SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

XAFLADO LOO QABTAY ISKOOLO CUSUB OO LAGA FURAY LAASACAANOOD 

Waxaa isku soo dubaridey: Ciise | ci_sse@yahoo.co.uk  

       Maalintii khamiista ee bisha Sebtembar ahayd 15 ayaa xaflad si qiimo badan loo soo abaabulay waxaa lagu qabtay dugsi sare ee cusub ee laga furay degmada laasacaanood, xafladaas oo ay kasoo qaybgaleen Culimaa’u diin,Garaado, Wax garad, Waalidiin iyo kooxo ka socday Warbaahinta waxaa laga sheegay sida loogu baahanyahay waxbarasho Tayo sare leh oo soo saari karta jiilashii berito qabanlahaa hogaanka Ummadda.

Dugsigan sare oo lagu magacaabaty DUGSIGA SARE EE NUGAAL  oo uu  noqon doono  manhajkiisu  carabi  marka laga reebo maadooyinka sayniska iyo xisaabta,Iskoolkaan waxaa loogu tala galay ardada soo dhamaysatay tacliinta dugsiga dhexe, Maamulkuna wuxuu balanqaaday inay muujin doonaan waxbrasho tayo leh uuna waaqicu u markhaati furi doono midhaha ay soo saari doonaan haddii rabi idmo,dugsigan sare waa kii labaad ee hadda ka jira laasacaanood dadka xafladdan ka hadlayna waxayba tilmaameen in loo baahanyahay ilaa 3 ama 4 dugsiyo sare.    

          Isla maalintaas galinkeedii danbe xaflad iyana si wayn loo soo agaasimay ayaa iyana waxaa lagu qabtay dhismaha ay deganyihiin ee lagu xanaaneeyo gabdhaha agoonta xafladaas oo loo dhigay iskool hoose Oo ku bixi doona manhaj carabi ah, dugsigan hoose oo kii koowaad ee noociisa ah ee laga furo laasacaanood marka laga eego dhinaca manhajka  waxaa lagu magacaabay  DUGSIGA HOOSE EE AL-MANHAL waxaa isna kasoo qayb galay oo hadalo kookooban ka jeediyey culimo,Garaado,waxgaradka magaalada,Waalidiin iyo maamulka iskoolka dhamaantoodna waxay sheegeen in ay is dhinac taagi doonaan arimaha bulshada ee ay ka mid tahay waxbarashadu,maamulka iskoolka ayaa iyana sheegay in dhankooda ay masuuliyad wayn iska saari doonaan soona bandhigi doonaan waxbarasho tayo leh haddii alle idmo. 

                 Hadaba degmadan laasacaanood ayaa waxaa ka furan dugsiyo badan oo ay dhigtaan arday aad u fara badan ayaa waxaa la sheegaa in badan  dhaliilo dhinaca waxbarashada ah marka loo eego magaalooyinka kale ee deriska la ah laasacaanood sababta arintaas oo loo macneeyo siyaabo kala duwan,si kastaba ha ahaatee dadka degaankan waxaa la gudboon inay waxka qabtaan arimahooda bulshada ee ay ka mid tahay waxbarashadu ayna iska daayaan dhaliilaha wac duminaya ee aan waxba dhisayn. 

Sawiradii xaflaladaha waa kuwan hoose::







 

Waxaa isku soo dubaridey: Ciise | ci_sse@yahoo.co.uk  

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 17, 2005

Madaxweynaha Puntland oo shahaadooyin guddoonsiiyey arday qalin jebistey Boosaaso
Arday tiradoodu dhan tahay 190 oo ka qalin jebiyey Machadka Tababarka Kalkaaliyayaasha ayaa... Guji...


Markabkii lagu haytey Xarardheere oo u dhaqaaqay Ceel-Macaan



Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Australia ayaa DGPL waxay ugu baqeen in muddo 72 saacadood gudhood ah ay kusoo magacawdo guddi xaqiiqo raadis ah oo soo baara heshiiskii shirkada Consort, haddii kale... Guji... Sept 17


Maxaa Run Ka ah Hadalkii "Wakiilka" Terry u Fadhiya Magaalada Garoowe
Mucaawinadii uu Soomaaliya u soo diray Brian Morrison laakiin wakiilka Terry uu sheegay in Guji

Maxamuud Wardheere oo Ku Baaqay in Masaajidada iyo Culimada Islaamka la Ixtiraamo
Qoraal uu Minneapolis ka soo saaray ayuu Guji


»Digaag Gata si Puntland Shidaal Loogu soo Saaro| C/waxid
»»
Jowhar Ma Masaaru- Shariif baa? |  Amiin Yuusuf

Puntland maku Tusaale Qaadan Doontaa Khiyaamadii Ku Dhacday Somaliland iyo Ra'iisul Wasaare Geedi
Xabsigii loo taxaabay Mr. Meier kaddib markii ay ka fashilantay shirkadii shidaalka ka baari lahayd... Guji...


Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD