SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KHAYRAADKA DABIICIGA


Puntland oo Guddi u Direysa Jawhar si ay Arrimaha "Shirkada Consort" ugala soo Xaajoodaan DFKMG

  • Waxaana Guddigaas soo magacaabay Cadde Muuse iyo Xasan Daahir Afqurac....
  • Guddiga oo lashegay in hal dhinac Keliya laga soo xulay

Midig: Madaxweynaha DGPL, Gen. Cadde Muuse. Bidix: Madaxweyne kuxigeenka DGPL, Xasan Daahir Afqurac.

(SomaliTalk.com | Sept 25, 2005): Warar caawa laga helay ilo war gal ayaa tibaaxay in Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland, Maxamud Muuse Xirsi (Gen. Cadde Cade) iyo madaxweyne kuxigeenka DGPL, Xasan Daahir Afqurac ay magacabayaan guddi arrimaha 'shirkada consort' kala xaajooda Dawlada Federaalka ee Kumeel Gaarka ah.

Waxaa warku tilmamaay in Magacyada guddigaas ay yihiin:

  1. Maxamed Cali Yuusuf "Dr. Gaagaab" - Wasiirka Maaliyada DGPL - oo madax u ah guddigan,
  2. Cabdullahi Cali Xirsi "Timacadde" - Wasiirka Hawlaha Guud,
  3. Maxamed Siciid Gacamey "Dhegaweyne" - Wasiirka Caafimaadka,
  4. Cabdirisaaq Cabdullahi Geesood - Wasiirka Warfaafinta,
  5. Barkhad Cali Saalax - Wasiirka  Diinta & Awqaafta  |  Barkhad waxaa lagu bedeley Cali Cabdi Awaare oo Wasiirka Dawlada Hoose & Horumarinta Reer Miyiga oo ka cudur daartay ka mid noqoshada guddiga),
  6. Liibaan Muuse Boqor - oo u dhexeeya "shirkada Consort" iyo DGPL,
  7. Cabdullaahi Cumar Bootaan - Ganacsade reer Dubai ah.

Waxaa wararku tibaaxeen in guddigaan lagu dhisayo wareegto Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland, balse aysan ahayn mid ay ka fariisteen golaha wasiirada Puntland, oo aysan ka doodin Baarlamaanka Puntland. Sidaas daraadeed waxaa ilo war gal ay tilmaameen in guddigaasi yahay mid hal dhinac oo keliya ah laga soo xulay - "dhinacii markii horeba watey 'shirkada consort' ama la fikrad ah dhinaca heshiiska saxiixay", oo dhinacyada kale ee bulshada reer Puntland aan lagu darin guddigaas.

Waxaa wararku tibaxeen in guddigaasi ay u duuli doonan magaalada Jawhar si ay DFKMG ugala soo xaajoodaan arrimaha 'shirkada consort' iyo heshiiska ay Puntland la gashay 'shirkadaas'.

Waxay ahayd Aug 28, 2005 markii ay DFKMG sheegtay in aan Puntland heshiis caalami ah la geli karin 'shirkadaas' ilaa la dhiso xeer kusaabsan arrimaha heshiisyada noocaas ah. Ra'iisul wasaare Geedi oo arrintaas ka hadlaayaa waxa uu yiri: Ilaa ay dawladda (FKMG) soo agaasinto sharci ku saabsan maaraynta khayradka dabiiciga ah, sida sharciga Haydariij-Kaarboonka (hydrocarbon law), haba-yaraatee suurta gal ma noqon karto in la galo wada xaajood (Heshiis xagga khayradka dabiciga ah). Sharcigaas oo uu sheegay in diyaarintiisa iyo dhaqan gelintiisu ay qaadan karto dhawr bilood.

Madaxweynaha Dawlada Federaalka Kumeel Gaarka ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya (DFKMG), Cabdullaahi Yuusuf Axmed, oo arrintaas wax laga weydiiyey Jimcadii Sept 9, 2005 waxa uu yiri : "Fikradayda haddaad dooneyso waxa weeye sida sharciga, nidaamka iyo dastuurku qorayaan baan aaminsanahay anigu.  Puntland madax baan u ahaan jirey, madaxweyneheedii ayaan ahaa, lix sano ayaan madax u ahaa, haatana madaweynihii qaranka ayaan ahay. Puntland waxay ku khaldan tahay anigu ku raaci mayo, Puntland waxa laga doonaa, oo qolo kasta oo kale oo Soomaali ah laga doonayaa, oo dawlad goboleedii dhisantaba laga doonayaa waxaa loo baahan yahay in ay ogadaan in Wixii Khayraadka Dabiiciga ah ee dalku leeyahay Mas'uuliyadeeda waxaa iska leh Dawlada Dhexe."

DFKMG weli shaaca kama qaadin in ay dhistay "sharci ku saabsan maaraynta khayradka dabiiciga ah" ee uu ra'iisul wasaaruhu xusay.

Sept 10, 2005 ayey ahayd markii wasiirka Maaliyada DGPL uu sheegay in Terry uu Boosaaso Ka Samaysan doono "Camp" 3 Km ah , halkaas oo noqon doonta meesh ay "Shirkadaasi' degi doonto Bisha October 2005.

"Shirkadaas Consort" waxay sheegtay in ay batrool iyo macdan ka baari doonto Puntland, waxayna sidaas heshiis kula gashay DGPL.

Baaritano madax bannaan oo lagu sameeyey 'shirkada Terry ee consort' waxay muujiyeen in aysan ahayn shirkad muctarif ka ah Australia, balse ay tahay dillaaliin raadinaya in ay iibsadaan saxiixa DGPL si ay shirkado kale uga helaan saamiyo, waxayna la mid tahay sidii "shirkadii HAFZA" iyo tii Meier oo ah reer Norway.

Wargal weydiistey in aan la magacaabin ayaa yiri "waxaad moodaa tallaabo hore loo qaaday in ayba DGPL garatay in guddi la magacaabo, laakiin waxaa la gudboon in ay arrinta marka hore dawladu daacad ka noqoto si dadweynuhu ugu qancaan waxaa haboon in guddiga lagu daro dad aqoon u leh heshiisyada caalamiga ah oo ka madax bannaan dawlada, oo aan ahayn kuwii markii hore heshiiska saxiiixay."

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 25, 2005 | ISHA: Ilo war gal ah.... | Updated

Heerarkii ay soo mareen Shirkadaha shidalka ka baaraya Soomaaliya hoos ka akhri:::

December 2002: Heshiis ayaa dhex maray madaxda Somaliland iyo nin lagu magacaabo Meier oo reer Norway ah. Mr. Meier oo uu lasocdey nin asakiisu Hindi yahay oo la yiraahdo Rajan wax ay la kulmeen Daahir Rayaale Kaahin, heshiiskana waxaa la saxiixay wasiirkii Biyaha iyo Khayradka Dabiiciga ah, Mohamed Abdi Farah (Malow). [Eeg halkan]

January 2005 ayey ahayd markii afar dhakhtar ay shegeen in ay woqooyi bari Soomaaliya u safri doonaan bisha Febraury. Dhakhaatiirtaas oo kala ahaa Graham Forward, Wayne Pennington, Mark Salib iyo Debbie Wilson (kalkaaliso). Bishii Febraayo ayey dhakhaatiirtaas reer Australian ah waxay Puntland u yimadeen in ay caawinaad gaarsiiyaan dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartey bad-gariirka (Tsunami).

Waxaa dhakhaatiirtaas soo racay Terry oo reer Australia ah oo markaas sheeganayey in uu ka socdey hay'ad samofal oo caawisa carruurta magaceedana la yiraahdo "Kids In Need".

May 2005: Waxaa magaalada Nairobi ku kulmay Ra'iisul wasaaraha DFKMG iyo mr. Meier oo uu la socdo wiil la yiraahdo C/raxmaan Liibaan oo reer Norway ah. Wiilkii waxaa markiiba loo magacaabay Qunsulka Soomaalida u fadhiya Norway, ninkii reer Norwayna lataliyaha gaarka ah ee Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya kala taliyaha arimaha soo saarida Shiidaalka.

June 10, 2005: Terry waxa uu ka mid noqday wafti uu hoggaminayey madaxweyna DGPL, Gen. Cadde Muuse, waftigaas oo sii maray dubai, kaddibna aadey Nairobi si ayug aqayb galaan xafladii guuritaanka e DFKMg ayugu guureysey Soomaaliya. Waxaa kale oo waftigaas ka mid ahaa Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirika Caalamiga ah ee DGPL, Dr. Faroole. [Eeg halkan]

Waftigii Puntland, Markii ay Nairobi tageen waxay la kulmeen madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha DFKMG, halkaas oo ay ku kala xanaaqen Gen. cadde Muuse iyo C/Laahi Yuusuf kadib markii DFKMG diidey in heshiis loo saxiixo Terry. [Eeg halkan]

August 25, 2005: Ayaa waxaa si weyn u soo shaac baxay heshiiska hoose ee DGPL l agashay Terry in uu ku saabsan yahay dhammaan waxa ku jira dhulk ahoos tiisa, sida macdan, bartool ama gaas. Heshiiskaas oo si qarsoodi ah u socdey.

August 26, 2005: Waxaa maxkamad lasoo taagey ninkii Reer Norway ee heshiiska la galay Somaliland, noqdayna lataliyaha gaarka ah ee Ra'iisul wasaaraha DFKMG ee xagga soo saarida shiidaalka, mr. Meier.

August 28, 2005: ayaa ra'iisul wasaraha DFKMG waxa uu war ka soo saaray magaalada Nairobi uu shaaca kag aqaadayin heshiis caalami ah oo ay gasho Puntland uu yahay waxba kama jiraan... [Eeg Halkan]

August 29, 2005: ayaa DGPL waxay u jawaabtey hadalkii Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, ayagoo soo saaray war saxaafadeed uu ku saxiixnaa Axmed Cabdi Xaabsade oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha & Amniga ee DGPuntland. [Eeg halkan]

Madacweyne kuxigeenka DGPL Maxamed cali Yuusuf GaagabAugust 31, 2005: Magaalaad Dubai ee dalka isutaga imaaraadka carabta waxaa heshiis ku saabsan baaritaanka khayraadka dabiiciga ah kala saxiixday Terry iyo DGPL, waxaana heshiiskaas goob joog ka aha madaxweynaha DGPL iyo wasiirka maaliyada (Dr. Gaagaab).. [Eeg halkan]

September 9, 2005: Madaxweynaha Soomaaliya, C/Laahi Yuusud Axmed oo jooga Jawhar ayaa yiri: "Sharci ahaan marka maanta in Puntland laga gar leeyahay anaa maanta qiraya, weliba Puntland-na waa ka imid, waana ku dhashay, madaxweyne waa  u ahaa, ninkii dembi gelayaa yeelkiis anigu lama wadaago, ninkii khalad gelayaa yeelkiis." [Eeg halkan]

Madacweyne kuxigeenka DGPL Maxamed cali Yuusuf GaagabSeptember 10,2005: Wasiirka maaliyada DGPL, Dr. Gaagaab ayaa shir ku qabtay Boosaaso, waxana uu sheegay shirkada bishiiba ay bixin doonto $200,000 iyadana ammaankeeda loo sugi doono, waxana uu sheegay in ay hawsheeda bilaabi doonto October 2005. [Eeg halkan]

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD