SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Cadde Muuse oo Shaqadii Ka Fariisiyey Gudoomiyii G/Bari, Yuusuf Wacays Dhado

SomaliTalk.com | Boosaaso | Jan 11, 2006: Wareegto ka soo Baxday Xarunta Madaxtooyada Magaalada Boosaaso oo uu ku Saxiixanyahay Maaxweynaha DGPL Gen: Maxamuud Muuse Xirsi Cade ayaa Waxaa lagaga Fariisiyay Shaqadii Gudoomiyii G/Bari Yuusuf Wacays Dhado. Waxaa Jagadaa lagu soo magacaabay Muuse Geele Faroole oo ahaa Agaasimaha Horumarinta Reermiyiga ee Wasaarada Dowladaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga intii aan hada loo magacaabin Jagadaa Gudoomiyaha G/Bari.

Muuse Geele ayaa hore u soo qabtay Duqa Magaalada Boosaaso, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Kaluumaysiga Bada iyo Dekadaha Muuse Geele ayaa Jagooyinkii uu ka soo Qabtay Goobahaa uu aad uga muuqday aydoo ay Dadka soo Dhaweeyeen Magacaabida Gudoomiyaha G/Bari.

Dhanka kale Gudoomiyihii Hore Yuusuf Wacays Dhado oo Saxaafada ay wax ka waydiisay ka qaadida jagadaa ayaa ku jawaabay in ay tahay Xilku Waregto uuna raali kayahay in uu Xilka wareejiyo.

Madaxweynaha DGPL Gen: Cade ayaa la filayaa in uu Maalmaha soo socda uu magacaabo Golihiisa Xukuumada ayadoo uu Xilkii hore uga qaaday Wasiirkii Kaluumaysiga Bada iyo dekadaha Ismaciil Buraale ayadoo jagadaa aan wali qof lagu magacaabin, Jagadaa Wasiirka Kaluumaysiga Bada iyo Dakadaha ayaa waxaa hunguri kaga jiraa Mas'uuliyiin badan oo hada ku sugan Magaalada Boosaaso kuwasoo garab ka dhiganaya Qabaa'iladooda, lakiin uu Madaxweynuhu sheegay inuu Xiligaan ay tahay Fursadii Aqoon yahanada oo Golaha Wasiirada oo Dhan lagu soo Magacaabi doono Aqoon si horumar loo gaarsiiyo Dalka iyo Dadka.

Dadweynaha ayaa ku guuxaya in uu Madaxweynaha uu hore in badan u sheegay in uu Masuuliyiinta Jagada ka qabanaya Dowlada uu ku soo xulidoono aqoon iyo Wax garad lakiin uu san ka rumayn Hadalkaas hadda ka hor.


Gudoomiyaha G/Bari oo kahadlaya Munasabadii Ciida

Gudoomiyaha jagada Laga qaaday Yusuf Dhado oo maalintii Ciida ka hadlay (goobtii Ciida oo uu Joogey Cadde Muuse) ayaa Tilmaamay in Dadweynuhu ay eeganayaan waxa uu soo magacabo iyo sida ay noqdaan aydaoo Dadweynuhu ay u haraad Qabaan Maamul Daacada, Gudoomiyaha ayaa Madaxweynaha ka codsaday in uu Dadweynaha u keeno Xukuumad Wanaagsan uuna ku soo xulo Aqoon iyo Wax qabad.

Daabaco Boggan | Print


C/Laahi Yuusuf iyo Shariif Xasan oo Kala Saxiixday Heshiis

Heshiisku waxa uu dhigayaa in la soo afjaro khilaafkii u dhexeeyey... Guji...


 
Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku tabaalaysan dalka Yemen.. Guji


SHIRWEYNIHII OSLO OO AY SOOMAALIDA NORWEY SI WEYN UGU DIIRSADEEN... Guji...


Xaflad Boosaaso Loogu Sameeyey Heshiis Dhexmaray DFKMG iyo DGPL.... Guji..

Col Abdi IgalSomaliTalk.com oo Kismaayo Waraysi kula Yeelatay Col. Cabdi Cigaal Jaamac...
"..aniga horta ma ahi kaabe qabiil ee waxaan ahay nin corneyl ah aritna aad sheegeyso hada ee aad leedahay odayaasha beesha Akhri...
MAQAALLO HORE:::
Embryo2HOOYOOYINKU CARRUURTA LABO SANO HA NUUJIYEEN!!!
ayadoo waligeedba dhakhaatiirta iyo xarumaha caafimaadku u doodaayeen in Naas nuujintu faa'ido u leedahay caafimaadka carruurta iyo hooyadaba ayey Baaritaankaan danbi ku soo kordhisay Guji..

Dolly and her first-born lamb, BonnieKoobiyaynta Dadka (humancloning)
Arrintani waa mid marka ugu horraysa ee dhagahaagu maqlaan laga yaabo in caqligu diido, balse waxaan shaki ku jirin markii aad si dhab ah u fahanto inaad ogaanayso in... Guji...
smallpoxAli Maow Maalin Qofkii ugu dambeyey ee uu Furuq lagaga daweeyo Soomaaliya... Akhri halkan
Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga/ Maqaalada .. Guji


WARAR MAANTA:: Jan 11, 2006

  • Munaasabadii Ciida iyo Boosaso Khudbadihii Culimada iyo Madaxda DGPL
  • C/laahi Yuusuf iyo Shariif Xasan oo Yemen kulan kula yeeshey saraakiil Mareykan ah ..
  • Xirsi Aadan Rooble oo Neyroobi kula kulmay Wasiirka Gaadiidka Badda iyo....
  • Xubnaha labada gole ee ku sugan Muqdisho baaq u jeediyey…
  • Max’ed Dheere oo magaalada Neyroobi kulaan xasaasi ah kula yeeshey…
  • C/laahi Firimbi “Shacabka  waxay diyaar u yihiin in ay guryahooda  ugu galaan kuwa..”

Munaasabadii Ciida iyo Boosaso Khudbadihii Culimada iyo Madaxda DGPL

  • Madaxweynaha Puntland oo laga codsaday in uu Dadweynaha u keeno Xukuumad Wanaagsan uuna ku soo xulo Aqoon iyo Wax qabad.

SomaliTalk.com | Bosaso: Talaadadii (jan 10) ayaa magaalada Boosaso looga Ciiday si wada jira aydoo Munasabadii Ciida ay ka soo Qayb galayn Madaxda ka kala socota DFKG Soomaliyeed iyo DGPL iyo Shacbi waynaha Magalada Boosaso.

Munasabadii Ciida ayaa waxaa Saladii Ciida ka hor ka hadlay Shiikh Yuusuf Heeryo oo Madxweynaha ka codsaday in uu wax ka qabto Nabadgalyada iyo Dhaqalaha.

Waxaa saladii kadib laga Akhriyay khudbadii Salaada Ciida ka dambaysay oo uu Akhriyay Sheekh Cabdirisaaq, khudbadaa ayaa waxa uu kaga hadlay Fadliga maalinta Ciidu Adxa iyo Wanageeda. Waxaa kadib halkaa ka hadlay Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamed oo ku hadlayay Magaca Culimada, Hogaamiye Dhaqameedyada, iyo Aqoonyahnada Gobolada Puntland, Suldaanka ayaa in badan ka hadlay Dhibatada jirta iyo sida ummadu ugu garabsiinayso Ruuxa Gardaran, waxaa kaloo Suldanku ka hadlay sida Madaxweynaha Ciidan Ciidi ka horaysay uu ugu balan qaaday in u wadanka wax ka qaban doono Xaga Amniga iyo Dhaqaalaha lakiin ay noqotay kadar kii hore.

Waxaa kaloo ka hadlay Gudoomiyaha G/Bari Yusuf Dhado oo Tilmaamay in Dadweynuhu ay eeganayaan waxa uu soo magacabo iyo sida ay noqdaan aydaoo Dadweynuhu ay u haraad Qabaan Maamul Daacada, Gudoomiyaha ayaa Madaxweynaha ka codsaday in uu Dadweynaha u keeno Xukuumad Wanaagsan uuna ku soo xulo Aqoon iyo Wax qabad.


Agaasimaha Madxtooyada DGPL oo akhrinaya khudbadii Madaxweynaha DGPL

Cadde Muuse oo ka hadlaya munaasabadii ciida

Waxaa kale oo madaxdii halakaa ka hadashay ka mid ahaa Wasiirka Diinta iyo Awqafta Barkhad oo u Tahniyadeyey Dadwenaha Maalinka Ciida, Wasiirka ayaa ku soo Dhaweeyay Madaxweynah DGPL Gen: Cade oo khudbadisii uu Akhriyay Agaasimaha Madaxtooyada DGPL Eng: Caydaruus, khudbadaa ayaa waxa ay ka hadlaysay Waano, Mustaqbalka Puntland iyo Tahniyada Munasabada Ciida. Kadibna waxaa hadalkii la wareegay Madaweynaha DGPL oo ballan qaaday in uu ka shaqeyn doono Nabadgalyada soona dhisi doono Xukuumad Aqoon ku dhisan, Wadanka uu u dooni doono Horumar iyo Mashaariic cidii ka hortimadana uu wax ka qaban doono.




C/laahi Yuusuf iyo Shariif Xasan oo Yemen kulan kula yeeshey saraakiil Mareykan ah ..

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
Email amiinkhasaaro@hotmail.com

           

OGEYSIIS: LONDON, UK: RADIO FM AH OO AFSOOMAALI KU HADLAYA
Waxaan dhamaan ummadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka UK, gaar ahaan magaalada London ugu bishaaraynaynaa inaan bilownay barnaamij FM, kuna baxaya luuqada Af-soomaaliga. Barnaamijkaan ayaa ku baahaya amaba aad ka dhagaysan kartaan mowjada FM ee 104.4 oo aad ka maqli kartaan inta badan magaalada London, maalin kasta oo Axad ah saacadu markay tahay 17:30 illaa 18:00 amaba 5:30 galabnimo illaa iyo 6:00 fiidnimo.
 
Waxii faahfaahin oo dheeraad ha kala soo xiriir:
 
Abdulhakim Ahmed Guled
guledhakim@yahoo.com

Wararka naga soo gaaraya magaalada Cadan ee dalka Yemen waxey sheegayaan in madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ay halkaasi kula kulmeen saraakiil la socotay safaaradda Mareykanku uu ku leeyahay dalkaasi waxaana la iskula soo qaaday kulankaasi sidii loo xoojin lahaa xiriirka dowladda federaalka iyo dowladda Mareykanka, iyadoo mas’uuliyiinta dowladda ay saraakiishaasi u faahfaahiyeen heshiiskii ay ku gaareen magaalada cadan ee dalka Yemen, waxeyna u sheegeen in heshiiskaani uu yahay mid lagu soo gabagabeynayo khilaafkii dowladda federaalka u dhaxeeyey muddadii sannadka aheyd. saraakiisha dowladda Mareykanka waxey sheegeen in ay gacansiin doonaan dowladda federaalka waxeyna soo dhaweeyeen heshiiskii ka dhacay magaalada Cadan ee dalka Yemen, dhinaca kale madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka ayaa Cadan kulan kula yeeshey guddi ay iska soo xuleen qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi waxaana kulankaasi guddigaasi ay ka codsadeen madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka in ay dowladda Yemen kala hadlaan sidii daryeel loogu fidin lahaa, sidoo kal waxey warbixin ka siiyeen qaabkii ay ciidamada ula dhaqmeen dadkii Soomaaliyeed ee ku hor banaan baxayey xarunta Qaramada Midoobey ee u qaabilsan qaxootiga waxeyna sheegeen in ciidamada booliiska ee waddanka Yemen ay dhibaato u geysteen shacabka Soomaaliyeed waxeyna ka codsadeen in magdhaw laga siiyo dadkii ku dhinta banaanbaxaasi.

Xirsi Aadan Rooble oo Neyroobi kula kulmay Wasiirka Gaadiidka Badda iyo....

Xirsi Aadan Rooble oo ah wasiir ku xigeenka Gaadiidka Badda iyo Dakadaha oo isagu ku sugan magaalada Neyroobi oo qadka isgaarsiinta kula soo xiriiray wargeyska ayaa wuxuu sheegay in magaalada Neyroobi uu kulan kula yeeshay Wasiirka Gaadiidka Badda iyo dakadaha Cali Makweera.

Kulankaan ayaa labada dhinac waxey iskula soo qaadeen sidii la isaga kaashan ahaa la dagaalanka waxa ay ugu yeereen kooxaha burcad badeedka ah ee ku soo kordhay xeebaha Soomaaliya.

Xirsi Aadan Rooble waxaa uu sidoo kale magaalada Neyroobi kula kulmay mas’uuliyiin ka tirsan shirkaddii laheyd Markabkii MV Samlow oo sannadkii hore kooxo burcad badeed Soomaali ah ay ku afduubteen xeebaha Xarardheere wuxuuna wasiir ku xigeenka uga tacsiyeeye dhibkii loo geystay.

Xirsi Aadan waxaa uu soo dhaweeyey heshiiskii magaalada Cadan ku dhex maray madaxweynaha dowladda federaaka C/laahi Yuusuf Axmed iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, hase yeeshee waxaa uu sheegay in loo baahan yahay faahfaahin in laga bixiyo heshiiskaasi, si shacabka ay u ogaadaan waxa lagu heshiiyey.

Xubnaha labada gole ee ku sugan Muqdisho baaq u jeediyey…

Warsaxaafadeed ku aadan Ciidul-Adxaa oo ay soo saareen xubnaha labada gole ee ku sugan magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ay u rajeeyeen shacabka Soomaaliyeed in sannadkaan kiisa kale ay ku gaaraan bash bash, barwaaqo iyo nabadgalyo.

Warsaxaafadeedkoodaasi waxa ay ku soo dhaweeyeen heshiiskii 5-tii bishan ay magaalada Cadan ku gaareen Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka waxeyna ku tilmaameen guul weyn oo u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed.

Xubnaha labada gole waxey ugu baaqeen dadka ku dagaalamaya Gobalada Dhexe iyo Bakool in ay u guntadaan sidii loo joojin lahaa dagaalka, sidoo kale, waxey u soo jeediyeen waxgaradka labada beelood in ay gacan ka geystaan joojinta dagaaladaasi ugu dambeyntii beesha caalamka waxey ugu baaqeen in ay gargaar dag dag ah lasoo gaaraan dadka waxyeelada ay ka soo gaartay abaaraha iyo biyo la’aanta qaar ka mid ah gobalada dalka.

Max’ed Dheere oo magaalada Neyroobi kulaan xasaasi ah kula yeeshey…

Max’ed Cumar Xabeeb {Max’ed Dheere} oo ah guddoomiyaha gobalka Sh/dhexe ayaa deg deg ugu laabtay magaalada Neyroobi maalintii Isiinta aheyd waana todobaad gudahood oo muddo laba jeer ah uu Max’ed Dheere ku laabanaayo magaalada Neyroobi, warar kala duwan ayaa ka soo baxay tagitaanka Max’ed Dheere ee magaalada Neyroobi, qaar waxey sheegayaan in uu martiqaad ka helay saraakiil milatari oo ka socota dowladda Mareykanka, waxaana la sheegay iney ku kulmeen safaaradda Mareykanku ku leeyahay magaalada Neyroobi, waxaana la sheegay in ay isla soo qaadeen wax loogu yeeray kooxaha argagixisada ah ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya.

Max’ed Dheere oo xiriir dhaw la leh dowladda Mareykanka ayaa waxaa uu ka war bixiyey xaaladda guud ee dalka gaar ahaan kooxaha argagixisada ah ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya, isagoo sheegay in Soomaaliya ay ku soo badanayaan kooxaha argagixisada ah.

Max’ed Dheere ayaa waxaa kaluu magaalada Neyroobi kula kulmay diblumaasiyiin ka socotay dowladda Talyaaniga oo ay isla soo qaadeen xaaladda Soomaaliya gaar ahaanna sidii dowlada Talyaaniga ay gacan u siin laheyd dowladda federaalka. 

C/laahi Firimbi “Shacabka  waxay diyaar u yihiin in ay guryahooda  ugu galaan kuwa..”

C/laahi Xasan Ganeey Firimbi oo ah guddoomiyaha gobalka Banaadir ayaa mar uu ka hadlayey xaflad qalin jabin ah oo ay dhigteen ardayda dugsiyada Al-Mathal iyo Caynaan ayaa waxaa uu u sheegay in la gaaray waqtigii ay shacabka gobalka Banaadir ay ka tashan lahaayeen hoggaaamiyaasha hubeysan ee magaalada Muqdisho oo iyagu shacabka hor joogay muddo 15-sano ah.

“Waxaa la gaaray waqtigii aan guryahooda ugu gali laheyn” ayuu yiri C/laahi Xasan Ganey Firimbi oo intaa raaciyey, “C/laahi Yuusuf waxey yiraahdeen wuxuu ku tuntay dastuurkii, hase yeeshee dastuurkii ay dhigteen iyaga ee gobalka Banaadir ayey ku heshiin waayeen, ma dadkaas ayaa shacabka isku keenaaya?, wuxuuna u soo jeediyey shacabka gobalka Banaadir in ay u diyaargaroobaan sidii loo soo dhaweyn lahaa guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, kaddib markii uu heshiis taariikhi ah Yemen kula gaaray madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed. 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
Email amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 11, 2006