SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KHAYRAADKA DABIICIGA


December 2002: Heshiis ayaa dhex maray madaxda Somaliland iyo nin lagu magacaabo Meier oo reer Norway ah. Mr. Meier oo uu lasocdey nin asakiisu Hindi yahay oo la yiraahdo Rajan wax ay la kulmeen Daahir Rayaale Kaahin, heshiiskana waxaa la saxiixay wasiirkii Biyaha iyo Khayradka Dabiiciga ah, Mohamed Abdi Farah (Malow). [Eeg halkan]

January 2005 ayey ahayd markii afar dhakhtar ay shegeen in ay woqooyi bari Soomaaliya u safri doonaan bisha Febraury. Dhakhaatiirtaas oo kala ahaa Graham Forward, Wayne Pennington, Mark Salib iyo Debbie Wilson (kalkaaliso). Bishii Febraayo ayey dhakhaatiirtaas reer Australian ah waxay Puntland u yimadeen in ay caawinaad gaarsiiyaan dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartey bad-gariirka (Tsunami).

Waxaa dhakhaatiirtaas soo racay Terry oo reer Australia ah oo markaas sheeganayey in uu ka socdey hay'ad samofal oo caawisa carruurta magaceedana la yiraahdo "Kids In Need".

May 2005: Waxaa magaalada Nairobi ku kulmay Ra'iisul wasaaraha DFKMG iyo mr. Meier oo uu la socdo wiil la yiraahdo C/raxmaan Liibaan oo reer Norway ah. Wiilkii waxaa markiiba loo magacaabay Qunsulka Soomaalida u fadhiya Norway, ninkii reer Norwayna lataliyaha gaarka ah ee Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya kala taliyaha arimaha soo saarida Shiidaalka.

June 10, 2005: Terry waxa uu ka mid noqday wafti uu hoggaminayey madaxweyna DGPL, Gen. Cadde Muuse, waftigaas oo sii maray dubai, kaddibna aadey Nairobi si ayug aqayb galaan xafladii guuritaanka e DFKMg ayugu guureysey Soomaaliya. Waxaa kale oo waftigaas ka mid ahaa Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirika Caalamiga ah ee DGPL, Dr. Faroole. [Eeg halkan]

Waftigii Puntland, Markii ay Nairobi tageen waxay la kulmeen madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha DFKMG, halkaas oo ay ku kala xanaaqen Gen. cadde Muuse iyo C/Laahi Yuusuf kadib markii DFKMG diidey in heshiis loo saxiixo Terry. [Eeg halkan]

August 25, 2005: Ayaa waxaa si weyn u soo shaac baxay heshiiska hoose ee DGPL l agashay Terry in uu ku saabsan yahay dhammaan waxa ku jira dhulk ahoos tiisa, sida macdan, bartool ama gaas. Heshiiskaas oo si qarsoodi ah u socdey.

August 26, 2005: Waxaa maxkamad lasoo taagey ninkii Reer Norway ee heshiiska la galay Somaliland, noqdayna lataliyaha gaarka ah ee Ra'iisul wasaaraha DFKMG ee xagga soo saarida shiidaalka, mr. Meier.

August 28, 2005: ayaa ra'iisul wasaraha DFKMG waxa uu war ka soo saaray magaalada Nairobi uu shaaca kag aqaadayin heshiis caalami ah oo ay gasho Puntland uu yahay waxba kama jiraan... [Eeg Halkan]

August 29, 2005: ayaa DGPL waxay u jawaabtey hadalkii Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, ayagoo soo saaray war saxaafadeed uu ku saxiixnaa Axmed Cabdi Xaabsade oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha & Amniga ee DGPuntland. [Eeg halkan]

Madacweyne kuxigeenka DGPL Maxamed cali Yuusuf GaagabAugust 31, 2005: Magaalaad Dubai ee dalka isutaga imaaraadka carabta waxaa heshiis ku saabsan baaritaanka khayraadka dabiiciga ah kala saxiixday Terry iyo DGPL, waxaana heshiiskaas goob joog ka aha madaxweynaha DGPL iyo wasiirka maaliyada (Dr. Gaagaab).. [Eeg halkan]

September 9, 2005: Madaxweynaha Soomaaliya, C/Laahi Yuusud Axmed oo jooga Jawhar ayaa yiri: "Sharci ahaan marka maanta in Puntland laga gar leeyahay anaa maanta qiraya, weliba Puntland-na waa ka imid, waana ku dhashay, madaxweyne waa  u ahaa, ninkii dembi gelayaa yeelkiis anigu lama wadaago, ninkii khalad gelayaa yeelkiis." [Eeg halkan]

Madacweyne kuxigeenka DGPL Maxamed cali Yuusuf GaagabSeptember 10,2005: Wasiirka maaliyada DGPL, Dr. Gaagaab ayaa shir ku qabtay Boosaaso, waxana uu sheegay shirkada bishiiba ay bixin doonto $200,000 iyadana ammaankeeda loo sugi doono, waxana uu sheegay in ay hawsheeda bilaabi doonto October 2005. [Eeg halkan]

Cadde Muuse-  Hoggaamiye Kooxeedkii u horeeyay ee Caddaysta inuu Maafiyo Dalka ka iibiyo

 
16kii sano ee la soo dhaafay waxaa Soomaalidu u qobqobnayd hoggaamiye kooxeedyo midba magac la baxo, waxay ka sinnaayeen in mid walba dantiisa uu wax walba ka hormariyo. Hogaamiye kooxyadassi waxay waddanka ku aaseen sun iyo haraadi laga keeno wadammo shisheeye. Waxay dalka ka xaalufiyeen dhammaan ilihii dhaqaaalaha ee kaydka dalka u ahaa, hadday noqon lahayd, dhirtii, Xoolihii dheddig, duur joogtii, khayraadkii badda oo laga kireeyay maraakiibo waawaayn oo xaalufinaya dhammmaan uur ku jirtee badda Soomaaliyeed, oo 16 sano ka hor ay  ahayd Badda adduunka ugu kayd badan xagga khayraadka, taasoo sabab u ahaayeen dawladihii hore oo aad u ilaalin jiray inaan badda la xaalufin.
 
:::SUNTA HALISTA AH:::

Yuusuf Baribari oo sheegay in Talyanigu uu Soomaaliya u soo dirayo khubaro baaritaan ku samaysa sunta lagu sheegay Soomaaliya...
Dhegeyso waraysi uu siiyey radio daljir
Sidoo kale dhegeyso waraysigii Bashiir Sh. Maxamed ee noocyada sunta halista ah  Dhegeyso
Waraysigii Radi Dalmar

Warbixintii VOA ee sunta ku duugan Soomaaliya Dhegeyso
SUNTA KU DUUGAN SOOMAALIYA
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17

Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah daawo: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 |
Dr.
Bashir

Hoggaamiye kooxyadaas dalka baabi'yay waxay ka sinaayeen inay daboolaan oo qariyaaan dhibaatooyinkaas ay dalka ku hayaan, waxayna marar badan ku andacoodaan inayan marna sun dalka ku aasin isla markaana ayna ka danbayn tuugada guranaysa khayraadkii badda Soomaaliyed. Waxa kaliya oo indhaha dadka qabanayeen waxay ahaayeen dhuxusha iyo duur joogtii iyo waliba dheddigii xoolaha Soomaaliyeed oo dekedaha ay qabqablayaashaasi xukumaan laga dhoofinayo, laga soo bilaabo Kismaayo ku keen Berbera waa laga sinnaa xaalufinta dalka haba lagu kala darnaadee.
 
Balse Dhawaanahan waxaa dhegaha ummadda soomaaliyeed ku cusub oo la yaab noqotay hoggaamiyihii u horeeyay waa Gen. Cadde Muuse'e  oo qirta waliba lasoo taagan inuu qaybuhuu ka taliyo ka iibinayo maafiyo tuuga ah oo doonaysa inay waxuun dhacaan oo melay ka diiwaan gashan yihiin ayan jirin. Waa maafiyo aan shuruuc iyo qawaaniin caalami midna shuqul ku lahayn, ahse maafiyo heshay qabqable inuu maalaysto uun doonayo oo raba inuu waxoogaaga shillimaadka ah ka qaato maafiyadaas, aanse dan iyo heelo ka lahayn Jiilka soo socda dhaxalkii looga tagi lahaa la ilaaliyo. Haddii jiilalka soo socda laga sumeeyay baddii, kaydkii dalkana laga xaalufiyey, haddana berigii la rabo meelihii xooluhu daaqayeen in burcad maafiyo ajnabiya laga iibiyo deedna ku daadiyaan sun, amase wixii khayraada la baxaan, waa su'aale maxaa u harin oo cayma ah.
 
Madacweyne kuxigeenka DGPL Maxamed cali Yuusuf Gaagab
Dr.Gaagaab


Gen.Cade


Mr. Terry

Gen. Cadde Muuse wuu ug yahay oo waa yaqaan in dawlad goboleed ayan heshiis la gelin karin shirkado ajaanib ah oo shaqadaas waxaa iska leh dawladda dhexe, balse waa hoggaamiye kooxeed caddaystay inuu maafiyo ka iibiyo deegaanadu uu xukumo, waxaase uuna marna isweydiin in wali Soomaalida ku hartay dad u naxaya dadka iyo dalka iyo waliba jiilka soo socda, kuwaasoo durbadiiba ka qayliyey maafiyada deegaankooda soo gashay, waxuu marna iswaydiin in shicibka haddii karka laga badiyo uu dulqaadku ka dhammaanayo. Waxaase mucjiso kale ah dawladda Dhexe ee Cabdillaahi Yuusuf iyo Cali Maxamed Geedi maxay uga hadli la'yihiin boobka dalka ay magaciisa sheeganayaan lagu hayo; Anaase qaldamee waxaan ilaaway iyagunna inay yihiin hoggaamiye kooxyadaan na horbooda.
 
 
Cabdi Xasan/ Muqdisho 
abdi172@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Maarso 24, 2006

Waraysigii Idaacada Australia la yeelatay Xildhibaan Casharo ka dhegeyso halkan....

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ka hadlay arrinta Majayahan....

HESHIISKII RANGE RESOURCE OO AF-INGIRIISI AH ....

Xildhibaan Casharo oo ka Hadlay Muranka "Shirkadaha Macdanta" ee ka Taagan Puntland...

 


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD