BISAYL
SIYAASADEED MISE BOOR ISKU QARIS?????????? 
W/D: Mursal Max’ed Max’uud (Garaad)
E: -mail stethy1@yahoo.com
Madaxweyne
C/laahi Yuusuf Axmed ayaa khudbad uu ku soo beegay Maalinta
Nabadda Adduunka “21-ka
September” ku shgeegay in ay waajib muqaddas
ah tahay Nabad lagu soo dabaalo dhammaan geyiga Soomaaliyeed.
Neef wayn ayaa ka soo go’day, yididiilana way ku beertay,
dad badan oo ka rajo dhigay wada-hadal lagu af-jarayo
khilaafka oo dhex mara 2-da garab ee Dowladda, kadib markii
M. Yuusuf uu ku dhawaaqay in cid walba al-baabka loo garaaci
doono, lagana baryi doono Nabadda.
Khudbaddii “ 21-ka September”
ee M. Yuusuf, Waxaa lagu qiimeeyey tii ugu dabacsanayd ee
soo dhaafta dibnaha M. Yuusuf, mudadii Sanadka ahayd ee uu
xilka hayey. Ma’ahanse markii ugu horaysay ee Ereyo loo
riyaaqo ay ka soo yeeraan M. Yuusuf,
14-kii October 2004, Xafladdii
caleemo saarkliisa wuxuu ku sheegay in wuxuu horay u ahaaba
maalinkaas iyo wixii ka danbeeya looga tashado Nin nabadeed.
Taas oo wax badan ka bedeshay fikraddii ay Soomaali badani
ka qabtay Madaxweynaha.
Maxaase xigsaday?
Madaxweyne Yuusuf wuxuu booqashadiisii ugu horaysay oo
rasmiya ku tegay Ethiopia, isagoon waqti lumina
23-kii October 2004,
wuxuu Golaha ammaanka Africa ka codsaday Ciidamo gaaraya
20kun oo Askari, tiiyoo aan si dhab ah loo qeexin howsha ay
Ciidamadaasi qabanayaan iyo waqtiga ay ka baxayaan Dalka,
isla markaana aanay Baarlamaanku go’aamin. Taas oo
hor-seeday, aas-aasna u noqotay khilaaf, kala shaki iyo kala
jab ku yimid Golayaashii Dowladda. M. Yuusuf, markuu arkay
in Xaaladdu sii adkaanayso, mirihii dib-u-heshiisiintuna ay
halis ku jiraan, ma’aanu raacin Murtida oronaysa
“ Rag
walaaloow wuxuu ku dhaamo lawaa”
ee wuxuu la soo baxay xaniinyo dhaadheer, isagoo adeegsaday
hadalo Rajadii dib ugu celinaya halkii laga soo bilaabay iyo
kasii fog.
Sida: -
“ Caawa Nin iga Hub badan Soomaali kuma noola, 37 sano nabad
ma’arkin, sidaas darted Nin iga Dagaal yaqaan ma jiro. Daad
baa socdee, ciddii ka wareegi waysa, dee daadku ha qaado.
5-nin iyo wax la mid ah loo fadhin mayo. Meleeashiyooyinka
reer Puntland waa Ciidamadii Qaranka, kuwa Hoggaamiye
kooxeedyada Xamarse lama aamini karo. Dib u laaban mayno,
jeeraan hadadafkeena ka miro dhalino, ee ciddii na hor
istaagi lahayd ha is diyaariso.I.W.M.”
Hoggaamiye waliba wuxuu leeyahay hadaf, bartilmaameed iyo
xeelad uu adeegsado, marka ay timaado hirgelinta
doonistiisa nuucay ahaataba. M. Yuusuf, oo ah Askari huwan
darajada G/sare, marka la eego sida uu isaguba qirtay in uu
yahay Ninkii ugu horeeyey ee Qaranka Xabbad kala hortaga,
laguna biiriyo isku daygii nicisoobay ee Raggii uu ku jiray
ay doonayeen in ay ku af-genbiyaan Kacaankii jaale Barre
21 April 1978-kii.
Iyo in uu aaminsanaa in uu Punt land xoog ku haystay
maadaama Jaamac Cali Jaamac oo si Xor ah loo doortay markii
danbe, uu meesha ka saaray. Maankana ku hayo kool kooliskii
faraha badanaa ee uu kla kulmay IGAD iyo Dowladihii kale ee
Shirka wax ka fududaynayey intii shirkii dib-u-heshiisiinta
Kenya ka socday, in uu ku helay kool kooliskaas Hubkiisa
tirada bdan iyo Xukunkiisa adag. Dibna loo qooraan sado
hadalkii uu jeediyey intii uu ku jiray Ololihiisa doorashada
ee ahaa “ Dalkani habaar qabe hantiya ayuu u baahan yahay,
ee Wadaad miskiin ah waxba kama qaban karo” iyo Codsigiisii
ugu danbeeyey shirkii Golaha loo dhanyahaye ee QM
17kii bishan Sebtember,
uu kaga codsaday in Cuna qabataynta Hubka laga qaado
Soomaaliya. Dad badan ayaa qaba Taariikhdaas ku dhisan xoog
wax ku doonka ee uu ku caan baxay Madaxweyne Yuusuf, in ay
adagtahay si fudud oo ay mar qura isku bedesho.
Waxaa
la’iswaydiin karaa maxaa dabacsanaanta tirada bdan ee aan
Colnelka horay looga baran ku xanbaaray xiligaan? Sida
Xeeldheerayaal odorosa Arimaha Siyaasadda ay ku doodayaan,
2-ba qodob oo aad iskugu dhow ayaa saldhig u ah dabaca
Madaxweynaha.
- Shir
sanadeedkii golaha loo dhanyahay ee QM, ee M. Yuusuf uu
ka qayb galay Madaxdii iyo Wakiiladii ay kulmeen oo ay
ku jiraan qaar metelayey Dowladaha waawayn, waxay ku
booriyeen in uu wada-hadal u furo dhinacyaada is haya ee
Dowladda, iyagoona farta ugu fiiqay in Xabadda ugu
horaysa ay lumin doonto Mansabkiisa. “Qorshaha Odaygu
waa cad yahay, waxaase dhibaysa in Jagadii uu kifaaxa
iyo halganka dheer u soo maray, ay ku dhaafto si sibiq
ah”. Taasi waa dooda Odorasayaasha Arimaha Sisaasadda.
-
Madaxweyne yuusuf, waxaa ku adkaatay bay leeyihiin in uu
markiiba helo cadadka Ciidan iyo Saanadda Hub ee uu
muran la’aan uu wax ugu muquunin lahaa waqti kooban,
sababo la xiriira Cunaqabataynta Hubka oon weli la
qaadin iyo qaylo dhaan sheegaysa in Madaxweynuhu uu
garabka ka soo horjeeda qorsheeyanyo Weerar uu ku
asqeeyo, taas ooo si toos ah ugu dhacaysa dhegaha Beesha
Caalamka. Hadaba Madaxweyne Yuusuf inta arintaasi uga
hirgelaysobay leeyihiin, amase uu isaga duwanyo Ciidamo
qabiil iyo kuwo uu ka helo Dowlado deris ah, wuu ku
qasbanyahay in uu af-ku-malable ahaado, islamarkaasna
Caano qaboob u shubo Cadawgiisa, si ay hurdo dheer ula
dhacaan. Xaajaduse waxay u dhamaanaysaa Murtida oronaysa
" Bahal cayriinka madaayo, Ninna caadadii ma daayo"
Isku
soo duuboo, inkasta oo Madaxweyne Yuusuf uu san soo hadal
qaadin Qodobadii Dastuuriga ahaa ee laysku hayey. Hadana la
arki doonee waxa ay khudbadaas quruxda badani ka tarto
Xaaladdda murugsan ee ka dhexjirta Golayaasha Dowladda.
Dhanka kalena saamayntiisa ayuu yeelan karaa, wax walbana
sidii la filayey ayuu ka bedeli karaa Shirka ay Balcad ku
yeelanayaan Hoggaamiyeyaasha ku hubaysan qaar ka mid ah
Gobolada koofureed, waloow ujeedada ugu wayn ee ay ka
leeyihiin ay tahay dhoola tus Siyaasadeed.
W/D: Mursal Max’ed Max’uud (Garaad) E: -mail
stethy1@yahoo.com
Aragtida
qoraalkan waxaa leh qoraga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 26, 2005
Puntland
oo Guddi u Direysa Jawhar
si ay Arrimaha "Shirkada Consort" ugala
soo Xaajoodaan DFKMG, waxaana guddigaas soo magacaabaya...
Guji
Fartuun
Sheikh iyo Ayeeyadeed oo Laga Sii Daayey Xabsiga Nairobi
Sidaas waxaa shaaca ka
qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska senator Coleman..
Guji...
|