| 
 
												
												QARAWGA 
												WAHAABIYADA IYO CALAN LEYDA!! 
					(Jawaab maqaalkii 
					Garweyne ee wahaabiyada,kuna soo baxay boogga somalitalk 04 
					nov 2005) Mohamed 
					Ahmed ‘Wallays’Yaaqshiid-Muqdisho
 inawallays@yahoo.com
 Nov 6, 
					2005 Afeef: 'Calanley' 
					ulama jeedo suufiyada asalka ah, oo ujeeddadoodu ahayd 
					laylinta nafta, iyo ka fogaanshada waxyaabaha dadka 
					mashquuliya ee dhaldhalaalka addunyada ah, suufiyadaas oo 
					culimadii la waqtiga aheyd qaarna amaanay qaarna dhaliilay, 
					waxaan ula jeedaa kuwa magaca suufinnimada ku banneysta wax 
					ilaahay iyo rasuulkiisu xarrimeen,  dadkana u sheega inay 
					tahay asraar lagama hadlaan ah oo uusan fahmeyn qofkii 
					mowjadaheeda dhex -maaxaa  mooyee!!. HORUDHAC Qof weliba waxa uu dhibsado 
					ama jeclaado ayuu ku qarwaa... lama yaabayo oo aniga 
					lafteyda ayaa ka mid ahaa  dadka ku qarwa , sabatuna waxay 
					ahayd rag culimo ah oo si aad ah nooga digi jirey waxa la 
					yiraadho Wahaabiyada.. waxa kaliya oo ay nooga sheekeyn 
					jireeen waxay aheyd inay yihiin dad neceb Nebiga (Sallaahu 
					Calayhi Wasallam) oo aan ku sallinin, aan aqoonsaneyn 
					Awliyada iyo Karaamooyinkooda,  muslimiintuna gaaleysiiya!!!  Sannadkii 1986 mar aan 
					dhiganayey dugsiga sare ee Sh. Suufi, waxaa mahajkeennii 
					taariikhda ka mid noqday "Xarakadii wahaabiyada", sida aan 
					ognahay masaaridu kama mid ah dowladaha taageersan 
					Wahaabiyada, laakiin wixii aan ka heystay iyo waxa buugga ku 
					qornaa aad bay u kala duwanaayeen, waxaana muran xoog leh uu 
					dhex maray macallinkii taariikhda (C/lla Kamaal)  iyo rag 
					 ka mid ahaa ardaydii school-ka nala dhiganayey, arrintaas 
					waxay  kaliftay in arday badan ay sameeyaan baarid xaqiiqo 
					raadin ah. Waxaa xaqiiqo ah in dad 
					badan oo wahaabiyada ku qarwa, aadna loo necbaysiiyay, aysan 
					aqoon xaqiiqo ku dhisan u lahayn waxa "wahaabiyadu tahay"...  Waxaan  soo xasuustaa 
					sheeko  aan akhriyey hadda ka kor. Nin baa wuxuu yiri waxaa 
					deris noo ahaa qoys Shiico ah oo jaahiliin  ah, mar kastoo 
					ay nasoo ag maraan waxay lacnadi jireen Dalxa (oo ka mid ah 
					10-kii janada loogu bishaareeyey), markii dambe ayaa 
					odaygoodii  la  wiidiiyey "war horta ma taqaannaan Dalxaha 
					aad mar walba lacanadaysaan?", markaasuu odaygii shiicada 
					ahaa ku jawaabay maxaan u aqoon  weyney miyeysan Zubeyr 
					naagtiisii aheyn???!!!!  Haddii aad dooneyso inaad 
					wax ka ogaato shakhsi waxaa haboon in aadan warka ka qaadan 
					dadka necybkiisu indha tirey iyo kuwa jaceylkiisu maan 
					dooriyey ee qalmaantoodu aysan wax kala reebin, waxaase 
					habboon inaad akhrisato qoraallada dadka taariikhda u qora 
					taariikh ahaan. Qof kii qalbi iyo fikir xor 
					ah wax ku baara wuxuu ogaan doonaa (sidi aan aniguba u 
					ogaaday) in Maxamed C/wahaab taarikhdiisa ay sax iyo 
					khaladba ku jiraan (sida bani aadamka kale) hase yeeshee in 
					badan oo laga sheego ay tahay been abuur , ka badbadis iyo 
					jawr fal!.  Waxaan ogaaday in wagtigii 
					uu dhashay Ina C/wahaab  Jaziiradda Carabtu ay ku sugneeyd 
					xaalad aad looga naxo, oo in badan oo dadkii ka mid ah 
					caqiidadoodii fasaadday, meel walbana ay noqotay, qabri la 
					weyneeyo, qoryo, godad, geedo la barkeysto, sixir,saangudud,  
					falaanful iyo khuraafaadna ay dadka ragaadiyeen. lama uusan 
					imaanin madhab cusub, madhabtiisuna waxay aheyd Xanbaliya, 
					waxa kaliya ee uu la yimid waxay ahaayeen  halayska daayo 
					khuraafaadka ee Caqiidadii Salafkii hore ee suubanaa haloo 
					noqdo! midda lugula collaytamay horey iyo gadaalba  waa taas. 
					Waxaa xusid mudan in Jaziiradda Carabta ay markaas joogeen 
					culumo  aqoontoodu sarreysay laakiin uusan Ilaahay waafajin 
					inay saxaan khaladaadkii jirey, sabab kastaba ha ku dhacdee! 
					Qaarkoodna ay markii dambe qirteen khaladkoodii.   Waxay yiraahdaan wuxuu yiri 
					"Lix boqol oo sano muslimiintii dhimatay gaalo ayay ahaayeen", 
					waxay yiraahdeen "Wuxuu yiri qofkii aan aniga isoo raacin 
					waa gaal dhiiggisuna waa xalaal..", waxay yiraahdeen  "Wuxuu 
					aflagaaddeeyey Negia SCW iyo saxaabadiisii suubbaneyd" waxay 
					yiraahdeen "Wuxuu inkiray Karaamooyinka awliyada..." iyo 
					waxyaabo kale oo fara badan. Waxyaabahaas iyo inta  uu 
					mudane ‘Garweyne’ qoraalkiisa ku sheegay ina C/wahaab 
					jawaabtooda iyadoo qoraal ah ayuu ka tegay, wuxuuna uga 
					jawaabay "Subxaanka Haadaa Buhtaanun cadhim" oo macnaheedu 
					yahay "Allow adaa xumaan ka nazahan, Warkaanu waa masabid 
					weyn!!"  MASHAA'IKH LUGU BEEN 
					ABUURTAY Ina C/wahaab kaliya maaha 
					mashaa'iikhada lagu been abuurtey, waxaa lagu been abuurtey  
					Imaamu shaafici oo weliba siyaabo kala duwan loo masabiday, 
					waxaa ka mid ah waxayaabaha lugu abuurtey arrinta xijaabka 
					iyo masaafada. waxaa kale oo la yiri shiico ayaa tahay oo 
					qaraabada Nebiga ayaad jecelshay iyo waxyaabo kale !! Waxaa lagu been Abuurtey 
					Sheek C/qaadir Al-jilaani ama (AlKilaani) oo noolaa intii u 
					dhaxaysaay (470H  ilaa 5611H) laakiin si ka duwan ayaa loogu 
					been abuurtey, sheekhu wuxuu ku caan baxay toosnaan, xalaal 
					miirad, iyo karaamooyin ilahay ku manneystay, hase yeeshee 
					waxaa geeridiisi ka dib laga qoray waxyaabo uusan shuqul ku 
					laheyn waxaa ka mid ah: Inuu yiri "amarkeygu waa amarka 
					Allaah oo kale", inuu yiri "Nebi ibraahim waxaan la joogay 
					markii dabka lagu riday dabkiina waxaa baqtiiyey ducadeyda", 
					in uu yiri "dadka Quluubtooda gacanteyday ku jirtaa oo waan 
					ku tasarifaa!!" iyo waxyaabo kale oo uu maalinta qiyaame 
					iskaga beri yeeli doono Ilaaha weyn hortiisa sida uu Nebi 
					Ciise (calayhi salaam) isaga beri yeeli doono Kirishtaankii 
					isaga iyo hooyadii Ilaahayada ka dhigtay!.  MAXAY NOO DHINTAY 
					WAHAABIYADU? Markii ay fikradda loo 
					yaqaanno Salafiyada (sida ay isu yaqannaan)  ama wahaabiyada 
					(sida dadka ka horjeeda ugu yeeraan), Soomaaliya wax badan 
					ayay uga akeed  xaaladdii Jaziiradda Carabta markii uu soo 
					baxay Ina C/wahaab, bal ufiirso waxyaabihii ka dhacayay (welina 
					ka dhaca) meelaha qaarkood, tusaale aan usoo qaadanno 
					Biyoolay (koonfurta fog ee Soomaaliya) iyo Aw-barkhadle (waqooyiga 
					fog ee soomaaliya), yaa igu diidan in qubuurta lagu dawaafi 
					jirey, yaa igu diidan in ciida laga soo qaadan jirey ama 
					leyska soo mar-marin jirey, yaa igu diidan, in loo aadi 
					jirey in dadku muraadkooda u sheegtaan cidda la siyaaranayo 
					qabrigeeda? yaa igu diidan in aw-barkahdle uu yaalay dhagax 
					haweentii dhalma weysa  ay ku fariisato (si ay caruur u 
					hesho) oo weliba lacag looga qaadi jirey? Maxay uga duwan 
					yihiin wixii lagu fali jirey qabrigii Zeyd Bin Khaddaab 
					(Allah ka raali noqdee) oo haweenka dhali waayay ay oran 
					jireen "Yaa faxlal fuxuul uriiddu baclan qablal xawl!!!!??".  Markii wahaabiyadu timid 
					Soomaaliya waxaa hoos u dhacay dadkii sameyn jirey 
					ficilladaas aan soo sheegay, waxaa busaaradaystay dadkii ku 
					xoogsan jirey arrimahaas, waxaa batay dhallinyarada diinta 
					ku dhaqanta, waxaa dhacay baraarug guud, waxaa batay 
					xijaabkii, waxaa meesha ka baxay fikirkii khaldanaa ee ahaa 
					in culimadu ay mar kasta yihiin dad bulshada dulin 
					"parasite" ku ah,  waxaa bilaabatay in culimada wax layska 
					saaro meeshii marka hore ay raaciye u ahaayeen odayaasha 
					dhaqanka iyo horjoogayaasha siyaasadda!  Haddaba taasi waxay 
					dhalisay jawaab (fal -celin) ka timid dadkii ay danohoodu ku 
					jireen arrimahaas aan soo sheegnay sida:  calanleydii 
					mowlacyadooudu kharaabeen,  kuwii qabuurta saalixinta ka 
					mushtari jirey noloshooduna ku xirneed qurbaanka laga helo, 
					raatibleydii Arbacada Munaaqabka wax ku heli irey,  oday 
					dhaqameedkii la yiri warkaaga shacriga waa faji, siyaasigii 
					la yiri kitaabka Alle nugu xukun, iyo weliba kuwa aan 
					intaasba aheyn oo bud-la duul ah oo waxa laysku hastaba aan 
					fahamsaneyn!! Allaa naga og qolada uu ka tirsanyahay 
					saaxiibkeen "Garweyne!".  Waxaa billowday in la soo 
					min-guuriyo qoraalladii ay qoreen dadkii ina c/wahaab kasoo 
					horjeeday, waxaan xasuusta iyadoo nala yiraahdo Nuur Cali 
					Colow (oo ka mid ahaa hormuudkii fikirka Wahaabiyada 
					Soomaaliya), waa hoogay oo ba'ay oo waxaa ku dhaca dhiigga 
					caadada dumarka, wuxuu u shaqeeyaa yuhuud. Haddii Nebiga (SWC) 
					agtiisa lagula salliyo waa gubahaa oo gammaarka dhogortiisaa 
					soo uraa!! waana cararaa!!  Waxaa nasiib darro ah in 
					dadka qaarkii aysan garaneyn masalada laga hadlayo meesha ay 
					salka ku heyso iyo cidda isku heysata, waxaa wax lagu qoslo 
					ah in mowduucii sababay magaalka garweyne ee Fahad ee ku 
					saabsanaa aragtida bisha soonka ama soonfur, inuusan ka mid 
					aheyn arrimaha khuseysa Wahaabiyada iyo Suufiyada, balse uu 
					yahay khilaaf hore  oo u dhexeeyey dad ka khery badan oo 
					dhamaatood mudan in la ixtiraamo!  GUNAANAD (1) Qof weliba Alle agtiisa 
					waxaa laga su'aalayaa naftiisa iyo waxa uu caqiidada ka 
					dhiganayo sidaa darteed waxaa habboon in qof walba uu ku 
					dadaalo inuu xagga ogaado, wixii uu Alle xaqqa u tusana uu 
					diin ka dhigto.uusanna qofna ku raalli  gelinin diintiisa,  
					lana ogaado in waxyabo badan oo laga sheego suufiyada ama 
					wahaabiyada ay yihiin xadgudub, dulmi iyo gabood-fal. (2) Ilaahay wuxuu xarrimay 
					qofka Muslimka dilkiisa, dhaciisa iyo caydiisa, Waxaa hoogay 
					qofkii laga dhaadhiciyo inuu cibaado ka dhigto inuu caayo, 
					ama dhibo qof ahlu-towxiid ah. (2) Waxaa habboon in qofku 
					uu ku dadaalo inuu ogaado Ilaahay wixii uu ku addonsaday, 
					isagoo u maraya waxyigii kusoo degay rasuulka suubban dariiq 
					la hubana ku sugnaaday, luguna qabsado gows-dambeedka isagaa 
					badbaado oo dhan yookeeda ah! (3)Waa nasiib darro waqtiga 
					hadda lugu jiro oo Soomaali la soo gaaleysiiyay ay 
					Muslimiinta Soomaaliyeed ku hayaan weerar arxan darro ah in 
					Soomaalida diinta taqaanna ay ku mashquusho inay la doodaan 
					muslimiinta kale. haddaba waxaa ila habboon in arrinkaas wax 
					laga beddelo oo xoogga meesha u baahan lagu jiheeyo.  Wixii aan saxay waxaa i 
					waafajiyey Allaah, wixii aan khaldayna waa nafteyda iyo 
					shaydaan, Ilaahay ha inaga dhigo kuwa dhegeysta wacdiga 
					waxna ku qaata kiisa wanaagsan, xumahana iska reeba 
					wanaaggana is fara.  Mohamed Ahmed ‘Wallays’Yaaqshiid-Muqdisho
 inawallays@yahoo.com
 Afeef: Aragtida qoraalkan 
					waxaa leh qoraaga ku saxiixan » 
					QORAALKII GARWEYNE:
					
					Taariikhda wahaabiyada 
					| Garweyne  » 
					QORAALKII FAHAD:
					
					SUUFIYADA IYO BISHA SOONKA.  Faafin: SomaliTalk.com | 
					Nov 6, 2005   
				
		»Geesinimadii 
Gabaygu Godbay Gashay | Bulxan
»Maxey ku doorteen Islaamka? 
| Ikraam
 »Taariikhda 
wahaabiyada | 
Garweyne
 »SUURADDA 
MAANTA:: Al-MAA'IDAH  |  
 Al-Sudeysi
 »Yamyam: 
		Gabyaa Laqmaday! | Idaajaa
 »
		
		
		Marka, Magaalo 
		aan La Yaabay... A.D. Elmi
 »Soomaalida 
		Britain iyo warbixin dhiilo xanbaarsan | C/raxiim
 »MAXAAKIIMTA 
		Vs ANSHAX XUMADA!! | Garaad
 »Sidee bay 
		Somaliland aqoonsi caalamiya Ku heli kartaa? | Shuuriye
 »CODSI INAAN 
		LA AQOONSAN GOONI U GOOSATADA W/GALBEED
 »Jawaab: 
		Qoraalkii fahad ee Suufiyada iyo Bisha Soonka | Muuse
 »Ninkii 
		Jannada laga waayo ayaa midgaan ah | Zahra
 »Warqad Furan: 
		oo uu qoray Dr. Cabdi Maxamed Culusow “Black”
 »Marxuum 
		Maxamed Xaaji Cigaal  halgama xornimadii Soomaali-Land.?
 »ALLaa.Somaaliweeye. 
		ee Sidee Yeelnaaa.? | Jaamac
 »Somaaliland. 
		dawlad.Qaran, Riyaale  Madaxweyne  Kudayasho Mudan?
 »Barlamanka 
		cusub iyo isbahaysiga Axsaabta mucaaridka Somaliland
 »Xiridda 
		Garoonka Deyniile oo Noqon Rabta Xariggii Qeybdiid| C/waxid
 »Ogaysiis 
		muhiima  oo  kusocda  qof kastoo  soomaalinomo  
		kujirto
 »Jawaab 
		Suufiyada iyo Bisha Soon | 
		Garweyne
 »Midabkee 
		ayaad jeceshahay? | Zahra
 »50 Qab bale 
		Qaran Ma keeni karaan ?? | shuuriye
 »JSL : 
		Kor-u-kaca iyo Hoos-u-dhaca Siyaasadda !! | Ducaale
 »Joornaaliisteyaashii 
		Lagu Diley Soomaaliya:1991–2005
 »Ma jiraa 
		adduunka dad been ka sheega dhalashadooda!? |Zahra
 »Goormuu 
		dhashay Kacaankii Siyaab Barre | Boore
 »KA 
		HORTAG CUNSURIYADA DENMARK |Diiriye
 »Waa 
		sidee dhaqanka Soomaalida ku nool reer galbeedka? | Zahra
 »Isbar 
		bardhigga  Magaalooyinka Jowhar iyo Washington DC  | MM
 »Waa Tuma 21ka 
		October? | Mahdi Taako
 »C/WAAXID 
		KHALIIFOW INTEE AYAY KU WADAYSAA ISKU DIRKA
 »Jawaab Furan 
		oo ka Socota Golaha Midnimada iyo Badbaadada | Bilal
 »Tan iyo 
		markii ay Soo Baxday in Xabsiga Loo Taxaabay Col. Qaybdiid
 »QIIMAYNTA 
		MUSTAQABALKA DHOW EE GARABYADA DKMG AH
 »Waano ku socota Soomaalida geysata ilmahooda Xanaanada 
		| Eelay
 »Oktoobareey 
		adaa lahaa! | Waaberi
 »GABAY: 
		Xafiiskii Abwaanka xog baa ku uruursan | Dhuunkaal
 »Dagaal 
		ogayasha waxey raban mala ogaday .mase? | Yoolac
 »MAQAALADA KALE 
		EE MAANTA::: 
		KA AKHRI HALKAN... GUJI..
 
 
		
		Dr. 
		Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....»Cusmaan 
		Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
 »Saddex 
		markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
 Wararka oo 
		dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2
 |