SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KHAYRAADKA DABIICIGA


Uj: Baaq ay soo saareen dhallinyarada Gobolka Bari oo ku wajahan Shirkad la sheegay inay Macdan baarayso oo heshiis la gashay mas’uuliyiin ka tirsan maamul Goboleedka Puntland.

  • Gobolka Bari, Soomaaliya

Waxaa Maamulkii hore ee Puntland, Cabdullaahi Yuusuf heshiis la galay shirkad lagu magacaabi jiray Hart Group oo fadhigeedu ahaa  Jasiirada Bermuda taasoo aan marna la horgayn Golaha Shacbka, xeer qeexana looga samayn maamulkii jiray berigaa, waxayna shirkadaasi gaysatay dhibatooyin fara badan oo aan la soo koobi karin iyadoo xaalufisay Badihii islamarkaana jariiftay ugxantii, kalluumaysatada yaryarna dhaawac mood iyo noolba leh u gaysatay, waxayna kaloo ku aastay dalka xeebihiisa haraaga sunta ah ee wershadaha dalalka hormaray iyadoo lacago fara badan oo aan xadidnayn laga qaatay shirkadaas kuwaasoo lagu gaaray hadaf jiray xilligaa.

Hadaba waxaa ayaamahan Puntland ka socday xiisad ku saabsan shirkad aan taa kor ku xusan ka ood fogayn, iyadoon Golaha shacabka la horgayn, ayay dowladu heshiis la gashay shirkad magaceeda lagu sheegay “Consort” oo la yiri waxay ka diiwaan gashan tahay  Jasiirad yar oo la yiraahdo Maldives.

Shirkadan waxaa la sheegay inay baarayso macdanta noocyadeeda kala duwan islamarkaana bixinayso 25Milyan oo Dollar sannadkii iyadoo amaankeedana lagu sugayo aduun gaaraya 200,000Us Dollar bil walba.

Hadaba markaan u kuurgalnay shirkadan hantideeda, sharciga caalamiga ah ay haysato, degaankeeda dhabta ah waxa ay doonayso inay Puntland ka qabato iyo qaabka ay u howlgalayso waxaa noo soo baxday arrimahan soo socda. 

1.         Marka hore Shirkadu waxay ku soo gashay dalka oo keenay xiriir uu sameeyay nin samafal u yimid Puntland xilligii Tsunami-ga oo la yiraahdo Terry.

2.         Shirkadu ma laha hanti ay ku howlgasho iyo waayo aragnimo hore sida shirkadaha saliida qoda ee dunida, waxayna ka mushtaraysaa Digaag.

3.         Shirkadani waxay la mid tahay tii Hart-group ee qarsoodiga ahayd, mana laha damaanad sharci.

4.         Shirkadani lama horgayn Golaha Shacabka, aftina looma qaadin.

5.         Sharci iyo xeer qeexayana lagama soo saarin waxyaalaha ay qabanayso, faa’iidada ay helayso, hantida ay galinayso iyo inta ay le’eg tahay miisaaniyadeedu.

6.         Iyadoo ah suuq madoow oo aan sidan aqoonsi caalami ah. [Dullaaliin oo kusii xiriirsan shirkado maqaar saar ah si saamiyo maqaar saar ah looga iibiyo].

7.         Iyadoo ay keeni karto qalaaase iyo iska horimaad  Beelaha wada degga Puntland oo hantida ay ballan qaaday shirkadu bulshada ka dhex abuureysa in aaminaad la'aan.

8.         Iyadoo ay dowlada Fedaraalku ku kala qaybsami karaan, isla markaana keeninna karta kala aamin bax shacabka Soomaaliyeed iyo maamulkooda.

9.         Iyadoo Shirkadihii hore ee saliida ka baaray Soomaaliya cadaadis dowli ah ku saari karaan Dowlada Federaalka KMG ah iyo Maamul goboleedka Puntland sidii loo hakin lahaa geedi socodka nabada iyo soo cellinta qaranimada Soomaaliyeed.

10.     Iyadoo dhaawici karta Bay’ada nadiifka ah ee deegaanka taasoo hakin karta horumarinta iyo xannaanada xoolaha, daaqa iyo reer miyiga si dadbana u wiiqi karta dhaqaalaha dalka.  

Hadaba annagoo ah dhalinyarada u dhalatay Gobolka Bari oo ay shirkadu xoogeedu ku soo wajahan tahay, haddiiba ay hir gasho, waxaan go’aan naga ah in shirkadani  maadaama ay ku sifaysan tahay qodobada kor ku xusan ayan dalka ka shaqayn karin, waan diidan nahay waana  ka soo horjeednaa mana aqbalayno in dalka la keeno wax aan dan u ahayn dadka. Waxaan ugu baaqaynaa Madaxda Puntland ee heshiiskan galay inay sida ugu dhakhsiyaha badan uga laabtaan heshiiska  haddii kale wixii ka yimaada arrintaa waxaa mas’uul ka ah cidda ku xad gudubta qawaaniinta iyo sharafta shacabka Puntland.

W/Q.  Dhalinyarada Gobolka Bari.

Puntland oo ah meel aan shacabku afkaartooda xor u ahayn awgeed, ayaa dhallinyarda Gobolka Bari waxay codsadeen in aan la magacaabin.

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 28, 2005

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD