SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GEEDDI


Daabaco Boggan | Print
Geedi: Horta qofka afka dowladda ku hadli kara aniga waaye. Cid kale kuma hadli karto afka dowladda. Warka rasmiga ah anigaa sheegaya. Qof kasta kama hadli karo dowladda arrimaheeda. Anigu waxaan iri baaritaan baa lagu sameynayaa arrintaas, guddi baana u saaray. Guddigii oo aan keenin wax natiijo ah lagama hordhici karo. Waxaan aniga u arkaa dadka weerarkaas fuliyey inay ahaayeen dad aan dowlad rabin. GUJI....
::GEEDI vs NFD & SOM.GALBEED

NFD iyo SOOMAALI GALBEED Goorma ayey Xoroobeen? Cali Maxamed Geedi wuxuu yiri HALKAN KA DHEGEYSO
Emailka Geedi:
premiersom@wananchi.com
WARAYSIGII BAHALOW
Cabdi Sheikh Bahalow "Kenya waxay u Burburineysa Somaliya si aan looga hadlin NFD: Cabdi Bahalow waxa uu ka tirsan yahay xisbiga haya talada kenya, waxana uu madax ka yahay ururka nabad raadinta geeska afrika. Waraysiga waxaa qaaday Mumtaz: dhegeyso
FAHAD:: WARQAD FURAN
WARQAD FURAN: MADAXWEYNE MUXUU GEEDI KAA MUDAN-YAHAY: Maqaalkii Isniinta ee Fahad Yaasiin Guji...
:: MAQAALKII C/WAAXID:::
Madaxweynuhu Isagaa naga Yaqaan Ra’iisulwasaarihiisa:: Waxaa jirtay in markii la magacaabay...Guji... C/Waaxid
::WARQADII C/RISAAQ XAAJI::
Qoraalkii uu 2002 C/Risaaq Xaaji ka qoray faragelinta ay Itoobiya ku hayso Soomaaliya.. Guji
:WARAYSIGII DR.RAABEH::
Waraysigii Dheeraa ee Dr. Cumar Cusmaan Raabeh.. Halkan ka dhegeyso.. Guji
:MAQAALKII C/SHAKUUR::
Qancin Qoraalkii  Cadaani: Assadow Darawal Diyaarad Ma Duullin Karaa? Guji...
:MAQAALKII ASAD CADDAANI::
Raysal wasaaraha dawladii dhawaan Kenya lagu soo dhisay Cali Maxmed Geedi ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo haddii Somaliland la aqoonsado.. Guji..
:::WAAN KUU SHEEGAY:::
Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo mar-labaad soo diray warqadiisii furnay ee uu qoray  2004.. Guji..
:::RA'YI/GABAYO/MAQAALO :::
Daahir Riyaale oo ka Xanaajiyey Qaar ka mid ah Soomaalida Minnesota
Waxa uuna kala hadlay idaacadda...
Guji...
wiil

1894 ayaa heshiiska loo yaqaab "Tripartite Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.



CALI MAXAMED GEEDDI “Dowladdii Cabdiqaasim haddaan been la sheegeyn waxaa dumiyey Ethiopia"
 
Maxamed Xaaji (Ingiriis)
Brussels, Belgium
Email: Ingiriis@yahoo.com
  • “Dowladdii Cabdiqaasim haddaanan been isu sheegeyn waxaa dumiyey Ethiopia, mana ahan inaan annagu maanta isku dirno Ethiopia ee waa inaan xiriir dhow la sameysanaa. Nin wadaad ah ayaa la weydiiyey Fandhicil ma xalaal baa, mise waa xaaraan, wuxuu ku jawaabay sheegsheeggiisa ayaaba laga roon yahay.”
     
  • Murankii dhinaca baaritaanka shiidaalka ee dhinaca Puntland, waxa uu tilmaamay in dalka oo aan sharci laga sameyn aan hal gram oo kheyraadkiisa ah la soo bixin doonin. “Waan baahanahay baqtiga looma cuno, waan baahanahay kaalaya socon mayso. Kheyraadka dabiiciga ah ee dalka waxaa mas’uul ka ah dowladda dhexe. Maamul goboleedyadu shaqo kuma lahan, kumana xadgudbi karaan intaan noolnahay” ayuu yiri.
 
Idaacada Focus on Africa (British Broadcasting Corporation) oo ka hadleysa xasuuqii Qabridaharre.. Marka hore Dhuux hadalka ay weriyuhu ku bilaabeyso oo ah (Dhulka Soomaaliyeed re ku yaal Bariga Itoobiya).. Waa hadalkii laga waayey in uu yiraahdo Geedi... DHEGEYSO...
Ra’iisal Wasaaraha dowladda Soomaaliya, Dr Cali Maxamed Geeddi ayaa caawa shir ballaaran la wadaagay xubno ka socay jaaliyadaha Soomaalida ee ku nool Britain, Belgium, Germany iyo Holland. Kulankan oo uu xiriirinayey Sayid Axmed Sheekh Daahir, Wasiirkii hore ee Maaliyadda, waxaa aayado Qur’aan ah ku furay Axmed Suleymaan Dafle oo ahaan jiray Madaxweyne ku-xigeen iyo Taliyaha ciidanka sirdoonka Soomaaliya.

Dafle ayaa aayadaha Qur’aanka kaddib, waxa uu ku bogaadiyey Dr Geeddi howlaha uu galay iyo najaxa uu kala kulmay, waxaana ku faraxsanahay ayuu yiri inuu Ra’iisal Wasaaruhu ka nabadgalay shirqool loo qoolay iyo dilkii lagu dili gaaray bomb-kii kula qarxay Muqdisho.

Wasiirka Maaliyadda Dr Saalim Caliyow Ibrow oo isna halkaas ka hadlay ayaa ku dhiirri-geliyey jaaliyadaha Soomaalida ee ku nool Europe inay waddanka dejintiisa gacan ka geystaan, isagoo xusay in dareenka dadka dibadda ku nool uu muujinayo inay diyaar u yihiin inay mar uun arkaan Soomaaliya oo nabad noqota.

Dr Geeddi oo kaddib hadalku ku wareegay, waxa uu sheegay inuu noqday mas’uulkii labaad ee Africa ee ugu horreeyey ee loo shiriyo 25-ka dale ee ku jira Ururka Midowga Yurub.

Waxa uu carrabaabay in haddii wax badan dowlado la soo dhisay oo la tuuray ay arki jireen aan xukuumaddiisa la tuuri karin.  Waxa uu ku soo celceliyey in dowladdu ay socon doonto feker kasta oo lagu kala duwan yahay.

Waxa uu yiri, “Danta aan annagu leennahay waa inaan taariikhda ku galno inaan nabadeynay dalka, ciddii muraad kale leh iyadey jirtaa, waan ka soo horjeednaa dagaal.”

Waxa uu sheegay in hoggaamiyeyaasha kooxaha Muqdisho ay kula dirirsan yihiin laaluush na sii. “Nimanka akhyaarta ah wixii ay rabaan haddaan u yeelayo ma dirirneen, gacanta ayay igula qabsan lahaayeen qalinka” ayuu yiri.

Dr Geeddi, waxa uu farta ku fiiqay in laga yaabo in dadku ay maqlaan mas’uul dowladeed oo leh yaan lacag la siin dowladda inta laga heshiinayo. Mas’uulka noocaas ah ayuu yiri waxaa shaki ku jiraa Soomaalinimadiisa. “Waxaan arki jirnay dad ku farxaya wixii la siiyo dalkooda, waxaan hadda aragnaa dad ka naxaya wixii dalka la siiyo” ayuu yiri.

Mar su’aalo is daba joog ah ay ka soo qayb galayaashu ka weydiiyeen arrinta caasimadnimada Muqdisho, waxa uu carrabka ku adkeeyey in Muqdisho tahay caasimaddii dalka, cid ka beddeli kartaana aysan jirin. Waxa uu dadka xusuusiyey in Jowhar tahay xarun ku meel gaar ah ee aan caasimadda loo rarin. Si kasta ha noqotee, waxa uu yiri, “Xukuumaddeydu waa ku dhiman lahayd Muqdisho haddaan geyn lahaa.”

Murankii dhinaca baaritaanka shiidaalka ee dhinaca Puntland, waxa uu tilmaamay in dalka oo aan sharci laga sameyn aan hal gram oo kheyraadkiisa ah la soo bixin doonin. “Waan baahanahay baqtiga looma cuno, waan baahanahay kaalaya socon mayso. Kheyraadka dabiiciga ah ee dalka waxaa mas’uul ka ah dowladda dhexe. Maamul goboleedyadu shaqo kuma lahan, kumana xadgudbi karaan intaan noolnahay” ayuu yiri.

Dr Geeddi, waxa uu ku canaantay dowladaha Carabta inaysan wax kaalmo ah u fidin dowladdiisa. “Carabtii la lahaa iyagaa dad idiin xiga waxba nooma qaban, haddey Carabi dad wax u qabanaysana Palestine ayay wax u qaban lahayd” ayuu yiri.

Waxaa kale oo uu eedeeyey hay’adaha gargaarka oo uu sheegay in 15-kii sano ee ugu dambeey ay ahaayeen dowladda keliya ee dalka ka jirta, sidaas darteedna aanay fududeyn sida wax looga qabto.

Isagoo la weydiiyey inuu aqoonsaday dowladda Somaliland, arrintaasna tahay mid uu dalka ku kala jarayo, waxa uu yiri “Cali Maxamed Geeddi ma kala goyn karo Soomaaliya xitaa hadduu isku dayo.”

“Waa laga soo gudbay markey Soomaaliya ahayd Soomaali weyn. Distoorka Ethiopia ayay ku taallaa in gobol kasta go’i karo markii afti laga qaado dadka ee ay ku codeeyaan inay go’aan, sidoo kale NFD waxay ku jiraan Baarlamaanka Kenya, Djibouti-na waa xor oo waa dowlad gaar u taagan, mar walbana Soomaaliya waa la shaqeynaysay gobolladaas” ayuu yiri.

Dowladda Ethiopia iyo kaalinta ay ku leedahay xukuumaddiisa oo dadku ay weydiiyeen, waxa uu yiri, “Dowladdii Cabdiqaasim haddaanan been isu sheegeyn waxaa dumiyey Ethiopia, mana ahan inaan annagu maanta isku dirno Ethiopia ee waa inaan xiriir dhow la sameysanaa. Nin wadaad ah ayaa la weydiiyey Fandhicil ma xalaal baa, mise waa xaaraan, wuxuu ku jawaabay sheegsheeggiisa ayaaba laga roon yahay.”

Dr Geeddi oo ka jawaabayey, waxa uu ka yeelayo baaqii ka soo baxay hoggaamiyeyaasha Muqdisho ee ahaa inay si shuruud la’aan ah kula shirayaan garabka Jowhar, waxa uu ku nuuxnuuxsaday in taasi ay muujinayso qof kasta oo aan xaq ku taagnayn inuu is beddelayo.

“Shisheeye ha idin dhex-dhexaadiyo yeeli maayo, gadaal u noqdana yeeli mayno, waxaan leennahay Gole Baarlamaan, isagaan ku wada hadlaynaa. UN-ku ha joogo iyo Ambassador Francois Fall ha joogo wax soconaya ma ahan. Ambassador Fall waxaa ku filan inaan iraahdo persona non garata” ayuu yiri.

Dr Geeddi, waxa uu sheegay in UN-ku ay u soo dirsadeen Soomaaliya nin tuugsanaya oo u tagaya wadammada Carabta oo leh “keena lacag anigaa Soomaaliya heshiisiinayee.”

Sida dowladda loola xisaabtami karo haddii dhaqaale soo galo, waxa uu yiri, “Maxkamad igu saara haddaad aragtaan lacag la xadayo, jeeb dheer oo lacagtu aysan ka soo bixi karin ma qabo anigu.”

            Dr Geeddi oo la weydiiyey sida ay u wada shaqeeyaan dowladda iyo saxaafadda gudaha, waxa uu shaaca ka qaaday in raadiye Muqdisho uusan jirin oo ay jiraan FM-yo buu yiri ay leeyihiin shaqsiyaad iyo shirkado waxay rabaan sheega, “waxaana ayba noqdeen aalado loo isticmaalo burburka xukuumadda” ayuu yiri.

Maxamed Xaaji (Ingiriis)
Brussels, Belgium
Email: Ingiriis@yahoo.com

Cali Maxamed Geedi oo Maamulka Puntland uga Baxay Eayadii ku Qornaa Warqad Qarsoodi ahayd oo uu Qoray
Warqadaas oo uu Ra'iisul wasaaraha DFKMG ku... Guji... Nov 18

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 18, 2005


Maamul Gobaleedka Puntland oo aad u dhaliiley Ra'iisul Wasaare Geedi

Nov 16, 2005

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Xasan Daahir (Af-qurac) ayaa si weyn u dhaliilay hadalkii dhawaan ka soo yeeray Ra’isul Wasaare Geedi oo ahaa in haddii la aqoonsado maamulka la magac baxay Soomaaliland ay Dowladdu aqoonsan doonto, wuxuuna Madaxweyne ku xigeenku hadalkaasi ku tilaamamay mid xadgudub ku ah sharciga iyo dastuurka Dowladda Federaalka.

“Ma aheyn in Ra’isul Wasaaruhu dhex galo arimo noocaas oo kale ah oo ah mid u hiilinaya in Soomaaliya la googooyo” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka oo sheegay in la doonayo in ra’isul Wasaaruhu u raagelin ka bixiyo hadalkaasi oo ah mid u keeni kara Dowladda Federaalka ah sumcad xumo.

Waxaa maalmahan dhaliil xoogani soo gaarsay Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi kaddib markii uu sheegay in haddii la aqoonsado maamulka Somalilnad uu isna dhiniciisa uu aqoonsanayo taasoo shacabka Soomaaliyeed ku noqotay layaab iyo amakaag.

Dowladda Itoobiya iyo Dowladda Federaalka oo kala saxiixdey Heshiisyo dhinacyo

Nov 16, 2005

Iyadoo maalmahan Magaalada Johwar ay ku sugnaayeen wafdi ka socday Dowladda Itoobiya ayaa Nov 16, 2005 waxay heshiisyo kala saxiixteen Dowladda Federaalka, waxayna heshiisya-daasi isugu jiraan dhinacyada Dhaqaalaha, Siyaasadda iyo Nabadgelyada.

Heshiiskaan ayaa waxaa la sheegay in uu faa’iido ugu fadhiyo Dowladda Dowladda Itoobiya oo iyadu dooneysa in ay isticmaasho qaar ka mid ah Dekedaha Soomaaliya, taasi waa mid ay ku adkaan doonto.

Dowladda Itoobiya ayaa waxaa heshiiskaan u saxiixay danjire Suleymaan, dhinacda Soomaaliyana waxa u saxiixay wasiirka arimaha Dibadda ee Dowladda Federaalka Danjire C/llaahi Shiikh Ismaaciil.

Dhawaan ayaa Dowladda Federaalka waxay heshiis la gashay Dowladda Kenya, hase yeeshee heshiiskaasi ilaa iyo haatan waxba kama fulin, iyadoo Dowladda Federaalka ay dooneysay in canshuur lagu soo rogo Qaadka, Diyaaradaha iyo Maraakiibta ka imaneysa dalka Kenya.

Heshiiska ay wada gaareen Dowladda Federaalka iyo Dowladda Itoobiya waxaa dhaliilay qaar ka mid ah Xubnaha Dowladda ee ku sugan Muqdisho oo sheegay in heshiiskaasi uu yahay mid la doonayo in lagu dhaco dhaqaalaha Soomaaliya.

 

Xildhibaan Xasan Dhimbil “Ra’isul Wasaare Geedi waxaa uu ku xad gudbay..

Nov 15, 2005

            Xildhibaan Xasan Dhimbil Warsame ayaa shalay soo hor dhigay Golaha Baarlamaanka Mooshin uu ku leeyahay in Ra’isul Wasaare Geedi uu ku xadgudbay axdigii Qaranka isla markaana uu galay khiyaano Qaran, sidoo kale waxa uu sheegay in Xubnaha Dowladda ay soo daabacdeen lacago been abuur ah oo doraad lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha ee Dubai.

            Xasan oo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in Ra’isul Wasaaraha uu afkiisa kaga dhawaaqay in uu aqoonsanayo maamulka Somaliland, haddii ay aqoonsi hesho taasoo Xasan Dhimbil ku tilmaamay mid jabineysa lahaanshihii dhuleed ee Soomaaliya iyo waliba midnimada ummaadda Soomaalieed, isagoo hadalka Ra’isul Wasaaraha ku tilmaamay mid ah khiyaano Qaran oo uu ka galay bulshada Soomaaliyeed.

            Waxaa kaloo uu ka dalbaday Golaha Baarlamaanka in ay baaritaan ku sameeyaan lacago been abuur ah oo ay soo daabacatay Dowladda Federaalka ah ee fadhigeedu yahay Magaalada Jowhar laguna qabtay dalka Imaaraadka Carabta, lacagtaas oo uu sheegay in ay qaadi lahayd diyaarad lagu magacaabo Mudan una qaadi lahayd Magaalada Boosaaso.

            “Ma garan karo in Dowladdu ay leedahay iyo in Ganacsato leeyihiin, laakiin waxaan codsanayaa in baaritaan lagu sameeyo” ayuu yiri Xasan Dhimbil Warsame.       [War dheeraad ah oo lacagtaas ku saabsan ka akhri halkan]].

Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi iyo wafdi uu hogaaminayo oo (NOV 13) ka ambabaxay Jowhar 

Nov 13, 2005

Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa  ka ambabaxay Garoonka Diyaara-daha ee Jowhar, waxaana Ra’isul Wasaaruhu uu ku hagan doonaan dalka Itoobiya caasimaddiisa Adis-Ababa, waxaana la sheegay in uu halkaasi kulan kula yeelan doono Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Miless Zinawi iyo mas’uuliyiin ka tirsan Ururka Midowga Afrika, kaddib Ra’isul Wasaaruhu waxa uu u safri doonaa dalka Biljam halkaas uu kula kulmi doono mas’uuliyiinta Ururka Midowga Yurub oo ay isla soo qaadi doonaan arimo la xiriria sidii Mdowga Yurub ay u dhameystiri lahaayeen howlaha dib u dhiska dalka Soomaaliya.

            Ra’isul Wasaraha ayaa la filayaa in uu qudbad ka jeediyo baarlamaanka Midowga Yurub, iyadoo dhawaan Ururka Midowga Yurub uu xogaa lacag ah soo gaarsiiyay Dowladda Federaalka oo ay ugu talagashay dib u dhiska Hay’adihii Qaranka,

Warar ayaa waxay sheegayaan in Ra’isul Wasaaruhu u sii gudbi doono Wadanka Talyaaniga, waxaana Ra’isul Wasaaraha safarkiisa ku wehliya Wasiirka Maaliyadda ahna Ra’isul Wasaare ku xigeen Saalim Caliyow Ibrow, Wasiirka qorsheynta iskaashiga caalamiga ah C/risaaq Cismaan Jurile iyo xubno kale.  {eeg halkan}

W/D AmiinYuusauf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@otmail.com



Cid aan aniga ahayn kuma hadli karto afka Dowladda
Sidaas waxaa yiri Cali M. Geedi oo soo gaarey Belgium oo ka jawaabayey su'aal uu Ingiriisi ka weydiiyey labo hadal oo ay ku kala hadleen isaga iyo Madaxweyne C/Laahi... Guji... Nov 16

 


 
Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH



HTML CD