SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GEEDDI


Safiirka Ethiopia u soo dirsatay Hatgeysa dartii oo loo dedejinayo taalada Siyad Barre 

Yalaxow Hirabe
yalaxowhirabe@yahoo.com

Taalo USC ee Addis Ababa
Taalo Siyaad Barre ee Muqdisho
nin addunya joogow maxaa aragti kuu laaban!
 
Umadda Soomaaliyeed oo dhan ayaa ka xumaatay ficilka Ethiopia oo ah inay safiir u soo dirsatay Hargeysa.  Taasi  waxay keentay in la naco dhamaan jabhadihii ay adeegsatay Ethiopia si ay u burburiso dawladii Soomaaliya sida SSDF SPM SNM USC lana jeclaysto hogaamiyeyaashii la soo dagaalat abasiiniya sida Ahmed Gurey, Maxamed Abdille Xassan, SYL, Xanale, Siyad Barre . 
 
Soomaalida wadaniyiinta ah ee degan Addis Ababa, Nairobi, Djabuiti, Xamar, Hargeysa, Boosaaso, Baydhabo, Boosaaso iyo dibadaha waa inay ka banaan baxaan faragelinta Ethiopia. 
 
Sida aan xog ku helnay labo taallo ayaa la qorshaynayaa in laga dhiso labo caasimadood oo afrikada bari ku yaal qorshayaashaas ayaan shaqo isku lahayn ee waqtiga ayuunbaa isku soo aaday.  Magaalooyinkaas waa Muqdisho iyo Addis Ababa
Ujeedooyinka taalooyinkan ayaa iska soo horjeeda.  Mid waa la shaacinayaa midna waa la qarinayaa oo waa qarsoodi.
 
Muqdisho waxaa la qorshaynayaa in sanadka soo socdo laga taago Taalo lagu xasuusan doono Maxamed Siyaad Barre iyo dagaalkii uu la galay Amxaaro iyo jabhadihii ay adeegsanaysay.  Dadka qorshaha wadaa waxay u badanyihiin dhalinyaro wadaniyiin ah oo qabiil ka xoroobay oo u badan qabiilka Cayr iyo wadaado ayadoo la tuhunsan yahay in taladu ka timid walaalaha Galgaduud oo ka xumaaday markii Cabdilaahi Yusuf xaflad loogu damaashaadayo lagu qabtay Villa Somalo.  Dhalinyadaan oo arrintan ka carooday waxaa ay u arkaan in meel looga dhacay wadanigii Siyad Barre iyo dagaalkii uu la galay Ethiopia iyo Abdilaahi Ysusf iyo jabhadihii uu horseedka u ahaa oo u adeegayay cadowga Soomaaliya. Waxaa kale oo aan meesha ka marnayn Wadaada oo ka xun isbahaysiga soo celinta nabadda iyo la dagaalanka argagixisada oo u badan haraadigii USC oo caadaystay shisheeye u kalkaalka.  Siad Barre inkastoo uu la dagaalay wadaadada haddana weligii kama ganacsan shisheeyena kabaha una qaadin oo ma noqon shisheeya kalkaal. 
 
Dhalinyadan ayaa aaminsan in keligii taliye Siad Barre uu ahaa wadanigii ugu danbeeyey ee Soomaaliya ka taliya wixii ka danbeeyeyna aanan la garanayn wax ay ku tilmaamaan.
 
Magaalada Addis Ababa warar sir ah oo aan xog hoose ku helnay ayaa sheegaya in xarunta madaxtooyada ama xarunta xoogga dalka Ethiopia midkood la qorshaynayo in laga dhiso Taalo sharf lagu maamuusayo jabhaddii USC iyo danahii ama guulihii ay u soo hoyisay Ethiopia.  Dadweynaha Soomaaliyeed badankood waaba iska iloobeen waxaa ay la tacbaan sanyihiin wixii ay USC u keentay oo isu rogay dagaal oogayaal, isbaaro bad iyo beri   dawlad la'aan, barakac, kufsi, dil, boob iyo bililiqo iyo amaan la'aan. Lama garanayo haykalka ay yeelan doonto taalada USC ee Ethiopia
 
Ethiopiayana USC waa looga damaashaadayaa oo guul weyn ayey u soo hoyisay mar haddiiba aan dib danbe loo arki doonin
Dawlad Soomaaliyeed oo xoog leh oo ka hortagta Ethiopia
Midnimada Soomaaliya oo aan dib danbe u jiri doonin oo fikraddii Somaliweyn ay bedeshay Somaliland, Puntland, Hiiraanland, Southwest land.  Taalada USC ee Addis Ababa weligeed qarsoodi ma ahaan doonto koley waa tii ardadada iskuulada loogu dhhigaa isbedelka lixaadka leh iyo miisaanka military ee geeska Africa oo ay USC isbedel ku samaysay iyo weliba xuduudaha cusub ee ay USC samaysay. 
USC waxaa ay fulisay danta Ethiopia waxaa ay u soo hoyisay guul aanay Ethiopia weligeed gaarteen.  USC adigaa lahaa

Yalaxow Hirabe
yalaxowhirabe@yahoo.com

AFeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | May 2, 2006


C/Risaaq Xaaji Xuseen oo ka Jawaabey Hadalkii Geeddi...
Waxaa SomaliTalk.com u suurta gashay in ay (Nov 27, 2005) gurigiisa ku booqdaan ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, mudane C/Risaaq Xaaji Xuseen, si aan waraysi ugala yeelano hadal uu dhowaan yiri ra'iisul wasaaraha hadda ee Soomaaliya mudane Prof. Cali Maxamed Geeddi uu 11/11/2005 ka sheegay idaacad, waxaan jawaabtii C/risaaq Xaaji Xuseen ka mid ahaa.... Guji....


DHEGEYSO COD GOOGOOS AH::: FoolJeex, Qabridahare iyo Geeddii...
Waraysigii Radio Xorriyo: Nin Goob Joog  ahaa Xasuuqii Qabridaharre
GABAY KU SOCDA CALI MAXAMED GEEDDI... (Siciid Xaaji Axmed)



Hadalkii (Codkii) Geeddi, Xasuuqii Qabridahare & Fooljeex, iyo hadallo googoos ah oo muujinaya Gefkii Geeddi:
Dhegeyso:::
Waqtiga Codka: 29:30

Dr. Max’ud Jaamac Sifir oo si kulul uga Jawaabay Hadalkii Geedi: Axdi Qarameedku wuxuu sheegayaa in midnimada Soomaaliyeed ay tahay Muqaddas aan meelna looga weecan karayn Guji


abdullahi YusufMadaxweynaha Soomaaliya oo ka dalbaday maamulka Puntland in aysan Kalsoonida kala laaban Raiisul wasaare Geedi.
maamul Gobaleedka Puntland waxa uu shaaca ka qaaday in uu burburay heshiiskii shidaalka ee dhex maray DGPL iyo Ra’isul Wasaare Geedi... Guji

MUQDISHO::: Xubnaha Labada oo Cambaarayn Kulul u soo Jeediyey Hadalkii Geeddi
Kulan ay maanta Hotel Saxafi ku yeesheen xubnaha labada gole ee ku xugan Muqisho ayaa lagu soo dhisay guddi kaddib markii..
Guji


Cali Maxamed Geedi oo Maamulka Puntland uga Baxay Eayadii ku Qornaa Warqad Qarsoodi ahayd oo uu Qoray
Warqadaas oo uu Ra'iisul wasaaraha DFKMG ku... Guji...

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Xasan Daahir (Af-qurac) ayaa si weyn u dhaliilay hadalkii dhawaan ka soo yeeray Ra’isul Wasaare Geedi. Guji...


SSI: You were quoted as saying if the international community recognizes Somaliland we don’t have a problem, we will accept them. If that is right and if the international community comes to recognize Somaliland as a separate entity, what would be the outlook of your government?

P.M. A Gedi: First of all, the decision and destiny is in the hands of the Somali people not in the hands of the international community. The international community operates through the charter of the United Nations and International Organizations. And in nowhere in that charter is a separation and division of nations possible, so the recognition must come from the Somali people through referendum, through acceptance and through willingness. That was the process of the unity from the beginning and it needs the same process. No country, no international organization can recognize them.

SSI: If Somaliland calls for a referendum, would you support that, to see whether the people would opt for unity or separation?

P.M. A Gedi -A referendum must include all Somali people, not part of the Somali people. This is not an easy task. It is not like local administration, it is the destiny of the whole nation. So it must be all-inclusive and it must express all of Somalia, if a referendum is deemed necessary for the restoration of the reunification.

Read More......


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com


Dr Galaydh"Arrintan argagixisada ee markale la wadwado (la hadal hayo), Soomaaliya kama jiraan kooxo argagixiso ah, arrintan waa mid la dhoodhoobeen kuwa u malaynaya in ay isku maldahaya 'la dagaalanka argagxisada,' si loo maqlo oo loo taageero. Soomaalidu waa dad Muslim ah, Waxaana ku faraxsanahay in aan nahay dad Muslim ah. Haddii ay jiraan Argagixso, Ciidamada Maraykanka ee jooga Jabuuti, Nairobi iyo Muqdisho qudheeda ayaa heli lahaa. Sidaas daraadeed waxaa haboon in inta la hawl galo, la isku dayo in dadka la hawlgeliyo oo xaqiiqo ahaa la keeno wax ka bedelan xaalada hadda jirta ee laga yaabo in ay dad ka fa'iidaysanayaan." Sidaas waxaa yiri Cali Khaliif Galayr | Dhegeyso:  Dec 8, 05 Dr Elmi Duale"Waxa uu sheegay (Galaydh) in aan argagixiso jirin (Soomaaliya), laakiin waa jiraan. Waa la xaqiijiyey, waa ladaabacay. Koox qaramada Midoobey aha ayaa soo saartay warbixin - waxaa jir warbixin qaramada midoobey oo shegeysa in ay argagxiso ka jirto (Soomaaliya). Taas waxaa ka horeysey Markii la qarxiyey safaaradaha Maraykanka ee Kenya iyo Tansaaniya iyo markii la qarxiyey Hotelkii Mombasa, waxaa la muujiyey in qaar kamid ah kuwii ka dambeeyey falalkaas in ay soo mareen Soomaaliya ama waxay ku carareen Soomaaliya. Sidaas daraadeed waxaa jira cadaymo ku filan." Sidaas waxaa yiri Wakiilka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey Ambassador Dr. Elmi Ahmed Duale | Dhegeyso:: Dec 8, 05 "Wadanka (Soomaaliya) waa ubucda ay ku kobcaan argagixisada caalamiga ah" sidaas waxaa yiri Cabdullahi Sheekh Ismaaciil oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dawlada Federaalka KumeelGaarka ah ee Soomaaliya, isagoo sida warku u dhigay, Soomaaliya ku eedeeyey in ay Xarun u Tahay Ururada Argagaxisada, sida ay qortay AFP, oo intaas ku dartay in wasiirka Arimaha dibada ee Soomaaliya uusan faahfaahin magaca, tirada iyo nooca xarunta argagxisada ee ka jirta dalkiisa, waa sida warku u dhigaye. Soomaaliya oo ah dal ku yaal bariga afrika oo 14-kii sano ee ugu dambeysey aan lahayn dawlad si rasmi ah u shaqaysa, ayey tiri AFP AKhri Halkan:::: Aug 26,05 menkhaus.jpg (26533 bytes)"Waa in aynaan kuxiraan in aan akhbaarta keliya ka qaadano Itoobiya kuwaas oo inkasta oo ay saaxiibadeen yihiin haddana waxay wataan qorshe iyaga u gaara oo aan caddayn, waxayna kabadbadiyaan khatarta." sidaas waxa yiri Ken Menkhaus, oo professor sare ka ah Davidson College, USA, kaas oo ku takhasusay Soomaaliya iyo dhaqdhaqaaq yadeeda Islaamiga ah, islamarkaana  lataliye xagga siyaasadda uga ahaa hawlgalkii Qaramada midoobey ee Soomaaliya, marka uu hadalkaas yiri waxay ahayd talaado November 27, 2001 asagoo ka hadlayey kulanka Carnegie Endowment for International Peace symposium (Washington, D.C.). GUJI...
 
Kalluumaysatadii Soomaaliyeed wax lug ah kuma  kulahayn Qaraxii Mombasa
Booliska Kenya waxa ay markey taariikhdu ahayd 13/12/2002 caddeeyeen in sagaalkii kalluumaysatada ahaa ee isugu jirey Soomaalida iyo Pakistan ee loo xirxiray qaraxii Mombsasa aysan wax lug ah ku lahayn qaraxaas, isla markaana la siideynayo, loona dhoofinayo dalalkoodii
AKhri Halkan....

Xaggee ku dambaysay eedeyntii ahayd in Shimbiraale ay deggan yihiin urur argagixiso?




HTML CD