SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KHAYRAADKA DABIICIGA


Terry oo Soomaalida Melbourne Ugu Ololaynaya Wixii uga Qabsoomi Waayey Puntland...

Oct 27, 2005




Terry oo Xusuusan waayey Wax Kasta oo Ku saabsan Heshiiskii Dhex Maray "Shirkada Consort" iyo Dawlad Goboleedka Puntland ee ku saabsanaa Lahaanshaha Xuquuqda Macdan iyo Shidaal Qodista Soomaaliya.. GUJI..

Warar SomaliTalk.com ka soo gaarey dalka Australia ayaa shaaca ka qaaday in maanta uu magaalada Melbourne soo gaarey Terry, isaga oo ka soo kicitimay Perth, Australia.

Waxaa wararku tibaaxeen in ujeedada uu magaalada Melbourne u yimid ay tahay in uu la kulmo dad haysta xafiis lagu sheegay "in uusan metelin dhammaan Soomaalida reer Puntland", oo ay furihiisa haystaan dad lagu sheegay in ay "la fikrad yihiin" asaasayaashii "Consort" oo ah "shirkadii" ka dhalatay safarkii uu Terry ku tegey Puntland isagoo xilligaas watey mashruuc xanaanada carruurta ee uu ugu yeeray "Kids In Need".  Taas akhirkii saamiga ugu badan ka iibisey shirkad kale oo la yiraahdo "Range Resources Ltd".

Waxaa warku intaas ku daray in qorshaha safarka Terry ee Melbourne ay ka mid tahay sidii loo agaasimi laha nidaam cadaadis lagu saarayo Ra'iisul wasaaraha DFKMG, Cali Maxamed Geeddi, si uu uga laabto qoraalkii uu u diray suuqa ganacsiga Australia (ASX) ee ku cadaynayey in aan waxba ka jirin heshiisyada shirkadaha shisheeye ay la galeen Puntland haddii aan la soo marin Dawlada Dhexe ee Soomaaliya.

Waxa kale oo maalmahan magaalada Melbourne lagu arkayey waraaqo laga soo daabacay Internetka websiteka shirkadaha ku andacoonaya in ay haystaan ogolanshaha aan cidina kula tartami karin ee xuquuqda shidaal iyo macdan qodista Puntland, waraaqahaas oo la isku deyayo in Soomaalida Melbourne looga dhaadhiciyo in ay iibsadaan saamiyada 'shirkadahaas'.

Dhanka kale waxaa la garey October, laakiin ilaa hadda Puntland wixii ay "Shirkadahasi" ugu ballan qaadeen ma muuqdaan in wax ka hirgaleen. Waxaana qorshuhu ahaa inay Puntland ka hawl galaan ama yimaadaan Puntland October 2005.

Waaya-arag Soomaaliyeed oo weydiistey in aan la magacaabin ayaa yiri "Musuq maasuqa baahey ee kajira Puntland ayaa lagu qarinayaa shirkadaha la sheegayo in ay macdan iyo baatrool ka qodayaan Puntland, haddii run la sheegayo maxaa heshiis loola geli waayey shirkadaha adduunka laga yaqaan ee baara shidaalka, oo xitaa qaar shirkadahaas kamid ah aysan qalabkoodii ka qaadan Soomaaliya markii dagaalku dhacay, kuwaas weli ku sugan Soomaaliya. Waxaa kale oo layaab leh sida aan arrintan loo hor keenin Baarlamaanka Puntland loogana doodin nafaca iyo dhibka ay keeni karaan shirkadahaas sheeganaya in ay dalka barwaaqo ka dhigayaan". Waxana uu intaas ku daray "Terry waxa uu hadda Soomaalida Melbourne ugu ololaynayaa qorshihii ka hir geli waayey Puntland, kaas oo ahaa in shacabka Puntland laga dhaadhiciyo wax aan meel ay salka ku hayaan la aqoon."

October 17kedii ayey ahayd markii Jariidad ka soo baxda Australia ay shaaca ka qaaday in Ra'iisul wasaare Geeddi uu warqad garsiiyey suuqa ganacsiga ee Australia uu uga digayo heshiisyada shirkadaha shisheeye ay la gelayaan dawlad Goboleedyadu in uusan ahayn wax jira ilaa ogolaansho laga helo Dawlada Dhexe ee Soomaaliya. [Akhri warbixintii wargeyska Austlia]

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 27, 2005

Khudbadihii Gen. Cadde Muuse iyo Dr. Gaagaab ay Jediyeen Habeenkii ay Terry magaalada Dubai ugu Saxiixayeen Qandaraaska...

"Shirkada Consort" oo Saami ahaan 50.1% Khayraadka Puntland ka Iibisey "Shirkada Range Resources", taas oo yeelanaysa xuquuqda gebi ahaan Khayraadka ku jira Puntland.....

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD