SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Madaxweynaha Puntland oo shahaadooyin guddoonsiiyey arday qalin jebistey Machadka Tababarka Kalkaaliyayaasha ee Boosaaso -

  • Hodman Relief & Develoment Org | hodman2005@yahoo.com

17.September.2005 Xaflad aad u balaaran oo si heer sare ah loo soo agaasimay isla markaana shahoodo lagu gudoonsiinayay 190 arday ah oo ka qalan jabiyay koorso lix bilood ah oo ay ka baranayeen machadka tababarka kalkaaliyeyaasha caafimaadka ee Hodman ayaa maanta shahaadooyin lagu gudoonsiiyay xaflad lagu qabtay Xarunta dowlada hoose ee magaalada Boosaaso.



Xafladan oo ahayd miid aad u qiimo badan ayaa mas’uuliyiintii kasoo qayb gashay waxaa kamid ahaa madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland mudane maxamuud Muuse Xirsi (Gen.Cadde) wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Axmed Cabdi xaabsade, wasiirka caafimaadka C/raxmaan dhagaweyne, wasiirka kalluumaysiga iyo dekedaha Ismaaciil Shire Jaamac Buraale, wasiir ku xigeenka wasaarada howlaha guud iyo gaadiidka yaasiin cartan maxamed, gudoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed wacays Dhedo, duqa degmada Boosaasi Khadar Cabdi Xaaji mire iyo mas’uuliyiin kale.

Furitaankii xafladan shahaado gudoonsiinta ahayd ayaa ugu horayn waxaa furtay oo ka hadashay Gudoomiyaha Ururka Hodman Relief and development Organization murwo mahado Shiikh Axmed.

Gudoomiyaha golaha degaanka degmada Boosaaso ahna duqa degmada Boosaaso khaddar cabdi Xaaji mire ayaa kamid ahaa mas’uuliyiintii halkaasi ka hadashay waxaana uu duqu xusay in ardayda maanta shahaadada lagudoonsiinayo ay yihiin kuwa aqoontooda dhinacwalba u anfici doonto haday ahaan lahaynd mid bulsho iyo waliba mid qoys ba.

Sidoo kale mas’uuliyiintii xafladaasi ka hadashay ayaa waxaa kamid ahaa wasiirka caafimaadka Puntland C/raxmaan dhagaweyne oo sheegay in ardayda haatan shahaadada qaadanaysa aan loo baah nayn inay magaalada Boosaaso ay kawada howlgalaan balse loo baahan yahay in la kala geeyo dhamaan xarumaha caafimaadka degmooyinka gobolada Puntland si ay uga howl galaan.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntand oo ka hadlay xafladaasi shahaado gudoonsiinta ayaa marka hore waxaa uu mahad celin u jeediyay Ururka Hodman oo soo agaasimay xafladan.

Madaxweyne cadde ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo ku salaysan arimaha bulshada ka jeediyay xafladaasi shahaado gudoonsiinta ahayd.

Ugu dambayntii madaxweyne cadde ayaa halkaasi shahaado ku gudoon siiyay ardaydii ku baastay imtixaanka semester-ka koowaad oo gaarayay 190 arday iyadoo guud ahaan ardayda u fariisatay imtixaankaasi ay gaarayeen 220 arday oo gabdho ah balse 30 kamid ahi ay ku dhaceen.

Iyadoo 190-kii arday ee ka qalan jabiyay machadka tababarka kalkaaliyeyaasha caafimaadka ee Hodman maanta shahaado lagu gudoonsiiyay xarunta dowlada hoose ee magaalada Boosaaso.

Hodman Relief & Develoment Org | hodman2005@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 17, 2005

QORAALADII HORE EE SOMALITALK.COM EE JAAMACADA BOOSAASO:::

JAAMACADA BARIGA AFRIKA

Safaradii waftiga waxbarasha Buntland ay kutageen Australia sannadkii hore.. Guji

Jaamacada Bariga Afrika waxay kutaal magaalada Boosaaso, October 2000 ayaa waxaa bilaabmay sannad dugsiyeedkeedii ugu horeeyey, markaas oo fasalada ardayda loogu sii dhigi jirey machadka ama iskoolka iimaamu shaafici ee magaalada Boosaaso, waxaase fasalada jaamacada oo weli markaas dhisme ku socdey lagu bilaabay in ay ardaydu wax ku bartaan sannad dugsiyeedkii kaas xigey oo bilaabmay Sebteembar 1, 2001.

Bishii Janaayo 2003 ayey ahayd markii Wafti Kasocda Jaamacadda Latrobe University (Australia) ay Booqasho Kuteen Jaamacadda Bariga Afrika, Bosaso. Waxaa waftigaas hogaaminayey Dr. David Dorward, ka socdey African Research Institute,((ARI), Latrobe University, Australia. [eeg warbixintii waftiga Booqday Boosaaso]

Bishii Janaayo ee sannadkan 2003 ayey ahayd markii magaalada Minneapolis, USA sida weyn loogu soo dhoweeyey wafti ka socdey Jaamacada Boosaaso, waftigaas oo reer Minneapolis uga xog-waramay heerarkii kala duwanaa ee ay Jaamacadu soo martay iyo waxa ay hadda higsaneyso [Eeg warbixintii waftiga Minneapolis Booqaday].

1dii Bishii Febraayo ee 2003 ayey ahayd markii shir ballaaran magaalada Toronto loogu qabtay wafti kasocdey Jaamacada Boosaaso, shirkaas oo ay soo qabanqaabiyeen Guddiga Saaxiibada Jaamacad Bariga Afrika ee Ontario.[Eeg warbixintii Toronto].

26kii Janaayo 2003 ayey ahayd markii Kulan aad u ballaaran oo dadkii ka hadlay ay kamid ahaayeen Dr. Xasan Cali Mire, C/isaaq Maxamuud Dareewal iyo waftiga Jaamacada Boosaso lagu qabtay Atlanta, Georgia [eeg warbixintii Atlanta, USA]

Bishii Febraayo ee 2002 ayey ahayd markii Ciise Dhollowaa booqday Jaamacada Boosaaso, waqtigaas waxaa Dhollowaa warbixin siiyey CabdiRisaaq Sh. Axmed  oo ah Macalin dhiga Luuqada Carabiga kana mid ah xubnaha Gudiga Maamulka Jaamacada. Waxaa C/Risaaq sheegay in ay u baahan yihiin dadka Somaliyeed ee awooda u leh in ay ka caawiyaan dhinacyada waxbarashada, iyaga oo noqonaya macalimiin yimaada jaamacda sanadkiiba hal mar, si ay wax u baraan ardadaas.
Halkan ka akhri warbixintii hore ee waftiga... GUJI

Dhismihii Jaamacada EAU::: 2001
Degarday
Asaaskii Jaamacada Boosaaso... GUJI

 
SOMALITALK:: XORRRIYADII ZAMZAM
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 46 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 | 71 | 72 | 73 | 74 | 75 | 76 | 77 | 78 | 79 | 80 | 81 | 82 | 83 | 84 | 85 | 86 | 87 | 88 | 89 | 90 | 91 | 92 | 93 | 94 | 95 | 96 | 97 | 98 | 99 | 100 | 101 | 102 | 103 | 104 | 105 | 106 | 107 | 108 | 109 | 110 | 111 | 112 | 113 | 114 | 115 | 116 | 117 | 118 | 119 | 120 |
WERSHEDAHA BOOSAASO:::


Wershedo yaryar oo Laga Furay Boosaaso
 


BOSASO: Wararkii Boosaaso: Guji


caruurgabdho2001::: Iyo Mucaawino u Raadintii Carruurta Puntland::: Qoraaladii Sannadkii 2001...



Markabkii lagu haytey Xarardheere oo u dhaqaaqay Ceel-Macaan



Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Australia ayaa DGPL waxay ugu baqeen in muddo 72 saacadood gudhood ah ay kusoo magacawdo guddi xaqiiqo raadis ah oo soo baara heshiiskii shirkada Consort, haddii kale... Guji... Sept 17

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD