SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - 2005

Xaflad Boosaaso Loogu Sameeyey Heshiis Dhexmaray DFKMG iyo DGPL

Boosaaso, G/Bari | SomaliTalk.com | Dec 29, 2005

Waxaa xalay (Dec 28, 2005) lagu qabtay Xaflada aad loo soo agaasimay hoteelka wayn ee International Village, xaflafdaa ayaa ahayd mid ay ay ku kala saxiixanayeen DFKG Soomaaliya iyo DGPL Heshiis. Waxaa xafladaa goob joog ka ahaa Wasiiro ka kala socda DFKG Soomaaliyeed iyo DGPL.

Saxiixa Heshiiska ayaa ahaa mid soo socday wada hadalkiisa mudo gaaban oo lagu kal qabtay Gaalkacyo iyo Boosaaso, Heshiiska ayaa labada dhan waxaa u kala saxiixay Wasiirka Dastuurka DFKG Soomaaliyeed Cabdalla Deerow iyo Wasiirka Dowlada Hoose DGPL Cali Cabdi Awaare.

Xaflada ayaa waxaa ka hadlay Wasiirda labada Dhan oo sheegay in heshiiskaan ay rajaynayaan in uu noqdo mid Soomaali oo dhan ay ku faa'iido.


Shirkii oo la fadhiyo

Heshiiskii oo la is gudoon siinayo

Wasiirka Dastuurka DFKG Soomaaliya oo Saxiixaya Heshiiska

Wasiirka Dowlada Hoose DGPL oo Saxiixaya Heshiiskii

Heshiiskii ay DGPL iyo DFKMG kala saxiixdeen oo nuqul ka mid ah uu soo gaarey SomaliTalk.com hoos ka akhri isagoo dhamaystiran, waraaqihii la kala saxiixdayna dhanka midig ee qoraalka hoose ka eeg.


Boosaaso 28. December 2005

Heshiis Is Afgarad Wadashaqayn
(Memorandum of understanding)



Weyneysii Warqadaha Heshiiska. Guji


Waxaa shir laba geesood ah isugu yimid xukuumada federaalka kmg ee Soomaaliya iyo Dawlad Goboleedka Puntland maalintii 21-ka iyo 23-ka magaalo Madaxda G/Bari ee Boosaaso iyo magaalo madaxda gobolka Mudug ee Gaalkacyo.

Ajendaha shirkaasi oo ahaa in laba qodob ee dhaqaalaha iyo wadashaqaynta, waxaana ay isla ogolaadeen labada dhinac qodobada hoos ku qoran.

1. dowlad goboleedka Puntland waa dowlad goboleed Taageersan siyaasadda dowladda federaalka ah kana qayb qaadanaysa amniga iyo dhaqaalaha.

2. Dowladda Federaalka kmg ah waxay mashaariicda horumarinta iyo deeqaha ay u hesho dalka Soomaaliyeed u gaarsiinaysaa dalka guud ahaan si caddaalad ah ayadoo tixgelin gaar ah siinaysa Dowlad goboleedyada iyo maamul goboleedyada Suga nabadgelyada oo uu ka soo galo dakhli isla markaana waafaqa nidaamka Federaalka ah ee dalka Soomaaliya, Dowladda Federaalka KMG waxay siinaysaa Dowlad Goboleedka Puntland qaybta kaga soo aada deeqahaas.

3. Xukuumadda Federaalka kmg ah iyo Dowlad goboleedka Puntland waxay isla garteen in la magacaabo guddi farsamo oo soo qorsheeya habkii ay dowladda Federaalka KMG ah uga heli lahayd Dowlad Goboleedka Puntland dakhli joogto ah.

4. Xukuumadda Federaalka KMG iyo Dowlad Goboleedka Puntland waxay isla garteen inta Nidaam Federaali ah uu ka horgalayo dalka oo dhan in arrimaha la xiriira dib u dhiska iyo horumarinta sida waxbarashada, Caafimaadka, Dayactirka kaabayaasha dhaqaalaha IWM in maamul goboleedka Puntland uu ka helo qaybta uu mudan yahay.

5. Xukuumadda Federaalka kmg ah iyo Dowlad goboleedka Puntland waxay isla garteen in khayraadka dabiiciga ah sida batroolka, Gaaska, macaadiinta kala duwan iwm in ay yihiin kheyraad ka dhaxeeya dhammaan ummadda Soomaaliyeed, hase ahaatee inta laga meel marinayo dharci dheeli tirka iyo qoondaynta khayraadka dalka waxaa ay labada dhinac isla garteen in ay lama huraan tahay in ay wado dadaalka baarista iyo soo saarista khayraadka dabiiciga ah ee Puntland iyadoo laga wada tashanayo heshiiska baarista iyo soo saarista khayraadka iyo qaysiga dhaqaalaha ka soo baxa markii wax soo saar la helo.

6. Xukuumada Federaalka KMG ah iyo Maalul goboleedka Puntland waxay isla garteen in ay wadahirgeliyaan nidaamka federaaliga ah ee ah in wasaaradaha iyo xafiisyada kala duwan ee Dowlada Goboleedka ay wadashaqayn toos ah la samaystaan wasaaradaha iyo xafiisyada la shaqada ah ee dowladda federaalka KMG ah.

7. Xukuumadda Federaalka KMG iyo Dowlad Goboleedka Puntland waxay isla garteen in dhaqaale deg deg ah loo qoondeeyo dowladda federaalka kmg ah oo ka daboola baahida socodsiinta maamulka inta laga hirgelinayo qodobka saddexaad ee ku xusan heshiiskan.

8. Guddiga xukuumadda Federaalka KMG ah wuxuu u wakiishay saxiixa heshiiskan Mudane Cabdalla Deerow Isaaq wasiirka Dastuurka iyo arrimaha Federaalka ee xukuumadda KMG ah, sidoo kale Guddiga Dowlad goboleedka Puntland waxay u wakiisheen saxiixa heshiiskan Mudane Cali Cabdi Awaare wasiirka Dowladaha hoose iyo horumarinta Reer Miyiga.


Faafin: SomaliTalk.com | Dec 29, 2005


Xaflad Hub ka Dhigis ah oo Lagu Qabtay Boosaaso

SomaliTalk.com | Bosaso

Hay'ada UNDP oo ka waday mashruuc hub ka digista Gobolada Puntland ayaa Arbacadii December 28 xaflad ay ku gudoonsiinayso Aqoonsi ay ku qabatay hoolka Machadka Maamulka iyo Maareenta. Xafladaas oo ay kaga ururinayso Hubka Ciidamo ka tirsan Maamulka puntland Ciidamadaa ayaa ka kala tirsanaa Ciidanka Daraawishta iyo Ciidanka Booliska oo sida uu sheegay Xiriiriyaha Mashruuca Hub ka dhigista UNDP Garoowe Maxamed Saalax ay ka codsadeen Maamulaka Puntland in lagu kala yareeyo Ciidamada oo ay Mushaar u hayn, Xaflada Mashrucaan oo ay ka soo Qayb galeen Madax ka kala socotay Maamulka Degmada iyo Gobolka ayaa ahaa mid looga dhigayo Hubka oo loo samaynayo Shaqo ay ku shaqeystaan Ciidamadaa la dhaqan celiyay.

Xafladii markii ay dhamaatay kadib ayaa waxaa ay madaxdii ka socotay iyo Maamulka Gobolka iyo Dagmada ay booqosho ku tageen Macadka Farsamada Gacanta  si ay u eegaan in uu ka qayb qaadan karo Tababarka Farsamada Dadka Hubka laga Dhigay.





Madaxweynaha DFKMG oo uu Weheliyo Madaxweynaha DGPL oo u ambabaxay yemen

SomaliTalk.com | Bosaso

Madaxweynaha DFKG Soomaaliyeed iyo Wafdi uu Hogaaminaayo oo uu ka mid yahay Madaxweynaha DGPL, Wasiiro ka kala socda DFKG Soomaaliyeed iyo DGPL ayaa Arbacadii Dec 28 u kicitimay Dalaka Yaman abaaro 12:30 Duurnimo.

Madaxweynaha DFKG Soomaaliyeed Col: Cabdulaahi Yuusuf oo saxaafada la hadlaaya ayaa u sheegay in ay ka qayb galayaan shirka isbahaysiga Sanca oo ay isugu imaanayaan Madaxweynayaasha Dalalka Yaman, Suudaan, Ethiopia, Jabuti iyo Soomaaliya.

Safarka madaxweynaha DGPL Gen: Cade Muuse ayaan la cadyn waxa uu ku saabsan yahay iyadoo hore uu u sheegay in uu tagi doono Safar Dalka Emaraadka lakiin uu hadda ka qayb galay Safarka uu ku tagayo Madaxweynaha DFKG Soomaaliya oo u kici timay Dalka yaman. Warar hoose ayaa tibaaxay in Cadde Muuse u sii gudbayey Dubai.

Dhanka kale madaxweyne ku xigeenka DGPL Xasan Daahir Afqurac iyo wafdi uu hogaaminaayo oo ka kooban Wasiiro iyo Xildhibaano DGPL ayaa u kicitimay Dalka Suudaan iyagoo sheegay in ay ka heleen Casumaad Madaxda Dalka Suudaan.





Hay’adda CRD oo qabatay dood ku saabsan doorka Bulshada Rayidkaa ee xoojinta dadaalada wadatashiga iyo Nabadda...

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro | Email amiinkhasaaro@hotmail.com

Maalintii shalay ahayd ayaa Hotel Ambassador waxaa lagu qabtay dood cilmiyeed ku saabsan doorka Bulshada rayidka ah ee xoojinta dalaadda wadatashiga iyo nabadda waxaana soo qaban-qaabiyay Hay’adda wadatashiga iyo cilmi baarista Soomaaliyeed ee (Centre For Research And Dialogue), waxaana doodaasi ka qaybgalay qaybaha kala duwan ee buslahda, waxaana ugu horeyntii halkasi hadal ka soo jeediyay Jibriil Ibraahim Cabdule oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee Hay’adda CRD, wuxuuna dulmar ku sameeyay xalaadda guud ee dalka, ee dhinaca nabadeynta, wuxuuna sheegay inta badan Gobalada qaarkood ay haatan ka jirto nabad buuxda, isagoo sheegay in mararka qaarkood ay dhacaan dagaalo inta badan ku saleysan daaqsin biyo.


Jibriil

Odawaa

Prof.Cali C/raxmaan

Max'ed Faarax Jimcaale.

Maxamed Faarax Siyaad

Prof.CaliCraxmaan, Prof,Caastaro iyo Max_edFarax

            Intaa kaddib waxaa la daawaday Filim ka hadlaya qaabka nabadeynta iyo dib u heshiisiinta looga sameyn karo dalka, qaabka la isugu celin karo hantida, qaabka loo dhigi karo hubka iyo qaabka loo kobcin karo ganacsiga, waxaana soo qabanqaabiyay filimkaani oo isku soo dubariday Hay’adda CRD.

Max’ed Faarax Siyaad oo ka mid ahaa ka qaybgalayaashii shirka ayaa waxa uu sheegay in loo baahan yahay in arrimaha maamul u sameynta Gobalka Banaadir la isku oso jiidjiido gaar ahaan dhinacyada isku haya, in la iska dhaafo Qabiilka oo uu sheegay in uu yahay midka maanta meesha xun na dhigay iyo in bishii bulshada raydika ahi labo jeer banaanbaxyo sameyso, oo ay ku cabirayaan arrimahooda, waxaa kalloo halkaasi ka hadlay Cali Iimaan Sharmaake oo sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay muhiimad gaar ah ugu fadhido Dowladdu, iyo in wixii Dowladda ka qaldama loo baahan yahay in ay saxaan Bulshada rayidka ah.

Xubnihii kale ee halkaasi ka hadlay, waxaa ka mid ahaa Abuukaato Cumar Dhegeey oo sheegay in Bulshada rayidka ah ay door muhiim ah ku leeyihiin nabadeynta, dib u heshiisiinta, hub ka dhigista iyo hanti isku celinta loona baahan yahay in ay marksata u howlgalaan, waxaa kalloo ka hadlay Abuukaato Ciise waxa uuna sheegay in loo baahan yahay in bulshada rayidka ah ay farta ku fiiqdo cidda gardaran oo runta loo sheego.

Cismaan Muxiyadiin Shaatax ayaa isna waxa uu sheegay in shirkii dib u heshiisiinta ahaa ee lagu qabtay dalka Kenya uu ahaa mid siyaasadeed ee uusan ahayn mid shacabku lahaa, isagoo sheegay in loo baahan yahay in bulshada rayidka ah ay cadaadi ku saaraan Dowladda sidii ay u heshiin lahayd.

Cumar Dheere, ayaa waxa uu isna sheegay in awoodii Soomaaliya ku soo uruurtay farta, oo uu ula jeedo Keebka (Qoriga), wuxuuna sheegay in looga bixi karo iyadoo hub ka dhigis la sameeyo sharcigan dib loo soo celiyo.

Maxamuud Cali Ugaas oo isna ka hadlay dood cilmiyeedkaasi ayaa waxa uu sheegay in bulsha rayidka ahi ay ku nooshahay Magaalo go’doonsan oo uu sheegay in ay raali ka noqdeen in Magaaladaa go’doonsan ku noolaadaan, wuxuuna soo jeediyay in la sameeyo guddiyo bulsho rayid oo u howlgala nabadeynta wadanka iyo Gobalka Banaadir, waxaa kalloo hadalkii qaatay Saalax Shiikh Ibraahim oo isna sheegay in mushkilada Soomaaliya haysata ay tahay hogaankii oo ka qaldamay, loona baahan yahay in bulsha rayidka ah ay u howlgasho sidii loo heli lahaa maamul toosan oo caddaalad ku saleysan.

Max’ed Faarax Jimcaale ayaa waxa uu isna sheegay in ninkii aan xaadir u ahayn dhibaatada Soomaaliya ama goob-joog ka ahayn uu yahay qof doqon ah, wuxuuna sheegay in xalka ay keeni karaan dadkii dhibaatadaasi ku dhex sugnaa, isagoo sheegay in arrimaha Gobalka Banaadir lagu xalin karo iyadoo marka hore la wada hadalsiiyo Ragga ugu sareeya.

Prof. Cali C/raxmaan ayaa waxa uu rajo xumo ka muujiyay Dowlada Federaalka in ay dib u heshiiyo waayo ayuu yiri “16 bilood ayay rajo beel na dhigeen kamana muuqato in ay dib u heshiiyaan, waxaana mid walba uu doonayaa in kan kale uu qiyaaneeyo ama uu boobo”.

Xabiibo Xaaji Jimcaale ayaa waxa ay sheegtay in bulshada rayidka ah ay mararka qaarkood u fariistaan ama u doodaan Jowhar iyo Muqdisho, waxaan dhihi karaa dhex dhexaad kama ahan is haysiga Dowladda sidoo kale waxa ay cannaantay Saxaafadda oo ay sheegtay in ay tahay mid sii hurineysa sidii la isigu keeni lahaa Dowlada Federaalka, waxay kalloo Xabiibo ay hoosta ka xariiqday in Qof damiir leh uusan ku jirin Dowladda, waayo mar hore ayuu Istaaqaladiisa soo gudbin lahaa uuna dhihi lahaa “Meeshaan wax kama soo socdaane xilkii waan iska casilay:.



C/raxmaan Max’ed Xuseen (Odowaa), waxa uu mushkiladda Soomaaliya ku sheegay in ay tahay mid ka timid dibadda isagoo sheegay in Bulsharada Rayidka ah ay mar kasta xooga saaraan gudniinka FIRCOONIGA ah iyo AIDS-ka, isagoo sheegay in bulsharada rayidka ah looga baahnaa dhinaca nabaddda iyo dib u heshiisiinta waxaa kalloo uu sheegay in qabiilka laga cabaanaayo xalka laga raadso mararka qaar, waayo wadamo badan sida Imaaraadka Carabta, waxaa lagu dhisay qaab Qabiil, Sucuudiga waxaa lagu dhisay Qabiil, Lubnaan Qaab Diineed, waxaa kaloo uu soo qaatay Dowladda Yemen oo uu sheegay in iyadoo dowladi  jirto ay haddan shacabku hubka ku haystaan guryaha. Waxaa kalloo ka hadlay Suldaano Max’ed oo sheegtay in bulshada Rayidka ah ay ka qaybgaleen shirkii Nairobi balse waxay sheegtay in ay ka xishoodeen in ay Qabiil ku yimaadaan. Waxaana doodaan qaybinayay Dr. Xasan Shiikh C/llaahi, waxaa soo xiray Jibriil Ibraahim Cabdule.

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro | Email amiinkhasaaro@hotmail.com



HTML CD