SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KHAYRAADKA DABIICIGA


Terry oo Xusuusan waayey Wax Kasta oo Ku saabsan Heshiiskii Dhex Maray "Shirkada Consort" iyo Dawlad Goboleedka Puntland ee ku saabsanaa Lahaanshaha Xuquuqda Macdan iyo Shidaal Qodista Soomaaliya....

Soomaaliya oo ka digtey Heshiisyada Macdanta/Shidaalka Soomaaliya..

  • "Ma wanaagsana xasuustayda ku saabsan taariikhihii iyo dhacdooyinkii (Heshiiska), xanuun dhowaan igu dhacay awgeed" Terry....
  • Ra'iisul wasaare Cali Maxamed Geeddi oo Mar kale ku celiyey in heshiiska Puntland iyo Shirkadaha shisheeye uu yahay waxba kama jiraan...

Tarjumadii: SomaliTalk.com | Oct 17, 2005



Qoraal dheer oo maanta oo Isniin ah (xilliga Australia) ay daabacday jariidad ka soo baxda Australia oo lagu magacaabo "The Age" ayaa si faahfaahsan ug ahadlay shirkadaha u ay Puntland heshiiska la gashay iyo dadka shirkadahaas wada iyo hadaladii ay yiraahdeen.

Ugu horayn Jariidada 'The Age' waxa ay reer Australia u daah furtay in "Shirkada Consort" ay ka diiwaan gashan tahay dal aan Australia ahayn. Markii ay arrintas ka hadleysey waxa ay tiri: Consort Private oo loo malaynayo in ay ka diiwaan gashan tahay Maldives, kuna hawl gasha iyadoo la sii marayo qareeno reer London (UK) ah, ayaa heshiis Dubai kula gashay Puntland".

Jariidadu waxa ay sheegtay in shirkada  Range Resource (oo ah shirkada saamiga 50.1% ka iibsatey Consort) ay sheegtay in ay heshay qoraal gooni ah oo ka yimid DFKMG  kaas oo xaqiijinaya in aysan (Dawladu) soo dhex geleyn. Waxaase taas ka duwan in Jariidadu cadaysay in Ra'iisul wasaaraha DFKMG uu warqad u diray suuqa Ganacsiga Australia uu ka digayo cawaaqibka ka dhalan kara heshiiska lala galay Puntland ee ku saabsan macdanta iyo shiidaalka.

Waxa kale oo Jariidada 'The Age' shaaca ka qaaday shirkada cusub ee hadda saamiyada iibsatey ee "Range" agaasimeheeda guud oo magaciisa Jim Marinis uu yiri "Puntland... waxa ay leedahay awood ay ku geli karto wada xaajood ayna ku saxiixi karto qandaraaska Consort Private" - hadalkaas  oo si toos ah uga hor imanaya erayada ku qoran warqada uu Ra'iisul wasaaraha Dawlada Dhexe ee Soomaaliya, Geedi, ee uu u diray Suuqa Ganacsiga Australia.

Maldives (Republic of the
Maldives
) waa dal ku yaal badweynta Hindiya meel Soomaaya kaga aadan dhanka Bari. Waa dal ay ku dhaqan yihiin dad Sunni Muslim ah oo bishii July 2005 tiradooda lagu qiyaasay 349,106 qof. Madaxweynaha dalkaas waa Maumoon Abdul Gayoom.
Isha dhaqaalaha ee dalkaas ugu muhiimsani waa dalxiiska iyo kalluumaysiga

Jariidada "The Age" waxa ay xustay sida uu jaah wareer ugu jiro heshiiska ay ka soo shaqeeyeen Terry Donnelly, Michael Povey, Malcolm MacLeod iyo Anthony Black, heshiiskaas oo lagu raadinayey in la helo yeelashada gebi ahaan xuquuqda macdanta iyo shiidaalka Soomaaliya oo ay yeelato Consort Private kaddibna laga iibiyey Range Resources.

Waxaa kale oo aad u yaab badan markii Terry iska fogeeyey "Shirkadii Consort" ee uu garwadeenka qudhiisu ka ahaa markii heshiiska lala saxiixanayey madaxda Puntland. Jariidada oo arrintaas ka hadleysay waxa ay tiri: Shirkada Range Resources ayaa sheegtay in Mr Donnelly (Terry) uu u shaqeeyey sidii la taliyaha Consort, laakiin Terry arrintaas waa diidey, waxana uu yiri  wax abaal marin lacageed ah kama helin isku soo dubaridka heshiiskan. Danta keliya ee uu ka lahaana waxa uu ku sheegay in ay ahayd in uu caawinayey dadka Soomaaliyeed isagoo u sii marayey hay'adiisa samafalka ee "Kids In Needs". Isla mar ahaantaasna Terry waxa uu sheegay in xanuun ku dhacay awgeed uusan waxba ka xusuusan dhacdooyinkii iyo taarikhihii heshiiskaas.

Waxana ay Jariiddu hadalkaas durbadiiba ku xiriirisay in Dukumiinti ay Range Resource ku daabaceen websitekooda uu shaaca ka qaadayo in Mr Black iyo Mr Donnelly (Terry) ay joogeen hoteelkii Dubai ee ay heshiiska ku kala saxiixdeen DGPL iyo Consort Private, oo intii ay socotey xafladii saxiixu uu madaxweynaha Puntland inta uu labadaba ammaanay uu si gaar ah farta ugu fiiqay Terry isagoo "dadkana u baray in uu yahay Consort".

Wararka Terry in uusan xusuusan karayn wax kasta oo ku saabsan hesiisyadii shirkadii uu garwadeenka ka ahaa ee "Consort" waxa ay soo baxeen xilli ay Jawhar ka laabteen guddi ay soo dirtay Puntland, kuwaas oo aysan jirin haba yaraatee wax war ah oo shacabka laga siiyey wixii ay kala soo kulmeen DFKMG. Waxaana hadalka warqadda Geeddi u diray Australia ka muuqata diidmada qayaxan ee DFKMG ay weli diidan tahay heshiisyadaas macdanta ee Puntland la gashay "Consort".

Qoraalka jariidada The Age ay kusoo saartay qaybta ganacsiga, oo SomaliTalk.com soo tarjumtey, waxa uu u qornaa sida hoos ku qoran::


Dawladda Soomaaliyeed oo miisaan saartay Heshiiska Macdan Qodista

October 17, 2005

Dawladda Soomaaliyeed ayaa walaac weyn ka muujisay Suuqa Lagu kala gato maal-gelinta shirkadaha ee Australia ee loo yaqaan [Australian Stock Exchange - oo loo soo gaabiyo ASX] arrinta ku saabsan heshiiska muqdigu kujiro ee ay ka qayb qaadatay shirkadda reer Perth ee ku andacooneysa in ay xaqiiqsatay yeelashada aan cidina kula tartami karayn ee xuquuqda macdanta iyo batroolka ee in ballaaran oo ka mid dalka dagaalku halakeeyey ee Afrika.

Warqad uu Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Cali Maxamed Guuleed u diray Suuqa Ganacsiga Australia (ASX) ayaa waxa uu ku casumey (ASX) wadashaqayn ku saabsan baaritaanka waxa ay ku andacooneyso (ama sheegashada) shirkadaas (heshiiska la gashay Puntland).

"DFKMG oo keliya ayaa leh awooda lagu geli karta heshiiska iibinta xuquuqda macdanta iyo batroolka..." Geeddi

Warqadaas, oo koobi ka mid ah uu helay wargeyska The Age, waxa ay sheegtay in heshiiska dawlad goboleedka bariga Soomaaliya ee Puntland uu yahay heshiis aan waxba ka jirin sababtoo ah dawlada Federaalka Kumeel gaarka ah oo keliya ayaa leh awooda lagu geli karta wadahadalka (heshiiska) iibinta xuquuqda macdanta iyo batroolka.

Geeddi
Cali M. Geeddi

Warqadaas waxaa la soo diray October 6, 2005, maalin ka dib markii Range Resources Ltd ay ku dhawaaqday in ay heshiis shuruudi ku xiran tahay la gashay shirkad wadan dibada ah ka jirta, Consort Private Ltd, si ay uga iibsadaan boqolkiiba 50.1 yeelashada aan cidina kula tartami karin ee dhammaan baaritaanka macdanta iyo batroolka Puntland. "Waxaan fahamsanahay xaaladan, haddii aan waqtigan la joojin, waxay raad ku yeelan doontaa Range Resources Ltd iyo suuqa ganacsiga ee Australia (ASX), waxaana dalbaneynaa si dhaqso ah in aan u sheegno suuqiina dhacdadan." Ayey tiri warqadda (Ra'iisul wasaare Geeddi).

Saamiyada Range Resources, ay qorshayneyso in ay ku kharashgarayso arrimaha yeelashada xuquuqda heshiiskan waa $3.45 million,  markii ay ku dhawaaqday aad ayaa loo kalagatay (saamiyada), waxana uu kor u kacay boqolkiiba 30 isagoo gaarey in ka badan 4¢ (4 centi). Waxana uu maalintii Jimcada markii suuqu xirmay (saamigu) ahaa 3.8¢ (3.8 centi).

Consort Private oo loo malaynayo in ay ka diiwaan gashan tahay Maldives, kuna hawl gasha iyadoo la sii marayo qareeno reer London (UK) ah, waxa ay  markey taariikhdu ahayd Agoosto 30, 2005 Hotelka Hilton ee Dubai heshiis kula saxiixatay dawladda Puntland.

Heshiiska dhex maray Puntland iyo Consort waxa uu ahaa dooda ugu weyn ee Shacabka Soomaaliya, halkaas oo ay korortay xiisada u dhexaysa Dawlad goboleedka iyo dawlada Dhexe.

Dagaal ahli ah oo u dhexeeyay qabaa'ilka iska soo hor jeeda ayaa Soomaaliya halakeeyey in ka badan 10 sano, halkaas oo dawlada dhexe la soo doortay sannadkii hore.

August 28, 2005 oo ahayd laba maalmood ka hor intii aan heshiiskan lasaxiixin, Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya warsaxaafadeed uu soo saaray waxa shirkadaha shisheeye iyo maalgashadayasha u digey si ay u joojiyaan isku daygooda in ay heshiis ku saabsan yeelashada xuquuqda macdan iyo shidaal qodista la galaan dawlad goboleedyada sida Puntland.


Puntland oo Markale Lagu kala Baayacayo Suuqyada Australia.... GUJI..

"Haddii la jebiyo hadalkaas waxa ay sababi doontaa cawaaqib aan wanaagsanayn, cid kasta oo jibesa gudaha iyo debadaba waxa ay garbaheeda ku qaadi doontaa cawaaqib keeda" ayaa kamid ahaa hadaladii warsaxaafadeedkaas (Geeddi).

Wax yar kaddib markii lagu dhawaaqay heshiiskii Consort Private iyo Range Resources, oo dhacay October 5, 2005, agaasimaha guud ee Range oo xarunteedu tahay magaalada Melbourne oo magaciisa la yiraahdo Jim Marinis waxa uu sheegay in uusan wax badan ka aqoon Consort Private, waxana uu sharaxad ka bixin waayey shababta ay u doorteen shirkada yar ee aan haba yareetee la aqoon sida Range Resources oo suuq ahaan maalkeedu yahay keliya $20 million.

Sikastaaba ha ahaatee jariidada The Age waxay ogaatey in guddoomiyaha guud ee Range Resources oo magaciisa la yiraahdo Michael Povey, uu u safray Soomaaliya bishii April 2005 isagoo la safray Terry Donnelly, oo ah ganacsade reer Perth ah oo ah ninka isku doo dubaridey heshiiska Consort Private iyo dawlada Puntland.

Safarkaas oo uu soo nidaamiyey Mr Donnelly (Terry) isagoo sii maraya hay'diisa mucawinada Kids In Need Inc, waxaa kale oo safarka ku jirey Malcolm MacLeod (oo ah lataliye Joolojiste "geologist" oo reer Perth ah) iyo Anthony Black (oo ah qareen ahna agaasimaha Consort Private).

Mr Povey, oo ah Injineer macdan qodista, Agoosto 26 ayuu ku biiray Range Resources —  afar maalmood ka hor intii aan la saxiixin qandaraaskii dhex maray dawlada Puntland iyo Consort — waxaana la siiyey 1,125,000 oo saami oo uu ku yeesho shirkada.

Mr Marinis waxa uu yiri sababta Mr Povey loogu magacaabay guddoomiyaha guud ee Range Resource waa aqoonta uu u leeyahay Soomaaliya, ee ma ahan xiriirka laga yaabo in uu la leeyahay kuwa ka dambeeya heshiiska Consort Private. "Ma ahayn kan ukala dab qaadayey" ayuu yiri  Mr Marinis.

Waxa kale oo uu yiri Mr Povey faa'iido dhaqaale kuma leh Consort Private "haba yaraatee maya", ayuu yiri. "Ma jiraan wax la qarinayo oo arrintaas kusaabsan".

Mr Marinis waxa uu beeniyey in ay jiraan wax dhibaato ah oo xagga sharciga ah oo ku saabsan heshiiska, inkasta oo ay jirto warqada Mr. Cali (Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya) uu u diray ASX (Suuqa ganacsiga Australia).

(Mr Marinis) Waxa uu yiri Range Resource waxa ay heshay qoraar gooni ah oo ka yimid dalwada Federaalka Kumeel Gaarka ah kaas oo xaqiijinaya in aysan (Dawladu) soo dhex geleyn. October 10keedii waxa ay sherkadu qoraal u dirtay suuqa ASX ay ku sheegtay in dawlada Federaalka ay siisay "qoraal ogolaansho ah oo  la xiriira xaqiiqo ahaanta, hawlgelida iyo jiritaanka Heshiiska Puntland."

Mr Marinis waxa uu yiri dawladda Puntland waxaa loo soo doortay si dimoqraadi ah, waxa ay leedahay awood ay ku geli karto wada xaajood ayna ku saxiixi karto qandaraaska Consort Private. Afhayeen u hadlay suuqa ASX waxa uu xaqiijiyey in ay heleen warqadda ka timid Mr. Cali.

"Shirkadu waa ku baraarugsanayd sheegashadaas," ayuu yiri. "Waa fahamsanahay in ay raadinayeen in ay wax ka sheegaan ku dhawaaqidii Octoobar 10."


Madaxweynaha Puntland, Cadde Muuse, oo Safarkiisa uu_ku weheliyo Terry |
Jun 10, 2005 | Bosaso

Waxaa jira jaah wareer ku xeeran qaybta ay ka qaateen Terry Donnelly, Michael Povey, Malcolm MacLeod iyo Anthony Black in ay isku soo dubaridaan heshiis raadinaya yeelashada xuquuqda aan cidina kula gorgortami karin ee macdanta iyo batroolka Soomaaliya ee lasiiyey Consort Private kaddibna laga iibiyey Range Resources.

Qodobada heshiiska ayaa ka mid ah in Range Resources ay siin doonto Consort Private lacag dhan $US2.5 million ($A3.3 million), taas oo ay dheer tahay in muddo 17 bilood ah ay bil kasla la siiyo $US200,000. Waxaa kale oo Consort la siin doonaa  85 million oo ah saamiyada Range iyo 85 million oo xulashada Range.

Sida ay sheegtay Range Resources, Mr Donnelly (Terry) waxa uu u shaqeeyey sidii la taliyaha Consort, laakiin Mr Donnelly (Terry) taas wuu diidey, isagoo dhehaya wax abaal marin lacageed ah kama helin isku soo dubaridka heshiiskan.

Mr Donnelly (Terry) waxa uu yiri ahmiyadda (ama danta) keliya ee aan ka lahaa waxay ahayd  in aan caawiyo dadka Soomaaliyeed isagoo u sii marayay hay'adiisa samfalka ee Kids In Need ee ka diiwaan gashay WA. (Terry) Waxa uu u sheegay jariidada "The Age" in aysan wanaagsanayn xusuustiisa maalmihii iyo dhacdooyinkii sababtoo ah xanuun dhowaan ku dhacay.

Dukumiinti ay Range Resource ku daabaceen websitekooda waxa ay muujinayaan in Mr Black and Mr Donnelly (Terry) ay goob joog ka ahaayeen saxiixii heshiiskii Dubai ku dhex maray Dawlada Puntland iyo Consort Private. Intii ay soctey xafladii saxiixa ayaa madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland waxa uu amaanay labadoodaba (Terry iyo Black) isagoo farta ku fiiqaya in Mr Donnelly (Terry) "dadkana u baray in uu yahay Consort".

Mr MacLeod waxa uu xaqiijiyey in uu Soomaaliya tegey bishii April isagoo ah sidii lataliye qiimayney "Qaddar xog ah 'Data'", laakiin waxa uu diidey in uu si toos ah lug ugu leeyahay Consort Private ama Range Resources, waxana uu diidey in uu faallo ka bixiyo ama ka hadlo heshiiska. Ayey warkeeda kusoo gabagabeysey jariidada "The Age" oo aan qoraalka ka soo tarjumney.

Qoraal kale oo ku soo baxay jariidada "Sydney Morning Herald" ayaa qoray qoraal u dhigmaa kan jariidada "The Age", waxana  kusii dartay in waxa kale ee ay Range Resources ku andacootey ay ka mid yihiin sheegashada wax ku lahaan shada faa'iidada macdanta Yuraanimka ee Peru (Corachapi uranium | Puno, Peru.)

ISHA: The Age oo ka soo baxa Australia...

Tarjumadii SomaliTalk.com

LINK: Australia Stock Exchange
http://www.asx.com.au/index.htm

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 17, 2005

Khudbadihii Gen. Cadde Muuse iyo Dr. Gaagaab ay Jediyeen Habeenkii ay Terry magaalada Dubai ugu Saxiixayeen Qandaraaska...

"Shirkada Consort" oo Saami ahaan 50.1% Khayraadka Puntland ka Iibisey "Shirkada Range Resources", taas oo yeelanaysa xuquuqda gebi ahaan Khayraadka ku jira Puntland.....

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD