Daabaco
Boggan | Print |
|
TACSI::: Bahda saxaafadda
Soomaaliyeed iyo shaqaalaha idaacada Waxey tacsi tiiraanyo leh u
dirayaan Khadiijo Maxamed Jimcaale (Khadiijo Khalanjo) oo
aabaheed marxuum Maxamed Jimcaale ku geeriyooday magaalada
Muqdisho. Hadaba waxaan marxuumka Illaahey uga baryeynaa inuu
jannadii Fardowso ka waraabiyo eheladii iyo asxaabtii uu ka
geeriyooday gaar ahaan qoyska reer Maxamed Jimcaale aanu
leenahay Illaahey ha idiin ka samir iyo iimaan saadiq ah siiyo.
Isagana uu Illaahey ku basharo Nabigiisi Muxamed (CSW).
Aaamin Aamin Aamin!!
Tacsidan waxaa diraya.
Ikraam Cali-kaar
C/llaahi Nuur Kolombo
Maxamed Xirsi Ismaaciil Tanaade
Maxamed Ugaas
Maxamed Alfa,
Maxamed Cali
Xuseen Calasow
Shukri Sheekh
Cabdul Mukhtaar
Cismaan Xaaji Goobdoon
C/laahi Sh Xuseen (H/wadaag)
Saciido Sheekh VIP
Canab Mumtaz
Fahad Yaasin Xaaji Daahir
Yuusuf Maxamed Muumin (yuusuf
yare).Tacsida
waxaa loogu hagaajin karaa Ikaraam:
ikraam_k@hotmail.com
|
|
|
Barnaamijkii
Radio Xoriyo
27 September. 2005
-
Gabadh ka tagtey wadanka
Australia oo ku xidhan Magaalada Qabri Dahare.
-
Kulan Jabhadda uga socday
gudaha Ogaadeenya oo guul ku dhammaaday.
-
Itoobiya oo xidhay
43 ka mid ah Mucaaradka.
-
Midowga Afrika oo
go’aan ku gaadhay inuu sii furaado xafiiska ay ku
leeyihiin Jawhar .
-
Barnaamijkii aragtida
halgamaaga(Daaxuureynta Siyaasadeed ee Afrika).
======================
Gabadh ka tagtey wadanka
Australia oo ku xiran Magaalada Qabri Dahar
Wararka naga soo gaadhaya
Magaalada Qabri Dahare ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiya
ee Magaalada ku sugan ay xabsiga u taxaabeen Gabadh lagu
magacaabo CIBAADO DAAHIR WEYD oo ka timid Wadanka Australiya.
Gabadhaas oo booqasho ugu
tagtey Waalidkeed oo degen Magaalada, ayaa laba maalmood ka
hor lagu xiray Xabsiga ugu weyn magaalada ee ciidamdada
Itoobiya oo lagu magacaabo BIRGAYDKA.
Ilaa hada waa loo diiday in la
tuso Hooyadeed iyo Aabaheed, mana cadda sababta Gabahdaas
socdaalka ah ee u tagtey booqashada waalidkeed lagu xiray.
Balse ma’aha markii ugu horeysay ee ay Ciidamada Gumeysiga
Itoobiya Jeelka dhigaan shaqsi ka yimid dibadaha ama jooga
dalka Gudihiisa. Boqolaal qof ayaa a si sharcid daro ah ugu
xareysan Xeryaha Ciidmada Gumeysiga Itoobiya ee Gobolada
Ogadeeniya, kuwo kale oo badana waxaa la la’yahay meesha ay
jaan iyo cirib dhigeen kadib markii ay Ciidamada Itoobiya
qafaasheen.
Kulan Jabhadda uga socday gudaha
Ogaadeenya oo guul ku dhammaaday.
Wariyaha Radio Xoriyo uga soo
warramaha Xarunta Dhexe ee Jabhadda Waddaniga Xoreynta
Ogaadeenya ayaa noo soo sheegay in Qaybaha Woqooyi iyo
Galbeed ee Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya ay
yeesheen kulan afar maalmood qaatay, kaasoo lagu dejinayay
qorshayaal cusub, isla markaana lagaga tashanayay sidii
dardar loo gelin lahaa halganka ay Jabhaddu kula jirto
gumaysiga Itoobiya.
Kulankan waxaa la qabtay intii
u dhaxaysay 21 – 24 Sebtember 2005, waxaana ka soo qayb
galay madaxda qaybaha Woqooyi iyo Galbeed ee Jabhadda
Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya.
Kulankan waxaa lagu qiimeeyay
hawlgalladii ay qaybahani ka fuliyeen meelaha ay ka
hawlgalaan iyo natiijooyinkii laga gaadhay, waxaana si wayn
raalli looga noqday sida ay ciidammada xoreynta Ogaadeenya
ugu sandulleeyeen cadowga Itoobiya inuu xeryihiisa isku
waardiyeeyo oo yareeyo dhaqdhaaqii ciidan ee uu ka waday
dalka Ogaadeenya.
Itoobiya oo xidhay 43 ka mid ah
Mucaaradka.
Maamulka Itoobiya ayaa xabsiga
dhigey 43 ka mid ah mucaaradka oo ay ku eedeeyeen in ay
ahaayeen dad hubeysan oo damacsan in ay dawladda Afgambiyaan.
Warkan oo soo baxay maalin
kadib markii Melez Zenawi sheegay in banaanbaxa ay kooxaha
Mucaardku qaban qabinayaan in uu dhaco Axadda oo bishan
October tahay 2, 2005 ee ay kaga cabanayan natiijooyinii
doorasho ku sheegta Itoobya ee bishii May 15, 2005 ay tahay
mid mucaaradku doonayo in ay khal-khal iyo rabshado ku
abuuraan dawladiisa, isla markaana doonayaan in ay
afgambiyaan.
Xiriirka u dhaxeeya ururka
Melez ee EPRDF ee Tigreegu hormoodka u yahay iyo xisbiyada
Mucaaradka ee CUD, EUDF ee Amxaarada ayaa aad u sii xumaadey,
kadib makriii bishii July ee sanadkan ay Ciidamada gaarka ah
ee Melez dileen ugu yaraan 36 qof, kumaan kun kalena
xabsiyada u taxaabeen, iyaga oo banaanbax sameynayey ayey
kaga cabanayen doorashada, kuwaas oo u badnaa ardeyda da’da
yare e Jaamacadaha wax ka barta.
Hadaba, ururka EU iyo xarunta
Madaxweyne Carter ayaa xiligii doorashadu socotey si aad ah
isagu dhabar jabiyey in khilaafka u dhaxeeya labada dhinac
nabadgelyo lagu dhameeyo, balse waxaa dabacsanaan muujin
waayey Meles Zenawi, kaas oo si aflagaado leh u cambaareeyey
warbixintii ay EU ka soo saartey doorashadii Itoobiya, isaga
oo warbixintaas ku tilaamaamey mid “qashin ama qudhun ah”,
halkaas oo ay ku dhamaatey dhex-dhexaadintii labada dhinac.
Si kastaba ha ahaate, Xisbiga
Mucaaradka ayaa isaguna sheegay in 43-da qof ee la xiray ay
ahaayeen shaqaalaha xafiisyadooda iyo waardiyayaashii
ilaalinayey xafiisyadooda, kuwaas oo laga soo xiray afar
qaybood oo ka mid ah Gobolada Amxaaradu degto.
Midowga Afrika oo go’aan ku
gaadhay inuu sii furaado xafiiska ay ku leeyihiin Magaalada
Jawhar.
Xubnaha labada Gole ee DFKMG ee garabka Magaalada Jowhar
ayaa taageeray go'aan Midowga Afrika ay doraad ka soo
saareen Magaalada Nairbi, go’aankaas oo Midowga Afrika ku
shegeen in xafiiskooda ku yaala Magaalada Jowhar uu sii
furnaanayo.
Dhinaca kale, waxaa iyaguna
qaadacey hadalka ka soo yeedhay Midowga Afrika Xubnaha ka
tirsan DFKMG ee ku sugan Magaalada Muqdisho, iyagoo ku
tilmaamay Ururka Midowga Africa fikir Itoobiya ay wadato,
isla markaana aaney jirin urur micna leh oo midowga Africa
loogu yeedho.
Si kastaba ha ahaatee,
khilaafka u dhaxaeeya Xubnaha DFKMG ee Soomaaliya ayaa ah
mid mudo soo jiitamayey, isla markaana aan ilaa hada wax xal
ah laga gadhin.
Radio Xoriyo
27 September. 2005
Axmed Xidig
radioxoriyo@ogaden.com
raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee
dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha
7: 30PM waqtiga Afrikada Bari
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 26, 2005
Puntland
oo Guddi u Direysa Jawhar
si ay Arrimaha "Shirkada Consort" ugala
soo Xaajoodaan DFKMG, waxaana guddigaas soo magacaabaya...
Guji
Fartuun
Sheikh iyo Ayeeyadeed oo Laga Sii Daayey Xabsiga Nairobi
Sidaas waxaa shaaca ka
qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska senator Coleman..
Guji...
|