SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KHAYRAADKA DABIICIGA


December 2002: Heshiis ayaa dhex maray madaxda Somaliland iyo nin lagu magacaabo Meier oo reer Norway ah. Mr. Meier oo uu lasocdey nin asakiisu Hindi yahay oo la yiraahdo Rajan wax ay la kulmeen Daahir Rayaale Kaahin, heshiiskana waxaa la saxiixay wasiirkii Biyaha iyo Khayradka Dabiiciga ah, Mohamed Abdi Farah (Malow). [Eeg halkan]

January 2005 ayey ahayd markii afar dhakhtar ay shegeen in ay woqooyi bari Soomaaliya u safri doonaan bisha Febraury. Dhakhaatiirtaas oo kala ahaa Graham Forward, Wayne Pennington, Mark Salib iyo Debbie Wilson (kalkaaliso). Bishii Febraayo ayey dhakhaatiirtaas reer Australian ah waxay Puntland u yimadeen in ay caawinaad gaarsiiyaan dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartey bad-gariirka (Tsunami).

Waxaa dhakhaatiirtaas soo racay Terry oo reer Australia ah oo markaas sheeganayey in uu ka socdey hay'ad samofal oo caawisa carruurta magaceedana la yiraahdo "Kids In Need".

May 2005: Waxaa magaalada Nairobi ku kulmay Ra'iisul wasaaraha DFKMG iyo mr. Meier oo uu la socdo wiil la yiraahdo C/raxmaan Liibaan oo reer Norway ah. Wiilkii waxaa markiiba loo magacaabay Qunsulka Soomaalida u fadhiya Norway, ninkii reer Norwayna lataliyaha gaarka ah ee Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya kala taliyaha arimaha soo saarida Shiidaalka.

June 10, 2005: Terry waxa uu ka mid noqday wafti uu hoggaminayey madaxweyna DGPL, Gen. Cadde Muuse, waftigaas oo sii maray dubai, kaddibna aadey Nairobi si ayug aqayb galaan xafladii guuritaanka e DFKMg ayugu guureysey Soomaaliya. Waxaa kale oo waftigaas ka mid ahaa Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirika Caalamiga ah ee DGPL, Dr. Faroole. [Eeg halkan]

Waftigii Puntland, Markii ay Nairobi tageen waxay la kulmeen madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha DFKMG, halkaas oo ay ku kala xanaaqen Gen. cadde Muuse iyo C/Laahi Yuusuf kadib markii DFKMG diidey in heshiis loo saxiixo Terry. [Eeg halkan]

August 25, 2005: Ayaa waxaa si weyn u soo shaac baxay heshiiska hoose ee DGPL l agashay Terry in uu ku saabsan yahay dhammaan waxa ku jira dhulk ahoos tiisa, sida macdan, bartool ama gaas. Heshiiskaas oo si qarsoodi ah u socdey.

August 26, 2005: Waxaa maxkamad lasoo taagey ninkii Reer Norway ee heshiiska la galay Somaliland, noqdayna lataliyaha gaarka ah ee Ra'iisul wasaaraha DFKMG ee xagga soo saarida shiidaalka, mr. Meier.

August 28, 2005: ayaa ra'iisul wasaraha DFKMG waxa uu war ka soo saaray magaalada Nairobi uu shaaca kag aqaadayin heshiis caalami ah oo ay gasho Puntland uu yahay waxba kama jiraan... [Eeg Halkan]

August 29, 2005: ayaa DGPL waxay u jawaabtey hadalkii Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, ayagoo soo saaray war saxaafadeed uu ku saxiixnaa Axmed Cabdi Xaabsade oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha & Amniga ee DGPuntland. [Eeg halkan]

Madacweyne kuxigeenka DGPL Maxamed cali Yuusuf GaagabAugust 31, 2005: Magaalaad Dubai ee dalka isutaga imaaraadka carabta waxaa heshiis ku saabsan baaritaanka khayraadka dabiiciga ah kala saxiixday Terry iyo DGPL, waxaana heshiiskaas goob joog ka aha madaxweynaha DGPL iyo wasiirka maaliyada (Dr. Gaagaab).. [Eeg halkan]

September 9, 2005: Madaxweynaha Soomaaliya, C/Laahi Yuusud Axmed oo jooga Jawhar ayaa yiri: "Sharci ahaan marka maanta in Puntland laga gar leeyahay anaa maanta qiraya, weliba Puntland-na waa ka imid, waana ku dhashay, madaxweyne waa  u ahaa, ninkii dembi gelayaa yeelkiis anigu lama wadaago, ninkii khalad gelayaa yeelkiis." [Eeg halkan]

Madacweyne kuxigeenka DGPL Maxamed cali Yuusuf GaagabSeptember 10,2005: Wasiirka maaliyada DGPL, Dr. Gaagaab ayaa shir ku qabtay Boosaaso, waxana uu sheegay shirkada bishiiba ay bixin doonto $200,000 iyadana ammaankeeda loo sugi doono, waxana uu sheegay in ay hawsheeda bilaabi doonto October 2005. [Eeg halkan]

 Geeddi oo Galay  Khiyaanno Qaran oo Kale 

Cabdulwaaxid Khaliif 

  cabdulwaxid@hotmail.com 

London, UK | Nov 26, 2005


...Heshiiskii Xasan Abshir iyo Geeddi la galeen shirkad lagu sheegay inay difaaceyso xeebaha Soomaaliyeed ayaa mar kale furay shaki ah in  madaxda dowladda qaarkood sameynayaan waxay rabaan. Shirkaddaas waxaa lagu sheegay “Topcat marine security”. Xasan Abshir wuxuu sheegay in shirkaddaasi ugu timid madaxweyne C/hi New York markuu ka qeybgalayey shirkii hogaamiyayaasha adduunka. Xasan Abshir wuxuu sheegay inuu ogaa shirkaddaas ayna marar badan la soo xiriireen intaan Geeddi iyo isagu saxiixin. Dhegeyso halkan...


Qorshihii Barre-hiiraale oo Maxamed-dheere kala Qaaray; Xilkii Qanyare oo Xasan Abshir Qaatay iyo Geeddi oo Galay  Khiyaanno Qaran oo Kale 

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

Ninkii wax garqaadilahaa haddii isaga la garqaado, yaa raggaas kala qaban? Barre-hiiraale wuxuu yiri hala igu sharfo inaan madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka heshiisiiyo, sida la sheegeyna ma jirin qolo diidday. Dhabcan Geeddi wuxuu ku dabofeyshanyahay madaxweynaha maaddaama la rabay inuu yahay nin gooni u taagan. Waxaa dad badan yaxyax ku riday qodobbadii Jowhar looga dhawaaqay ee ahaa in 36 xubnood oo labada dhinac ka kala socdaa ay ku shiraan Kismaayo si ay waddada ugu sii xaaraan kulanka ka dhacaya Jowhar. Gogosha Barre-hiiraale iyo Kismaayo waxay la mid noqotay xulka Juunyeerka Soomaaliyeed halka xulka qaranka Soomaaliyeed la rabo inuu ku ciyaaro Jowhar! Ma garanayo waxa beddelay qorshihii korneylka. Ma Kismaayuu ka baqay kaddib markii Muuse Suudi iyo Qanyare dhaheen waxaan la tageynaa tikniko badan? Ma Maxamed-dheeraa diiday? Ma Itoobiyaa ku gacanseyrtay? 

Horuu Juriille u qaatay jagadii ra’iisulwasaaraha. La yaab ma leh in Juriille u raaco Geeddi dibadaha maaddaama uu sito jago ah iskaashiga iyo xiriirka caalamiga laakiin guddoomiyaha Koonfurta Mudug ayaa dadka ku baraarujiyey in xitaa Juriille usoo dhigtay inuu ka hadlo waaxihii loo qeybiyey gobollada Soomaaliyeed. Guddoomiyuhu wuxuu yiri sidee Juriille arrintaas uga hadlikaraa wasiirkii arrimaha gudaha oo soo taagan? Hadda heshiiskii Xasan Abshir iyo Geeddi la galeen shirkad lagu sheegay inay difaaceyso xeebaha Soomaaliyeed ayaa mar kale furay shaki ah in  madaxda dowladda qaarkood sameynayaan waxay rabaan. Shirkaddaas waxaa lagu sheegay “Topcat marine security”. Xasan Abshir wuxuu sheegay in shirkaddaasi ugu timid madaxweyne C/hi New York markuu ka qeybgalayey shirkii hogaamiyayaasha adduunka. Xasan Abshir wuxuu sheegay inuu ogaa shirkaddaas ayna marar badan la soo xiriireen intaan Geeddi iyo isagu saxiixin. 

:::SUNTA HALISTA AH:::

Yuusuf Baribari oo sheegay in Talyanigu uu Soomaaliya u soo dirayo khubaro baaritaan ku samaysa sunta lagu sheegay Soomaaliya...
Dhegeyso waraysi uu siiyey radio daljir
Sidoo kale dhegeyso waraysigii Bashiir Sh. Maxamed ee noocyada sunta halista ah  Dhegeyso
Waraysigii Radi Dalmar

Warbixintii VOA ee sunta ku duugan Soomaaliya Dhegeyso
SUNTA KU DUUGAN SOOMAALIYA
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17

Xasan Abshir wuxuu si fiican u sharxay dhibka lagu hayo badaha Soomaaliyeed. Ha ahaadeen kuwa ay wadaan maraakiibta shisheeye ee ka kalluumeysta; sunta lagu duugo iyo burcad-badeedka Soomaaliyeed. Wuxuu carrabka ku dhuftay baahida loo qabo in arrintaas wax laga qabto. Hadalka Xasan sax buu ahaa laakiin waddaday mareen baa khaldaneyd. Laakiin waxaa dadka siyaasadda Soomaaliya u kuurgala ka yaabiyey sida Maxamed Qanyare uu saxiixaas ugu sheegay burcadnimo iyo boob. Qanyare wuxuu si cilmiyeysan u kala dhig dhigay inuusan Xasan Abshir shuqul ku lahayn wax ku saabsan amniga waddanka. Keliya uu golaha wasiirrada soo hordhigokaro si looga hadlo dhibta lagu hayo kheyraadka waddanka. Arrintu waa sida Qanyare u sheegay. Waxaan rabaa inaan sii xoojiyo arrinta Qanyare si dadka Soomaaliyeed u fahmaan waxa ra’iisulwasaare ama wasiir samaynkaro iyo wuxuusan samaynkarin. Bishaan Nufeembar waxaa ra’iisulwasaaraha Britain soo bandhigay qorshe ahaa in dadka “argagixisadaa” (muslimiinta) la heynkaro muddo 90 cisho ah inta baaritaan lagu hayo iyagoon maxkamad la soo taagin. Waxaa ra’iisulwasaaraha fikraddaas la qabay taliyaha booliiska Britain laakiin arrintaas waxaa gaashaanka ku dhuftay xildhibaannada baarlamaanka Britain. Xildhibaannada arrintaas diiday waxaa ku jiray in ka badan 30 ka tirsan xisbiga talada haya. Sidee ku dhicikartaa in Geeddi iska saxiixo heshiis horay loo soo maleegay isagoon soo marin labada gole midna? Mise Soomaalidaa dimuqraadiyadda uga horraysa caalamka kale? Qanyare haba laga hor istaago in loo sheego wuxuu wasiirka ku ahaaye meeyey Xuseen Ceydiidkii iyaga la jaalka ahaa? Ileyn isna waa wasiirka arrimaha gudahee mase laga wergeliyey arrintaas? Saxiixase goobjoog ma ka ahaa? 

Horta waxaannu ku leennahay Barre-hiiraale waad ku mahadsantahay isku deygaas aad ku rabtay inaad isagu keento xubnaha uga sarsarreeya waxa lagu soo dhisay Kenya. Teeda kale waxaan kaa codsan lahayn inaad ka ogolaatid

ummadda Soomaaliyeed inay arkaan  xildhibaannada oo ku shiraya Kismaayo si looga hadlo khiyaamooyinka qaran ee Geeddi ka galayo waddanka Soomaaliyeed. Xildhibaan kasta oo xalaal ah waxaan u caddaaneysa waxa Geeddi muteysandoono, khaladaadkiisan owgeed: 

  1. Geeddi oo loo doortay inuu Xamar wax ka qabto sidoo kalana la xaalo hogaamiyayaasha qoladiisa ah laakiin arrintaas ku guuldarraystay.
     
  1. Geeddi oo daciifnimadiisu soo baxday markuu sheegay inuu Xamar degayo kaddibna ka laabtay markii Maxamed-dheere saxaafadda ka yiri: Geeddi baa dadkii jahwareerinaya – Xamar baa la degayaa; Jowhar baa la degayaa; Xamar baa la degayaa; Jowhar baa la degayaa. Maxamed-dheere wuxuu intaas ku daray in dowladdu raadsato magaalo kale maaddaama aanu Jowhar wada qaadikarin.
     
  1. Geeddi oo markuu xilkiisii ka soo bixiwaayey gudogalay inuu magacaabo guddoomiyayaal gobollo sida Banaadir iyo Hiiraan.
     
  1. Geeddi wuxuu geesmaray hadafkii shirkii Kenya isagoo mar kasta caaya kuwa Xamar jooga halkii laga rabay inuu walaaloow wax ku wado.
     
  1. Isagoo bilaabay shaqsi weerar markuu sheegtay inuu xiray garoomadii diyaaradaha ee Deyniile iyo Ceel Axmed. Halkaas oo uu sii kordhiyey qabiilada ku kacsan dowladdiisa.
     
  1. Isagoo mowqif iska soo horjeeda ka istaagay arrintii shidaal-baarkii Puntland. Mar Puntland buu yiri wata howshkiina marna wuu ka horyimid. Kaddib markii wafti Puntland ka socda Jowhar ugu yimaadeen ayuu yiri howshiinna wata haddana Brussels buu ka yiri cid aan dowladda dhexe ahayn kama hadli karto shidaalka iyo kheyraadka waddanka.
     
  1. Wuxuu sheegay in dib-u-heshiisiintii dhammaatay halka wasiirradiisii iyo xubnihii baarlamaanka ee ay isku fikirka ahaayeen ay leeyihiin waxaan magacaawney guddiyo ku kala shiraya Kismaayo iyo Jowhar. Marka haddii dib-u-heshiisiintii dhammaatay maxaa laga heshiinayaa?
     
  1. Wasiirradiisii iyo isaga ayaa waxay gobolladii Soomaaliyeed u qeybiyeen 6 waaxood oo Somaliland ku jirto iyagoon xildhibaanno iyo ergooyinkii Kenya joogay midna la tashan.
     
  1. Isla Geeddi ayaa sheegay inuusan waxba ka qabin haddii Somaliland la aqoonsado sidoo kalana uu yiri ma jirto dhib heysta iyo wax ka maqan Soomaali Galbeed iyo NFD iyadoo maalinka uu hadalkaas leeyahay lagu xasuuqay Qabri-daharro dad badan oo Soomaaliyeed sidoo kalana la gubay tuulo u dhow.
     
  1. Wuxuu u rukuucay cadaadiska Zenawi isagoo leh: dowladdii Carta waxaa riday Zenawi marka suusan tan u ridin waa inaan yeelnaa wuxuu noo jeediyo. Arrintasi waxay  dhinac marsantahay dhaqanka muslimiinta iyo kan gaalada. Ilaahay wuxuu na baray ineynaan isu dhiibin cadowga ugu weyn – sheydaan iska daa mid ka yare. Wuxuu Islaamku sheegay inaan cadowga cadow ka yeelano. Sidoo kale qofkii la socda taariikhda binu-Aadamka, lama arag cid leh cadow la isu dhiibo. Fiiri dagaalkii labaad siduu yeelay ra’iisul wasaarihii Britain, Churchill. Britain xag ciidan, cududda iyo tiknoolajiyaddaba aad bay uga hooseysay Jarmalka. Laakiin markii Hitler uu cagta mariyey Poland oo uu qabsaday Paris baa Britain dagaal iclaamisay iyadoon Britain weli la soo weerarin. Churchill sida Geeddi ma oran cadowga hala raalligeliyo laakiin wuxuu isku dayey inuu mintido intii la qabsanlahaa oo uu isdhiibilahaa.
     
  1. Geeddi waa ninka leh Zenawina ha loo rukuuco halka uu Maraykan, Britain iyo Carabahana ku jeesjeesayo. Wuxuu yiri Britain iyadu waxay iska dabo-ordeysaa Maraykanka. Wuxuu kaloo yiri: meeye Carabihii la lahaa isku diin baad tihiin?
     
  1. Geeddi waa ninka ku koobay kooxdiisa oo keliya aqoon-isweydaarsigii loogu talogalay sidii wax loogu qaban lahaa gobollada Soomaaliyeed.
     
  1. Meyd waxaa u dambeeyey kaas la sii wado. Akhristayaal wakaas Geeddi shirkado u saxiixaya baddii Soomaaliyeed isagoon ogeysiin labada gole ee waddanka midna.

Xildhibaanno iyo akhristayaal soow si isku mid ah wax uma aragno? Ninkaasi wuxuu isku sii dirayaa qabiillada Soomaaliyeed marka haddaan intey goori goor tahay wax laga qaban waxaa la arki doonaa in wax la isweydiiyo markey xeero iyo fandhaal kala dhacaan. Waxaan filayaa in la helikaro xildhibaanno xilka ka xayuubinkara Geeddi haddii la helo meel lagu shiro sida Kismaayo oo kale iyo dhaqaale shirkaas lagu maalgasho. Khiyaamooyinkaas darteed waxaa la gudboon dadka dibadaha jooga iyo ganacsatada Soomaaliyeed iney diyaariyaan hantidii shirkaas lagu qabanlahaa si aan uga badbaadno sharta Zenawi noo maleegayo. Xildhibaannada qaar baa ka hadlay khiyaamada Geeddi oo Xamar jooga. Qaar waxaa damqaya waxa Geeddi ka yiri walaalahooda ku hoosjira gumeysiga. Kuwa Waqooyi iyo Puntland  ka soo jeeda waxaa dhibaya hadalka Geeddi ee aan loo meeldayin. Kuwa intaas ka soo hara waa Ilmo Zenawi oo fara-ku-tiris ah danna kama lihin.  

Marka waxaa korneylka u fiicneyd inuu si fiican u diido gosha Barre-hiiraale isagoon boor isku qarinin. Marka waa waqtigii kooxda Xamar iyo Barre-hiiraale ka tashanlahaayeen C/hi iyo Maxamed-dheeraha uu martida u yahay.

Cabdulwaaxid Khaliif 
 cabdulwaxid@hotmail.com
 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 26, 2005

 


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD