SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KHAYRAADKA DABIICIGA


December 2002: Heshiis ayaa dhex maray madaxda Somaliland iyo nin lagu magacaabo Meier oo reer Norway ah. Mr. Meier oo uu lasocdey nin asakiisu Hindi yahay oo la yiraahdo Rajan wax ay la kulmeen Daahir Rayaale Kaahin, heshiiskana waxaa la saxiixay wasiirkii Biyaha iyo Khayradka Dabiiciga ah, Mohamed Abdi Farah (Malow). [Eeg halkan]

January 2005 ayey ahayd markii afar dhakhtar ay shegeen in ay woqooyi bari Soomaaliya u safri doonaan bisha Febraury. Dhakhaatiirtaas oo kala ahaa Graham Forward, Wayne Pennington, Mark Salib iyo Debbie Wilson (kalkaaliso). Bishii Febraayo ayey dhakhaatiirtaas reer Australian ah waxay Puntland u yimadeen in ay caawinaad gaarsiiyaan dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartey bad-gariirka (Tsunami).

Waxaa dhakhaatiirtaas soo racay Terry oo reer Australia ah oo markaas sheeganayey in uu ka socdey hay'ad samofal oo caawisa carruurta magaceedana la yiraahdo "Kids In Need".

May 2005: Waxaa magaalada Nairobi ku kulmay Ra'iisul wasaaraha DFKMG iyo mr. Meier oo uu la socdo wiil la yiraahdo C/raxmaan Liibaan oo reer Norway ah. Wiilkii waxaa markiiba loo magacaabay Qunsulka Soomaalida u fadhiya Norway, ninkii reer Norwayna lataliyaha gaarka ah ee Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya kala taliyaha arimaha soo saarida Shiidaalka.

June 10, 2005: Terry waxa uu ka mid noqday wafti uu hoggaminayey madaxweyna DGPL, Gen. Cadde Muuse, waftigaas oo sii maray dubai, kaddibna aadey Nairobi si ayug aqayb galaan xafladii guuritaanka e DFKMg ayugu guureysey Soomaaliya. Waxaa kale oo waftigaas ka mid ahaa Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirika Caalamiga ah ee DGPL, Dr. Faroole. [Eeg halkan]

Waftigii Puntland, Markii ay Nairobi tageen waxay la kulmeen madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha DFKMG, halkaas oo ay ku kala xanaaqen Gen. cadde Muuse iyo C/Laahi Yuusuf kadib markii DFKMG diidey in heshiis loo saxiixo Terry. [Eeg halkan]

August 25, 2005: Ayaa waxaa si weyn u soo shaac baxay heshiiska hoose ee DGPL l agashay Terry in uu ku saabsan yahay dhammaan waxa ku jira dhulk ahoos tiisa, sida macdan, bartool ama gaas. Heshiiskaas oo si qarsoodi ah u socdey.

August 26, 2005: Waxaa maxkamad lasoo taagey ninkii Reer Norway ee heshiiska la galay Somaliland, noqdayna lataliyaha gaarka ah ee Ra'iisul wasaaraha DFKMG ee xagga soo saarida shiidaalka, mr. Meier.

August 28, 2005: ayaa ra'iisul wasaraha DFKMG waxa uu war ka soo saaray magaalada Nairobi uu shaaca kag aqaadayin heshiis caalami ah oo ay gasho Puntland uu yahay waxba kama jiraan... [Eeg Halkan]

August 29, 2005: ayaa DGPL waxay u jawaabtey hadalkii Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, ayagoo soo saaray war saxaafadeed uu ku saxiixnaa Axmed Cabdi Xaabsade oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha & Amniga ee DGPuntland. [Eeg halkan]

Madacweyne kuxigeenka DGPL Maxamed cali Yuusuf GaagabAugust 31, 2005: Magaalaad Dubai ee dalka isutaga imaaraadka carabta waxaa heshiis ku saabsan baaritaanka khayraadka dabiiciga ah kala saxiixday Terry iyo DGPL, waxaana heshiiskaas goob joog ka aha madaxweynaha DGPL iyo wasiirka maaliyada (Dr. Gaagaab).. [Eeg halkan]

September 9, 2005: Madaxweynaha Soomaaliya, C/Laahi Yuusud Axmed oo jooga Jawhar ayaa yiri: "Sharci ahaan marka maanta in Puntland laga gar leeyahay anaa maanta qiraya, weliba Puntland-na waa ka imid, waana ku dhashay, madaxweyne waa  u ahaa, ninkii dembi gelayaa yeelkiis anigu lama wadaago, ninkii khalad gelayaa yeelkiis." [Eeg halkan]

Madacweyne kuxigeenka DGPL Maxamed cali Yuusuf GaagabSeptember 10,2005: Wasiirka maaliyada DGPL, Dr. Gaagaab ayaa shir ku qabtay Boosaaso, waxana uu sheegay shirkada bishiiba ay bixin doonto $200,000 iyadana ammaankeeda loo sugi doono, waxana uu sheegay in ay hawsheeda bilaabi doonto October 2005. [Eeg halkan]

 Cali Maxamed Geeddi oo Maamulka Puntland Uga Baxay ballan Qarsoodi ahayd oo Qoraal ah - Kaddib markii maaamulka Puntland Ka Hor Yimid Hadal uu Dhowaan Sii daayey Geedi....

  • Boosaaso, Soomaaliya | November 18, 2005


LABADA WARQADOOD EE ISKA HOR IMANAYA EE GEEDI KA QORAY SHIIDAALKA PUNTLAND

EEG WARQADII DIIDMADA


EEG WARQADII OGOLAANSHADA

Hadalada is Burinaya ee Cali Geedi....

Ra'iisul wasaraha Dawlada Federaalka ee Soomaaliya loogu soo dhisay dalka Kenya oo habeenimadii Xalay (oo Jimce soo gelayey Nov 18) shir magaalada Brussels ee dalka Belgium kula yeeshay xubno kamid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee deggan Qurbaha ayaa sheegay in aan maamul goboleedyadu wax shaqo ah ku lahayn shiidaalka.

Cali Maxamed Geeddi oo arrintaas ka hadlaya waxa uu yiri "Waan baahanahay baqtiga looma cuno, waan baahanahay kaalaya socon mayso. Kheyraadka dabiiciga ah ee dalka waxaa mas’uul ka ah dowladda dhexe. Maamul goboleedyadu shaqo kuma lahan, kumana xadgudbi karaan intaan noolnahay".

Hadalkaasi waxa uu si toos ah uga hor imanayaa warqad horraantii bishan November uu Cali Maxamed Geedi si hoose ugu qoray Maamul Goboleedka Puntland. Warqadaas oo uu ku hagaajiyey Madaxweyne ku xigeenka DGPL, Xasan Daahir Maxamuud (Af-Qurac) ayuu Puntland ugu ogolaaday in ay heshiis la geli karto "shirkadda Consort".

Warqadaas oo qarsoodi ahayd taariikhda uu Cali Maxamed Geedi saxiixay waxa ay ahayd November 2, 2005, waxana ay ahayd mid ka hor imaneysey warqadii hore ee Ra'iisul wasaaraha DFKMG uu u diray suuqa ganacsiga ee Australia markey taariikhdu ahayd October 10, 2005. Warqadaas hore waxa uu Geedi ku qeexay sida uu u diidanaa in aan shirkado shisheeye oo aan amar ka haysan Dawlada Dhexe aysan heshiis la geli karin dawlad goboleedyada.

Madaxweyne ku xigeenka DGPL, Xasan Daahir Af-Qurac

Cali Maxamed Geedi, Ra'iisulwasaare DFKMG

Arinta oo sidaas ah, oo u muuqata in Cali Geedi uu jebiyey hadalkiisii hore, una muuqda in uu Puntland si xeer hoosaas qarsoodi ah ugu ogolaanayo wixii ay Puntland rabtey oo ahaa in ay sii wadi karto heshiiskii shirkadaha sheegta in ay Australia ka diiwaangashan yihiin, ayaa waxaa dhacday in Madaxweyne ku xigeenka Puntland Xasan Daahir (Af-qurac) uu November 16, 2005 si weyn u dhaliilay hadal aan shiidaalka la xiriirin ee November 11, 2005 ka soo yeeray Ra’isul Wasaare Geedi  - hadalkaas Geedi oo la xiriirey kala geynta wadajirka Soomaaliya iyo in aan dal iyo dad Soomaali ahi ku hoos jirin gumeysi. Xasan Daahir oo arrintaas ka jawaabaya ayaa yiri “Ma aheyn in Ra’isul Wasaaruhu dhex galo arimo noocaas oo kale ah oo ah mid u hiilinaya in Soomaaliya la googooyo” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka oo sheegay in la doonayo in ra’isul Wasaaruhu u raagelin ka bixiyo hadalkaasi oo ah mid u keeni kara Dowladda Federaalka ah sumcad xumo.

Haddaba hadalka  ah in aan Maamul goboleedyadu shaqo kuma lahan shidaalka, kuna xad gudbi karin, ee Xalay ka soo yeeray Geedi ayaa ah mid uu mar labaad ku burinayo warqadii dambe ee qarsoodigaa ahayd, waxana hadalkaasi u muuqda mid jawaab u ah Xasan Daahir Afqurac, madaxweyne ku xigeenka DGPL, oo ah kii uu markii hore ku hagaajiyey warqada.

Warqadii qarsoodigaa ahayd ee Geedi u diray Puntland ee ogolaanshaha shiidaal qodista ahayd, iyo warqadii uu Geedi u diray Suuqa Ganacsiga Australia ee diidmada shidaal qodista ahayd haddii aan amar laga haysan DFKMG, labadaas warqadood oo nuquladoodu soo gaareen SomaliTalk.com waxaad ka daalacan kartaa linkiyada hoose:

EEG WARQADII OGOLAANSHADA (GEEDDI:: Nov 2, 2005)

EEG WARQADII DIIDMADA (GEEDI:: Oct 10, 2005)

HALKAN KA AKHRI WARBIXINTA SHIRKII NOV 18 ee GEEDI

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 18, 2005


C/llaahi Yuusuf Axmed oo ka dalbaday maamulka Puntland in aysan Kalsoonida kala laaban Raiisul wasaare Geedi....

iyo Xubnaha labada Gole ee ku sugan Muqdisho oo Sheegay in hadalkii ka soo yeeray Ra’isul Wasaare Geedi  ay go’aan ka soo saari doonaan marka uu dib ugu soo laabto dalka....

War-bixinnadii: Amiin Yuusuf | Xamar, Soomaaliya

Nov 19, 2005

abdullahi YusufMadaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa waxa uu ka dalbaday Maamul Gobaleedka Puntland in aysan kalsoonida kala laaban Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi kaddib markii uu dhawaan Ra’isul Wasaaruhu ku dhawaaqay  in uu aqoonsanayo maamulka la magacbaxay Soomaaliland haddii uu aqoonsi ka helo caalamka, wuxuuna C/llaahi Yuusuf u sheegay mas’uuliyiinta maamul Gobaleedka Puntland in ay sugaan inta uu dib ugu soo laabanayo dalka gudihiisa.

Sidoo kale maamul Gobaleedka Puntland waxa uu shaaca ka qaaday in uu burburay heshiiskii dhex maray maamul Gobaleedka Puntland iyo Ra’isul Wasaare Geedi ee  ahaa habka loo qodayo shidaalka ku jira deegaanada maamul Gobaleedkaasi.

Hadalka ka soo yeeray Ra’isul Wasaare Geedi waxaa si aad ah uga xumaaday inta badan shacabka Soomaaliyeed, iyagoo sheegay in mas’uul jagadaasi haya uu Soomaaliya u horseedo kala go’ iyo kala qayb qaybin ay tahay mid si aad ah looga xumaado.

Madaxweyne ku xigeenka maamul Gobaleedka Puntland Xasan Daahir Af-Gurac ayaa waxa uu ka codsaday Ra’isul Wasaaraha in uu raagelin ka bixiyo hadalkii ahaa in uu aqoonsanayo maamulka Soomaaliland,  wuxuuna sheegay in haddii taa yeeli waayo uu xumaan doono xiriirka u dhexeeya maamulka Puntland iyo Dowladda uu Ra’isul Wasaaraha ka yahay Cali Max’ed Geedi.

Xubnaha labada Gole ee ku sugan Muqdisho oo Sheegay in hadalkii ka soo yeeray Ra’isul Wasaare Geedi  ay go’aan ka soo saari doonaan marka uu dib ugu soo laabto dalka

MUQDISHO::: Xubnaha Labada oo Cambaarayn Kulul u soo Jeediyey Hadalkii Geeddi
Kulan ay maanta Hotel Saxafi ku yeesheen xubnaha labada gole ee ku xugan Muqisho ayaa lagu soo dhisay guddi kaddib markii..
Guji

Xubnaha labada Gole ee ku sugan Muqdisho ayaa Nov 19, 2005 si weyn uga dooday dhowr qodob oo la xiriira xaalada dalka, waxaana qodobadaasi ka mid ahaa hadalkii dhawaan ka soo yeeray Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi oo uu ku taageerayay goosashada maamulka la magacbaxay Soomaaliland, waxaa kaloo ka mid ah qodobada ay ka doodeen faragelinta ay dowladda Itoobiya ku hayso gudaha Soomaaliya iyo maamul u sameynta gobalka Banaadir.

Xubnaha labada Gole waxa ay cabaareeyeen xadgudubka joogta ah oo ay ciimada Itoobiya ku hayaan gudaha dalka Soomaaliya, waxayna si gaar ah u cambeereeyeen falkii ciidamada Itoobiya ay ku kaxeysteen shan qof oo deganaa Tuulada Bacaad ee ka tiran Gobalka Hiiraan, waxayna codsadeen in si shuruud la’aan ah loo sii daayo Odoyashaasi.

            Mar ay ka hadlayeen arrimaha maamul u sameynta Gobalka Banaadir waxa uu Goluhu sheegay in ay meel wanaagsan marayaan howlihii maamulo u sameynta Gobalka Banaadir.

            Mar ay soo hadal qaadeen hadalkii ka soo yeeray Ra’isul Wasaare Geedi waxa ay sheegeen in ay go’aan ka soo saari doonaan marka uu dib ugu soo laabto Ra’isul Wasaaruhu dalka, waxay kaloo sheegeen in ay diyaar u yihiin in khilaafka u dhexeeya xubnaha labada Gole lagu dhameeyo wada hadal iyo is afgarad, si dowladdu ay ugu suurtagasho wax ka qabashada dhibaatada ka taagan dalka.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
Email: amiinkhasaaro@hotmail.com


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD