SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS

SomaliTalk.com oo Waraysi la Yeelatay Xildhibaano Ka Tirsan Baarlamaanka DFKMG iyo Ra'iisul wasaare Kuxigeenka Koowaad, ahna wasiirka Warfaafinta oo Booqasho Ku Yimid Minneapolis/St. Paul, USA...

Waraysiga oo Dhamaystiran Halkan ka dhegeyso (1:30:09)

Xildhibaanada iyo Ra'iisul wasaare-Kuxigeenka Koowaad ee aan maanta oo taariikhdu tahay September 17, 2005 aan waraysiga la yeelanay waxay kala yihiin:

  • Maxamuud Cabdullahi Jaamac  (Dr. Sifir)
  • Xildhibaan Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi
  • Xildhibaanad Caasha Axmed Cabdalla
  • Xildhibaan Maxamed Xasan Daryeel

Waxaa waraysiga Qaaday:: Xasan Dhooye. Waraysiga oo soconaya hal-saac iyo bar ka dhegeyso linkiga hoose:::

Waraysigii oo Dhan ka dhegeyso Halkan (1:30:09)

Maxamuud Cabdullahi Jaamac  (Dr. Sifir)

Ra'iisul wasaare-Kuxigeenka Koowaad, ahna wasiirka warfaafinta, Dr. Sifir, waxa uu warbixin kooban ka bixiyey kulankii ay kaga qayb galeen Qaramda Midoobey, New York, ee ay ka qayb galeen Baarlamaanada Caalamka.

Kaddib waxa uu wax ka xusay khilaafka u dhexeeya Dawlada Federaalka Kumeel Gaarka ah. Waxana uu xusay in khilaafka salkiisu uu ka soo bilowday shirkii Kenya. Waxaana shirkaas la ilaawey in uu ahaa shir dib u heshiisiin.

Waxa wadada khilaafka na mariyey waxay ahayd arrin aan la isla meel dhigin oo ah meesha ay ka imanayaan ciidamada shisheeye, iyo in aan laga sii fekerin markii dalka lagu noqdo xaggee ku noqonaa - Waxaana ka soo baxay labo ra'yi oo ah: aan tagno caasimada dastuurka inoogu qoran, iyo ma aha'e aan tagno meeshii nabad inoo ah.

Sannad ayaa laga soo gudbey waqtigii la abuuray Baarlamaanka, xubnihiisiina meelo ayey kala joogaan, golaha wasiiradu ma fariisan karaan, baarlamaankiina ma fariisan karaan, madaxweynihii gooni ayuu ku go'doomayaa, waa la oran karaa arintii sidaas ayey isu tageysaa, laakiin anigu weli ma dhehi karo burbur ayaa la gaarey. Waxayna ila tahay in qof kastaa uu dib uga noqdo mowqifkii adkaa ee uu tagnaa. Dawladu waxay dawlad noqoneysaa marka dadkeedu aqbalo.

Adduunku waxa uu Soomaaliya taageerayaa marka ay Soomaaliya iyadu marka hore wada tashato, wada hadasho, markaas ayuu taakulaynayaa.
 

Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi

Xildhibaan Sakariye waxa uu ka war bixiyey safarkoodii ay ku yimaadeen dalka Maraykanka. Isla mar ahaantaasna waxa uu xusay waxyaabihii ay ka fa'iideen kulankii ay la yeesheen madaxdii ka socotey baarlamaanada caalamka.

Kaddib waxa uu ka hadlay waxyaalaha ay isku khilaafeen madaxda Dawlada Federaalka Kumeel Gaarka ah. Waxan uu xusay in ay haboon tahay in la eego waxa la isku khilaafsan yahay.

Waxa uu xusay dawrka Baarlamaanka uu leeyahay, oo ah sharci dejin iyo sharci dhawrid, iyo ilaalinta in aan xukuumada markaas talada haysaa ku xad gudbin dastuurka.

"Soomaalidu iyada ayaa is qabsatay, ciidamo looma soo kaxaysan. Haddaad tusaale u soo qaato meelaha nabada ah sida Puntland iyadaa is xallisan iyadoo aan ciidamo loo soo kaxaysan, Soomaaliland iyada ayaa is xalliyey, sidaas oo kale Xamarna iyadaa is xallin karta."

Xamar dalka ayey kamid tahay, dal shisheeye ma aha, qabqablayasha aad sheegeysid hadda waa wasiiro iyo xildhibaano, waxayna kamid yihiin dawlada. Iyaga ayaa soo hor maray oo hubkoodii keenay. Anagu Soomaali ayaan nahay, ciidamo aanaan ku heshiin dalka lama keeni karo. Waxaan qabnaa in anagu aan gar leenahay.

Haddii aan la isu iman, oo si Soomaalino loo wada hadlin dawladu haddii kale waa Faashil. Dawladu waxay ku heshiin kartaa in arrimaha dastuuriga ee la isku hayo laga wada hadlo. Hal Dawlad ayaa shaqan karta ee laba dawladood oo isku dal joogaa mashaqayn karaan.
 

Xildhibaanad Caasha Axmed Cabdalla

Ugu horayn Xildhibaanad Caasha waxay ka warbixisay waxyaabihii ay kala kulantay Jaaliayada Soomalaiyeed ee ku dhaqan Maraykanka.

Anaga iyo sharcigu isma hayno, lakaiin Jawhar iyo sharciga ayaa is haya.

Waa wax laga xishooda kuwii dawlada ilaalin lahaa (kan ailalin lahaa khaladka xubnaha Baarlamaanka) ee raacay dawladii ay ilaalin lahaayeen.

Madaxweynuhu waxa uu ka cararayaa Baarlamaanka isagoo diidan in lala xisaabtamo.

Xildhibaanad Caasha waxa ay xustay waxyaabihii ay ka qabteen Muqdisho iyo sida ay uga qayb qaateen ammaanka Caaasimada Muqdisho. Waxan ay xustay in ay nabad gelyadii soo celiyeen laakiin uu dhiman yahay maamulkii. Waxana ay xustay in qofkasta uu xusuusnado hawsha uu hayo in uu hayo qaranka.

"Puntland waa is xallisey, Somaliland waa is xallisey" ma ahan in aan keeno ciidamo shisheeye, inaga ayaa arrimheena xalin karna.
 

Xildhibaan Maxamed Xasan Daryeel

Xildhibaan Daryeel waxa uu ka war bixiyey shirkii ay kaga qayb galeen New York ee Baarlamaanada Aduunka.

Waxa kale oo uu ka waramay kulamadii ay la yeesheen Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku sugan USA.

Kaddib waxa uu ku xeel dheeraaday qaab dhismeedka dawlad iyo waxa looga baahan yahay habka dawlo.

Waxa kale oo uu xusay waxa sabab u ah khilaafka u dhexeeya Barlamaanka iyo xukuumada Soomaliya.

Baarlamaanku waxa uu taraa in uu xukuumada la xisaabtamo.

Xildhibaan Daryeel waxa uu si weyn u xusay in arrinta hadda lagu jiraa ay tahay kumeelgaar, waa la is khilaafi kara,laakiin waa in dadku bisayl la yimadaan.

Waraysiga oo Dhamaystiran Halkan ka dhegeyso

 


"Golaha Ammaanku waa in ay Cuna-qabataynta Hubka ka Qaadaan Soomaaliya"
Sidaas waxaa yiri C/Lahi Yuusuf oo ka hadlayey Qaramada Midoobey. Khudbadii oo dhamaystiran oo Video ah ka daawo halkan

XAFLADO LOO QABTAY ISKOOLO CUSUB OO LAGA FURAY LAASACAANOOD
Dugsiga Sare ee Nugaal iyo Dugsiga Hoose ee Al-Manhal ee Laascaanood ayaa loo dhigay xaflado ay... Guji...

Madaxweynaha Puntland oo shahaadooyin guddoonsiiyey arday qalin jebistey Boosaaso
Arday tiradoodu dhan tahay 190 oo ka qalin jebiyey Machadka Tababarka Kalkaaliyayaasha ayaa... Guji... Sept 17

Gen. Morgan iyo Col. Hiiraale oo Isku Salaamay shirkii Magaalada Dayniile
Deegaanka Deyniile oo uu ka arrimiyo wasiirka amniga Qaranka Max’ed Qanyare Afrax ayaa... Guji... Sept 17

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Australia ayaa DGPL waxay ugu baqeen in muddo 72 saacadood gudhood ah ay kusoo magacawdo guddi xaqiiqo raadis ah oo soo baara heshiiskii shirkada Consort, haddii kale... Guji... Sept 17


UN: Wasiirka Arrimaha Dibadda DFKMG oo Khudbad Ka Jeediyey Kulankii Madaxda Adduunka:
»C/Laahi Yuusuf oo Qaabilay Madax ka tirsan dunida
»Geedi oo Xafiis ka furanaya Magaalada Muqdisho
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji...  Sept 17


Golaha Ammaanka oo cadaadis saaraya xukuumadda itoobiya
iyo Meles oo sheegay in uu la hadlayo OLF...
Guji... Sept 16

C/Lahi Yusuf iyo Kofi Annan oo Kulan Ku Dhex maraya New York
Madaxweynaha Soomaaliya oo ku sugan Xarunta Qaramada Midoobay...
Guji... Sept 15

Guddoomiyaha Baarmalaanka oo kula kulmay  laba senator Magaaladda Washington D. C.
Waxaa ka dhacay xafiiska Sentator Coleman ee ku yaal Magaalada Washington D.C... Guji....

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD