Muqdisho iyo Jowhar Barbar-dhac
Ciyaar waa gelin dambe
Qaybtii 2-aad

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Muqdisho,
Soomaaliya
Kabtan C/llaahi Yuusuf waxa uu dalbaday
ciyaartooy cusub, wuxuuna ka soo ururiyey gobollada dalka,
wuxuuna tababar ciyaarta K/Cagta ah uga bilaabay magaallada
Jowhar,
Kooxda Muqdisho iyagoo yaabban, kana naxsan
ciyaartoydan cusub ee uu Kabtan C/llaahi la yimid ayaa waxaa
raggoodii difaaca dalbadeen rag kale oo iyagana joogay
Gobollada, sida Max’ed Ibraahim Xaabsade, Yuusuf Indho-cadde
iyo Barre Aadan Shire (Barre Hiiraalle), waxayna ku
hanjabeen in ay soo ururinayaan ciyaartoydii 15-ka sano ee
la soo dhaafay sida wanaagsan K/Cagta uga ciyaareysay
Gobolka Banaadir.
Kabtan Shariif isagoo fikiraya, kana fikiraya
sidii uu guul uga keeni lahaa kooxda Jowhar ayaa Kubbad la
soo dhaqaaqay, wuxuu xirfadeeyo oo uu la jees-jeesto markii
uu marayo diilinta 18-aad ayaa waxaa lagu jallaafeeyey
halkaasi, waxaana loo dhigay rigoore ama (Penalty), markiiba
Kabtan Shariif ayaa yiri aniga ayaa tuuraya, wuxuuna si
wanaagsan u daba mariyey goolhayihii, shabiqii ayay cuskatay
Kubaddii, waxaana loogu magac daray goolkii “New York”,
iyadoo taagerayaashuna ay ku dhawaaqayeen “New York…New
York….New York..”, taageerayaashii Jowhar waxay oranayeen
“Waa maxay, sidey wax u jiraan, Wallaahi garsoorahan wuu
naga hiiliyey, war ha nalaga beddelo”, Kabtan C/llaahi
isagoo aad uga xun goolkaasi gafuurkana tuuraya ayuu isna
kubad dhinaca Baalka midig u furay, waxay soo xaluulato
Kubaddiiba waxaa diilinta 18-aad difaacii kooxda Muqdisho uu
isna markiisii ku dhegay Kabtan C/llaahi, “Rigoore….”, ayaa
la dhigay, kulankan aad ayaa loo soo buuxsamay, fallaartii
cirka loo tuuro dhulka kuma aysan soo dhacayn
taageerayaasaha daawanayay tiradooda awgeed, waxaana
rigooradii u soo baxay Kabtan C/llaahi oo isaguna shafka
garaacay, wuxuuna yiri “Tan i dhaafi mayso aniga ayaa
tuuraya”, hase yeeshee C/llaahi Yuusuf birta ayuu ku dhuftay,
kubaddii oo soo noqotay ayaa waxaa helay weeraryahankii
kooxda Jowhar C/llaahi Shiikh Ismaaciil oo kubaddii si
wanaagsan u dhaliyey, goolkanna wuxuu noqday goolkii isna
bar-bareeyey “New York….”, ciyaartu haatan waxay weli taagan
tahay bar-bar dhac, Cali Max’ed Geeddi ayaa Kubbad markiisii
soo jiiday, wuxuu sidii Baldoosarkii ula war-wareegtaba
waxaa banoonigii laga bixiyey Koorno, waxaana
dhex-dhexaadinayay ciyaartan garsoore ka socday Qaaradda
Afrika oo lagu magacaabo Masi Mahaka, waxaana Koornadii soo
laaday ciyaaryahan ka tirsan kooxda Jowhar, waxaana shabaqa
madax kula hubsaday Geeddi, waxaana taageerayaashii kooxda
Muqdisho ay ku dhawaaqayeen “Goolkaasi gool ma ahayn,
koornadu mid qaldan ayay ahayd, ar gasroorahan maxaa waaye?”,
waxay codsadeen in la beddelo garsooraha, dacwad ayay u
gudbiyeen xiriirka FIFA oo ay kaga dalbanayaan in
garsoorahaasi ka hiiliyey wax laga qabto, dheg jalaq looma
siin oo xitaa dacwaddii waxay gaartay Xiriirka Q/Afrika ee
CAF, waxayna kooxda Muqdisho ay sheegeen in ay tartankan ka
baxayaan haddii aan wax laga beddelin qaabka ay ciyaartu u
socoto, iyadoo la la’yahay qaab ciyaarta loo wado ayaa
garsoorihii la beddelay, waxaana lagu beddelay Francios
Fall. Seerigiisii ayuu qaatay Fall, waxa uu la
tashi la sameeyey guddiyada labada kooxood, isagoo ka
codsaday in ay ciyaar wanaag muujiyaan, waxaana kubbad soo
jiitay isagoo la xiimaya Max’ed Qanyare Afrax oo difaaca uga
ciyaara kooxda Muqdisho, isagana banoonigii ayuu nin kale oo
saxiibkiis ah ku dhufsaday, mar kale ayaa loo soo baasay,
wuu ku dhifsaday misna mar kale ayaa loo soo celiyey,
dabadeed shabaqa ayuu ku shubay, “Gooooool….Goool….Goool.”,
goolkan laga dhaliyey Jowhar waxaa loogu magac daray
“Goolkii UN-ka”. Waxayna taageerayaasha ku dhawaaqayeen in
deg deg loo bedelaa garsoorahaan, waa uu naga hiiliyay,
Kooxda Jowhar ayaa waxay la tashi ay ku dooneyso in ay kula
soo wareegto waxa ay la sameysay ciyaaryahan Cadde Gaaboow
oo ay u suurto gashay in ay geba-gebadii la soo wareegto,
waana ciyaaryahan aad u xirfad badan, wax fiicanna ka
beddeli kara ciyaarta, iyadoo Reer Muqdisho ay aad uga
naxsan yihiin xidiggan cusub ee la soo gatay ayaa waxay ku
fikireen “Waa inaan saddex nin oo wanaagsan laga hor geeyaa
ninkan xirfadda badan, si kubadda ay uga jah-wareerto”,
waxaana ay daba dhigeen xidiggani rag ay ka mid yihiin
Shaaweey, C/llaahi Ganey Firimbi iyo Cabdi Qaybdiid, raggani
si aad ah ayay isku fiirsanayaan oo ciyaarta kama dhex
muuqdaan, midba midka kale ayuu ka shakisan yahay, waxaa
dhegaha kooxda Muqdisho ku soo dhacay in ciyaaryahan uu ka
dhaawacmay kooxda Jowhar markii ay jug ka gaartay Lugta,
waxaana loola cararay Isbitaal ku yaalla Dalka Kenya,
halkaas oo haatan lagu daweynayo, waxayna Taageerayaasha
Muqdisho ku dhawaaqayeen ereyo ay ka mid ahaayeen “ oo kaa
magacii mid kala soo boodey “ waxaa la yiraah” Dhalxa” mid
kala soo boodey oo yiri “Al-Xamdulihaali, Illaahi ayaa naga
qabtay”, hadda ka hor ayuu naga dhaliay Guul caato ah oo
kuuma kasseyn ah,
Akhri Qaybta 3aad... GUJI
Qaybtii 1aad halkan ka akhri
W/D:
Amiin Yuusuf Khasaaro
Email:
amiinkhasaaro@hotmail.com
Aragtida
qoraalkan waxaa leh qoraga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 26, 2005
»Jawaab
Maqaalkii "SHIRKA BALCAD MAXAA LOOGA GOL-LEEYAHAY"
»SALADHIGGA
GUULDARADA SOOMAALIYA!! | Garaad
»Xuska
Maalinta Nabadda Adduunka | Baaq Nabadeed | Xuseen
»Diiwaan: Maansadii 41aad ee DoodWanaag
| Cali-Mataan
»Cali
Xalane waa ku fududaayey Dhaleecaynta Dhaqanka
| Cabdinur
»Muqdisho
iyo Jowhar Barbar dhac | Amiin Yuusuf
»»Ka
dan raaco: “Jawaab maqaalka Maamul Goboleedka Lamagacbaxay Somaliland Lama oga
nimay u xuntahay iyo nimay u san tahay | Cige
»PL:
Horumar miyaa laga Hortaagan yahay mise Burcad
»Terry
iyo Sh. Cabdallahii Qarnigii 19aad |
Maestro
»Shacabka
Puntland wKhayraadkooda Ha difaacdaan
»Waxaa
la Rabaa in dadka reer Puntland laga hor istaago khayraadka
»Cade
Muuse Ma Hoogaamiye Siyaasadeed baa, Mase waa Ganacasade
»Qoraalkii
Maxamed Baashe Xusuustii uu kiciyey | Kayse
»Ficilada
Jaahilnimada Soomaalida samayso waxaa ka mid ah | MM
»Maamul
Goboleedka Somaliland Lama oga cid ay dan u tahay | Eng. Siciid
»Baaqa
Baarlamaanka Puntland Ma Mid Wadaniyadeedbaa|
kaashawiito
»Qoraal uu
London kasoo saaray Inj. Sayid Axmed Sh. Daahir....
»MAQAALADA KALE
EE MAANTA:::
KA AKHRI HALKAN... GUJI.. |