SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KHAYRAADKA DABIICIGA



Axmed Cawed Casharo

Jeneral Cadde muuse xirsi

Xildhibaan Casharo oo ka Hadlay Muranka "Shirkadaha Macdanta" ee ka Taagan Puntland...

Mdaxweynaha Puntland haka soo Dego Faraska Cad ee uu ku joogo..."

Madaxweynaha DGPL oo u ambabaxay Dalka Yemen...

Boosaaso: Waxaa Arbacadii Maarso 22, 2006 dalka Yemen u ambabaxay madaxweynaha DGPL, Cadde Muuse, waxana uu ka duulay garoonka diyaaradaha ee magalada Boosaaso.

Lama faahfaahin ujeedada Safarka Yemen ee xilligan iyadoo Puntland ay hadda ka jiraan xaalado muran oo la xiriira Shirkad asalkeeda ka diiwaan gashan Jasiirada Maldvis, laakiin sheegata in ay tahay Australian, taas oo rabta in ay Macdan ka qotado Puntland. Arrintaas oo aysan Dawlada Dhexe iyo DGPL isku waafaqsanayn, isla mar ahaantasna aan Baarlamaanka Puntland xeer ka soo saarin.

Idaacad ka hadasha Dalka Australia oo la yiraado SBS ayaa Arbacadii arrinta shirkadaas iyo xaalada Puntland waraysi kala yeelatay Xildhibaan Axmed Cawed Casharo oo Jooga Baydhabo.

Waraysigaas waxa uu Casharo kaga hadlay shirkada sheegata in ay tahay Australia, laakiin ka diiwaan Gashan Jasiirada Maldavis, taas oo uu ku tilmaamay shirkad cashuur ka carar ah.

Cawed Casharo waxa uu muujiyey sida uu walaaca uga qabo shirkadaas ay wataan maamulka DGPL. Waxa uu sheegay in Madaxweynaha Puntland uu u garab dhiibiyey oo uu maqli waayey oo uu labaatan Tekniko ah geeyey halkaan. Waxana uu Casharo sheegay in sharcigu uu dhigayo in arrin dawlada dhexe ay sharci u leedahay in aan Dawlad Goboleedku geli karin. Waxana uu intaas ku daray in shariikadaas la siiyey Puntland oo dhan aysan ahayn shirkad jirta, taas oo uu ku tilmaamay in ay tahay shirkad u dhaqmeysa sidii burcadii. Waxana uu digniin cad siiyey shirkadaas si ay uga laabtan Puntland.

Xildhiban Casharo waxa uu baq u diray Dawlada Australia, Suuqa Ganacsiga Austria iyo Jaaliyada Soomaaliyeed sidii arrintaas wax looga qaban lahaa. Waxana uu sheegay in barlamaanka Dawlada Dhexe ay soo wadaan qorshe ama Mooshan looga hadli doono xaalada iyo arrimaha ka jira Puntland.

"Dibitaatiyasha (Xildhibaanada) ayaan la hadleynaa, Wasiirada ayaan la hadleynaa, Madaxwene ku xigeenka ayaan la hadleynaa si loogu caqli celiyo Maxaxweynaha Puntland (Cadde Muuse), faraska cad ee uu ku joogona ka soo dego, Gartona dantu in ay ku jirto nabad iyo xasiloonaan in meeshaas laga helo." ayuu yiri Xildhibaan Casharo.

Waraysigaas oo uu qaaday Ciise Maxamuud Dhoolawaa  Halkan dhegeyso (Casharo oo u waramay Australia SBS)

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ka hadlay arrinta Majayahan....

HESHIISKA OO AF-INGIRIISI AH ....

Faafin: SomaliTalk.com | Maarso 23, 2006


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD