SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

MIDOWGA AfRIKA: MIDNIMO KATALIN MISE MINDIYO AFAYN??????

                    mursal                      Flag of the Organisation of African Unity, later also used by the African Union.

W/D: Mursal Max'ed Max'uud (Garaad)

stethy1@yahoo.com

32 Dowladood oo Madax banaan ayaa 25kii May 1963-dii, dhidibada ugu aasay Ururkii Midnimada Africa (Originasation of African Unity)  Xarunta Ethiopia ee Addis Ababa.  Ujeedada ugu way ee loo abuuray Ururkaas ayaa ahayd: kor u qaadida Midnimada iyo horumarka; difaaca sharafta iyo karaamada dhuleed ee Xubnaha ku jira Ururuka; Baabi’inta nuuc kasta oo gummaysi ah. Dhiirigelinta  iskaashiga Caalamigaa; iyo in Xubnaha Ururuku iska Caawinaan dhinacyada  dhaqaalaha, diblomasiyadda, waxbarashada, caafimaadka, tiknoloojiyada iyo difaaca Siyaasadda.  

     Isbedel lagu sameeyey Ururuka, ayaa 9kii July 2002 loogu bedelay magaciisii Midowga Afrika (African Union).  Isbedelkan ayaa sidoo kale waxaa ka mid ahaa in Ururuku yeesho Gole ammaan, kaas oo fasax u haysta in uu faragelin Military  ku sameeyo 30 maalin gudahood Wadan kasta oo khalalaase ka dhoco , kana mid ah Xubnaha Ururka. Sidoo kale waxaa hindisaha ka mid ahaa in Africa yeelato Baarlamaan ka dhexeeya. Inkasta oo la sheego in Ururkani kii hore ka awood badnaan doono, hadana macadda in wax wayn oo muuqda ay dhici doonaan, marka laga reebo magacyada la kala bedelay.                                            

Dad badan ayaa qaba in Ururuku aanu hor iyo dibba si buuxda uga shaqaynin ujeedooyinkii loo abuuray, marka laga reebo astaan uu Africa u ahaa. Waxaana si gaara farta loogu fiiqi karaa inta uu la ekaa dadaalkii ay ka gaysteen dib-u-heshiisiinta Soomaaliya oo isku rogay dib-iskugu-diris. Kasoo bilaaw markii ay meesha ka baxday Dowladdii Soomaaliya imisa Dowladood oo African ah ayaa Hub sharci daraa soo geliyey Dalka?  imisa ayeyse ku kala xirnaayeen hor-boodayaasha bur-burku?  Tirada kuu soo baxda waxaan filaya in ay kaa kaafin doonto wax qabadkii Africa looga fadhiyey inta uu gaar sii sanyahay.   

    Ma’ahan in laga abaal ka dhaco, waxaa jira Dowlado African ah oo gacan hagar la’aanayd ka gaystay sidii Soomaaliya markale ay cagaheeda iskugu taagi lahayd, dibna ugu biiri lahayd Bulshada Caalamka, muhiim ma’ahan in aan Magacyadooda wada xuso, laakiin waxaan ku gaabinaya Soomaali ciddii abaal u gashay way garanaysaa, cidii hagar-daamadeeda ka shaqayn jirtayna way garanaysaa oo labadaba taariikhda ayaa xusi doonta. 

     Golaha loo dhanyahay ee Q/M waxaa lagu xantaa in ay tahay Maqaayad u shidan USA, xittaa 4-ta Wadan ee kale ee codka diidmada qayaxan (Vito power) ku dhex leh Golaha ammaanka, kuma deg-degaan in ay Vito u adeegsadaan waxyaabaha uu Maraykanku doonayo, halka uu isagu (USA) ku hor istaago codka diidmada qayaxan wax walba oo uu u arko in ay ka horjeedaan danihiisa. Sababtu way cadahay: - Maraykanku wuxuu isku haystaa hoggaamiya Caalamka (world leader) iyo kan ugu awooda badan , xaruntii Q/M oo ku taala New York, dhaqaalaha  Q/M ku howl gasho, oo 80% Maraykanku bixiyo, sababo kalena waa ay jiri karaan. 

     Horaantii Bishaan Ururka Midowga Africa ayaa  Xafiis ka furtay Magaalada Jowhar ee Xarunta u ah Garabka Dowladda ee uu hogaaminayo Madaxweyne C/laahi Yuusuf, haseyeeshee waxay durbadiiba qaylo dhaan iyo canbaarayn ka soo yeertay garabka kale ee Dowladda, iyagoo ku eedeeyey Ururka Midowga Africa in ay la safteen hal dhinac, islamarkaasana aanay dhex-dhexaad ka ahay arimaha Soomaaliya. Xaaladu markii ay halkaas gaartay waxaa la gudboonayd Midowga Africa, in ay ku dhaqaaqaan sidii ay ku qancin lahayeen garabka cabanaya ee Dowladda, Xafiiskoodana ay si kmg ah al-baabada ugu laabaan, maadaama ay arintu meel xasaasi ah maraysana aanay lumin kalsoonida mid ka mid ah labada garab. Hase yeeshee Qoraal ay soo saareen waxay ku sheegeen in aanay dib uga laabanaynin go’aanka ay gaareen, kaba sii darane waxay taageereen codsigii Madaxweyne C/laahi Yuusuf uu u jeediyey Golaha loo dhanyahayay ee Q/M ee ahaa in cunaqabataynta hubka laga qaado Somalia.  

    "Taageerada Africa waa muhiim waana loo baahan yahay, hase yeeshee waqtigii munaasibka ahaa, ee wax loo dhanyahay soomaali  taageerada kaga rabtay ayeey ka soo hor martay" baa la leeyahay. Garabka Madaxweyne Yuusuf wax walba oo ay doonayaan  “sax iyo khalad” waxaan shaki ku jirin in Xukuumadda Ethiopia-na ay ku garab galayso. hadaba mar hadii Midowga Africa uu noqday dhabbha loo sii maro hirgelinta himilooyinka iyo ujeedooyinka Ethiopia, miyaan hadaba la oran karin Midowga Africana wuu ka leexday ujeeddooyinkii loo abuuray, wuxuuna u muuqdaa Maqaayad u shidan Addis? hadiise ay sidaas tahay America waxay ku mutaysatay la garay, ee Addis maxay ku mudatay, marka laga reebo in lagu aas-aasay Ururka, mudo dheerna ay u ahayd xarun welina ay u tahay?

mursalW/D: Mursal Max'ed Max'uud (Garaad) E-mail: -  stethy1@yahoo.com

 Halkaan ka daawo 32-dii aas-aase ee Ururuka Midnimada Africa, oo uu ka dhex muuqdo Madaxweyne Aden Abdule Osman (Aden Cadde):-  http://www.oau-creation.com/
 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 2, 2005


MAQAALADA KALE EE MAANTA::::

»DIGNIIN CULUS: AIDS-KA & SOOMAALIDA | Dhagaafe
»Gabadhii xumaan damacda: "nin iga weyn ayaa lagu dari lahaa"| Ikram
»Dowladihii aan Qaranka Lahayn | C/Waaxid Khaliif
»Haddii 189 xubnood ay doorteen c.llaahi muxuu kooram u layahay  
»Muqdisho iyo Jowhar  Barbar-dhac |  Amiin Yuusuf
»Tarbiyada caruurta | Baashi Maxamed Shiikh  
»Mucaarad iyo Muxaafid la isugu tag Shabeelada Dhexe | A. Yusuf
»BISAYL SIYAASADEED MISE BOOR ISKU QARIS? | Garaad
»Fariin ku jeeda  ra’iisulwasaare Geedi! | Cadde  
»
MAQAALADA KALE EE MAANTA::: KA AKHRI HALKAN... GUJI..


Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD