SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print
:::C/LAAHI YUSUF & AWEYS::

Hadaladii C/Laahi Yuusuf (Jawhar) iyo Sh. Aweys (Muqdisho)... Guji
:::JAAMACADA KISMAAYO:::

Dhagax dhigga jaamacada Kismaayo... Guji..
SHACABKA PUNTLAND vs TERRY:

Puntland iyo Terry (oo sheegtay Shirkad aan la aqoon) oo Dubai ku kala saxiixday heshiis... Guji

01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 |
:::UGAAS MAXAMED WALI:::
YAA MAALI JIREY? Faallo:Ugaas Max'ed Wali oo ku bilawday C/ahi Yuusuf Axmed Muxuu Kusoo Kordhin Karaa Somalia Guji..
::MPLS: BUUGGA XASUUS QOR :::

Xaflad Lagu Soo Bandhigay Buugga "Xasuus Qor" oo Lagu Qabtay Minneapolis.. Guji...
19-JIR LAGU DILEY MINNESOTA:

Wiil Soomaaliyeed oo La Toogtey Asagoo Dhex Fadhiyey Gaari Taagan Meel Gaaska Laga Qaato oo ku yaal Magaalada St.Paul, Minnesota, USA... Guji
::SH. CIISSE XASSAN JUMALLE::

Walaalahayga Soomaaliyeed baan gargaar ka sugayaa; UAE way iga tuureen cusbitaalkii aan xaqa u lahaa... Guji... 
:::C/NUUR FAARAX CALI:::

Xaflad Shahaado Master oo ka dhacday Qaahira.. Guji..
:::MAQAALKII YUSUF SHABAC:::

XAMAR CAASIMADA HALAGA BEDELO; Calankana bil halagu saa’idiyo... Guji...
:GAAJADA & CARRUURTA SOM:

Carruurta Soomaaliyeed ee gaajada iyo cuduradu ku aafeeyeen dalkooda Soomaaliya oo ay hay'adda MSF Video kasoo duubtay...daawo Halkan
[Waxaad u baahan tahay Windows Media oo laga soo Rogan karo halkan]. Qoraal Soomaaliya la xiriira oo ku qoran English ka akhri halkan...
:::XAFLADII DHALLINYARADA:::

Xafladii Masjidka Abuubakar ee Xagaaga 2005 Loo Qabtay Dhallinyarada... Guji...
::: LAASCAANOOD:: ALHUDA:::

Masjidka Al-Huda oo Saddex Dabaq ah oo Laga Dhisayo Laascaanood... Guji..
.
::: MASJID DAR AL-HIJRA:::

Nala Iibi Dhismaha Masjidka Dar Al-Hijrah, Minneapolis... Guji

 Waa sidee dhaqanka Soomaalida ku nool reer galbeedka?

Zahra Abdi Hersi.

Holland
umubakar@hotmail.com

 

 

Soomaalida ku nool  Kismaayo iyo kuwa ku nool Zeylac amaba Hargeysa ama Muqdisho inkastoo ay waxyaalo badan wadaagaan haddana labo mid ayay si run ah uga siman yihiin, diinta islaamka oo aysan si run ah ugu dhaqmin ama ay magac ahaan u haystaan iyo qabiilka oo dhiiggooda ku shaqeeyo,Soomaalidii qurbaha ama reer galbeedka  u soo qaxdayna labadaas arrimood ayay labo kale ku soo darsadeen . “Been xad dhaaftay in ay sheegaan, si ah khiyaano ah ama in ay xaaraan quutaan”

 

Markii aad timaadid waddamada reer galbeedka waxaa qasab ah in lagaa qaado wareysi ku saabsan waxa kugu kalifay in aad waddankaagii ka soo haajirto ama ka soo qaxdo iyo wixii dhibaato ah ee shaqsi ahaan lagu soo gaarsiiyay,waana sharci u yaala waddamaas in ay helaan sabab macquul ah si ay qofka ku siiyaan oggalaansho in uu ku noolaado waddankooda,waana sharci dunida u yaala oo ay qaramada midoobay  dagaalkii labaad ee dunida sidaas ku go’aansaday, laakiin waxay masiibo ka dhacday dadkii Soomaalida ahaa iyagoo intooda badan laga yaabo in ay run ka tahay in ay waddankooda ka soo haajiraan nabad la’aan darteed ay been shubaan taas oo dambi weyn ka soo gaaro.

 

In been laga sheego magaca qofka,carruur aysan dhalin yiraahdaan waan dhalay iyo in la qaldo magaca aabbaha waa wax ka caadi ku ah dad badan oo Somaaliyeed isla markaana islaam sheegayana, haddaba Soomaalidii ku noolayed wadamada reer galbeedka markii la siiyay degganaansho,guryo ay ku noolaadaan,waxbarasho iyo in loo oggolaado in ay shaqeystaan ayay intii ay Ilaahay Subxaanahu Watacaalaa ku mahdin lahaayeen sida uu addoomahiisa ugu saqiray  ku dhaqaaqaan sidii ay wax u dhaci lahaayeen ama u sheegi lahaayeen been ay wax ku dhacaan waliba been keliya ma oran karnee waxay ku kacaan denbi aad u weyn denbigaas oo ah waxa ay ugu yeeraan kala noolaanshaha ama waxa loo yaqaano separateka.

 

Waa maxay kala noolaanshuhu ama separateka?

 

Kala noolaanshaha waxa uu u kala baxaan laba nooc:

 

1- Midka ugu khatarsan uguna denbi badan inkastoo aysan is dhaamin labada noocba ayaa ah: In wiil iyo gabar Soomaali ah isku guursadaan waddamada reer galbeedka ah,waddamadaas ay isku guursanayaan waxaa yaala sharci ah in dowladda hoose laga soo diiwaan geliyo ama loo sheego guur kastoo dhaca si labadaas qof loo ogaado in ay sharci isku yihiin,loolana dhaqmayo sida dad xaas ah oo kale,hal meelna ku wada noolaadaan lacagta iyo qarashka soo galana ay wadaagaan iyo haddii ay carruur isku dhalaan loo siiyo magaca aabbaha dhalay loolana dhaqmo sharciyada carruurta guurka sharciga ah ku dhalata.

 

Meeshii laga doonayay in ay iska soo diiwaan geliyaan wiilkii iyo gabadhii Soomaaliyeed ee is guursaday ayay afkooda xirtaan meelna aysan iska soo diiwaan gelinaynin,taas macnaheeda waxay tahay in loola dhaqmo gabadhii wax guursatay sidii gabadh aan wax guursan oo kale, midda kowaad waxaa meeshii si aan shaki ku jirin uga baxaya ninkii wax guursaday oo habayaraatee aanan sheegan karin in uu gabdhan qabo haddii ay wax dhashana ma sheegan karo ilamhaas in uu dhalay,gabadhii ayaa kuu soo hartay,iyadana waxaa loola dhaqmaya sida hooyooyinka sharci la’aanta wax ku dhala ama af Soomaali haddii aan ku jilcino wacallada ama garacyada oo kale waayo gabdhan ayaan sheegan in uu nin qabo,carruurta ay dhashana waxaa loogu abtirinayaa iyada oo waxaa la siinaya magaca aabbaheed,waayo iyada  ayaaba oranaysa waxaan ilmahan ku dhalay sharcidarro xitaa ma oran karto waxaan ku dhalay saaxiibtinimo waayo saaxiibtinimada xitaa waxaa la sharciyeeya oo la ogaada in ilmahan ay iska dhaleen labo qof oo wada nool yasan is qabine,inkastoo uu magaceeda wato ilmahaas haddana waa in ay maxkamad la kortaa  ama la martaa sidii iyada xitaa loogu sharciyayn lahaa oo uu oggolaansho siiyo ninkii ay ku sheegtay in uu saaxiibkeed yahay,isku soo wada duub ilmaha aan sharci dowladeed ama guur ay dowladdu og tahay ku dhalanin dhibaato weyn ayaa lala maraa sidii looga diiwaan gelin lahaa waddanka uu ku nool yahay .

 

 

Maxaa ku kalifaya dadkan Soomaaliyeed in ay sameeyaan denbiga sidaas u weyn isla markaana ay carruurtooda ku tilmaamaan kuwo aabbe laawe ah?

 

Jawaabta su’aashu aad ayay u fududdahay,waxayna tahay in ay helaan xoogaa yar oo lacag dheeraad ah,iyagoo aan dan ka lahayn in lacagtaasi ay xaaraan tahay iyo in kale,lacagtaasi waxay ku helayaan marka ugu horraysa lacagtii ay qeybsan lahaayeen labada xalaasha isku qabta ayaa midba gooni u qaadanaya,wiilkii wax guursaday ayaa xor u noqonaya wixii uu shaqeysto ama caydh ku helo,gabadhii iyadana sidoo kale wixii soo gala xor ayay u tahay gaar ahaan caydheeda ama lacagta ay siiso dowladda,haseyeeshe waxaa taas daba socota in uusan weligiis aabbu sheegan karin ilmahan haddii ay hooyada ilmaha dhashay dhimato waxaa dhici karta in ay dawladdu ilmahaas qaadato oo korsato sida marar badan dhacdayba mana ku dhaco in uu soo sheegto,haddiise la xisaabiyo lacagtaas foolxumada iyo denbiga lagu helayo waxay ku biyo shubataa khasaare,haseyeeshe waxaa la halaajinaya ilmaha yar oo lagu quudinayo lacag aan xalaal ahayn isla markaana haysanin aabbihii loo nisbeyn lahaa.

 

Nooca labaad ee kala noolaanshaha ama separateka

 

Nooca labaad ayaa ah waaliddiin markii ay waddamadan soo gelayeen u sheegay dowladda in ay is qabaan carruurtii ay markaas wateena loo aqoonsaday in ay iyaga dhaleen oo aabbaha loogu nisbeeyo sida islaamku aaminsanyahay,haseyeeshe muddo kadib waxay la soo baxaan beentii iyo khiyaanadii ay ka barteen kuwii ka horreeyay,waxayna dowladdu u sheegaan in ay is furayaan si ay lacagta mid walba xor ugu nqodo oo uu lahaado daqli gooni u ah,sidii ay sameeyeenba kuwii ka horreeyay,sidaas ayayna ku noolaadaan inti ay doonaan,waxayna ku noolaadaan dhuumasho iyo shaki aan yarayn iyagoo ka qaba in la soo qabto ama la soo ogaado,haddii inta ay kala nool yihiin ilmo dhasho labo arrimood ayay dowladdu ka yeesha in ilmihii yaraa lagu qoro magacii carruurtii walaalahiis ahaa ee ka weynaa oo la siiyo magaca aabbaha ama in la siiyo magaca hooyada..

  

Aqoon kororsi gaaban oo ku saabsan kala noolaanshaha ay Soomaalidu reer galbeedka dhaqan ka dhigteen.

 

1- Ma ogtahay waddanka Ingiriiska in ay ku nool yihiin Soomaalida ugu badan kala noolanshaha,waxaaba la sheegaya in ka badan 80% ay separate ama kala nool yihiin iyagoo carruuro isku leh,waxaa kaloo la sheegay in ay dad isku sheegay in dadkaasi intooda badan ka muuqato calaamadaha islaamnimada oo ay wataan dharkii islaamka,tukadaan,waddanka Canada Soomaalida ku nool ayaa ku jirta lambar labaad,halka Holland 3aad ay haleeshay waddamada Iskandanefiya iyo Australia ayaa 4aad isku hasyta ama wada qeybsaday.

 

2- Ma ogatahay in ay haweenka intooda badan mas’uul ka yihiin badanaa arrintan kala noolaanshaha,ragga Soomaaliyeed ayaan wax saameyn ah ku yeelan karin hadba sida ay rabto in ay u noolaato haweentiisa,laba kala daran la kala dooro ayaa u taala ragga, in uu iskaga tago ama uu ku raaco falkan denbiga ah,nasiib xumo waxa uu doorta inta badan midda dambe oo ah in uu dambiga la dhex yuunbado.

 

3- Ma ogtahay oo kale in ragga kala noolaanshaha ku nool aysan shuqul ku lahayn waxa ay haweenkooda walaaqayaan ama sameynayaan haba u badnaadeene dhinaca dhaqaalaha,mase ogtahay in ay haweenkaas raggooda aysan uga harin wixii lacag ah ee uu goonidiisa u helay?

 

4- Ma ogtahay oo kale qoysaska kala noolaanshaha ku nool ay u faanaan waa dhinaca dhaqaalaha kuwa yar ee xalaasha quuta,ayna ku eedeeyaan xalaal quudatada had iyo jeer in aysan lacag u dirin ehelka ku nool waddankii hooyo,dhaqamada dadkaas waxaa ugu weyn istus iyo ha la i arko ay wax ku bixiyaan,iyagoo aan habayaraate aan dareemin in ay Alle denbi ka galeen,meeshii ay xishoon lahaayeene galo kibir iyo isla weyni.

 

5- Ma ogtahay oo kale in dadka ku nool kala noolaanshaha uu ku dhaca fashilka ugu badan ee ku yimid qoysaskii Soomaaliyeed ee reer galbeedka ku noolaa,taasna waxaa sababay labadii is qabtay oo aan habayaraate is-haysan iyo masiibo kale oo Rabaani ah.

 

6- Ma ogtahay in lacagta Soomaaliya loo diro inta ugu badan la soo dhaco ama sharcidarro lagu tabcado,waxaana adag in qof ku nool reer Galbeedka uu guryo ka dhisto Soomaaliya, waayo lacagta halkan laga sameeyo inta badan ma soo dhaafto quutalyoomka ama wax lagu noolaado.

 

Zahra Abdi Hersi.

Holland
umubakar@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 23, 2005

Jariidad Deenish ah oo Aflagaadeysay Nabiga s.c.w.


Sh. Cabdul Raxmaan Al-Sudais oo Helay Abaalmarinta Shaqsiyadda Islaamka ee Sanadkan....
Imaamka Masjidka Weyn ee Makka AL-Mukarama ayaa lagu gudoonsiiyay Dubai... Guji... Oct 22


Jariidad Deenish ah oo Aflagaadeysay Nabiga s.c.w
Tajikistan oo Xijaabka Ka Mamnuucday Iskuulada iyo Jaamacadaha
iyo Muslimiinta Adduunka oo Caro Weyn ka Muujiyey Joornaal Aflagadeeyey Nebi Muxamed (Scw)... Guji... Oct 21

Terry oo Xusuusan Waayey Heshiiskii  Shiidaalka ee "Consort" iyo Puntland
Ra'iisul wasaaraha DFKMG oo warqad u diray suuqa Ganacsiga Australiya ayaa si weyn uga digey cawaaqibka ka dhalan kara heshiiska Puntland iyo shirkadaha Shisheeye, waxaana arrintaas qoraal dher ka qortay jariidada 'The AGE'
Guji... Oct 17



»CIR-MAAXIYAAL SHIINEES AH OO SAHAN HAWADA SARE UGU BAXAY
»
Carruurta Soomaaliyeed ee Qurbaha iyo Dhibaatada Aabbe La'aanta
»“Qoor-qabad Waxaruhu Biyaha kuma Qurquriyaan” | C/waaxid
»Dowladda Karaamaysan Hala Taageero Si Aanu U Helno Kala Dambeyn
»Oktoobar iyo Xafladda lagu Samaynayo Jawhar | Bashiir
»Qarnigii hore  ee somaaliya & qab qab layaasha  maanta jooga | Jamal
»Doorashadii Golaha wakiilada somaliland | Qodax
»Miyaa Maxamed-dheere la Masaafurinayaa | C/waaxid Khaliif
»CIIDAMADA QARANKA OO LOO ABAABULAYO QAABKII USC | C/risaq
»
Madaxda PL  oo Jowhar Lagu Maamuuso, kuwa kalena la Xiiro  | c/waxid
»INJ. MUNYE OO FOGEEYAY EEDEYN LOO SOO JEEDIYAY | Abucar
»Jini Boqor oo Muqdisho looga baxshay ALLE BOQOR | C/raxman
»Dib u heshiisiinta Soomaaliya: Maxaa qaldan? | Raage
»Somaaliya Katarina iyo Rita | Amiin Yuusuf

»Waraaq furan oo ku socota Ururka midnimada islaamka | Saciid
»HALKEEN XALKA KA RAADINAA??? | Xuseen
»
Hargeysaay hambalyo | C/Raxmaan Taysiir
»Dalka Yaa Iska Leh, Dadka Yaa Umaqan | Axmed Cali
»Xasuuqii Malka-durduro | Warfaa 
»Morgan oo Noqday Makaalintii Barre Hiiraale | Maxamed
»Qarnigaan qabiil ku faan qiimo Ma leedahay | Mowlidyare
»MIDOWGA AFRIKA: MIDNIMO KATALIN MISE MINDIYO AFAYN? | Garaad
»
DIGNIIN CULUS: AIDS-KA & SOOMAALIDA | Dhagaafe
»S.Y.U.P oo War ka Soo Saaray Doorashada ka Dhacday Somaliland
»Gabadhii xumaan damacda: "nin iga weyn ayaa lagu dari lahaa"| Ikram

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD