SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GEEDDI

Heshiiskey Puntland Geeddi ka Diidday oo Deeroow Qalinka ku Duugay

C/Waaxid C/hi Khaliif


London, UK

 cabdulwaxid@hotmail.com  

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 


Xaflad Boosaaso Loogu Sameeyey Heshiis Dhexmaray DFKMG iyo DGPL

Fiicnaanlahaydaa in madaxda Puntland ku sharfilahad Geeddi inuu saxiixo heshiiska Deeroow saxiixay. Waa sida loo dhaho talo aan la ruuggin waa lagu rafaadaa. Siyaasiyiinta Puntland baa hal dhagax kuwada dhuftay Geeddi iyo Maxamed-dheere. Mar haddii wixii Geeddi loo diiday lagu casuumey  Deeroow waa dakhar soo gaaray Geeddi. Waxaa ka sii horreeyey, Deeroow oo heshiiskii Maxamed-dheere iyo Yuusuf Indho-cadde ku sheegay mid lagu boobayo dhulka Digil iyo Mirifle. Marka didmadii Deeroow ka soo qaaday Jowhar iyo Maxamed-dheere waxay geyaansiisay in lagu sharfo saxiix aan u arko inuusan xaq u lahayn ama keligiis khuseyn. Toddobada qoddob oo heshiiskaas lagu sheegay waxay u badanyihiin arrimo ku saabsan dakhli, canshuur iyo dhaqaale. Labo qoddob oo ka mid ah ayaa laga dhex arkayaa wax ku saabsan federaalnimo. Ogoow, mar kasta oo laga hadlayo Soomaaliya waxaa la oranayaa dowladda federaalka ku-meelgaarka ah marka ma Cabdalla Deeroow baa soo boodaya markastoo magaca federal  la xuso? 

Maddaama, C/hi iyo Geeddiba raaligelin ka bixinwaayeen hadalkii Cabdalla Deeroow ee heshiis-diidka ahaa ayaa la arkayaa isagoo Puntland lagu soo dhoweynayo laguna sharfayo saxiixa heshiis muhiim ah. Arrinta Deeroow ayaa baasiin ku sii shubaysa arrimaha dib-u-heshiisiinta; xurgufaha ku saabsan meesha  shirka lagu qabanayo darteed. Waxaa shalay oo bishu ahayd 28/12/05 shir jaraa’id Jowhar ku qabtay xildhibaanno Soomaaliyeed oo sheegaya inaan Kismaayo shir lagu qabankarin maxaa yeelay Barre Hiiraale wuu diiday inuu Jowhar yimaado oo uu arko ra’iisulwasaarihiisa sidoo kalana waa nin ka soo horjeeda dowladda. Arrintaas ayaa u muuqata mid lid ku ah midda Boosaaso ka socota ee ku saabsan heshiiska Puntland iyo Deeroow. Waxaan shaki iiga jirin inuusan Geeddi u dirin arrintaas inuu Deeroow galo laakiin waa iska dhacikartaa inuu in inta Geeddi is hafro uu been ku sheego inuu isagu diray wasiirkaas. 

Waa fallaartii cirka loo ganay nin kastoow filo. Marka haddii siyaasiyiinta reer Puntland ay dhaqaalahoodii ku lumiyeen si C/hi madaxweyno u noqdo, maxay hadda u sameynayaan falal liddi ku ah dowladda C/hi? Waxay i xasuusineysaa sheekadii wiilkii yaraa ee ku ciyaaray oday tukanayey dabadeedna markii odaygii salaaddii dhammeystay wiilkii lacag siiyey oo uu ku yiri: adeer bal ninkaas kaloo tukanaya ku samee waxaad igu sameysay. Wiilkii oo lacag kale doon ah ayaa ku ciyaaray ninkii kale laakiin nasiib darro markii ninkii kale salaaddii dhammeystay buu wiilkii yaraa qudha ka jaray. Run ahaantii, falsafadda ka socota Puntland waxay iila muuqataa taas oo kale. Marka, hadduu korneylku arkijiray dadka reer Puntland oo iska tartiibsada, suurtogal ma ahan inuu sidaas oo kale kala kulmo Koonfurta Soomaaliya. 

Khaladaaadka Geeddi badanaa? Maalin kasta oo waagu baryo waxaan helaa khalad uu leeyah ra’iisulwasaarahu. Marka haddii Geeddi been sheegilahaa iyo haddii kalaba isagaa laga rabaa siduu uga jawaabilahaa labadii arrimood ee Deeroow sameeyey. Marka arrintu waa “uureysatee waxay umuli doonto”.

C/Waaxid C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com 
 

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 29, 2005


Idaacada Australia ee SBS oo Waraysatay Garsoorayaasha ay Xirtay DGPL
Waraysiga oo idaacadu ay Telefoon kaga qaaday garsoorayaasha oo ku jira Xabsiga...
DHEGEYSO WARAYSIGA


SSI: You were quoted as saying if the international community recognizes Somaliland we don’t have a problem, we will accept them. If that is right and if the international community comes to recognize Somaliland as a separate entity, what would be the outlook of your government?

P.M. A Gedi: First of all, the decision and destiny is in the hands of the Somali people not in the hands of the international community. The international community operates through the charter of the United Nations and International Organizations. And in nowhere in that charter is a separation and division of nations possible, so the recognition must come from the Somali people through referendum, through acceptance and through willingness. That was the process of the unity from the beginning and it needs the same process. No country, no international organization can recognize them.

SSI: If Somaliland calls for a referendum, would you support that, to see whether the people would opt for unity or separation?

P.M. A Gedi -A referendum must include all Somali people, not part of the Somali people. This is not an easy task. It is not like local administration, it is the destiny of the whole nation. So it must be all-inclusive and it must express all of Somalia, if a referendum is deemed necessary for the restoration of the reunification.

Read More......


C/Risaaq Xaaji Xuseen oo ka Jawaabey Hadalkii Geeddi...
Waxaa SomaliTalk.com u suurta gashay in ay (Nov 27, 2005) gurigiisa ku booqdaan ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, mudane C/Risaaq Xaaji Xuseen, si aan waraysi ugala yeelano hadal uu dhowaan yiri ra'iisul wasaaraha hadda ee Soomaaliya mudane Prof. Cali Maxamed Geeddi uu 11/11/2005 ka sheegay idaacad, waxaan jawaabtii C/risaaq Xaaji Xuseen ka mid ahaa....
Guji....


Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....sept 2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com


Dr Galaydh"Arrintan argagixisada ee markale la wadwado (la hadal hayo), Soomaaliya kama jiraan kooxo argagixiso ah, arrintan waa mid la dhoodhoobeen kuwa u malaynaya in ay isku maldahaya 'la dagaalanka argagxisada,' si loo maqlo oo loo taageero. Soomaalidu waa dad Muslim ah, Waxaana ku faraxsanahay in aan nahay dad Muslim ah. Haddii ay jiraan Argagixso, Ciidamada Maraykanka ee jooga Jabuuti, Nairobi iyo Muqdisho qudheeda ayaa heli lahaa. Sidaas daraadeed waxaa haboon in inta la hawl galo, la isku dayo in dadka la hawlgeliyo oo xaqiiqo ahaa la keeno wax ka bedelan xaalada hadda jirta ee laga yaabo in ay dad ka fa'iidaysanayaan." Sidaas waxaa yiri Cali Khaliif Galayr | Dhegeyso:  Dec 8, 05 Dr Elmi Duale"Waxa uu sheegay (Galaydh) in aan argagixiso jirin (Soomaaliya), laakiin waa jiraan. Waa la xaqiijiyey, waa ladaabacay. Koox qaramada Midoobey aha ayaa soo saartay warbixin - waxaa jir warbixin qaramada midoobey oo shegeysa in ay argagxiso ka jirto (Soomaaliya). Taas waxaa ka horeysey Markii la qarxiyey safaaradaha Maraykanka ee Kenya iyo Tansaaniya iyo markii la qarxiyey Hotelkii Mombasa, waxaa la muujiyey in qaar kamid ah kuwii ka dambeeyey falalkaas in ay soo mareen Soomaaliya ama waxay ku carareen Soomaaliya. Sidaas daraadeed waxaa jira cadaymo ku filan." Sidaas waxaa yiri Wakiilka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey Ambassador Dr. Elmi Ahmed Duale | Dhegeyso:: Dec 8, 05 "Wadanka (Soomaaliya) waa ubucda ay ku kobcaan argagixisada caalamiga ah" sidaas waxaa yiri Cabdullahi Sheekh Ismaaciil oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dawlada Federaalka KumeelGaarka ah ee Soomaaliya, isagoo sida warku u dhigay, Soomaaliya ku eedeeyey in ay Xarun u Tahay Ururada Argagaxisada, sida ay qortay AFP, oo intaas ku dartay in wasiirka Arimaha dibada ee Soomaaliya uusan faahfaahin magaca, tirada iyo nooca xarunta argagxisada ee ka jirta dalkiisa, waa sida warku u dhigaye. Soomaaliya oo ah dal ku yaal bariga afrika oo 14-kii sano ee ugu dambeysey aan lahayn dawlad si rasmi ah u shaqaysa, ayey tiri AFP AKhri Halkan:::: Aug 26,05 menkhaus.jpg (26533 bytes)"Waa in aynaan kuxiraan in aan akhbaarta keliya ka qaadano Itoobiya kuwaas oo inkasta oo ay saaxiibadeen yihiin haddana waxay wataan qorshe iyaga u gaara oo aan caddayn, waxayna kabadbadiyaan khatarta." sidaas waxa yiri Ken Menkhaus, oo professor sare ka ah Davidson College, USA, kaas oo ku takhasusay Soomaaliya iyo dhaqdhaqaaq yadeeda Islaamiga ah, islamarkaana  lataliye xagga siyaasadda uga ahaa hawlgalkii Qaramada midoobey ee Soomaaliya, marka uu hadalkaas yiri waxay ahayd talaado November 27, 2001 asagoo ka hadlayey kulanka Carnegie Endowment for International Peace symposium (Washington, D.C.). GUJI...
 
Kalluumaysatadii Soomaaliyeed wax lug ah kuma  kulahayn Qaraxii Mombasa
Booliska Kenya waxa ay markey taariikhdu ahayd 13/12/2002 caddeeyeen in sagaalkii kalluumaysatada ahaa ee isugu jirey Soomaalida iyo Pakistan ee loo xirxiray qaraxii Mombsasa aysan wax lug ah ku lahayn qaraxaas, isla markaana la siideynayo, loona dhoofinayo dalalkoodii
AKhri Halkan....

Xaggee ku dambaysay eedeyntii ahayd in Shimbiraale ay deggan yihiin urur argagixiso?




HTML CD