SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FARTUUN SHEIKH

Fartuun Sheikh iyo Ayeeyadeed oo Ku soo Fool Leh Minnesota Arbacada Duhurkii


Naciimo Saalax | Fartuun Sheikh | Senator Coleman

Northwest Airlines | www.NWA.com

Minneapolis, Minnesota
  • SomaliTalk.com | Minneapolis | Sept 26, 2005

Warar SomaliTalk.com kasoo gaarey Xafiiska Senator Coleman ayaa shaaca ka qaaday in Fartuun Sheikh iyo ayeeyadeed ay magaalada Nairobi ka dhoofi doonaan Talaadada (Sept 27), kun asoo beegan yihiin Minnesota maalinta Arbacada (Sept 28).

Fartuun oo ah 5-jir  Soomaali ku dhalatay Maraykanka oo Kenya lagu xiray iyada iyo ayeeyadeed kaddibna xabsiga laga soo daayey markii arrinta uu soo dhex galay xafiiska Senator Coleman. 

Fartuun iyo ayeeyadeed waxay Nairobi kasoo duulayaan marka ay saacadu tahay 10:10pm Talaada, iyagoo kusii hakan doona ama Transit kusii mari doona Amsterdam Holland iyo Detroit Michigan. Waxaana xagga Ticket-ka ka caawineysa diyaarada Northwest Airlines oo ah diyaarad ubicdeedu tahay Minnesota.

Waxayna magaalooyinka mataanaha ee Minneapolis/St. Paul kusoo beegan yihiin Arbacada kowda Duhurnimo (01:00 pm).

Fartuun iyo Ayeyadeed (mamo Canab) waxaa soo dhoweyn tooda si diiran uga qayb geli doona qoyskooda, Jaaliyada Soomaaliyeed ee Minnesota, warbaahinta iyo Xafiiska Senator Coleman. Sida loogu soo dhoweeyo Minnesota kala soco SomaliTalk.com, insha Allah.

Wararka la xiriira xarigii iyo sii deyntii Fartuun iyo ayeeyadeed hoos ka akhri:

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 26, 2005


Warsaxaafadeed Kasoo Baxay Xafiiska Senator Coleman oo Shaaca ka Qaaday in Fartuun Sheikh Xabsiga Laga sii daayey, oo ay Kusoo Laabaneyso Minnesota...

  • SomaliTalk.com | Sept 23, 2005

Warsaxaafadeedka kasoo baxay xafiiska Senotor Norm Coleman oo ku qornaa luqada Ingiriiska oo nuqul kamid ah uu soo gaarey SomaliTalk.com, waxa uu xaqiijiyey in Fartuun Sheikh oo ah gabar 5-jir ah oo asalkeedu yahay Soomaali ku dhalatay Maraykanka, oo in ka badan toddobaad ku xirnay Nairobi, in xabsigii laga soo dayey,kaddib markii uu arrinta soo dhex galay Senotor Coleman, ayna kusoo laaban doonto Minnesota. Warsaxaafadeedkii oo aan soo tarjumney waxa uu u qornaa sidan:


WARSAXAAFADEED DEGDEG AH:
                                                     

September 23, 2005         

Luke Friedrich
Minnesota Press Secretary
Senator Norm Coleman
651.645.0323
 

COLEMAN OO XAQIIJIYEY IN AY SI NABAD AH GURIGOODA MINNESOTA UGU SOO LAABATO GABAR SI KHALD AH LOOGU XANIBAY AFRIKA

Senatoorku waxa uu xaqiijin ka helay Saraakiisha Safaarada Maraykanku ku leeyahay Kenya in Gabadha 5-jirka ah iyo ayeeyadeed ay sida ugu dhaqsaha badan ugu soo laabanayaan Magaaloyinka Mataanaha oo ay qoyskoodu deggan yihiin


Senator Norm Coleman | Fartuun Sheikh

http://coleman.senate.gov/
Coleman waa Senator laga soo doorto Gobolka Minnesota,  gobolkaas oo ah meesha ay deggan yihiin qoyska Fartuun Sheikh..

ST. PAUL, MN - Kaddib markii in ka badan toddobaad saraakiisha laanta socdaalka ee Kenya ay xireen, kuwaas oo su'aal ka keenay dhalashadeeda Maraykanka, uguna hanjabey in ay Soomaaliya u tarxiili doonaan, Fartuun Sheikh oo 5-jir ah waxay imaan doontaa guriga qoyskeeda oo ku yaal St. Paul kaddib markii uu arrinta soo dhex galay xafiiska Senator Norm Coleman.

Fartuun, oo ah Maraykan ku dhalatay Buffalo, New York waxay markii hore bishii Febraayo u socdaashay Kenya si ay iyada iyo ayeedeed u soo booqdaan qaraabo, waxaana Garoonka Diyaaradaha ee Kenya lagu xiray Khamiistii ay taariikhdu ahayd September 15 markaas oo Fartuun iyo ayeeyadeed kusoo laabanayeen Minnesota. Saraakiisha laanta socdaalka ee Kenya waxay su'aal geliyeen dhalashadeeda Marykanka, iyagoo waxa keliya ee ay cuskadeen uu ahaa sawirka ku dhegan baasaboorkeeda ah sawir la qaaday iyadoo saddex sano jir ah. Markii ay xabsiga garoonka diyaaradaha ku jirtey dhawr maalmood, kaddib waxaa loo kaxeeyey xabsi ku yaal Nairobi.

Xilligaas,  Fartuun waalidkeed, Naciimo Saalax iyo Huseen Sheikh, waxay la xiriireen Dugsiga ay dhigan jirtey Fartuun, kaas oo arrinta kusoo war geliyey qof kamid ah xafiiska Senator Coleman Jimacdii ay taariikhdu September 16. Xubintaas ka tirsan xafiiska Coleman markiib aarrinta ayuu degdeg u guda galay, waxana uu la kulmay qoyska, dhawr waraaqoodna waxa uu u diray Safaadada Maraykanka ee Nairobi, telefoono badana waxa uu diray isagoo u hadlaya qoyska, isla mar ahaantaasna waxa uu sii gudbiyey dukumiinta caawinaya aqoonsiga canugta xabsiga ku jirtey. Ficiladaas waxaa ku xigey in Senator Coleman qudhiisu uu arrinta u soo dhex galay si shakhsiyan ah si uu u dedejiyo wax ka qabashada arrinta isagoo telefoon kula xiriiray safarada (Maraykanka ee Kenya), waxaana maanta loo sheegay in maanta Fartuun laga sii daayey xabsigii oo loo ogolaaday in ay kusoo laabato gurigeeda (Minnesota).

"Kaddib maalmo badan oo walaac ah iyo cabsi laga qabay ammanka Fartuun kaddib, waxaa war wanaagsan ah in ay qoyskeeda kusoo laaban doonto," sidaas waxaa yiri Senator Coleman, oo intaasku sii daray "Fartuun iyo qoyskeedu waxaa toddobaadkii hore lasoo dersey xaalad aad u qallafsan, waxaana ku faraxsanahay in caawinteeda aan qayb ka qaatay si ay uga soo kabtaan dhibaatadaas iyo in ay Fartuun kusoo laabato gurigeeda."

"Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay sii deyta xabsiga laga sii daayey gabadhayda iyo hooyaday," ayey tiri Naciimo Saalax oo ah Fartuun hooyadeed, waxayna intaas ku sii dartay "Welwelkii waa iga haray. Waxaana rabaa in aan u mahad celiyo Senator Coleman iyo shaqaalaha xafiiskiisa. Fartuun lama soo deyn lahayn haddii aan Senatorku caawin lahayn."

Saraakiil ka tisan safaarada Maraykanka (Nairobi) ayaa waxaa u qorshaysan in ay Maalinta Isniinta la kulmaan Fartuun. Waqtiga saxda ah ee Fartuun kusoo laabaneyso Minnesota weli lama sheegin.

###

Luke Friedrich
Minnesota Press Secretary
Senator Norm Coleman
651.645.0323
 

Warsaxaafadeedka oo Af Ingiriisi ah GUJI HALKAN....

Halkaas waxaa ku eg tarjuamdii SomaliTalk.com ee warsaxaafadeedkii xafiiska Coleman.
Dhammaad

Wararka kale ee Fartuun hoos ka akhri..

 

Nairobi: Fartuun Sheikh iyo Ayeeyadeed oo Xabsigii Laga Soo Daayey

  • Fartuun waa gabar asakeedu kasoo jeedo Soomaaliya, kuna dhalatay Maraykanka, laguna xiray Nairobi kaddib markii Kenyaatigu ay yiraahdeen sawirka ugu dhegan Baasaboorkeeda Maraykanku uma eka iyada, kaddib sawir laga qaaday ayaa loo soo diray Maraykan, waxaana la tusay macallimadeedii,waxayna macallimadii xaqiijisay in ay tahay gabdhii ay macallimada u ahayd... Fartuun waxay Nairobi u raacday Ayeeyadeed, taas oo markii ay soo dhoofayeen lala xiray. Fartuun Hooyadeed waxay joogtaa Minnesota.

SomaliTalk.com | Sept 23, 2005


Xaafada Cedar ee Nairobi... GUJI..

Warar SomaliTalk kasoo gaarey Kenya ayaa tibaaxay in maanta xabsiga laga soo daayey Fartuun Sheikh iyo ayeeyadeed. Waxana la soo weriyey in ay maanta ku sugnaayeen xaafada EastLeigh (Islii) ee Nairobi o ax xaafad Soomaalidu u badan yihiin.

Waxaa warku intaas ku daray in sababta ay weli Kenya u sii joogaan ay tahay in intii ay xabsiga Kenya kujireen in waraaqahii socdaalku (Travel-Document) ay ka dhaceen ayeeyada, waxaana warku xusay in safaarada Maraykanka ee Kenya ay ku hawl jirto sidii ay u heli lahayd dukumiinti ay ugu dhoofto Minnesota si ay u soo raacdo gabadha ay ayeeyada u tahay ee iyada lala xiray. Gabadha 5-jirka ah (Fartuun) waxaa ku dhalatay Maraykanka, sidaas daraadeed waxay sidadaa baasaboor Maraykan ah.

Wixii warkaas kusoo kordha akhristayaasha halkan ayaan ugu soo tebin doonaa, Insha Allah

SomaliTalk.com | Sept 23, 2005

Wararkii Hore ee Xariga Fartuun iyo ayeeyadeed hoos ka akhri:


Meel Gurigeedii ka Dheer ayey Ku Go'doontay Fartuun Sheikh

  • Tarjumadii SomaliTalk.com | Sept 22, 2005


Sawirka: Pioneerpress | Khasmiis, Sept 22, 2005 | Naciimo Saalax oo iyadoo Arbacadii joogtey xafiiska Sen. Norm Coleman ee St. paul, Minnesota, kor u haysa sawirka gabadheeda 5-jirka ah, Fartuun. Sarkaal ka tirsan Safaarada Maraykanka ee Nairobi ayaa Isniintii Sawirka Fartuun kaga soo qaaday Garoonka Diyaaradaha Nairobi ee lagu xiray, kaddib markii gabadhan yar ay saraakiil kenyaati ahi ka shakiyeen sawirka ku dheggan baasaboorkeeda Maraykanka.

Wargeys ka soo baxa Minnesota oo ka warbixinayey xariga gabadha yar ee Soomaaliyeed ayaa ku bilowday sida hoos ku qoran.. (Waxaa tarjumey SomaliTalk.com)

Dad Booqasho Ku Joogey Kenya oo la xiran

Gabar 5-jir ah iyo ayeeyadeed ayaa lagu xiray Nairobi, Kenya halkaas oo ay u tageen booqasho qaraabadooda.

Dhawr bilood ka hor, Fartuun Sheikh waxay ahayd ardayad xishood badan oo dhigata dugsi hoose oo ku yaal magaalaad St. paul iyadoo aad ugu dadaaleysey in ay si wanaagsan u barato luqada Afka Ingiriisiga, iyo in ay halkaas dhawr saaxibo ah ka kasbato.

Toddobaadkan, gabadhaas 5-jirka ah iyo ayeeyadeed waxay is arkeen iyagoo xabsi la dhigay meel kamid ah Nairobi kaddib markii saraakiil kenyaati ah ay su'aal geliyeen sawirka gabadha ugu dheggan baasaboorka Maraykanka ah.

Qaraabadooda jooga magaalooyinka mataanaha ee St. Paul iyo Minneapolis ayaa Arbacadii aad walaac ugu sii siyaadey. Waxay ka baqayaan in Fartuun iyo ayeeyadeed khasab loogu dhoofiyo Soomaaliya. Dalka dhibaatadu halakaysey ee ay qoyskaasi ka soo carareen sanadihii sagaashanaadkii (1990-kii), waa sida wargeyku qoraalka u dhigaye.

Iyagoo si aan la qiyaasi karin u raadinaya in Fartuun iyo ayeeyadeed xabsiga laga soo daayo ayey qaraabadooda Magaalooyinka Mataanaha waxa ay tageen xafiiska Sen. Norm COleman, xafiiskaas oo ka caawinaya sidii loo furdaamin lahaa aduunkaan ay ka jirto siyaasada cakiran.

Arrintan cakirantey waxay ku bilaabatay safar ay Fartuun iyo ayeeyadeed lix bilood ka hor ugu ambabaxeen si ay u soo booqdaan Ayeeyada ninkeeda oo jooga kenya, sidaas waxaa yiri gabadha abtigeed oo magaciisa la yiraahdo Maxamed Saalax oo reer Minneapolis ah. Fartuun waxay wadataa Baasaboor Maraykan ah, ayeeyadeedna waxay wadataa waraaqo muujinaya in ay ay haysato degganaanshaha Maraykanka.

Khamiistii la soo dhaafay ayey labadoodu (Gabadha iyo Ayeeyadeed) oo musaafir ah waxay tageen garoonka diyaaradaha ee Nairobi si ay usoo raacaan diyaaraa ku socta gurigooda (USA). Saraakiil Kenyaati ah ayaa labadiiba xiray iyagoo dhehaya sawirka ku dhegan baasaboorka Fartuun uma eka iyada.

Abtigeed, Maxamed Saalax, waxa uu yiri sawirka baasaboorka ku dheggan waxa uu ahaa sawir mar hore la qaaday. "Waxaa sawirka la qaaday iyadoo 3 jir ah, hadana waxa ay ku dhowdahay 6-jir" ayuu yiri.

Keenyaatigu waxa kale oo ay ka shakiyeen in Fartuun aysan si wanaagsan ugu hadlayn luqada Ingiriisiga, ayuu yuiri Maxamed Saalax.

Kaddib markii ay dhawr beri ku jireen xabsiga garoonka diyaaradaha, halkaas oo ay Fartuun ayeeyeadeed kula hadashay Maxamed Saaalx, iyadoo adeegsaneysa telefoonka gacanta ee qof kale oo halkaas ku xirnaa, (dhawr beri kaddib) waxaa Fartuun iyo ayeeyedeed loo taxaabay Xabsiga Nairobi. Qoysku ma oga xabsiga la geeyey kan uu yahay ama meesha uu ku yaal. Ayeeyaduna ma haysato telefoonka gacanta.

Hadda, Saraakiisha kenyaatigu waxay ku hanjabayaan in ay Fartuun iyo ayeedaeed u tarxiilayaan Soomaaliya, halkaas oo dawladu ay qasan tahay. Waa sida wargeyku u dhigay'e. Hanjabaadaas oo qoyska ku sababtay kala orod, ayuu yiri Maxamed Saalax.

"Waqtigan xaadirka ah waxaan u muuqanaa kuwo rajo dhigay, mana garanayeno cid aan la hadalo" ayuu yiri.

Hal qof oo ay la hadleen waxa uu ahaa qof ka tirsan shaqaalaha Xafiiska Coleman, kaddibna ay arinta ka qayb qaateen xubnaha kale ee ka shaqeeya xafiiskaas.

Maxamed Saalax waxa uu sheegay in qoysku ay shaqaalaha xafiiska Coleman tuseen waraaqaha dhalashada ee Fartuun oo muujinaya in ay haysato dhalasho Maraykan ah. Fartuun waxa ay ku dhalatay Buffalo New York, waxayna la noolayd waalidkeed iyo shan walaaleheed ah oo degganaa magaalada St. paul ilaa 1999.

Qaraabadu waxa kale oo ay keeneen sawir laga qaaday cagaha markii ay Fartuun dhalatay, diiwaanka cabbirka cabbirka ilkaheeda iyo sawir dhowaan ahaa oo ay la gashay macallin iyo arday la dhigta Dugsiga Hoose ee Highwood Hills.

Saraakiil ka socda Xafiiska Coleman ayaa la xiriiray Fartuun macallimadeeda, Laurie Kruempel, si ay u xaqiijiso aqoonsiga Fartuun.

Sarkaal ka tirsan Safaarada Maraykanka ee Kenya (U.S Emabbsy Nairobi) ayaa sawir waxa uu Fartuun kaga soo qaaday xabsiga garoonka diyaaradaha ee ay ku jirtey, waxana uu sawirkii email ugu soo diray shaqaale ka tirsan xafiiska Coleman (St. paul, Minnesota), kaas oo sawirkii u sii diray Macallimada.

Fartuun Sheikh

"HAA!!!!, sawirkani xaqiiqo ahaan waa Fartuun Sheikh. Wax shaki ah igagama jiro," ayaa Kruemple oo macallimad ah ku qortay email ay ugu jawaabtey safaarada Maraykanka ee Kenya. ["YES!!!! This photo is definitely Fartuun Sheikh. I have no doubt" Kruempel - waa kelmedihii macallimada.]

Gelinkii dambe ee Arbacada waxaa qoysku weli sugayeen wax war ah oo dheeraad ah oo ka soo baxa Fartuun. fartuun Hooyadeed oo magaceeda la yiraahdo Naciimo Saalax oo 30-jir ah, waxay tiri, iyadoo loo tarjumayey, in waxa keliya ee ay rabto ay tahay in gabadheeda sida ugu dhaqsaha badan ula kulanto (loogu keeno).

Saraakiisha ka tirsan xafiiska Ambashatoorka Kenya u fadhiya magaalaad Washinton D.C Arbacadii joornaalku ma helin si uu arrimahaas wax uga weydiiyo.

Xafiiska Coleman wax faahfaahin dheeraad ah arrinta kama bixin, iyadoo la xusay sida arrintu xasaasi u tahay awgeed. Laakiin Tom Steward oo ah afhayeen (u hadlay xafiiska Coleman) ayaa yiri Coleman qudhiisa "ayaa arrinta si xeel dheer uga qayb qaadanaya" si arrintaas loo xalliyo.

"Waxaan rajeyneynaa 48 saacadood ee soo socota in ay soo bixi doonto guul ah in aan isu keeno qoyska" ayuu yri Steward. Maxamed Saalax waxa uu sheegay in aad ugu mahad celinayaan Coleman isku daygiisa.

Fartuun oo dhigan jirtey dugsiga hoose ee Highwood Hills, waxaa u qorshaysnayd in ay dhowaan bilowdo iskuulka carruurta da'da yar, sidaas waxaa yiri Abtigeed, Maxamed Saalax.

"Kani waa gurigeedii" ayuu yiri Saalax oo ula jeeda maraykanka, oo ku daray "mana leh guri kale".

ISHA WARKA: http://www.twincities.com

Iskuulka Fartuun: http://www.highwood.spps.org/  

Tarjumadii SomaliTalk.com| Sept 22, 2005

Warkii hore xarig agabadha:::


Senator Coleman oo u Gurmaday Gabar Somali American ah (5-jir) oo ku Xiran Nairobi muddo 5 maalmood ah...

  • War deg deg ah | SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya | Sept 20,2005

Gabar Soomaaliyeed oo ku dhalatay dalka Maraykanka oo jirta shan sano ayaa ku xiran gegida dayuuradaha ee Nairobi, Kenya.  Gabadhaas oo ay waaxda socdaalka Kenya ku haystaan inaysan ahayn qofka leh baasaboorka ay sidato, una diidan inay soo dhoofto ayada iyo qofkii wadayba waxaa lagu hayaa xabsi adag. 
 
Gabadhaas 5 jirka ah ayaa la soo weriyey in aan xabsiga si fiican loogu xanaaneyn oo xataa fasax musqusha lagu dhibo ayadoo aan la siin cunto wanaagsan.

Senator Coleman ayaa waxaa la soo xiriiray gabadha yar ehelkeed oo ka codsaday inuu caawiyo. Senator Coleman ayaa isla markiiba safaradda Maraykanka ee Kenya la xiriirey oo ka codsaday in gabadha yar loo gurmado. Safaaradda ayaa hawshaas ku maqan oo laga warsugayaa isla markaasna xafiiska senatoorka waxaa uu ku hawlan yahay in uu ururiyo cadaymaha gabadha hadday ahaan lahayd isbitaalkii ay ku dhalatay, dugsiga ay dhigato, sawiradeedii hore iwm.  Gabadhan yar waxay ku dhalatay Maraykanka.

Norm Coleman - United States Senator - Minnesota
Senator Norm Coleman

Senator Coleman ayaa maalmahanba ku mashquulsanaa hawlaha Soomaalida asagoo hore ula kulmay madaxa xafiiska madaxweynaha Soomaaliya Mudane Daahir Jibriil sidoo kale bishan 12keeda la kulmay gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Mudane Shariif Xassan  iyo wafti uu hogaaminayey, sabtidiina telefoon ku wacay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yusuf  intii uusan ka amba bixin magaalada New York.  Safarada Madaweynaha iyo Raiisal Baarlamaanka Soomaaliya ayaa guul u soo hoyiyey shacabka Soomaaliyeed markii ay u ololeeyeen dawladda Soomaaliyeed magacii Soomaaliyana kusoo celiyey masraca adduunka - in kasta oo hoggaanka Soomaaliya uu weli khilaaf u dhexeeyo shacabkuse ka rajaynayo in ay ka heshiiyaan. 
 
Senator Coleman waxaa uu aad u garaacaa albaabada Washigton DC si loo saacido dadka soomaaliyeed oo ay musiibada ku habsatay mudada dheer asagoo noqday Saaxiibkii ugu horeeyey ee ay Soomaalida ku yeelato aqalka senate-ka madaxweynahana aad ugu dhow.  Dadka Soomaaliyeed ayaa ahaan jirey kuwo aan saaxiibo ku lahayn Washington DC halka Ethiopia ku lahayd saaxiibo badan oo uu ugu horeeyo Madaxweynihii hore ee Maraykanka Jimmy Carter oo had iyo jeer garab taagan Ethiopia.  Waxaa kale oo Minnesota ku nool senatoorkii hore Rudy Boschwitz oo Ethiopia kala badbaadiyey oo u kala dabqaaday Jabhaddii Zenawi iyo Mangistu kaasoo weliba ka shaqeeyey in Addis Ababa badbaado oo aan la bililiqaysan sidii Muqdisho weliba ka shaqeeyey in Haraare hoy amaan ah siiso Mengitu.
 
Faaiidooyinka ay qaxootigii Soomaaliya ee ku kala yaacay dunida dacaldeeda keeneen ayaa waxaa ka mid ah in maanta soomaalida saaxiibo ku leedahay Yurub, Australia, Canada iyo USA iyo meelo kale oo badan.  Soomaaliya mardanbe mustaqbalka uma eka inay go'doonto ama noqoto mid aan saaxiibo ku lahayn adduunka oo usoo gurmada haddii ay u baahato Insha Allah. Keliya waxaa madaxda Soomaalida la gudboon in ay khilaafka dhexdooda xalliyaan.

Lasoco wixii war ah ee kusoo kordha xaalada gabadha yar ee ku xiran Kenya.

Faafin: SomaliTalk.com | isha: Wargal | Taariikh: Sept 20, 2005


Qaar Kamid ah Odayaasha iyo Waxgaradka Puntland oo Jaaliyadda Soomaalida Australia Ka Codsaday in
Arrinta Heshiiska shirkada Shiidaalka & Puntland iyaga Loo Daayo ilaa... Guji... Sept 19

Booqashadii Madaxweynaha Soomaaliya, Cabdullahi Yusuf, ee New York
Soomaali aad u farabadan ayaa ka safray Minnesota.. Guji Sept 19


Waraysi: Xildhibaano Ka Tirsan Baarlamaanka DFKMG iyo Ra'iisul wasaare Kuxigeenka Koowaad
Xubnaha DFKMG ee SomaliTalk waraysiga la yeelatay waxay kala yihiin Dr. Sifir, Xildhibaan Sakariye, Xildhibaanad Caasha iyo Xildhibaan Daryeel oo booqasho ku yimid Minnesota, waraysigii
Halkan ka dhegeyso.
»» WARAYSI:: C/LAAHI AXMED CADDOW (Nairobi, Kenya)
Sannad baa dhammaaday, waxna lama qaban....
akhri...

Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD