SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARARKII JANAAYO 12, 2006

  • Ciidanka Boliiska Sacuudiga oo dilay 3-qof oo soomaali

  • Ra’isul wasaare Cali Max’ed oo la filayo in todobaadka soo socda soo gaaro..

  • Dagaal qaraar oo shalay ka dhacay Deegaanka Gelinsoor ..

  • Dowladda Itoobiya oo aad u daneyneysa in kulanka ugu horeeya ee baarlamaanka ..

  • Maamulka Soomaaliland oo uga digay Shirkadaha.Shidaalka ka qodaya.

  • Madax ka tirsan Putland oo xilalkii laga qaaday...

  • Xaflad loo sameeyey arday ka qalin jabisay dugsiyada Al-Mathal iyo Caynaan

  • Bayaan: Mowqifka JWXO ee Arrimaha Nabadda...

  • WAXGARADKA BEELAHA C/WAAQ IYO CADAADO OO SOO SAAREY BAAQ NABADEED...


TACSI:::

Nabaddoonkii beesha cabdikuumade ee Jubada Hoose ayaa ku Geeriyoodey Afmadow

Waxaa geerinaxdinleh kutimid nabaddoon Saalax Cabdi Nuux , oo ahaa nabaddoon beesha cabdikuumade ee gobalka jubbada hoose magaalada Afmadow, nabaddoonka oo 4 barri kahore kugeeriyooday Afmadow baan waxaa dhamaan wax garadka beesha cabdikuumade ay tacsi tiiraanyo leh ay ay udirayaa eheladiii uu kageeriyooday nabbaddoon Saalax, ay leeyiin marxuunka allaha unaxariisto dhamaanteena samir iyo iimaan laha naga siiyo.

waxaana kamaíd ah dadka tacsida tiraaya dadka hoos kuqoran,

  • 1 kornayl cabdale sheikh mursal iyo dhamaan reer sheekh mursal
  • 2 marwo xillaay Cabdulaahi Yusuf oo ah gudoomiha Jahliyada beesha cabdikuumade ee gobalka
  • ST.LOUASIMO
  • 3 cabdidhuux maxamed shaakuud jire & xaaskiisa
  • 4 cumar faaruuq maxamed yusuf jire
  • 5 cabdiraxman qorena (dhicis)
  • 6 cabdulaahi shire dhaqane
  • 7 ducaale cabdi ali nuur
  • 8 maxmed daadle ahmed
  • 9 cabdulaahi cukur
  • 10 maxamed aadam waranle
  • 11 cabdiwali cabdulaahi yusuf
  • itaas waa jahliyada America haddana yurub
  • 12maxamed cabdi xulbaalae iyo dhamaan reer cabdi xulbaale '
  • 13 Axmed saxane sahal
  • 14 Yaasin cabdi jire & dhamaan reer cabdi jire
  • dadkaas oo dhan waxay tacsi tiiraanyo leh ugudbinayaa eheldii nabbaddoon Saalax, ayna ilaah uga baryaan naxiriis waarta, allaha unaxariisto
  • waxaa kale oo halkan tacsi kadiraya dadkan hoosku xusan
  • cabdiraxman sheekh mursal ,
  • cabdalla seekhursal.
  • cabuud sheekh mursal.
  • cabdicadiim sheekh mursal.
  • cumar shekh mursal.
  • sheekh cabdiraxman qorane.
  • cabdijamaalshekh axmed.
  • shamso sheekh mursal .
  • sahro sheekh mursal.
  • cali maxamed xasan.
  • casiiso sheekh mursal.
  • cabdi nuuriye sheekh ,
  • ubax sheekh mursal .
  • caasho axmed xaashi ,
  • cabdimaalik sheekh mursal,
  • iyo muxubo axmed xaashi .
  • abdi salaan sheekh mursal.
  • abshir axmed xaashi.
  • iyo dhamaan qaraabada joogta north america

waxayna ilaahay uga baryayaan marxuumkaas in janadiisa uu ka waraabiyo ehelada iyo qaraabada uu ka tagayna samir iyo iiman kasiiyo aamiin

Tacsida Marxuumka waxaa loogu hagaajin karaa: Yasiin Abdijire jire88@hotmail.com

Ciidanka Boliiska Sacuudiga oo dilay 3-qof oo soomaali...

Xabsi ku yaalla magaaalada Jidda oo lagu magacaabo Damaam ayaa waxaa ku dhintay saddex qof oo Soomaali ah dhawr kalena waa ay ku dhaawacmeen kaddib markii ay tacshiirad ku fureen maxaabiis ku jirtay xabsigaasi ciidamada Booliiska waddanka Sacuudiga.

Maxaabiista ayaa gadood ka sameeyey xabsigaasi iyadoo meelaha qaarkood ay dab qabadsiiyeen hase yeeshee ciidamada ayaa xoog ku galay markii dambe dabadeedna rasaas ku furay, waxey kaloo adeegsadeen ciidamada sunta dadka ka ilmeysiisa iyadoo dadka dhaawaca xoogoodu uu ka soo gaaray is riixi riixii halkaasi ka dhacay.

Sadexdan qof oo Soomaalida ah ee dhimatay ayaa magacyadoodu waxa ay kala yihiin Saleebaan Max’ed, Cumar Max’ed Barre iyo Cusmaan Max’ed Aadan.

Ciidanka boliiska Sacuudiga ma ahan markii ugu horreysay ee ay dhibaato gaarsiiyaan dad Soomaali ah hase ahaatee bishii April ee 2005-ta ayey aheyd markii lix dhalinyaro Soomaaliyeed ah qoorta looga jaray xabsi ku yaalla magaalada Jidda illaa iyo hadda lama oga sababihii loo dilay dhalinyaradaasi waxaana aad uga carooday shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan iyagoo ka codsaday in ay faahfaahiyaan ka bixiyaan Maamulka Sacuudiga sababihii loo dilay nimankaasi.  

Ra’isul wasaare Cali Max’ed oo la filayo in todobaadka soo socda soo gaaro..

warar aanu ka helnay magaalada Jowhar ayaa wxey sheegayaan in Ra’isul wasaare Cali Max’ed Geeddi uu soo gaari doono magaalada Muqdisho isagoo u gogol xaari doona sidii ay dowladda federaalka ay ugu soo guuri laheyd Muqdisho, sida uu dhigayo heshiiskii madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed iyo guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Ra’isul wasaaraha ayaa magaalada Muqdisho wuxuu kulamo kula yeelan doonaa xubnaha labada gole ee Muqdisho oo iyagu si weyn u soo dhaweeyey heshiiskii magaalada Cadan ay kuwada yeesheen madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Ra’isul wasaaraha ma ahan markii ugu horreysay ee uu soo gaaro magaalada Muqdisho, hase yeeshee waxaa jirta in laba jeer oo hore uu yimid labadiina uu la kulmay qaraxyo ay ku dhinteen dad dhowr ah.

Dhinaca kale, guddoomiyaha baarlamaanka ayaa la filayaa in isna uu soo gaaro magaalada Muqdisho, wuxuuna guddoomiyaha maanta uu soo gaari doonaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaasi oo uu kulan kula yeelan doono xubno ka tirsan baarlamaanka oo uu u faahfaahin doono heshiiskii Yemen ay kuwada yeesheen isaga iyo madaxweynaha.

Dagaal qaraar oo shalay ka dhacay Deegaanka Gelinsoor ..

Nin Soomaali ah oo Lagu Diley Atlanta, Georgia
USA: C/Xakiim Aadan oo 28-jir ayaa la toogtey isagoo makhaayad cunto ka dalbanaya kaddib markii..
Guji...

Wararka naga soo gaaraya gobalada dhexe ayaa waxey sheegayaan in shalay uu ka dhacay dagaal qaraar deegaanka Galinsoor wuxuuna dagaalkaasi u dhaxeeyey beelaha Sacad iyo Suleymaan, waxaana la isku adeegsaday dagaalkaasi hubka culus iyo midka fudud.

Dagaalkaan oo dhowr jeer soo noqnoqday ayaa waxaa la sheegay in ay ku dhinteen lix qof oo labada dhinac ah, waxaana la sheegay in dagaalkaasi uu xalay waqti dambe istaagay.

Illaa iyo hadda ma jirto cid isku hawshay joojinta dagaalkaasi, iyadoo todobaadkii hore deegaano ka tirsan gobalada dhexe ay isku fara saareen laba beelood oo iyana halkaasi wada degta, waxeyna dagaaladaasi ka dhaceen deegaannada Dacdheer, Dhabad Iyo Qorof, waxaana dagaaladaasi ku dhinta iyana dhowr qofood hase yeeshee waxaa joojintiisa u hawl galay waxgarad ka tirsan labadaasi beelood oo ku sugan degmooyinka Cadaado iyo Caabudwaaq

Dowladda Itoobiya oo aad u daneyneysa in kulanka ugu horeeya ee baarlamaanka ..

            ayadoo wali aan la shaacin goobta sida rasmiga ah uu ugu kulmayo Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa soo baxay in Dowladda Itoobiyaa ay si wayn u danaynaso in kulanka ugu horeeya uu ka dhoco Magaalada baydhabo ee xarunta Gobolka Bay.

            sida ay qoreen qaar ka mid warbaahinta Caalamka waxaa jira xariiro hoose oo dhex maray Gudomiyaha Golaha Baarla maanka Soomaaliya Shariif Xasan Sh. Aadan iyo Dowladda Itoobiya oo ay ugu arinsanayeen sidii is faham uu u dhex mari lahaa Dowlada itoobiya iyo  Gudoomiyaha Golaha baarla maanka Shariif Xasan Sh. Aadan ayadoo hadafka ugu wayn oo ay leedahay Dowaladda Itoobiya ay tahay in  Gudoomiyaha Baarla maanku uu kulanka uu isugu yeerayo uu ka dhigo baydhabo balse lama oga jawaabta uu ka bixiyey Gudoomiye Shariif Xasan.

            intii uusan soo bixin heshiiskii ay Cadan ku gaareen Madaxweyne C/laahi Yuusuf iyo Shariif Xasan Sh. Aadan ayaa warbaahinta Caalamku waxay sii daayeen in halka uu ka dhaaacayo kulanka ugu horeeya ee uu yeelanayoi Baarlamaanka KMG ah ay noqon doonto Magaalada Baydhabo arintaasina ay isla og yihiin Madaxweyne C/laahi yuusuf iyo Gudoomiye Shariif Xasan.

            dhawaan mar la wareystay Xildhibaan Maxamed Ibraahin Xaabsade oo gacanta ku haya Magaalada Baydhabo ayaa waxa uu sheegay in uu soo dhawaynayo hadii Baydhabo ay noqoto halka ay ku kulmayaan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya balse waxa uu intaas raaciyey in uusan isagu wali maqal war sheegaya in baydhabo la qarsheynayo in lay sugu tago waaxa kale oo intaas raaaaciyey in ay ka haboontahay in Baarlamaanku ku kulmo Magaalada Muqdisho oo ah Caasimadii dalka oo ay Axdiga ku cadahay.

Maamulka Soomaaliland oo uga digay Shirkadaha.Shidaalka ka qodaya.

war uu shalay soo saaraay Maamulka la magac baxay Soomaaliland ayaa looga digay Maamul Goboleedka Putland iyo Shirkadaha la sheegay in ay Shidaal ka baarayaan deeganada Putland oo ay ku jiraan Gobolo ay ku muransan yihiin labada Maamul ee Soomaaliland iyo Putland.

warkaan ay soo saartay Soomaaliland waxaa lagu sheegay in Gobolada Sool iyo Sanaag ay isku muran sanyhiin labada dhinac sidaas darteed aysan jirin Shirkada ka baari karta waxa Shidaaal ah isla markaana ka soo saari karta halkaas Shirdaal.

waxa uu sheegay Maamulka  Soomaaliland in uu uga digayo Maamulka Putland iyo Shirkadaha shisheeye ee la sheegay in Shidaal ka baarayaan Gobolada Putland inaysan ku soo xad gudbin Xuduudaha labada Maamul, arintaan ayaa waxay ku soo beegan tahay ayadoo dhowr jeer ay labada dhinac ku dagaalameen gacan ku haynta Goboladaas iyadoo bil ka horna ay is dhaafsadeen Maxaabiis ay isaga qabsadeen Dagaaladaas.

Madax ka tirsan Putland oo xilalkii laga qaaday iyo...

Ayado dhawanahaanba ay ka taagnaayeen deegaanada Putland dhibaatooyin dhinaca Maamulka iyo Nabadgalyada ku saabsan ayaa waxaa dhowrkii maaalmood la soo dhaafay xilaalkii laga qaaday dhowr Masuul ayadoo ay jiraan kuwa la sii shaaciyey rag xilalka laga qaadi rabo iyo kuwa si ku meel gaar ah shaqadii looga joojiyey.

Wareegto shalay uu soo saaray Madaxwenaha Maamul Goboleedka Putland Gen. Cadde Muuse aayaa xilkii looga qaaday Gudoomiyihii Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo) ayadoo lagu beldelay Muuse Yuusuf Geele (Faroole). waxaa sidoo kale wareegato maalintii doraad ahayd uu soo saaray Cadde Muuse ayaa xilkii looga qaaday Wasiirkii Kaluumaysiga Ismaa’iil Shire Jaamac (Buraale).

            sidoo kale waxaa jira cabashooyin ay samaaynayaan dadwaynaha ku nool Goboladaas oo ay kaga cabanayaan Maamul Xumada iyo nabad galya xumada sii kordheysa, cabashooyinkaa waxaa ugu daran shir  ay isugu yimaadeen ganacsatada Maamulka Putland ayey ka soo saareen baaq u jeedinayaan Gen. Cadde Muuse oo ay kaga codsanayaan in uu si deg deg ah shaqada uga eryo Wasiirka Maaliyadda Maxamed Yuusuf Gaagaab oo ay sheegeen intii uu hayey xilka uu si wayn hoos ugu dhacay dhaqaalihii Putland iyo in uu mushaarsiin waayey Shaqqlaha iyo Ciidamada Maaumulka. 

  • Warar Dheraad ah oo ku saabsan Jagada laga qaaday Dhado hoos ka akhri.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
Email amiinkhasaaro@hotmail.com


Xaflad loo sameeyey arday ka qalin jabisay dugsiyada Al-Mathal iyo Caynaan

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay Hotel Amiira waxaana xafladdaasi si wadajir ah uga soo wada shaqeeyey dugsiyada Al-Mathal iyo Caynaan, waxeyna ku saabsaneyd qalin jabin ardayda dugsiga sare ee labadaasi dugsi ee sannadka 2004 – 2005, waxaana ka qeyb galay madax ka socotay Dallada Waxbarashada ee SAFE, mas’uuliyiin ka socotay Dhaqaaqa Bulshada Rayidka ah, Madaxda Hay’adaha Bulshada Rayidka, Xubnaha labada Gole maamulka dugsiyada Al-Mathal iyo Al-Caynaan iyo marti sharaf kale waxaana ugu horreyntii halkaasi lagu daawaday ruwaayad ay soo bandhigeen ardaydii ka qain jabisey dugsiyadaasi iyo Fanaaniinta kooxda Horyaal Band oo uu hor kacayay Max’ud Goox Qarboosh waxeyna ruwaayaddaani ka hadleysay dhibaatada Jahliga iyo faa’iidada Aqoonta, waxaana u riyaaqay intii ka qeyb gashay daawashada ruwaayaddaasi.

Xubnihii ka hadlay waxaa ka mid ahaa guddoomiyaha midowga ardayda gobalka Banaadir Axmed Max’ud Faarax oo isagu sheegay in loo baahan yahay in ardayda mar kasta ay ka shaqeeyaan nabadgalyada si ay u korodho waxbarashada waddanka, waxaa kaloo ka hadlay ku simaha guddoomiyaha dalladda SAFE Yuusuf C/qaadir Taarlees wuxuuna ku nuuxnuuxsaday khilaafka u dhaxeeya Dallada SAFE oo uu sheegay in waqti dhaw la dhameyn doono.

Xubnihii ka hadlay waxaa kaloo ka mid ahaa Prof. C/nuur oo isna sheegay in ay kala duwan yihiin ardayga wax ku bartay gudaha dalka iyo midka wax ku bartay dalka dibaddiisa wuxuuna sheegay in waxbarashadiisa ay aad u wanaagsan tahay kan wax ku bartay dalka gudahiisa, wuxuuuna u soo jeediyey dhalinyarada Soomaaliyeed ee u hanqal taagaya dibadaha in dalkooda ay ku kalsoonaadaan.

Prof. Xuseen Tooxow oo ka tirsan saraakiisha sarsare ee Hay’adda UNESCO ayaa waxaa uu isna sheegay in tayada waxbarashada Soomaaliya ay sare u kacday, isagoo uga digay dhalinyarada Soomaaliyeed u hanqal taaga dibadaha, wuxuuna sheegay in dhallinyaro fara badan oo ku sugan dalalka dariska ah Soomaaliya ay halkaasi joogeen muddo sannado ah waxeyna ka shalaayeen waqtigii faraha badnaa ee halkaasi uga lumay.

C/laahi Max’ed Shirwac oo ka socday Dhaqaaqa Bulshada Rayidka ah ayaa wuxuu u soo jeediyey ardayda Soomaaliyeed inay ka qeyb qaataan sidii dalkooda ay nabad ugu soo dabaali lahaayeen taasoo uu sheegay iney keeni karto in ay korodho waxbarashada waddanka iyo dib u soo nooleyntii adeegyadii bulshada.

Xubnihii kale ee halkaasi ka hadlay waxaa ka mid ahaa Saadaq Cismaan Caabbi oo ku hadlayey magaca ardayda ka qalin jabisay dugsiyada Al-Mathal iyo Caynaan ayaa wuxuu u soo jeediyey dowladda federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed iney ardayda ka qalin jabisay dugsiyadaasi u raadiyaan waxbarasho heer jaamacadeed ah si ay u dhameystaan waxbarashadooda.

C/laahi Xasan Ganeey Firimbi oo ah Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ayaa mar uu ka hadlayey xafladdaas ay dhigteen ardayda dugsiyada Al-Mathal iyo Caynaan ayaa waxaa uu u sheegay in la gaaray waqtigii ay shacabka gobalka Banaadir ay ka tashan lahaayeen hoggaaamiyaasha hubeysan ee magaalada Muqdisho oo iyagu shacabka hor joogay muddo 15-sano ah.

“Waxaa la gaaray waqtigii aan guryahooda ugu gali laheyn” ayuu yiri C/laahi Xasan Ganey Firimbi oo intaa raaciyey, “C/laahi Yuusuf waxey yiraahdeen wuxuu ku tuntay dastuurkii, hase yeeshee dastuurkii ay dhigteen iyaga ee gobalka Banaadir ayey ku heshiin waayeen, ma dadkaas ayaa shacabka isku keenaaya?, wuxuuna u soo jeediyey shacabka gobalka Banaadir in ay u diyaargaroobaan sidii loo soo dhaweyn lahaa guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, kaddib markii uu heshiis taariikhi ah Yemen kula gaaray madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed

Xildhibaan Cabdi Waaxid oo isna ka hadley xafladaas ayaa ugu baaqey ardeyda in ay dalkooda  wax ku bartaan isla markaan kor uqaadaan diintooda 

Waxaa ka hadlay maamulaha dugsiga Al-Mathal mudane Rooble oo isna sheegay in ardayda ka qalin jabisay Al-Mathal iyo Caynaan ay tiradoodu gaareyso 320-arday, isagoo sheegay in ay tahay guul u soo hoyatay dallada SAFE.

Ardaydii ka qalin jabisay dugsiyadaasi ayaa la guddoonsiiyey shahaadooyin, waxaana guddoonsiiyey mas’uuliyiintii ka soo qeyb gashay xafladdaasi, mar aanu wareysanay Max’ed Xaaji Xuseen Raage {Fooley} ayaan wax ka weydiiney dareenkiisa xafladda qalin jabinta wuxuuna sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu maanta qaato shahaado dugsi sare, isagoo sheegay inuu aad u rajeynayo in uu sii wato waxbarashadiisa ilaa heer jaamacadeed.

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com 


Bayaan: Mowqifka JWXO ee Arrimaha Nabadda...

Jabahadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya (JWXO) markay qiimaysay dhawaaqyadii “nabadeed” ee sida dadban uga soo yeerayay xukuumadda Itoobiya iyada oo adeegsanaysa qaar ka mid ah oday dhaqameedyada Ogaadenya - arrintaas oo ay uga gaashaamanayso inay qadiyadda shacabka Ogaadeenya si dhab ah u qirato – waxay u aragtaa inay ku xallin kari wayday qoriga caaraddiisa qaddiyadda Ogadeenya.

JWXO ayadoo aaminsan mabda’a nabad kuwada noolaanshaha iyo nabad ku xallinta dhibaatada Ogadeenya waxay soo dhowaysay baaqii fariinta ahaa ee Itoobiya ka soo yeedhay, waxayna caddaysay sida ugu habboon ee wada xaajood noocaas ah uu ku iman karo qaabka adduun weynaha baraarugsan u maro wada xaajoodyada nabadda lagu raadinayo. Taas oo saldhigeedu ahaa in goob nabad ah la helo, cid dhexdhexaad ah oo tabargal ahna ay goobjoog ahaato.

JWXO markay aragtay sida xukuumadda Itoobiya ugu meeraysanayso odayaal dhaqameedyada Ogaadeenya oo laftoodu dhibanayaasha xaqu ka maqan yahay ah darafna aan ka noqon Karin wada waxay muujisay daacad darrada Itoobiya ayna daacad ka ahayn wadahadal midho dhala.

Ayadoo JWXO isha ku hayso sida taliska Itoobiya mar kale dib ugu abaabulayo qaar ka mid ah odayada Ogaadenya si uu qorshahiisa ah inuu shacabka Ogadeenya u jahawareeriyo ugu adeegsado una sii cimri dheereysto; isla markaana dareensan culayska xal u helidda qaddiyadda Ogaadeenya iyo muhimadda ay leedahay in arrintan loo galo qaab cilmiyaysan oo gogol xadh u noqon kara furihii xal nabad waarta oo Geeska Afrika, welina xeerinaysa maba’diida nabad xal ugu helidda khilaafaadka waxay diyaar u tahay inay Itoobiya la xaajootoo haddii ay soo marto jidka adduunku adeegsado oo dowladaha ama hayadaha caalamka ee Geeska Afrika aan danaha ku lahayn ee dhexdhexaadka ah ama ay ogolaato hay’adihii iyo dowladihii nabadaynta beelaha caalamaka caanka ku ahaa ee labada dhinacba u soo jeediyay inay arrintan dhex galaan oo ay itoobiya horay ugu gacan saydhay.

Wixii aan habkaas ahayn JWXO waxay u aragtaa munaawaraad siyaasadeed oo waqtiga looga luminaya shacabka Ogaadeenya iyo halgankooda oo lagu hoosaasinayo sida horayba u dhici jirtay, Odayaal dambe oo soo adeegsatana kama yeelayso oo waqti isagama luminayso barnaamij aan midho dhalinaynin.

Ogadeenya way xorowday!
HADJ
ONLF: onlfpress@onlf.org


WAXGARADKA BEELAHA C/WAAQ IYO CADAADO OO SOO SAAREY BAAQ NABADEED

 

Shir ay isugu yimaadeen waxgaradka iyo duqeyda beelaha C/waaq iyo Cadaado ayaa baaq nabadeed ka soosaarey Magaalada London ee dalka Britain. Shirkan oo maalinimadii Axadda ka dhacey guri ku yaalla Waqooyiga magaalada London ayaa u jeedadiidu ahayd sidii loo dhamayn lahaa dhibaato dhimasho iyo dhaawacba leh oo ka dhacdey degaanka ay beeluhu wada degaan isla markaana looga hortegi lahaa inay keento colaad labada beelood ka dhex dhacda.

Daahir C/hi Kediye oo u hadlayey xubnihii shirkaa ka qayb galey ayaa sheegey in beesha Cadaado ay gogosha dhigtey iyadoo ka xun dilkii ay geysteen maliishiyo u dhalatey beesha Saleebaan Waxaana uu uga mahadceliyey Waxgaradka Beesha Marreexaan sidii niyad samida lahayd ee ay u soo dhoweeyeen in laga hortago dhibaato ka sii weyn oo beelaha dhexmarta.

Shirkaas ayaa intii uu socdey ay xubnaha labada beelood taleefoonka kula hadleen wax garad labada beelood u dhashey oo kala Jooga Xamar, Cadaado, C/waaq, Dhabbad, Gaalkacyo iyo Godogob si xog warran iyo wadatashi loola sameeyo isla markaana lagu war geliyo kulamada wada hadalka nabadeed ah ee labada beelood u wada socda waxaana ugu dambeyntii ay waxgaradka labada dhinac ay soo saareen baaq nabadeed oo ka kooban qodobadda Hoose:

  1. Wax garad labada beelood iyaga oo ka tiiraanyeysan waxay tacsi u dirayaan dadkii ku geeriyoodey ama ku dhaawacmey Shilkaas dhacey.
  2. In dhibaato dambe oo kala aargoosi ah aysan dhicin.
  3. In wixii hanti ah ee lakala haysto la isu celiyo
  4. In la magacaabo guddi farsamo oo arrintaas xallinteeda qaabilsan.
  5. In degaanka oo dhan nabad lagu soo dabbaalo lana dhexdhexaadiyo oo la damiyo dhammaan wixii colaado ah ee jira.

Waxgaradkii Labada Beelood ee baaqa soosaarey waxay kala yihiin:

 

Xubnihii Beesha C/waaq:

 

Xildhibaan Jaamac Guure Qoorey

Maxamed Xayir Nuur

Bashir Sh. Adan Dirir

Hoorey Cali Gurey

Siciid How-Howle

Daahir Maxamed Xaashi

Warsame Jaamac Guure

Axmed Goonyar

Cadceed Cabdi Waceys

Bashiir Jiinge Lione.

 

Xubnihii matalayey Beesha Cadaado:

 

Caaqil Maxamed C/lle Furre

Sh. Bashiir Dhoolla Yare

Sh. Daahir Iidle

Maxamed Calas Qaareey

Axmed Cali Baalle

Xirsi Cali Cilmi

Xasan Nuur Lugey

Daahir C/hi Kediye

Axmed Cosoble

C/llaahi Sh. Maxamuud Gacmadheere

Axmed/Nuur Islow Warsame

C/qaadir Axmed Nuur

Siciid Xaaji Aadan

 

W.D.

C/qaadir Guutaale
guutaale99@hotmail.com


 
Cadde Muuse oo Shaqadii Ka Fariisiyey Gudoomiyii G/Bari, Yuusuf Wacays Dhado

SomaliTalk.com | Boosaaso | Jan 11, 2006: Wareegto ka soo Baxday Xarunta Madaxtooyada Magaalada Boosaaso oo uu ku Saxiixanyahay Maaxweynaha DGPL Gen: Maxamuud Muuse Xirsi Cade ayaa Waxaa lagaga Fariisiyay Shaqadii Gudoomiyii G/Bari Yuusuf Wacays Dhado. Waxaa Jagadaa lagu soo magacaabay Muuse Geele Faroole oo ahaa Agaasimaha Horumarinta Reermiyiga ee Wasaarada Dowladaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga intii aan hada loo magacaabin Jagadaa Gudoomiyaha G/Bari.

Muuse Geele ayaa hore u soo qabtay Duqa Magaalada Boosaaso, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Kaluumaysiga Bada iyo Dekadaha Muuse Geele ayaa Jagooyinkii uu ka soo Qabtay Goobahaa uu aad uga muuqday aydoo ay Dadka soo Dhaweeyeen Magacaabida Gudoomiyaha G/Bari.

Dhanka kale Gudoomiyihii Hore Yuusuf Wacays Dhado oo Saxaafada ay wax ka waydiisay ka qaadida jagadaa ayaa ku jawaabay in ay tahay Xilku Waregto uuna raali kayahay in uu Xilka wareejiyo.

Madaxweynaha DGPL Gen: Cade ayaa la filayaa in uu Maalmaha soo socda uu magacaabo Golihiisa Xukuumada ayadoo uu Xilkii hore uga qaaday Wasiirkii Kaluumaysiga Bada iyo dekadaha Ismaciil Buraale ayadoo jagadaa aan wali qof lagu magacaabin, Jagadaa Wasiirka Kaluumaysiga Bada iyo Dakadaha ayaa waxaa hunguri kaga jiraa Mas'uuliyiin badan oo hada ku sugan Magaalada Boosaaso kuwasoo garab ka dhiganaya Qabaa'iladooda, lakiin uu Madaxweynuhu sheegay inuu Xiligaan ay tahay Fursadii Aqoon yahanada oo Golaha Wasiirada oo Dhan lagu soo Magacaabi doono Aqoon si horumar loo gaarsiiyo Dalka iyo Dadka.

Dadweynaha ayaa ku guuxaya in uu Madaxweynaha uu hore in badan u sheegay in uu Masuuliyiinta Jagada ka qabanaya Dowlada uu ku soo xulidoono aqoon iyo Wax garad lakiin uu san ka rumayn Hadalkaas hadda ka hor.


Gudoomiyaha G/Bari oo kahadlaya Munasabadii Ciida

Gudoomiyaha jagada Laga qaaday Yusuf Dhado oo maalintii Ciida ka hadlay (goobtii Ciida oo uu Joogey Cadde Muuse) ayaa Tilmaamay in Dadweynuhu ay eeganayaan waxa uu soo magacabo iyo sida ay noqdaan aydaoo Dadweynuhu ay u haraad Qabaan Maamul Daacada, Gudoomiyaha ayaa Madaxweynaha ka codsaday in uu Dadweynaha u keeno Xukuumad Wanaagsan uuna ku soo xulo Aqoon iyo Wax qabad.

Akhri wararkii Shalay....