Shiikh Shariif  “Dagaalku waa mid 
						Siyaasadeed, waxaana ka faa’iideysanaya kuwa aan dooneyn..
						
						
						Salaad Cali Jeelle “Dagaalka waxaa wada kooxo mitidiin 
						ah oo doonaya in ay isku balaariyaan Muqdisho
						
						Shiikh 
						Shariif Shiikh Max’ed oo u waramay Ragga wararka dira 
						ayaa waxa uu si weyn uga hadlay dagaalka qasaaraha badan 
						dhaliyay ee ka dhacay deegaanka Yaaqshiid, wuxuuna 
						sheegay in dagaalkaasi uu u dhexeeyo kooxo ilaalo ka ah 
						Gurigii uu dhawaan degay Cali Max’ed Geedi iyo Ciidamada 
						Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah. “Arrintu way ka weyn 
						tahay Shaneemo, dagaalkuna waa mid siyaasadeed” ayuu 
						yiri Shiikh Shariif oo sheegay in Midowga Maxaakiimta 
						Islaamiga ah ay ahaayeen kuwii weerarka lagu soo qaaday. 
						Shiikh Shariif waxa uu sheegay in Ciidamada Maxaakiimta 
						Islaamiga ah ay wax badan ka qabteen xaaladda Nabadgelyo 
						ee Magaalada Muqdisho, iyo dhamaan dhaqaqamadii xun 
						xumaa ee ka jiray Magaalada Muqdisho isla markaana la 
						hor imaanayay Diinta Islaamka. Kooxaha difaacayay Guriga 
						Iimaan Xuseen Max’ed ayaa waxa ay sheegeen in weerarku 
						kaga yimid dhinaca Maxaakiimta, Islaamiga ah waxayna ka 
						dalbadeen in Ciidamada Maxaakiimta kale ee gurmadka soo 
						sameeyay ay dib isaga laabtaan. Dhinaca kale Wasiir ku 
						xigeenka Warfaafinta Dowladda Federaalka Salaad Cali 
						Jeelle ayaa dagaalka ka qarxay Magaalada Muqdisho ku 
						tilmaamay in ay ka dambeeyaan kooxo mitidiin ah oo 
						doonaya in ay isku balaariyaan Muqdisho, wuxuuna 
						dalbaday in si shuruud la’aan ah loo joojiyo dagaalka.  
						
						
						
						Warbixin dheeraad ah oo ku saabsan dagaalkii shalay ka 
						dhacay Yaaqshiid
						
						Shalay 
						subaxnimadii ayaa dagaal aad u qareer waxa uu ka qarxay 
						deegaanka Yaqshiid gaar ahaan agagaarka saldhiga 
						Booliiska, wuxuuna iska hor imaadkaasi u dhaxeeyay kooxo 
						maleeshiyo ah oo isbahaystay iyo ciidamo ka socday 
						Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah, waxaana dagaalkaani la 
						isku adeegsa-nayay hubka culus iyo midka fudud.
						
						
						            Dagaalkaan ayaa lagu waramay in ay ku 
						dhinteen ilaa iyo toban ruux, ayna ku dhaawacmeen 
						labaataneeyo qofood, iyadoo dadkii dhintay intooda 
						badani ay ahaayeen dadka rayidka ah, waxayna dhibaatada 
						ugu culusi soo gaartay qoys deganaa halka uu ka qarxay 
						dagaalka, waxaana ku habsaday Madfac, saddex ka mid ahna 
						way ku dhinteen.
						
						
						            Dagaalkaan oo markii hore loo maleenayay in 
						uu ka bilowday kooxo dhallinyaro ah oo la sheegay in ay 
						difaacayeen shaneemo ku taala deegaankaas, ayaa warar 
						dambe oo aanu helnay waxay sheegayaan in dagaalkaani uu 
						u dhexeeyo kooxo ilaalo u ahaa Gurigii uu dhawaan ku 
						degay Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi uuna leeyahay 
						Iimaan Xuseen Max’ed. 
						
						
						            Odoyaal iyo waxgarad ayaa ku guuleystay in 
						ay heshiis xabad joojin ah dhex dhigaan kooxihii 
						dagaalamayay, waxaana la arkayay dad fara badan oo ka 
						qaxayay halkii lagu dagaalamay..
						
						
						WARARKII SHALAY EE 
						DAGAALKA::::
						
						Toddoba Qof Ayaa ku 
						dhintay Dagaal Ku saabsan Shineemooyinka Muqdosho....
						
						SomaliTalk.com | Muqdisho
						
						Muqdisho Nov 13, 2005: 
						Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa tibaaxay in 
						ugu yaraan toddoba qof ay ku dhinteen magalada Muqdisho 
						kaddib markii maxkamadaha Islaamiga ah ee Muqdsiho ay 
						isku dayeen in ay xiraan shineemooyin iyo meelo lagu 
						gado video-yada. Waxaana dagaalkaas ku dhaawacmay 12 
						qof. Dagaalka oo soobilowday Sabtidii waxa uu sii socdey 
						maanta oo Axad ah.
						
						Dagaalkan u dhexeeya 
						Maleysiyada iyo maxkamada Islaamkiga ah waxa uu ka 
						dhacay degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.
						
						Rasaasta xooga leh oo la 
						isku ridayey waxaa laga maqlayey magaalada.
						
						Maxkamadaha Islaamiga ah 
						waxaa qorshohoodu yahay in ay xiraan gobaha 
						shineemooyinka ee Magaalada.
						
						In badan ayaa shacabka 
						magaalada Muqdisho waxay ka cabanayeen fisqiga 
						shaneemooyinka laga dhigo filimada Jinsiga iyo aflaamka 
						anshaxa xun oo aysan jirin dawlad FAAFREEB ku samaysa. 
						Dagaalkii ka dibna waxaa goobahaas loo bixiyey 
						"MACMACAANKA DHALLINYARADA". 
						"Dagaalkii Soomaaliya ka 
						hor, kelmedda macmacaan waxaa lagusoo xusuusan jirey 
						meelaha lagu gado cabitaanka xalaasha ah, laakiin hadda 
						kelmedaas waa mid la isugu af garto ama lagu xusuusto 
						xaaraanta, sida meelaha filimada jinsiga habeenkii goor 
						dambe lagu daawado." [Eeg 
						halkan].
						
						
						
						Xaaji Abuukar “wax walba waxaa ka weyn in maamul loo 
						sameeyo G/Banaadir
						
						Xaaji 
						Abuukar Shiikh Max’ed Amiin oo xubin ka ah Golaha Dhexe 
						ee SNU ayaa waxa uu sheegay in Ururka SNU soo dhaweynayo 
						go’aankii ay ku ansixiyeen Xubnaha Labada Gole ee ku 
						sugan Muqdisho  in Gobalka Banaadir loo sameeyo Gole 
						Baarlamaan oo ka kooban 64 xubnood. 
						
						
						            “Wax walba waxaa ka weyn in maamul loo helo 
						Gobalka Banaadir, taas ayeyna qof walba dani ugu jirtaa” 
						ayuu yiri Shiikh Abuukar oo intaa raaciyay “Hadafku ma 
						ahan meeqa ayaan helnay ee hadafku waa in nabad iyo nolo 
						lawada helaa, kaddib ayaa la xisaabtami karaa”.
						
						
						            
						Wuxuu 
						sheegay Xaaji Abuukar Shiikh Max’ed in Ururka SNU iyo 
						taageerayiisha ay ay caqligooda  iyo xoogooda isugu geyn 
						doonaan sidii maamul loogu sameyn lahaa Gobalka Banaadir 
						oo xarun ah u ah Jamhuuriyadda Soomaaliya
						
						
						Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi iyo 
						wafdi uu hogaaminayo oo shalay ka ambabaxay Jowhar 
						
						
						Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi iyo 
						wafdi uu hogaaminayo ayaa shalay ka ambabaxay Garoonka 
						Diyaara-daha ee Jowhar, waxaana Ra’isul Wasaaruhu uu ku 
						hagan doonaan dalka Itoobiya caasimaddiisa Adis-Ababa, 
						waxaana la sheegay in uu halkaasi kulan kula yeelan 
						doono Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Miless Zinawi iyo 
						mas’uuliyiin ka tirsan Ururka Midowga Afrika, kaddib 
						Ra’isul Wasaaruhu waxa uu u safri doonaa dalka Biljam 
						halkaas uu kula kulmi doono mas’uuliyiinta Ururka 
						Midowga Yurub oo ay isla soo qaadi doonaan arimo la 
						xiriria sidii Mdowga Yurub ay u dhameystiri lahaayeen 
						howlaha dib u dhiska dalka Soomaaliya.
						
						
						            Ra’isul Wasaraha ayaa la 
						filayaa in uu qudbad ka jeediyo baarlamaanka Midowga 
						Yurub, iyadoo dhawaan Ururka Midowga Yurub uu xogaa 
						lacag ah soo gaarsiiyay Dowladda Federaalka oo ay ugu 
						talagashay dib u dhiska Hay’adihii Qaranka, 
						
						
						
						Warar ayaa waxay sheegayaan in Ra’isul 
						Wasaaruhu u sii gudbi doono Wadanka Talyaaniga, waxaana 
						Ra’isul Wasaaraha safarkiisa ku wehliya Wasiirka 
						Maaliyadda ahna Ra’isul Wasaare ku xigeen Saalim Caliyow 
						Ibrow, Wasiirka qorsheynta iskaashiga caalamiga ah 
						C/risaaq Cismaan Jurile iyo xubno kale.  
						
						
						
						Hay’adaha Xaquuqda Aadanaha oo soo 
						bandhigay sidey uga xun.... 
						
						
						Hay’adaha kala ah Elman Peace Human Right 
						Center Ismaaciil Jimcaale, Hay’adaha xaquuqda aadanaha 
						ee Gaashaan, hay’adda xaquuqda aadanaha ee KAHRO, 
						hay’adda xaquuqda aadanaha ee WAHRO, Ururka ilaalinta 
						xuquuqda dhallinyarada Soomaaliyeed iyo hay’adda 
						dhowrista iyo horumarinta Soomaaliya OSPAD ayaa 
						cambaareeyay dilkii loo gaystay Wiilkii uu dhalay 
						Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Qadar Cismaan Cilmi 
						Boqore oo 12-kii bishan lagu dilay agagaarka KM4, 
						waxayna dilkiisa ku tilmaameen mid ka baxsan Shareecada 
						Islaamka, Xeerarka Dhaqanka Soomaaliyeed iyo Xaquuqda 
						Aadanaha.
						
						
						            Waxay sheegeen hay’adahaani 
						in ay aad uga xun yihiin kooxaha caadeystay in ay 
						ugaarsadaan muwaadiniinta aan waxba galabsan iyo dadka 
						rayidka ah, iyagoo sheegay in waqti ay ahaataba lala 
						xisaabtami doono.
						
						
						
						            Waxay kalloo cambaareeyeen hay’adahaani 
						dagaalka ka socda Xaafadda Yaqshiid waxayna sheegeen in 
						waqtigaan loo baahnayn in lagu kor dagaalamo dadka 
						rayidka ah.     
						
						
						W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
						
						
						E-Mail
						
						amiinkhasaaro@hotmail.com 
						Faafin: SomaliTalk.com 
						| Nov 14, 2005
						
	
	C/Lahi Yuusuf: Beelaha Soomaaliyeed hasoo 
	magacaabeen Bedelka Xildhibaanadii Geeriyoodey
	
				
		 »Boqore: 
	"Wiilkeyga waxaa loo diley arrimo Siyaaasadeed.."
	
				
		 »Xildhibaan 
	Fanax "Ma ahan xaq ee waa xal".. 
	
				
		 »Shariif 
	Xasan iyo Geedi oo ka Hadley dilkii wiilkii Boqorre..
	
	Wararka oo dhan oo 
	ka akhri... Guji... Nov 13
						
						
						» 
						MAQAALKII WALLAYS: 
						
						
						QARAWGA WAHAABIYADA IYO CALAN LEYDA!! 
						| Wallays