SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - HIIRAAN UNIVERSITY

 Holland oo si weyn looga soo dhaweeyay dhismaha Jaamacadda Hiiraan
( Dhaqaale gaaraya 10 000 oo Doollar oo lagu taageeray )

Maalintii Axadda ee 1da bisha jannaayo 2006da, saacaddu markii ay ahayd 14:30kii casarnimo ayaa waxa ka furmay qolka shirarka ee ururka SBSS ee magaalda Denhaag, kulan aad u xiiso badan oo kaalmo dhaqaale loogu uruurinayay dhismaha Jaamacadda Hiiraan. Kulankaas ayaa waxaa ka soo qaybgalay dadweyne fara badan oo ka kala yimid magaalooyinka waddanka Holland, kuwaasoo u badnaa hoggaamiyeyaasha jaaliyadaha Soomaalida iyo aqoonyahanno u yimid in ay gacan ka geystaan dhaqdhaqaaqyada waxbarasho ee muddooyinkan dambe ku soo xoogaysanaya waddankii Soomaaliya.

Kulankaas oo ahaa oo ahaa mid aad u xiiso badan uuna xiriirinayay tifaftiraha Radio Dalmar C/Maalik C/Qaadir ( Napoli ), ayaa waxaa ugu horrayn hadallo soo dhowayn ah ka jeediyay Daahir Arreey oo si diirran u soo dhaweeyay martisharaftii halkaas isugu timid. Wuxuu si aad ah uga cudurdaartay dib u dhicii ku yimid safarakii Prof. Axmed M. Warfaa oo aad looga sugayay Holland , oo nasiibdarro uu baaqday socdaalkii uu ku imaan lahaa Holland , dib u dhac ku yimid diyaaraddii uu ku imaan lahaa awgeed. Daahir wuxuu intaas ku daray in Prof. Warfaa baddalkiisii uu warbixintii la xiriirtay Jaamacadda Hiiraan uu soo jeedin doono Eng. Maxamed Cibaar oo ka mid ah farsamoyaqaannada u xilsaaran fulinta mashruuca dhismaha Jaamacadda Hiiraan.

Intaas ka dib waxaa hadalkii qaatay Maxamed Baasaweyne oo si aad ah uga sheekeeyay xusuustiisii gobolka Hiiraan, gaar ahaan magaalada B/weyne oo uu ku dhashay, kuna soo barbaaray. Wuxu yiri “ Awowgey ayaa ku dhashay B/Weyne, Hooyaday ayaa ku dhalatay, aniga ayaa ku dhashay, haddii aysan balaayadii Soomaaliya ka dhacday dhacdeenna , waxay u badnaan lahayd in ay carruurtaydu ku dhashaan B/weyne”. Hiiraan xaq ayay igu leedahay, waanan ku faraxsanahay in aan maanta hormuud ka noqdo dhismaha Jaamacadda Hiiraan oo aan u rajaynayo guul weyn.

Bashiir Xaaji Yuusuf oo ah sharciyaqaan Soomaaliyeed oo deggan Holland ayaa isaguna aad uga hadlay faa' idooyinka waxbarashada iyo kaalinta looga fadhiyo in ay Jaamacadda Hiiraan ka qaadato kobcinta waxbarashada. Wuxuu Bashiir xusay in loo baahanyahay in kulliyadaha ugu horreeya ee ay yeelanayso jaamacaddu ay noqdaan kuwo saamayn toos ah ku leh dadka deegaanka. Hiiraan waa dhul xoolaley iyo Beeralayba ah, tusaale ahaanna in la furo kulliyado cilmiga xoolaha iyo beeraha qaabilsani waa talo wanaagsan. Wuxuu kaloo xusay in dadka loo diyaariyo oo bisleeyo waxbarsho sare, lana daraaseeyo xaaladahooda nololeed, iyo heerkooda wacyi.

Dr. C/Laahi Cismaan oo isaguna halkaas ka jeediyay hadallo qiima badan oo guubaabo ah ayaa tilmaamay nacfiga ay leedahay waxbarashadu. Wuxuu sheegay in taariikhda gobolka Hiiraan ay tahay mid la wada ogyahay oo ay Soomaalidu ka dheregsantahay, wuxuuna Soomaalidii halkaas isugu timid ka codsaday in ay taageeraan dhismaha Jaamacadda Hiiraan .

Eng. C/Sadiiq Cali “ Dhagasayn” ayaa isaguna halkaas ka soo jeediyay hadallo qiimo badan oo uu cinwaan uga dhigay Kacaanka waxbarashada ee Soomaaliya. Wuxuuna tilaamay in ay tahay wax aad loogu farxo in maanta ay Soomalidu u soo jeesatay dhanka waxbarashada, wuxuuna wax laga xumaado ku tilmaamay in ay maanta ubadkeennu yihiin kuwa ugu waxbarasho liita adduunka. Wuxuu ammaan u soo jeediyay Prof. Warfaa oo dadaal dheer u galay sidii dhidibbada loogu aasi lahaa Jaamacadda Hiiraan. Isagoo xusay in ay lagama maarmaan tahay in taageero lala garab istaago Jaamacadaha waddanka ku soo badanaya oo ay tan Hiiraan ka mid tahay.

Intaas ka dib, waxaa hadalkii lagu wareejiyay Eng. Maxamed Cali Cibaar oo ugu horrayntii mar labaad ka cudurdaaray ka maqnaanshaha uu kulankaas ka maqnaaday Prof. Warfaa oo ku tilmaamay qaddar Eebbe,. wuxuuna intaas raaciyay “ Waan hubaa in aanan buuxin karin kaalintii Prof. Axmed M. Warfaa, waxaanse idiin soo hor istaagay, annagoo reer Holland ahaan si wanaagsan isku naqaanna iyo in aadan maanta halkan u imaanin inaad soo salaantaan Macallin Warfaa, balse aad u timaaddeen inaad waxii karaankiinna ah ku tartaan dhismaha jaamacadda Hiiraan”.

Intaas kaddib, wuxuu Maxamed Cibaar warbixin dheer ka bixiyay heerarkii ay soo martay hirgalinta Hiiraan University . Wuxuu sheegay in doodo iyo baaritaanno ka dib ay lagama maarmaan u muuqatay in Jaamacad laga hirgeliyo gobolka Hiiraan , si loo daboolo baahida waxbarashada sare ee dalka ka jirta, gaar ahaan tan gobolka Hiiraan. Wuxuu sheegay in 27kii December 2003-kii Ohio , waddanka maraykanka laga diiwaan galiyay urur isku dubbarida howlaha dhismaha Jaamacadda Hiiraan oo xilligaas ay hirgalinteedu dad badan ula muuqatay mid riyo ah, laakiin nasiib wanaag labo sano kaddib , hadda inta badan ula muuqata mid rumoobaysa, wuxuuna aad u ammaanay aqoonyahannadii ku dhiirraday go' aankaas xalaasha ah. Intii uu ku gudo jiray warbixintiisa wuxuu halkaas ku soo bandhigay sawirro laga soo qaaday dugsiyada gobolka Hiiraan, dadka, beeraha, xoolaha, iyo dhismaha gobolka. Waxaa sidaasoo kale la soo bandhigay muuqaallo ku saabsan safarkii Prof Warfaa uu ku soo maray waddamada Yurub iyo Waqooyiga Ameerika. “Waxaa la gaaray waqtigii ay dadka Soomaaliyeed isku tashan lahaayeen, kana shaqayn lahaayeen badbaadinta jiilka soo koraya” ayaa hadalladiisii ka mid ahaa, wuxuuna ugu dambayntii codsi u jeediyay ka soo qaybgalayaashii in ay taageeraan dhismaha Jaamacadda Hiiraan. “ Maanta waxaa nala soo weydiistay in aan taageerno Jaamacad laga dhisayo Hiiraan, Berrina mid kale ayaan u gurman doonnaa insha-Allaah. Ma aha mid la moogyahay xaaladda dhaqaale ee Holland ka jirta, waxaanse ku kalsoonnahay niyaddiina wanaagsan in aadan waxba hagran doonin ” ayuuna hadalkiisii ku soo gabagabeeyay.

Gabagabadii qaybta 1aad ee kulanka ayaa waxa hadal dheer oo waano ah soo jeediyay Sh. C/Naasir Sh. Cali X. Yuusuf, wuxuuna dadkii halkaasi isugu yimid aad ugu dhiirrigaliyay in ay wax sadaqeystaan ayna taageeraan barnaamijkan waxbarashada oo ka mid ah meelaha ugu fadliga badan ee wax lagu bixiyo. Wuxuu sidoo kale madasha ka sheegay in Ururka uu mas' uula ka hay ee Daarul- Hijra uu dhismaha Jaamacadda Hiiraan ugu deeqay Euro 1000, isagoo ka codsaday ururrada kalena in ay sidaas oo kale u taageeraan. Waxaa sidoo kale halkaas hadallo waano ah ka soo jeediyay Maxamed A. Cusmaan oo ku dhiirrigeliyay in ay urrada Soomaalidu tayadooda hagaajiyaan noqdaanna kuwo u adeega umadda, haddii kale ay muqtabalka dhici doonto in shacabka ay matalayaan uu ka aamin baxo oo aan wanaag badan laga filan.

Salaaddii maqrib iyo qaxweyn yar ka dib, ayaa haddana 17:15 maqribnimo dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad ee kulanka oo ahayd su' aalo iyo talobixin. Waxaa ugu horrayn halkaas ka hadashay Sahra Naalleeye oo ku hadlaysay magaca ururka IFSAN oo ah dallad mideysa 37 urur oo ay leeyihiin Soomaalida ku dhaqan Holland . Waxay Sahra carrabka ku dhufatay urarrada ku midoobay daladda IFSAN ay kulan gaara ah ka yeelan doonaan Dhismaha Jaamacdda Hiiraan, wixii kharash ah ee ay ku tabarucayaanna ay la kaashan doonaan hay' adaha deeqda bixiya oo ay xustay in rajoweyn ka qabaan in ay ku gacansiin doonaan barnaamijka.

Ruqiyo Caddow oo ka tirsan uruka haweenka ee Buluugleey, ayaa iyaduna halkaas ka soo jeedisay hadallo qiiro leh, waxay dhaliishay ragga Soomaaliyeed oo ay xustay in dadaalkoodii nabadda ka gaabiyeen. Anigu waxaan ku dhashay gobol kale, waana in aan carruurtayda gaysan karaa Jaamacadda Hiiraan oo ay noqotaa mid loo simanyahay, ayaana hadalladeedii ka mid ahaa.

Ciise A. Diiriye oo ka socday ururka Midnimo Delft, ayaa isaguna tilmaamay in aan la fududaysan arrimaha ammaanka , Ammaan la' aan Jaamacadi ma jirayso , waxaanan ku talin lahaa in Jaamacaddu yeelato awood difaacda, sababtoo ah shaki la' aan waxay leedahay cadowyo aan raalli ka ahayn horumarkeeda, haddii aysan tabar lahayna waa turaanturraynayaa ee taas ha laga tigtoonaado, ayaa hadalladiisii ka mid ahaa.

Shamso Xasan oo ka socotay ururka IFSAN ayaa iyaduna tilmantay in dhismaha Jaamacadda Hiiraan ee xilligan uu yahay mid aad u daahay oo loo baahnaa mar hore. Waxay tiri “ Hiiraan waa xudduntii waddanka” Waana mid la hubo wixii horumar ah ee uu gaaro gobolkaasi uu yahay horumar ay Soomaaliyi gaartay. Waxa kale oo ay Shamso xustay in saddex kulliyadood oo tayo leh ay ka wanaagsanyihiin 10 kulliyadood oo tayo liita, sidaas darteed ha lagu dadaalo tayada kulliyadaha , laakiin yaan tiradooda lagu degdegin, ayayna talo ku soo jeedisay.

Guuleed Yuusuf oo isna ka socday ururka NedSom, oo tabaruca jaamacadda Hiiraan ka qayb qaatay ,ayaa isna talo ku soo jeediyay in laga fekero kulliyadaha laga hirgeliyey jaamacadaha deriska ah, lagana fiicanyahay in magaalooyin aan sidaas u kala fogayn ay kulliyado isku mid ahi ka jiraan, halka kulliyado ksale oo muhiim ahaan lahaa aysan jaamacadahaasi lahayn.

Qaybtii labaad oo kulanka oo ahayd mid aad u xiiso badan oo kaftan, talobixin, waydiimo iyo warcelinba kaddib, waxay ku soo gabagabowday waji aad u qurux badan 18:00kii fiidnimo. Waxaana xusid mudan in marti sharaftii halkaas isugu timid ay u yabooheen in ay jaamacadda Hiiraan ku taageerayaan dhaqaale gaaraya taban kun oo doollar (10 000). Ururrada Darul-Hijra, Samvao, Soneca, Ifsan, Nedsom, Dalmar, SBSS, Midnimo iyo Bulugleey ayaa ka mid ahaa ururadii dhaqaalaha ku taageeray dhismaha Jaamacadda Hiiraan.

Isla habeennimadii Axadda ayaa waxaa casho-sharaf loogu sameeyay xarunta ururka Soneca ee Denhaag, ururradii ka soo qaybgalay kulankii galabnimadii , waxaana halkaas la isku dhaafsaday taloboxin iyo istusaalayn, iyadoo dhammaan dadkii halkaasi isugu yimid ay ka muuqatay bisayl iyo sida ay u danaynayaan nabadda iyo horumarka dalkoodii hooyo. Gabagabadii kulanka ayay dadka qaar soo jeediyeen in la badiyo kulamada sidaan oo kale ah, kaasoo keeni kara isfahan iyo iskaashi xooggan oo dhex mara Soomaalida Holland .

Isha: Samaddoon.com
Waxaa SomaliTalk.com soo gaarsiiyey:
Cabdisadiiq Sh Cali Dhegasayn
cali_maax@hotmail.com
Faafin: Jan 5, 2006


XAFLAD DHAQAALE URURIN JAAMACADDA HIIRAAN OO LAGU QABTAY LONDON

London (UK) | Dec 18, 2005

::: GEDO & GALGUDUUD:::

Reer Columbus, Ohio oo waxbarashada Gedo & Galguduud ugu deeqay $64,000.. Guji..
:::JAAMACADDA HIIRAAN:::

Reer Minnesota oo Jaamacadda Hiiraan ugu Deeqay $80,000 oo Doolar.. Guji
::JAAMACADA BARIGA AFRIKA:

Ardaydii ugu Horaysay oo ka qalin jabisa Jaamacada Bariga Afrika oo la gudoonsiiyay Shahaadadii Guji

Waxaa lagu qabtay magaalada London xaflad ballaaran oo ay ka soo qeyb galeen dadweyne aad u fara badan oo isugu jiray qeybaha bulshada ku nool London iyo nawaaxigeeda. Xafladaas oo kuwa ceynkeeda oo kale ah hore loogu qabtay woqooyiga qaaradda Ameerika, ayaa waxaa dhaqaale loogu ururinayey Jaamacadda Hiiraan.

Iyadoo xafladu ka dhacday bartamaha magaalada London oo si heer sare ahna loo soo abaabulay ayaa waxaa xiriiriye ka ahaa Dr. Hashim Ducaale, waxaana ugu horeyntii  halkaa ka soo jeediyey Aayado Qur’aanka Kariimka ah iyo wacdi ku saabsan sadaqada jaariga ah iyo sida ay diinteenu uga hadashay Xaaji Cali Carab, waxaana  markaa hadalkii qaatay madaxa laanta afka soomaaliga ee idaacadda British Broadcasting Corportaion Yuusuf Garaad Cumar oo xusay taariikh nololeedkiisii iyo waxbarashadii uu ku soo qaatay gobolka Hiiraan gaar ahaan magaalada Buula Burte, wuxuuna sheegay mashruuc sidan u weyn uu soo kordhin karo aqoonta jiilka soo koraaya ka sokow kobcinta nabadda guud ee gobolka, Yuusuf wuxuu kaluu carrabka ku dhiftay warbxintii ugu dambeysay ee Unicef ee waxbarashada Soomaaliya taasoo ku cadeyd in dalku yahay kan ugu hooseeya dhinaca waxbarashada adduunka oo idil. Waxaa ka dibna hadalkii qaatay Dr. Nuur Cadde oo ka tirsan Bisha Cas ee Soomaaliya oo isna ka warbixiyey guud ahaan hay’addu waxa ay ka qabato dalka Soomaaliya iyo gaar ahaan gobolka Hiiraan isagoo aad u faah-faahiyey mashaariicda kala gedisan ee ay ka wado Bisha Cas gobolka iyo degmooyinkiisaba wuxuuna sheegay in  ay gacan ku leeyihiin kuna yeelanayaan mashruucan jaamacadda iyo kuwa kaleba.

Waxaa xiriiriyuhu hadalkii markaa uu siiyey Dr. Maxamuud Maxamed Guure oo ka hadlay muhiimadda nabadu u leedahay nolosha bani’aadamka iyo sida la’aanteed aan waxba loo qabsan Karin, wuxuuna ku baraarujiyey reer Hiiraan in ay gacmaha isqabsadaan meelna ay uga soo wada jeestaan sidii ay xididada ugu adkeyn lahaayeen nabadda uguna wada gunta lahaayeen mashaariicda horumarineed.

Wasiiru dawlaha  dib u dejinta DFKMG Xildhibaan Ibraahim Xabeeb ayaa isna halkaa ka soo jeediyey hadalo ay u riyaaqeen ka soo qeyb galayaashii xaflada wuxuuna aad ugu celceliyey sida ay uga go’an tahay dadka gobolka in ay wax qabsadaan mashruucanna laga dareemi karo sida ay diyaarka ugu yihiin ka qeyb qaadashadiisa.   

Prof. Ibraahim Maxamed Biriq oo wax ka dhigi jiray kulliyadda Jiyolojiyada ee Jaamacaddii Umadda Soomaaliyeed ayaa isaguna ka hadlay waxbarashada aasaasiga tan dhexe iyo midda heerka sareba, wuxuuna xusay fursadii waxbarashadii oo ay heleen jiilalkii hore iyo sida loogu baahan yahay in kuwanna loogu dhiso mustaqbal hagaagsan. Dr.ssa Saciida ayaa iyadana ka hadashay kaalinta haweenka ee waxbarashada iyo iyada oo ku hadleysa magaca hooyooyinka sida ay hooyada ula weyn tahay waxbarashada ubadka.

Intaa ka dib waxaa microfonka lagu soo dhaweeyey Prof. Axmed Muumin Warfa oo ka yimid dalka mareykanka dadkii xafladda joogayna ay aad u sugayeen hadaladiisa. Professorka oo sida in badan oo taqaana ay ogyihiinba wuxuu wax ka dhigi jiray kulliyadii Beeraha ee JUS, waa nin sayntiste ah cilmiga botaanikadana ka dhiga jaamacada Utah (USA), noocya geeda ah oo jinsiyadooda uu helayna isaga loogu magacdaray, waana nin kaftan badan oo hadal debecsan dadka dhegahoodana aad u soo jiita. Prof. Warfa wuxuu ka warbixiyey sida ay fikradda Jaamacadda Hiiraan ay ku bilaabatay heerarkii ay soo martay iyo xaaladda maanta meesha ay mareyso, wuxuuna aad farta ugu fiiqay sida aqoonta loogu baahan yahay iyo in ay iyadu nabadda saldhig u tahay, Prof. warfa wuxuu hoosta ka xariiqay in jaamacadani laga dhisayo Beledweyne – Hiiraan, balse ay tahay jaamacad soomaaliyeed oo ay wax ku baran doonaan arday soomaaliyeed.

Intaa kadib waxaa la guda galay lacag uruurintii, dabadeedna halkaa ayaa lagu casheeyey, waxaana gebagebadii hadal mahadnaq ah ka soo jeedisay halkaa Avv. Caasha Kiin Faarax Ducaale oo homuud u ahayd guddigii qabanqaabada barnaamijka.

Ugu dambeyntii waxaa xusid mudan in reer London ay ugu deeqeen Jaamacadda Hiiraan lixdan kun oo geniga sterliinka ah oo u dhiganta US$ 100.000.

Maalintii axada oo ee taariikhdu ahayd 18/12/05 ayaa xaflad deeq ururin Jaamacadda Hiiraan loogu qabtay magaalada Birmingham ee dalka UK. 

A. M. Abtidon – London

amabtidoon@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com


Reer Minnesota oo Jaamacadda Hiiraan ugu Deeqay $80,000 oo Doolar....

  • SomaliTalk.com | Minneapolis, MN, USA | Nov 21, 2005

Siciid Saalax oo ka hadlaya kulankii loo qabtay Jaamacada Hiiraan

Prof. Warfaa (bidix) iyo Ismacil Sh.

Prof. Warfaa oo ka hadlaya madasha

Kulan aad u xiiso badnaa ayaa xalay (Nov 20, 2005) waxaa lagu qabtay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka. Kulankaas oo ujeedadiisu ahayd in lacag loogu ururiyo dhismaha Jaamacada Hiiraan ee laga hirgelinayo magaalada Beledweyne ee dalka Soomaaliya.

Kulanka oo si wanaagsan looga soo qayb galay waxaa ka hadlay culimaa'u-diin iyo aqoon-yahanno Soomaaliyeed oo dhammaantood dadweynaha Soomaaliyeed ku booriyey in ay ka qayb qaataan dhismaha Jaamacadda Hiiraan oo hirgelideedu ay faa'iido weyn u yeelan doonto mujtamaca Soomaaliyeed.

Aqoonyahanadii ka hadlay kulankaas waxaa ka mid ahaa Ismaaciil Sheikh Samatar oo ka war bixiyey in hindisaha dhismaha Jaamacaadda Hiiraan uu muddo soo socdey, haddana la soo gaarey xilligii la hirgelin lahaa dhismaha. Waxana uu ammaanay Daa'uud Cali Xasan oo ah nin reer Hiiraan ah oo ku nool dalka Ingriiska.

Ismaaciil Sheikh Samatar Waxa uu xusay Jaamacadaha hadda ku yaal Dalkeena in dhammaan ay u adegaan bulshada Soomaaliyeed.

Waxa kale oo madasha ka hadlay Maxamuud Nuur Wardheere oo u mahad celiyey shacabka ka soo qayb galay kulanka, waxana uu si gaar ah ugu mahad celiyey Ardayda Soomaaliyeed ee dhigta Jaamacada Minnesota oo ka qayb qaatay soo agaasimida Kulanka. Wardheere oo qiimaha waxbarashada ka sheekaynaya waxa uu yiri: Magaaladii aan ku dhashay ee Qooqaani marka ardaygu dugsi dhexe dhameeyo haddii uusan ehel ku lahayn Kismaayo ama Muqdisho, ama magaalo dugsi sare leh, ama aan qoyskiisu awoodin in ay ardayga magaalo kale Dugsi sare ugu diraan waxaa uu ardaygaasi noqon jirey mid halkaas kaga hara wax barashada. Nasiib wanaag, ayuu yiri, walaalkay ayaa joogey Afgooye, halkaas ayaan u aadey Dugsi Sare. Waxana uu xusay sida ay muhiim u tahay in laga qayb qaato hir gelinta Jaamacada Hiiraan

C/Risaaq Aadan "Lafoole" ayaa ka war bixiyey Jaamacada hadda kajira dalkeena, waxana uu sheegay in uu safar kusoo maray badanaa Jaamacadaha dalka, sida Jaamacadda Camuud (Boorame), Hargeysa, Burco, Nugaal (Laascaanood), Boosaaso (East Africa), mac-hadka Garoowe, iyo Galkacyo. Waxana uu xusay in la dhagax dhigay Jaamacada Kismaayo.

Waxa kale oo uu C/Risaaq Lafoole xusay in Jaamacada Muqdisho ay meel sare ka gashay Jaamacadaha Afrika. Isagoo arrintaas ka hadlaya waxa uu yiri "Soomaaliya oo lagu tiriyo lixda dal oo dunida ugu faqiirsan, haddana Jaamacadda Muqdisho waxay boqolka ugu sareeya ee Jaamacadaha Afrika ka gashay kaalinta 78aad" taas oo ah heerka wanaagsan ee ay Jaacadda Muqdisho gaartey. Sidaas oo kale ayaa loo baahan yahay in la hir geliyo Jaamacada Hiiraan ayuu yiri.

Siciid Saalax oo ah aqoon yahan caan ka ah Minnesota ahan bare Soomaaliyeed oo suugaanta ku xeeldheer ayaa hadalo dhiiri gelin ah madasha ka soo jeediyey. Waxana uu yiri waa in la helo tiro jaamacado ah oo ka badan inta Qabqable Dagaal ee dalku leeyahay. Waxana uu intaas ku daray waa in la maareeyo Jaamacadaha si aan tayadoodu u dhumin, magaalo kastana laga dhiso kulliyad ku haboon deegaanka ay Jaamacadasi ku taal.

Gabar magaceeda la yiraahdo Cibaado ayaa tiri "Anigoo ku hadlaaya magaca gabdhaha Soomaaliyeed waxaan soo dhoweynayaa in Iskoolo iyo Jaamacado laga dhiso gobol kasta oo Soomaaliya".

Sh. C/Raxmaan Sh. Cumar oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ee Reer Minnesota oo kulankaas ka hadlay ayaa aad uga hadlay muhiimada cilmiga. Waxana uu dadkii madasha isugu yimid xusuusiyey sida ay Diinta Islaamku u qiimayso cilmiga. "Aayadii ugu horeysey ee Quraanka ee Allah soo dejiyey waxay ahayd 'IQARA'" ayuu yiri, taas oo daliil u ah qiimaha wax akhrinta. Sidaas dadaadeed, ayuu yiri, waa in la dhiiri geliyo cilmiga. Sidoo kale waxaa muxiim ah wax qorista ayuu yiri.

Sh. Cabdiraxmaan waxa uu in yar ka waramay yaraantiisii in uu dugsigii hoose ee uu ka soo baxay uu ku dhowaa xaafadii uu ka degenaa Beledweyne, dugsiga dhexena uusan halkaas sidaas uga sii fogeyn. Waxana uu nasiib u yeeshay in uu dugsi sare kaga soo baxo magaladii uu deganaa ee Beledweyne, dugsiga sare ee Axamed Warsame oo ah dugsi lagu dhisay Iskaa Wax-u-Qabso. Waxana uu Sh. C/Raxmaan halkaas ku muujinayey sida ay qiimaha u leedahay waxbarashadu. Sidaas darteedna uu taageerayo in Jaamacad laga dhiso magaalada Beledweyne. (Nin dadka kulanka joogey ka mid ah oo mar dambe magarafoonka loo dhiibey ayaa xusay sida magaalada Beledweyne u ahayd magaalo u dhexaysa shacabka Soomaaliyeed, waxana uu xusay in dugsiga Sare ee Axmed Warsame ee Beledweyne loogu magac daray wiil uu webigu qaaday xilligi Iskoolkaas la dhisayey, wiilkaas oo ahaa reer Garoowe, ayuu yiri.)

Aan u soo laabano hadalkii Sh. Caraxmaan, waxa uu yiri "Inagoo aan cid ku halaynayn waa in aan isu taagnaa dhismaha Jaamacadas"

Sh. C/Raxmaan waxa uu sheegay in ay waajib Islaami ah noqoneyso in la hir geliyo dhismaha goobaha Tacliinta, lacagta lagu bixiyaan ay noqoneyso sadaqo.

Ugu dambayntii waxaa kulanka ka hadlay Shiikh Prof. Axmed Muumin Warfaa oo hadda wax ka dhiga Salt Lake City Community College, ee gobolka Utah ee dalka Maraykanka, kana dhiga maadada biology/botany, oo Minnesota u yimid in uu Soomaalida kala hadlo hir gelinta Jaamacadda Hiiraan. (Prof. Warfaa oo Reer Minnesota ku xusuustaan booqashadii uu bishii Janaayo 2005 ku yimdi si uu uga hadlo dhibaata qaadka).

Prof. Warfaa oo ka warbixinaya Jaamacada Hiiraan ee la hirgelinayo waxa uu yiri waxaa la qorsheynayaa in Jaamacada Hiiraan ay muddo 10 sano ah gudohood ku yeelato 10 Kulliyadood, taas oo la rabo in halkii sanoba la hir geliyo hal kulliyad. Waxana uu sheegay in muddo hal sano gudohood ah loo baahan yahay in la ururiyo Nus-malyuun doolar (1/2 million) si loo hirgeliyo dhismaha Jaamacada Hiiraan, waxana uu sheegay in soo ururinta lacagtaas isaga loo xilsaaray.

Prof. Warfaa oo ka warbixinaya lacagta ilaa hadda Jaamacada loo ballan qaaday waxa uu sheegay in:

  • Soomaalida Colorado ay bixiyeen $20,000.
  • Halka Soomaalida Seattle ay bixiyeen $10,000 ayna ballan qaadeen in lacagtaas ay gaarsiinayaan $30,000
  • Afar nin ayaa ballan qaaday in ay bixinayaan $40,000
  • Soomaalida Reer Minnesota waxay ilaa xalay bixiyeen $80,000

Prof. Warfaa oo xifaalaynya reer Beledweyne waxa uu yiri anagu reer Buulo-Berde haddaan nahay waxaan webiga ka soo guran jirney qoonaha (ka baxda geedka baarka) oo webigu ka soo qaado Bedelweyne, hadalkaas oo dadkii madasha isugu yimid ka qosliyey.

Shiikh Prof. Warfaa, kaftankaas ka dib, waxa uu reer Minnesota uga mahad celiyey soo dhoweynta, waxana uu ku guubaabiyey in ka qayb qaataan Jaamacada hirgelinteeda, isagoo sheegay in Jaamacadaasi ay tahay Jaamacad Soomaali u dhexaysa.

Mar su'aal laga weydiiyey tirada ardayda ee loo qorsheeyey in ay Jaamacadasi qaadato sannadkiiba waxa uu yiri: Waxaa hadda lagu qiyaasay in dugsiyada Sare ee gobolka Hiiraan ay ka soo baxaan 500 oo arday, waxaana la qorshaynayaa in marka hore Jaamacadu qaadan doonto 200 oo arday - bilowga sannadkiiba.


Sh. C/Raxmaan & Prof. Warfaa

Waxaa mar kale magarafoonka loo dhiibey Sh. C/Raxaam Sh. Cumar oo xilligii uu dhiganayey Jaamacadii ummada Soomaaliya uu macallimiintiisii ka mid ahaa Prof. Warfaa oo macallin ahaa ilaa 1975. Waxana uu Sh. C/raxmaan mar labaad reer Minnesota ku guubaabiyey in ay ka qayb qaataan hir gelinta Jaamacada Hiiraan.

Waxaa aad dadkii kulanka isugu yimid u riyaaqeen markii kulanka oo socda la joojiyey si loo soo tukado salaadii Cishe, kaddibna la isugu soo laabtay si kulanka loo dhamaystiro.

Wakiilka Jaamacada Hiiraan ee Minnesota waxaa lagala xiriiri karaa Tel: 612.388.6282 (Minneapolis).

Halkaas ayuu si habsami ah ugu soo gabagaboobey kulankii loo qabtay lacag u urinta Jaamacada Hiiraan oo dadkii madasha yimid ay ballan qaadeen in ay ka qayb qaadanayaan maal iyo maskaxba hir gelinta Jaamacada.

Qormadan waxaa isku doo dubaridey
Maxamed Cali | Minneapolis, MN, USA
Email: webmaster@somalitalk.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 21, 2005

LIFAAQ.1::: Qoraalka markii aan daabacay ka dib waxaa la ii sheegay in Fikirka iyo hindisaha Jaamacadda Hiiraan laga soo alkumay magaaladda Columbus, Ohio ee USA. (updated: Nov 27, 2005)

:::GEDO & GALGUDUUD:::

Reer Columbus, Ohio oo waxbarashada Gedo & Galguduud ugu deeqay $64,000 oo Doolar... Guji..

LIFAAQ:2:::: Reer Ohio iyo gobolada kale ee Maraykanka si ay u taageeraan Jaamacada Hiiraan waxa ay la xiriiri karaan:
Abukar D. Osman (Baale)


Guddoomiye ku-Xigeenka
Mashruuca Jaamacadda Hiiraan
(614) 778-3130

 e-mail address: hiiraan_university@yahoo.com ama adballos@yahoo.com