhacay dalka Soomaaliya, mar la wareystayna waxa uu sheegay in uu diyaar u yahay in wixii khilaaf ah lagu xaliyo wada hadal, isagoo sheegay in dagaaladii uu galay ay ahaayeen kuwo qar iska tuurnimo ah, Gen. Morgana ayaa waxaa u yimid Nin  sarkaal sare ah oo ka tirsanaa ciidamadii qalabka siday, waxa uuna ku yiri “Gen. Morganow ma waalneyd markaad ciidamo intaad ka soo dhaqaajisay Ceel-Barde aad damacday in aad ku weerarto Kismaayo, waana fogaan aad u fog”. Morgan markiiba jawaabta su’aashaas waa uu haleelay wuxuuna ku yiri Nnkii sargaalka ahaa “Waxaa iga waalan ninka inta ciidamo ka soo qaaday Puntland keenayna Jowhar”, hadalka Morgan marka aad fiiriso waxaa la dhihi karaa waa hadal run ah, waayo dagaaladii ka dhacay dalka Soomaaliya ayaa dhamantood ahaa kuwo qar iska tuurnimo ahaa oo aan laga fiirsan, waxaana maqaalkeena ku soo geba-gabeynaynaa arrinta somaaliya waxay u eg tahay  “ I jiid aan ku Jiidee waa gacmo daalis “ Mucuraad iyo Muxaafidba la isugu tag Gobalka Sh/dhexe, maxaa xigi doona

  W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

Email: amiinkhasaaro@hotmail.com
 

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 25, 2005

Puntland oo Guddi u Direysa Jawhar
si ay Arrimaha "Shirkada Consort" ugala soo Xaajoodaan DFKMG, waxaana guddigaas soo magacaabaya... Guji

Fartuun Sheikh iyo Ayeeyadeed oo Laga Sii Daayey Xabsiga Nairobi
Sidaas waxaa shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska senator Coleman..
Guji...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD