SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KHAYRAADKA DABIICIGA


December 2002: Heshiis ayaa dhex maray madaxda Somaliland iyo nin lagu magacaabo Meier oo reer Norway ah. Mr. Meier oo uu lasocdey nin asakiisu Hindi yahay oo la yiraahdo Rajan wax ay la kulmeen Daahir Rayaale Kaahin, heshiiskana waxaa la saxiixay wasiirkii Biyaha iyo Khayradka Dabiiciga ah, Mohamed Abdi Farah (Malow). [Eeg halkan]

January 2005 ayey ahayd markii afar dhakhtar ay shegeen in ay woqooyi bari Soomaaliya u safri doonaan bisha Febraury. Dhakhaatiirtaas oo kala ahaa Graham Forward, Wayne Pennington, Mark Salib iyo Debbie Wilson (kalkaaliso). Bishii Febraayo ayey dhakhaatiirtaas reer Australian ah waxay Puntland u yimadeen in ay caawinaad gaarsiiyaan dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartey bad-gariirka (Tsunami).

Waxaa dhakhaatiirtaas soo racay Terry oo reer Australia ah oo markaas sheeganayey in uu ka socdey hay'ad samofal oo caawisa carruurta magaceedana la yiraahdo "Kids In Need".

May 2005: Waxaa magaalada Nairobi ku kulmay Ra'iisul wasaaraha DFKMG iyo mr. Meier oo uu la socdo wiil la yiraahdo C/raxmaan Liibaan oo reer Norway ah. Wiilkii waxaa markiiba loo magacaabay Qunsulka Soomaalida u fadhiya Norway, ninkii reer Norwayna lataliyaha gaarka ah ee Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya kala taliyaha arimaha soo saarida Shiidaalka.

June 10, 2005: Terry waxa uu ka mid noqday wafti uu hoggaminayey madaxweyna DGPL, Gen. Cadde Muuse, waftigaas oo sii maray dubai, kaddibna aadey Nairobi si ayug aqayb galaan xafladii guuritaanka e DFKMg ayugu guureysey Soomaaliya. Waxaa kale oo waftigaas ka mid ahaa Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirika Caalamiga ah ee DGPL, Dr. Faroole. [Eeg halkan]

Waftigii Puntland, Markii ay Nairobi tageen waxay la kulmeen madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha DFKMG, halkaas oo ay ku kala xanaaqen Gen. cadde Muuse iyo C/Laahi Yuusuf kadib markii DFKMG diidey in heshiis loo saxiixo Terry. [Eeg halkan]

August 25, 2005: Ayaa waxaa si weyn u soo shaac baxay heshiiska hoose ee DGPL l agashay Terry in uu ku saabsan yahay dhammaan waxa ku jira dhulk ahoos tiisa, sida macdan, bartool ama gaas. Heshiiskaas oo si qarsoodi ah u socdey.

August 26, 2005: Waxaa maxkamad lasoo taagey ninkii Reer Norway ee heshiiska la galay Somaliland, noqdayna lataliyaha gaarka ah ee Ra'iisul wasaaraha DFKMG ee xagga soo saarida shiidaalka, mr. Meier.

August 28, 2005: ayaa ra'iisul wasaraha DFKMG waxa uu war ka soo saaray magaalada Nairobi uu shaaca kag aqaadayin heshiis caalami ah oo ay gasho Puntland uu yahay waxba kama jiraan... [Eeg Halkan]

August 29, 2005: ayaa DGPL waxay u jawaabtey hadalkii Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, ayagoo soo saaray war saxaafadeed uu ku saxiixnaa Axmed Cabdi Xaabsade oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha & Amniga ee DGPuntland. [Eeg halkan]

Madacweyne kuxigeenka DGPL Maxamed cali Yuusuf GaagabAugust 31, 2005: Magaalaad Dubai ee dalka isutaga imaaraadka carabta waxaa heshiis ku saabsan baaritaanka khayraadka dabiiciga ah kala saxiixday Terry iyo DGPL, waxaana heshiiskaas goob joog ka aha madaxweynaha DGPL iyo wasiirka maaliyada (Dr. Gaagaab).. [Eeg halkan]

September 9, 2005: Madaxweynaha Soomaaliya, C/Laahi Yuusud Axmed oo jooga Jawhar ayaa yiri: "Sharci ahaan marka maanta in Puntland laga gar leeyahay anaa maanta qiraya, weliba Puntland-na waa ka imid, waana ku dhashay, madaxweyne waa  u ahaa, ninkii dembi gelayaa yeelkiis anigu lama wadaago, ninkii khalad gelayaa yeelkiis." [Eeg halkan]

Madacweyne kuxigeenka DGPL Maxamed cali Yuusuf GaagabSeptember 10,2005: Wasiirka maaliyada DGPL, Dr. Gaagaab ayaa shir ku qabtay Boosaaso, waxana uu sheegay shirkada bishiiba ay bixin doonto $200,000 iyadana ammaankeeda loo sugi doono, waxana uu sheegay in ay hawsheeda bilaabi doonto October 2005. [Eeg halkan]

Geedi oo heshiis la galay shirkad badda Ilaalisa

• Ra'iisul Wasaraha DFKMG ah ee Somaliya Prof. Cali Maxamed Geddi ayaa heshiis caalami ah la saxiixday shirkad Maraykan ah oo lagu magacabo Topcat Marine Security taas oo ilalineysa xeebaha Somaliya.

Faafin: Nov 26, 2005 | Dhegeyso halkan...

Xafladda lagu kala saxiixanayey heshiiskan oo ka dhacday magalada Nayrobi ayey waxyabihii heshiiskoda qorayay ka mid ahaa iney ilaaliyaan xeebaha Soomaaliya isla markaana il gaar ah ku eegayaan burcad badeedka ka qowleysata xeebaha Soomaaliya iyo Mraakiibta shisheeye ee qashinka haraaga sunta ku soo shuba.

Ra'iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka KMG ah ee Somaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi oo heshiiskas kadib saxaafadda ugu waramay ayaa sheegay in uu yahay heshiiskan mid soo afjaraya dhibaatada ba'an ee ka taagan xeebaha dalka Soomaaliya iyo xadgudubyada loo geysto xeebaha Soomaaliya, wuxuuna rajo ka muujiyay in ay keeneyso isbadel ku yimaada Xeebaha Soomaaliya.
 
Shirkaddan oo howlaha ay ka qabaneyso xeebaha Soomaaliya ugu baxayaan qarash lacageed oo dhan 50 Milyan oo Dollarka Mareykanka ah. 

Shirkadahaan kharashka kaga baxa ilaalinta badaha ayaa badanaa waxay ka qataan maraakiibta sida sharci darada wadanka uga Kaluumaysata kuwaas oo ay heshiis labaad la galaan isla markaana dakhliga ay helaan ayaan soo dhaafin jeebka dadka Mukhalasiinta ka ah shirkadahaan iyo siyaasiyiinta sixiixday.

Dowlad goboleedka Puntland ayaa heshiis midkaan la mid ah horay ula gashay shirkad ilaalisa badaha hoos yimaada Puntland, shirkadaas ayaa waxa lagu magacaabi jiray Hart-Group, taas oo aysan shacabka reer Puntland ka faa'idin waxtarkeeda madaama ay isu badashay shirkad ilaalisa ganacsato si sharci daro ah badda uga Kalumaysta.

Hadaba heshiiskaan ayaan filaynaa un uusan la mid noqon kuwii hore shacabka iyo saxafada Somaliyed aysan maqlin marka uun la sixiixay balse nafciga ka soo baxa uu noqdo mid la horkeeno golyasha dowlada isla markaana waxtarkiisa wadanka dib ugu noqda.

Isha: Garoweonline.com

Faafin: Nov 26, 2005

Geeddi oo Galay  Khiyaanno Qaran oo Kale 


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD