Toddoba Qof Ayaa ku 
						dhintay Dagaal Ku saabsan Shineemooyinka Muqdosho....
						
						SomaliTalk.com | Muqdisho
						
						Muqdisho Nov 13, 2005: 
						Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa tibaaxay in 
						ugu yaraan toddoba qof ay ku dhinteen magalada Muqdisho 
						kaddib markii maxkamadaha Islaamiga ah ee Muqdsiho ay 
						isku dayeen in ay xiraan shineemooyin iyo meelo lagu 
						gado video-yada. Waxaana dagaalkaas ku dhaawacmay 12 
						qof. Dagaalka oo soobilowday Sabtidii waxa uu sii socdey 
						maanta oo Axad ah.
						
						Dagaalkan u dhexeeya 
						Maleysiyada iyo maxkamada Islaamkiga ah waxa uu ka 
						dhacay degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.
						
						Rasaasta xooga leh oo la 
						isku ridayey waxaa laga maqlayey magaalada.
						
						Maxkamadaha Islaamiga ah 
						waxaa qorshohoodu yahay in ay xiraan gobaha 
						shineemooyinka ee Magaalada.
						
						In badan ayaa shacabka 
						magaalada Muqdisho waxay ka cabanayeen fisqiga 
						shaneemooyinka laga dhigo filimada Jinsiga iyo aflaamka 
						anshaxa xun oo aysan jirin dawlad FAAFREEB ku samaysa. 
						Dagaalkii ka dibna waxaa goobahaas loo bixiyey 
						"MACMACAANKA DHALLINYARADA". 
						"Dagaalkii Soomaaliya ka 
						hor, kelmedda macmacaan waxaa lagusoo xusuusan jirey 
						meelaha lagu gado cabitaanka xalaasha ah, laakiin hadda 
						kelmedaas waa mid la isugu af garto ama lagu xusuusto 
						xaaraanta, sida meelaha filimada jinsiga habeenkii goor 
						dambe lagu daawado." [Eeg 
						halkan].
						
						NFD iyo 
								SOOMAALI GALBEED (Ogaden) ma ku hoos jiraan 
								Gumeysi? 
								Cali Maxamed Geedi muxuu ka yiri?
								HALKAN KA DHEGEYSO
								Emailka Geedi: 
								
								
								premiersom@wananchi.com
						
						
							- 
							
							
							C/llaahi Yuusuf oo Beelaha Soomaaliyeed u soo 
							jeediyay in ay soo Magacawdaan.. 
- 
							
							
							Xildhibaan Fanax “Ma ahan xaq ee waa xal”.. 
- 
							Cismaan Cilmi Boqore 
							“Wiilkeyga waxaa loo diley arrimo Siyaaasadeed..
- 
							
							Safiirka Talyaaniga ee 
							Soomaaliya oo shalay Gacanta u galiyey Dowladda .. 
- 
							
							Shariif Xasan iyo Cali 
							Max’ed Geedi oo ka Hadley dilkii wiilkii Boqorre 
						
						C/llaahi Yuusuf oo Beelaha Soomaaliyeed u 
						soo jeediyay in ay soo Magacawdaan..
						
						            
						Madaxweyne 
						C/llaahi Yuusuf Axmed oo shalay ka qaybgalay aaskii 
						Xildhibaan C/qaadir Aadan Jibaar oo ka dhacay Magaalada 
						Jowhar ayaa waxa uu tacsi u diray qoyskii iyo eheladii 
						uu ka geeryooday Xildhibaankaasi, sidoo kale Madaxweyne 
						C/llaahi Yuusuf Axmed waxa uu tacsi u diray Guddoomiye 
						ku xigeenka Baarlamaanka Cismaan Cilmi Boqore oo 
						wiilkiisii shalay lagu dilay Magaalada Muqdisho, wuxuuna 
						ku tilmaamay dilka wiilkaas mid waxashnimo ah oo ay ka 
						dambeeyeen kooxo aan dooneyn in Soomaaliya ay nabad 
						hesho. Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed waxa uu u soo 
						jeediyay Beelaha Soomaaliyeed in ay deg deg u soo 
						magacowdaan 8-xildhibaan oo ka geeryootay Golaha 
						Baarlamaanka tan iyo intii la dhisay Golaha 
						Baarlamaanka, isagoo sheegay in Golaha Baarlamaanku uu 
						yahay astaan u taagan Qarannimada Soomaaliya. 
						8-Xildhibaan oo ilaa iyo haatan booskoodii weli la 
						buuxin waxaa ka mid ah Xasan Cabdule Qalaad, Faarax 
						Xasan Cali, Zakiya C/salaan Xaaji, Maxamuud C/rashiid 
						Xidig, Aadan C/llaahi Nuur (Aadan Gabyow), Max’ed Xaashi 
						Gaani C/qaadir Aadan Jibaar iyo mid kale oo magaciisa 
						aan ilaa iyo hadda helin, iyadoo 8-xildhibaan ay 
						geeryootay ilaa iyo hadda ma jiraan beel si rasmi ah u 
						soo magacaabatay xildhibaankii bedeli lahaa 
						xildhibaanada geeryooday, waxaana muran xoogan u 
						dhexeeyay Beelaha Soomaaliyeed oo iyagu isku haysta 
						cidda bedeli lahayd xildhibaanada geeryooday, qaarkood 
						waxay soo magacaabeen ilaa 4 qofood, waxaana la sheegay 
						in taasi ay ugu wacan tahay is qabqabsiga u dhexeeyay 
						xubnaha Dowladda Federaalka, qaarkood magacaabistooda 
						waxaa la geeyay Magaalada Jowhar waxaana gacanta ku haya 
						Guddoomiye koowaad ee Baarlamaanka Max’ed Cumar Dhalxa, 
						kuwo kalena waxay magacaabistooda taalaa Xafiiska 
						Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan.   
						
						
						Xildhibaan Fanax “Ma ahan xaq ee waa xal”..
						
						            Xildhibaan 
						Max’ed Isaaq Cismaan (Fanax) oo u waramayay Saxaafadda 
						isagoo jooga Hotel Ambassador ee Magaalada Muqdisho ayaa 
						ka hadlay qaabka 64 xubnood ee Golaha Deegaanka Gobalka 
						Banaadir ay u qaybiyeen Guddigii 57 xubnood ee isugu 
						jiray Xildhibaanada iyo Wasiirada.
						
						            Mar uu ka 
						hadlaayay tirada soo gaartay Beelaha Digil iyo Mifirle 
						ayaa waxa uu yiri “Tiro ahaan dadka ku nool Magaalada 
						Muqdisho 65% waa beelaha Digil iyo Mirifle, sida ay wax 
						u soo qaybiyeen Guddiga ma ahan xaq, ee waxaa laga 
						fiiranayay xal” wuxuuna xildhibaanku intaa ku daray 
						“waxaa qabaa si looga baxo dhibaatada ka jirta Magaalada 
						Muqdisho, waxaan diyaar u nahay walaalaheena Beelaha 
						Hawiye xitaa haddii ay u cuntamiweyso qaybta soo gaartay 
						6-da xubnood ee Beelaha Digil iyo Mirifle in aan ugu 
						biirino, inagoo raali ka ah arinkaa, si ay u helaan 
						shacabka ku nool Magaalada Muqdisho nabadgelyo waarta, 
						laakiin ma qabo xitaa haddii 64 xubnood la wada siiyo in 
						ay wax qaban karaan”
						
						
						Cismaan Cilmi Boqore “Wiilkeyga waxaa loo diley arrimo 
						Siyaaasadeed..
						
						            
						Guddoomeiy ku xigeenka 
						Baarlamaanka Cismaan Cilmi Boqore isagoo ku sugan 
						Magaalada Jowhar oo u waramayay bahda saxaafadda ayaa 
						waxa uu sheegay in dilka Wiilkiisii Qadar Cismaan Cilmi 
						Boqore uu ahaa mid siyaasadeed oo la soo qorsheeyay.
						
						            “Anigoo cid 
						aan farta ku fiiqeyn haddana waxa uu ahaa dil 
						siyaasadeed’ ayuu yiri Cismaan cilmi Boqore oo intaa 
						raaciyay “Kuwii dilay iyaga ayaa dhiban Adduun iyo 
						Aakhiro”.
						
						            Cimsaan Cilmi 
						Boqore waxa uu si weyn u soo dhaweeyay guddigii 
						Guddoomi-yaha Baarlamaanka u saaray baaritaanka dilka 
						Wiilkiisa, guddigaas ayaana ka war sugeynaa.
						
						            Dhinaca kale 
						Cabid Xasan Cawaale Qaybdiid oo ah taliyaha ciidanka 
						Booliiska Soomaaliyeed ayaa isna guddi saraakiil ah oo 
						ka kooban saddex u saaray in ay dabagal ku sameeyaan 
						dilka Wiilkii Guddoomiye ku xigeenkii Baarlamaanka Qadar 
						Cismaan Cilmi Boqore, wuxuuna ku tilmaamay dil 
						waxashnimo ah.  
						
						Safiirka Talyaaniga ee 
						Soomaaliya oo shalay Gacanta u galiyey Dowladda ..
						
						            Wararka naga 
						soo gaaraya Magaalada Jowhar waxay sheegayaan in 
						Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya Mr Mario uu shalay 
						kulan gaar ah la yeeshay Wasiirka qorsheynta Qaranka iyo 
						iskaashiga caalamiga ah C/risaaq Cismaan Jurille, 
						waxaana kulankaas la isku dhaafsaday arimo la xiriira 
						xaaladda Soomaaliya iyo sidii Dowladda Talyaaniga uga 
						qaybqaadan lahayd dib u dhiska dalka Soomaaliya.
						
						            Gebagabadii 
						kulankaasi ayaa Safiirka waxa uu Wasiirka gacanta u 
						galiyay Jeeg lacageed oo qoran Labo Malyan iyo Bar 
						Doolar oo Dowlada Talyaaniga ugu talagashay in dib loogu 
						dhiso 45 degmo maamuladeeda oo ku yaala Koonfurta 
						Soomaaliya.
						
						            Safiirku waxa 
						uu sheegay in labada Malyan ay qayb ka tahay lacago uu 
						Talyaanuhu ugu talagalay sanad kasta dib u dhiska dalka 
						Soomaaliya, waxaana deeqdaan si weyn u soo dhaweeyay 
						Dowladda Federaalka 
						
						Shariif Xasan iyo Cali 
						Max’ed Geedi oo ka Hadley dilkii wiilkii Boqorre
						
						            Guddoomiyaha 
						Baarla-maanka Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Ra’isul 
						Wasaare Cali ayaa si gooni gooni ah uga hadlay dilkii 
						loo gaystay Wiilkii uu dhalay Guddoomiye ku xigeenkii 
						Baarlamaanka ee lagu magacaabi jiray Qadar Cismaan Cilmi 
						Boqore.
						
						Shariif Xasan waxa uu 
						cambaareyn dusha uga tuuray kooxihii ka dambeeyay 
						dilkaasi, wuxuuna ku tilmaamay kuwo carqaladeynaya 
						howlaha nabadda ee lagu wada Gobalka Banaadir iyo waliba 
						isku keenida Xubnaha Labada Gole ee Dowladda Federaalka.
						
						Ra’isul Wasaare Cali 
						Max’ed Geedi oo isna ka hadlay dilka Wiilka Guddoomiye 
						ku xigeenka Baarlamaanka ayaa waxa uu sheegay in ay ka 
						dambeeyeen kooxo burcad ah oo aan dooneyn in Soomaaliya 
						ay degto, isagoo sheegay in goor ay ahaantaba gacanta 
						lagu soo dhigi doono Maxkamadna la soo taagi doono, 
						labada Mas’uul waxay tacsi u direen Guddoomiye ku 
						xigeenka Baarlamaanka Cismaan Cilmi Boqore. Dilka Wiilka 
						Guddoomiye ku xigeenka wuxuu shalay saameyn ku yeeshay 
						fadhigii Golaha Baarlamaanka ee Magaalada Muqdisho, 
						waxaana dib loo dhigay qodobo muhiim ah oo uu Goluhu ka 
						hadli lahaa.    
						
						W/D Amiin Yuusuf 
						Khasaaro
						
						E-Mail  
						
						amiinkhasaaro@hotmail.com 
						Faafin: SomaliTalk.com 
						| Nov 12, 2005
						
						
						
						MAGACA 
     SOMALILAND WAA BEER: BEERNA HILIBKAA LAGU SUGAA | 
  
 						
      
     Fahad