SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
May 17, 125
Daabaco Boggan | Print
:::C/LAAHI YUSUF & AWEYS::

Hadaladii C/Laahi Yuusuf (Jawhar) iyo Sh. Aweys (Muqdisho)... Guji
:::JAAMACADA KISMAAYO:::

Dhagax dhigga jaamacada Kismaayo... Guji..
SHACABKA PUNTLAND vs TERRY:

Puntland iyo Terry (oo sheegtay Shirkad aan la aqoon) oo Dubai ku kala saxiixday heshiis... Guji

01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 |
:::UGAAS MAXAMED WALI:::
YAA MAALI JIREY? Faallo:Ugaas Max'ed Wali oo ku bilawday C/ahi Yuusuf Axmed Muxuu Kusoo Kordhin Karaa Somalia Guji..
::MPLS: BUUGGA XASUUS QOR :::

Xaflad Lagu Soo Bandhigay Buugga "Xasuus Qor" oo Lagu Qabtay Minneapolis.. Guji...
19-JIR LAGU DILEY MINNESOTA:

Wiil Soomaaliyeed oo La Toogtey Asagoo Dhex Fadhiyey Gaari Taagan Meel Gaaska Laga Qaato oo ku yaal Magaalada St.Paul, Minnesota, USA... Guji
::SH. CIISSE XASSAN JUMALLE::

Walaalahayga Soomaaliyeed baan gargaar ka sugayaa; UAE way iga tuureen cusbitaalkii aan xaqa u lahaa... Guji... 
:::C/NUUR FAARAX CALI:::

Xaflad Shahaado Master oo ka dhacday Qaahira.. Guji..
:::MAQAALKII YUSUF SHABAC:::

XAMAR CAASIMADA HALAGA BEDELO; Calankana bil halagu saa’idiyo... Guji...
:GAAJADA & CARRUURTA SOM:

Carruurta Soomaaliyeed ee gaajada iyo cuduradu ku aafeeyeen dalkooda Soomaaliya oo ay hay'adda MSF Video kasoo duubtay...daawo Halkan
[Waxaad u baahan tahay Windows Media oo laga soo Rogan karo halkan]. Qoraal Soomaaliya la xiriira oo ku qoran English ka akhri halkan...
:::XAFLADII DHALLINYARADA:::

Xafladii Masjidka Abuubakar ee Xagaaga 2005 Loo Qabtay Dhallinyarada... Guji...
::: LAASCAANOOD:: ALHUDA:::

Masjidka Al-Huda oo Saddex Dabaq ah oo Laga Dhisayo Laascaanood... Guji..
.
::: MASJID DAR AL-HIJRA:::

Nala Iibi Dhismaha Masjidka Dar Al-Hijrah, Minneapolis... Guji

Xiriirka u Dhexeeya QAADKA iyo cudurka AIDS... Ka Akhir qormadii Ciribtirka Qaadka

MAXAAKIIMTA Vs ANSHAX XUMADA!!

   

 

mursal W/D: Mursal Max'ed Max'uud (Garaad)

stethy1@yahoo.com

"Dadka aan hubaysnayn ayeey bartilmaameedsadaan, Isbaarada Maxkamadaha waa u xalaal inta kalese waa ka xaaraan, Shinoomooyinka dhib ka badan ayaa taagan sida Isbaarooyinka, dhaca, kufsiga, af-duubka iyo dilka aan cidna loo aaba yeelayn, marka haday daacad jirto kuwaas may wax ka qabtaan?!!!" Doodaas waa tan had iyo gooraale ay soo jeediyaan dadka naqdiya howlaha ay wadaan Maxkamadaha Islaamigaa ee ka howlgala Magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah Gobolada Dalka Soomaaliya.

   

    Dhaqan uma laha Soomaalidu in ay si siman  u ayidaan amse uga horyimadaan samaha iyo xumaha 2daba, waxaana taas lawadaaga qaar ka mid ah Bulshooyinka Caalamka ku nool.  Dhaqankaas soo jireenka ah ayaa keenaya in Soomaali badan aanay u muuqan wanaagga faraha badan ee sida mutadawacnimda ah ay ugu qabtaan Maxaamiimtu shacabkooda, isla markaasna sida wayn loogu diirsaday, taas bedelkeedana ay  raadshaan ceebo khiyaali ah oo ka fog xaqiiqda jirta.

 

    Wixii ka danbeeyey bilshada Bisha barakaysan ee Ramadaan, Maxaakiimtu waxay dar-dar xoog leh geliyeen howlahoodii, iyagoo si gaar ah u baacsanayey Kooxaha ka ganacsada ama isticmaala waxyaabaha maanka dooriya, meelaha Gabdhaha aan wanaagsanayn ay ku soo bandhigaan jirkooda iyo Shinoomooyinka laga daawado aflaanta laga quruxbda badan yahay.

 

    Shaki kuma jiro in wax waliba ay leeyihiin sal iyo meel ay ka soo askumaan. Dadka ku kaca xasiloonidarida, fowdada, qaska, af-duubka, dilka iyo  qaybaha kala gedisan ee dhaqn xumida, waxaa la aaminsanyahay in intooda badan halka ay ka soo qalin jebiyaan ay tahay Shinoomooyinka oo ay ka soo bartaan falal isugu jira Gaangiistarnimo iyo waxyaabo kale oo aan ku haboonayn akhlaaqda iyo dhaqanka suuban ee Islaamka. Dhibaatada ay Shinoomooyinku ku hayaan Bulshada si gaar ah looga hadli mayo, oo meelo fara badan ayeey lugaha la gelaysaa, ujeedaduse waa iftiiminta kaalinta Maxaakiimta, iyo howsha dhabta ah ee ay Dadka u hayaan.

 

    War dhiilo xanbaarsan oo ay u bdan tahay in intiina badan aad maqasheen wuxuu ahaa: Dad isugu jiray Rag iyo Dumar jirkooda ka ganacsanayey oo ay Maxaakiimtu soo qab-qabteen ayaa qaar ka mid ah laga helay cudur sidaha HIV, kadib markii baaritaan caafimaad oo saf mar ah lagu sameeyey!! Hadaba dadka dhaliila howlaha Maxaakiimta marnaba ma is waydiiyeen, haddii dadkaasi ay goobahooda ku sii negaan lahaayeen inta ay si toos ah iyo si dadbanba ugu gudbin lahaayeen cudurkaasi?

 

    Marar badan ayuu dhegahaaga ku soo dhacayaa cod oronaya. "Maxkamaduhu waxay ugaarsanayaan Shinoomooyinka Dadka aan hubaysnayn".  Ma moodaa in ay haboonaan lahayd in marka hore la'iswaydiiyo Shinoomooyinka lagu daawado aflaanta aan wanaagsanayn Diintu raali ma ka tahay?   Ummadda Soomaaliyeed oo 100% Islaam ah waxaan filayaa in u qiil samayn hajoogtee, ay la soo wada boodi doonaan "Maya, raali kama ahan Diintu".  Marka maxaad Adigu ku kala jeceshay tan hubaysan iyo tan aan hubaysnayn hadba tii lagu bilaabo howlgalka?

 

    Maxkamaduhu percentage aad u yar ayeey ka yihiin Bulshada, sidaas oo ay tahayna waxay qabteen welina ku guda jiraan howlo baaxad leh oo aan la'iska indhotirikarin, islamarkaasna aan mid mid loo xusi karin Cadadka howlaha ay qabteen oo ah kuwo aad u balaaran. Haddii aad taas beeninayso, 15kii sano Dalka waxaa ka jiray Hoggaamiye kooxeedyo hub aad u fara badan haysta, Ururo Siyaasadeed, kuwo Bulsho iyo kuwo dhalinyaro, ma qabteen 15kii sano rubuc ka mid ah howsha ay maalinkiinba qabtaan Maxkamaduhu?  Haddii si kale loo dhigo weli ma aragtay qolyahaas aan kor ku xusnay oo  xoog ama xeelad ku soo furta dad si gardaro ah loo af-duubtay, amase ugu yaraan ku dhaqaaqay talaabo kale oo wax tar lataaban karo u leh Bulshada?

 

    Waxaa dhici karta in ay dhaliilo yeeshaan, qaar ka mid ah dhalinyarada qabanaya howlaha Maxaakiimta, khibarad fiican oo aysan u lahayn howsha ay qabanayaan darteed. Waxaanse meesha ku jirin oon qiil noqon karin Oraahda dhehaysa "Nin hebel oo ka mid ah qolyaha Maxmadahaan aqaanoo, xaalkiisu ma fiicnaan jirin".  Ogoow shalay hadaad xumaan ku jirtay maanta samaanta ayaad horseed u noqon kartaa, taasina waa Nasri EEBE bixiyo.

 

    Inta bdan Aadanuhu wuxuu doorbidaa in uu dhaliilaha raadiyo, haddii xittaa wanaaggu ku 10 jibaarmo xummaanta. Hadaba haddii 99 talaabo looqaaday dhanka wanaagsan ee Aniga iyo Adiguba aan raaliga kanahay, islamarkaasna ay guulaysteen,  maxaad ugu miliwaysay uguna cudur-daari waysay 1 khalad oo ku dhacay si aan bareer ahayn?

 

W/D: Mursal Max'ed Max'uud (Garaad)

stethy1@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 31, 2005


»ALLaa.Somaaliweeye. ee Sidee Yeelnaaa.? | Jaamac
»Somaaliland. dawlad.Qaran, Riyaale  Madaxweyne  Kudayasho Mudan?
»Barlamanka cusub iyo isbahaysiga Axsaabta mucaaridka Somaliland
»Xiridda Garoonka Deyniile oo Noqon Rabta Xariggii Qeybdiid| C/waxid
»Ogaysiis muhiima  oo  kusocda  qof kastoo  soomaalinomo  kujirto
»
Jawaab Suufiyada iyo Bisha Soon | Garweyne
»Midabkee ayaad jeceshahay? | Zahra
»50 Qab bale Qaran Ma keeni karaan ?? | shuuriye
»JSL : Kor-u-kaca iyo Hoos-u-dhaca Siyaasadda !! | Ducaale
»Joornaaliisteyaashii Lagu Diley Soomaaliya:1991–2005
»Ma jiraa adduunka dad been ka sheega dhalashadooda!? |Zahra
»Goormuu dhashay Kacaankii Siyaab Barre | Boore
»
KA HORTAG CUNSURIYADA DENMARK |Diiriye
»Waa sidee dhaqanka Soomaalida ku nool reer galbeedka? | Zahra
»Isbar bardhigga  Magaalooyinka Jowhar iyo Washington DC  | MM
»Waa Tuma 21ka October? | Mahdi Taako
»C/WAAXID KHALIIFOW INTEE AYAY KU WADAYSAA ISKU DIRKA   
»Jawaab Furan oo ka Socota Golaha Midnimada iyo Badbaadada | Bilal
»Tan iyo markii ay Soo Baxday in Xabsiga Loo Taxaabay Col. Qaybdiid
»QIIMAYNTA MUSTAQABALKA DHOW EE GARABYADA DKMG AH
»
Waano ku socota Soomaalida geysata ilmahooda Xanaanada | Eelay
»Oktoobareey adaa lahaa! | Waaberi
»GABAY: Xafiiskii Abwaanka xog baa ku uruursan | Dhuunkaal 
»Dagaal ogayasha waxey raban mala ogaday .mase? | Yoolac
»
MAQAALADA KALE EE MAANTA::: KA AKHRI HALKAN... GUJI..

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.



HTML CD