SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

JSL : Kor-u-kaca iyo Hoos-u-dhaca Siyaasadda !!

Somaliland Political Fluctuations.

 
Waad salaaman tihiin saaxiibada safka hore.
 
Dal kasta waxa uu leeyahay kor-u-kac iyo hoos-u-dhac siyaasadeed sida kursiga korontada sallaanka guryaha lagu fuulo ee marna kor kula taga mar kale na hoos kula yimaad. Waxa ay ku xidhan tahay hadba wada shaqaynta habka go'aanada talo iyo dariiqa ay qaado dawlad iyada ahi ee ay kan kale ka doorato.
 
Siyaasadda JSL waxa ay maraysay meel aad u hoosaysa doorashooyinkii baarlamaanka ka hor. Halkaas oo ay ka jirtay is-mariwaah dhinaca afkaarta iyo aammin-darro dhinaca kalsoonida xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaradka dhexdooda ku saabsanayd qabashada waqtiga iyo qaabka doorashada golaha wakiilada JSL.
 
Nasiib wanaag oo ay ku ammaanan yihiin Md. Madaxweyne Daahir Rayaale, Xukuumadda iyo xisbiyada siyaasadda oo talada ku heshiiyay danta guud darteed. kuwaas oo muujiyay daacadnimo iyo xilkasnimo ballaadhan waxana ay ku dhammaatay doorashadi nabadgelyo, xalaal iyo guul heer sare ah oo caalami noqotay. Waxa qaabkii ay doorashadu u dhacday  ka dhashay albaabo badan oo hore u xidhnaa oo si dhib yar ugu furmay ictiraf, wada shaqayn iyo mustaqbal fiican oo dhinaca siyaasadda arrimaha debedda ah JSL.
 
Muddo ka yar bil gudaheed oo aanay weli soo bixin natiijadii kama danbaysta ahayd go'aan ay soo saarto Maxkammadda sare ayaa waxa bilowday olole hor leh oo ay qaadeen labada xisbi ee Mucaaradka taas oo ku saabsan ciddii noqon lahayd shir-guddonka guddida sare ee aqalka baarlamaanka JSL. Waxa laga dhawaajiyay labada xisbi ee mucaaradku in ay si fudud heshiis qalinka ku duugeen qaybsashada xubnaha shir-guddoonka guddida sare ee baarlamaanka.
 
Waxa mar kale la galay JSL in la kala doorto badhanka dhinaca loo taabanayo kursiga kor-u-kaca iyo hoo-u-dhaca siyaasadda dalka oo maanta ku xidhan xubnaha cusub ee golaha baarlamaanka ee la soo doortay. Shalay iyaka ayaa la badbaadiyay sidii ay u soo bixi lahaayeen maantana waxa la eegayaa markii ay dhasheen sida ay iyakuna wax u badbaadiyaan.
 
Heshiiska wax qaybsiga labada xisbi ( Kulmiye & UCID ) kuraasta shir-guddoonka ee baarlamaanka oo ka kooban sadex kursi ( Guddoomiye iyo laba K/Xigeeno ) waxa uu u muuqdaa mid lagu degdegay sida ay u maamuleen guddiyada fulinta ee labada xisbi oo la moodo in ay caadifad ku salaysan tahay ama ay ka eegeen xammaasadda iyo xulufaysiga dhexdooda iska caabinta xisbiga talada haya sabab:
 ( 1 ) Marka la eego sida ay uga hordhaceen go'aanada Maxkamadda iyo sida ay uga hororsadeen ka baaraan degga mudayanaasha in ay iyaka shaqadooda iyo xilkooda tahay ee aanay ahayn in ay axsaabtu wax u soo yeedhin karto.
 (2 ) Marka la eego xubnaha mudanayaasha sida dhaqsaha ah loo magacaabay ee loo soo bandhigay qaarkood in ay noqdaan shir-guddonka oo aan ahayn kuwo leh waayo aragnimo maamul iyo khibrad siyaasadeed oo ay kuba buurnayd in ay ku guulaystaan xubin baarlamaan. Kuwaas oo aan kala hagi karaan wada-shaqaynta qorshayaasha xukumadda iyo caadifadaha qabiilka ama xisbiyada sadex ah oo aad u adag sida ay xubnaha baarlamaanku u kala hor marin karaa danta guud ee dalka iyo shaatiga xisbiga ee uu gashan yahay.
 
Sideeda waxa fiican in xubnaha cusub la siiyo siminaar ama aqoon korodhsi ku saabsan siyaasadda baarlamaanka ka hor inta aanay bilaabin fadhiyadooda shaqo. Waxa ay u baahan yihiin xubanah baarlamaanka cusub in loo qeexo waajibaadka saaran iyo inlaga soo tegay xisbinimo gaar ahaaneed, qabiil, beel, saaxiib iyo rahmaad ballanqaad oo la galay xilligii ololaha doorashada oo ay maanta xubnaha cusub ee baarlamaanku ay iyaku isku hal xisbi isku wada yihiin ama hal qabiil oo la yidhaahdo ( Xisbi Qaran MP ) oo ay dan keli ah wada leeyihiin xubnaha baarlamaanku magac kasta iyo waddo kasta oo ay markii hore ku soo galeen aqalka baarlamaanka.
Tusaale ahaan : Marka la isku milo laba maado ( two elements ) waxa ka dhasha mid ( maado ama element ) sadexaad oo magac kale la baxda. Taas oo ka duwan labadii hore ee iska dhalay. Waxa loola jeedaa xubin barlamaan haddii ay shalay ahayd xisbi, qabiil iwm maanta wax kale ayay ku milantay oo waa magac kale oo la yidhaah " Mudane Baarlamaan " ka dib markii uu ku milmay gole baarlamaan oo ka mid ah golayaasha dawladda. Sidaas darteed ninna ma sii ahaan karo ninkii uu shalay ahaa ee beel ama xisbi ka soo jeeday. Waxa uu labadaas ahaan karaa marka uu shaaraca ama tuuladiisa ku soo noqdo booqasho ahaan.
  
Cidda loo dooranyo shir-guddoonka baarlamaanka waxa ay khusaysaa maanta xubnaha baarlamaanka oo wada jira oo aanu xubinna qasbi karin xisbigii laga soo doortay oo uu xor yahay maankiisa marka ay taagan tahay wanaagga danta guud ee dalka. Waxa furan oo dhici karta in xubin waliba u codayn karto meesha ay ku jirto kor-u-kaca siyaasadda dalka xattaa haddii aanu guddoomiyaha xisbigiisu kala raali ahayn. Guddoomiye xisbe uma yeedhin karo mudane baarlamaan meesha iyo sida uu wax odhanayo waayo mudanaha ayaa ka mudan oo ay dadweynuhu doorteen dadkuna talo saarteen sharci dejinta dalka.
Waxa intaas u sii dheer xubnaa baarlamaanka in ay had iyo jeer isku raacaan, fuliyaan wixii ay ku jirto danta guud ee dalka iyo wixii kor u qaadaya magaca iyo siyaasadda dalka oo ay xukuumaddu hogaaminayso. 
 
Si kastaba ha ahaatee kor-u-kac iyo hoos-u-dhac siyaasadeed JSL ( iyo dawlad kasto ) waxa uu ku xidhan yahay sida ay u wada shaqeeyaan baarlamaanka, xukuumadda iyo Madaxweynaha la doortay. Dawlad wada shaqayn weyday waxa ay ku danbayn doonta in ay gidaarada fadh-fadhiisato sida tii Somalia loogu soo dhisay Imbigathi/Kenya sanadkii hore.
 
Waxa ay shacbiga JSL si fiican u guteen dhammaan wixii wanaag kaga soo aaday in ay dhammaystiraan waajibkoodii ka saarnaa in ay dhaliyaan dawlad uu qalabkeedi u dhan yahay ( Mu'asasaadka xukuumadda ). Sidaas darteed waxa ay hadda kubaddu ( the ball ) dhinacooda jirtaa dawladda oo ka kooban ( Baarlamaan, xukuumad iyo Madaxweyne wada jira ). Golayaasha dawladdu waa isku dhinac garoonka dheesha, dadweynaha iyo axsaabta siyaasaduna waa isku dhinac. Kubadda oo dhinaca dawladda jirta waxa la eegayaa sida ay isaga soo saaraan in ay taabtaan badhanka kor-u-kaca kursiga siyaasadda QARANKA JSL.
 
Waxsa mudan in la ifiyo oo dadweynaha loo sheegayaa in badanaaba khaladaadka siyaasadeed ee ka dhaca madaxda qaarkood in ay inta badan ugu wacan tahay farsamo xumo ee aanay ka ahayn niyad xumo - Farsamo xumada oo ka khatarisan niyad xumada. Sidaas darteedna waxa loo baahan yahay in ay iyaku ( SHACBIGU ) weligood gacmaha is qabsadaan oo aanay u kala hiilin golayaasha dawladda oo isku wada siyaasad ah oo ay shacbigu isku si wax uga wada sugayaan. Dawlad - Vs - Shacbi ( xisbi ). 
 
Nin wax doortay maalin ayuu lahaa. Nin la doortayna muddo ayuu leeyahay!
 
Gebegebo : Kor-u-kac iyo Hoos-u-dhac siyaasadeed JSL waxa la eegayaa badhanka geesta ay u taabtaan maanta xubnaha baarlamaan cusub marka la dhaariyo ka dib...... 
 
 
Wa AllaahuAl-Muwafaq.
 
Ducaale Hadal-Wanaaje II
ducalewanaje2@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 27, 2005


»Joornaaliisteyaashii Lagu Diley Soomaaliya:1991–2005
»Ma jiraa adduunka dad been ka sheega dhalashadooda!? |Zahra
»Goormuu dhashay Kacaankii Siyaab Barre | Boore
»
KA HORTAG CUNSURIYADA DENMARK |Diiriye
»Waa sidee dhaqanka Soomaalida ku nool reer galbeedka? | Zahra
»Isbar bardhigga  Magaalooyinka Jowhar iyo Washington DC  | MM
»Waa Tuma 21ka October? | Mahdi Taako
»C/WAAXID KHALIIFOW INTEE AYAY KU WADAYSAA ISKU DIRKA   
»Jawaab Furan oo ka Socota Golaha Midnimada iyo Badbaadada | Bilal
»Tan iyo markii ay Soo Baxday in Xabsiga Loo Taxaabay Col. Qaybdiid
»QIIMAYNTA MUSTAQABALKA DHOW EE GARABYADA DKMG AH
»
Waano ku socota Soomaalida geysata ilmahooda Xanaanada | Eelay
»Oktoobareey adaa lahaa! | Waaberi
»GABAY: Xafiiskii Abwaanka xog baa ku uruursan | Dhuunkaal 
»Dagaal ogayasha waxey raban mala ogaday .mase? | Yoolac
»
MAQAALADA KALE EE MAANTA::: KA AKHRI HALKAN... GUJI..

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD