SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Xuseen Cali Cilmi
Guddoomiyaha xisbiga
Somali Young Turks League
Tel: 254-722173152 or 254722360347
Email:
som_ytl@yahoo.com

SOMALI YOUNG TURKS LEAGUE
POLITICAL PARTY
Sum : SYTL/027/05                                                             Tar :21/09/ 2005

                    

            SHIR JARAA'ID                                  

Xuska  Maalinta Nabadda Adduunka

                       Ujeeddo :  Baaq Nabadeed, wax qabad iyo is xilqaan
 
Munaasabadda xuska maalinta nabadda Adduunka, annagoo ka faa段ideysanayno munaasabaddan qaalliga waxaa saxaafadda gudaha iyo dibadda u marsiinaynaa Baaq Nabadeed Ummadda Soomaaliyeed meel kasta ha joogtee.waxaa habboon marka hore inaan fahamno Qiimaha Nabadda , Nabadda Soomaaliya cidda hortaagan? Iyo Sida Soomaaliya nabadda loogu soo celin karo?  

Qiimaha Nabadda : Hormarka caalamka , barwaaqada, is dhexgalka , kala faa段ideysa  waxay ku dhisan tahay nabad gelyo. Colaadda: waxay keentaa dib u dhac,dagaallo lagu hoobto, dhac dil,kufsi,baro kicin,gaajo & macluul, isdhexgal & kala faa段idaysi la誕an 

Nabadda Soomaaliya yaa hortaagan? Nabadda  Soomaaliya waxaa hortaagan

Kooxahan kala ah :

1- Dowlad diid (Insurgent) 

 (b) Waa koox ku soo duushay gobollo ayan lahayn ama ayan u dhalan oo xoog ku qabsaday guryo iyo beero ay leeyihiin dadkii Soomaaliyeed ee ay baro kiciyeen  ayagoo u haysta Qaniimo ay gaalo ka qabsadeen , waxay dadka ay baro kiciyeen

had iyo gooraale ku tilmaamaan Amxaaro. 

(t) Kooxaha argagixisa ee dalka ku marti geliya dambiilayaasha caalamka dambiyo ka sameeyey dabadeed Soomaaliya u soo cararay, isla markaa u iftooda kuwa haysta hantida dadweynaha ee ay boobeen inay xalaal u tahay, una sameeyey maxkamado magac Islaam loo huwiyey  oo  dhulboobayaasha difaaca, xalaal & xaaraamna ayan u kala soocneen., 

(j) Kuwo haysta gegidiyaaradeed oo ay bishii ka helaan 207,000 Doollarka Mareykanka , isla markaa beerta kana ganacsada daroogada 

(x)Kuwo dambiilayaal ah oo xasuuqyadii ay geesteen, hantidii qaran iyo mid shacab ee ay dhaceen ka baqaya in maxkamad loo soo taago, isla markaa daroogada ay ka ganacsadaan  inay ka joogsato ka baqaya haddii nabad , sharci & kal dambayn la helo

 (kh) Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da oo iyaga  si joogto taageerta kooxaha dowlad diidka ee haysto gobolla ayan lahayn , iyagoo isla markaa qariya wanaagga Geeddi Socodka Nabadda , tashwiishna ku fura 

(x) Qaadka oo ah daroogada loo adeegsado malleeshiyooyinka  colaadda huriya   

(2) Howlwadeennada Somali Aid Coordination Body (SACB) oo iyaga aan doonayn in ay dhalato dowlad Soomaaliyeed oo la wareegta maamulka lacagta deeqda ee dhan 400milyan oo Doolar oo ay maamulayeen tan iyo 1993kii .

(3) Hay誕dda NOVIB-Somalia  oo in badan isku dayday inay fashiliso Shirkii dib u  Heshiisiinta  Soomaalida  ee muddo 2sano iyo bar ka socday dalka Kiinya taasoo ay wada og yihiin 360kii ergo ee shirka iyo Guddoomiyaha shirka dib u Heshiisiinta Mr. Bathwel Kipligat  ilaa iyo haddana gacan hoose ayey ku leedahay khilaafka u dhaxeeya 2da Gole ee dowladda Federaalka. 

(4) Shirkadaha  Maafiyada wasakhda Niyuukleerka ku aasa badda Soomaaliya  

(5) Shirkadaha  xaalufiya khayraadka badda Soomaaliya .

                           Sida Soomaaliya nabadda loogu soo celin karo

Dowlad tag daran oo u baahan inay soo marto marxaaladaha ubadka markuu dhasho ilaa uu ka socod barto awood uma laha inay iska dhiciso kooxahaasi hortaagan nabad , sharci iyo kala dambayn ku soo celinta Soomaaliya , sidaa aawadeed waxaan kula talinaynaa Xoghayaha Guud Mr. Koofi Anaan iyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay   inay xil gaar iska saaraan  sidii  wada jir looga adkaani lahaa kooxaha hortaagan nabadda,

Sharciga, iyo kala dambaynta  in Soomaaliya lagu soo celiyo , laga ilaaliyo gacmo badan oo kala dan ah  oo uu  khilaaf siyaasadeen u dhaxeeyo, ee xal u helidda mushkilada gaamurtay ee Soomaaliya loo dhiibo Dawlad Awood Sare leh  oo muddo yar kaga takhalusta kooxahaasi oo bad iyo berriba ku soo celisa: nabad, sharci iyo kala dambayn taasoo ku iman karta sida soo socota:

a) In Dowladdaasi awoodda leh ay dalka Soomaaliya keento ciidamo hub ka dhigis sameeya dowlada caalamka ee xulafada la ah way ka qayb gelin kataa, balse xilka iyo hoggaaminta iyadaa u xilsaaran 

b) In maamulka 400milyan Doollar ee SACB maamusho lagu wareejiyo gacanta dowladda Soomaaliya.

t) In deeq iyo deen la isugu daro  si ay dowladda awood ugu hesho  dib u soo dhiska kaabayaasha dhaqaale  si ay shaqooyin uga helaan dadweynaha Soomaaliyeed  ee ku tabaaloobay dagaallada sokeeye muddo 15sano ah.

 j) ugu dambayn waxaynu ka codsanaynaa Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobe iyo Golaha Ammaanka inay tixgeliyaan aftidii(Quationer) shacabka Soomaaliyeed ee 1997kii ay Hay'adda ICRC-da ka qaaday  ee ku saabsanayn samaynta Maxkamadda Dambiyada Dagaal oo 68% shacabka Soomaaliyeed min Looyacadde ilaa & Raaskiyaambooni ay  u codeeyeen in Maxkamaddaasi la sameeyo  

Markaynu ka gudubno sharaxaadda iyo talo soo jeedinta aynu u dhaadhacno Baaqyada Nabadda  annagoo ka faa段idaysanayna fursadda qaalliga ah ee Munaasabadda 21da Sebtembar 2005 oo ah Maalinta Nabadda Adduunka, waxaan halkan baaq uga soo jeedinaynaa 2da garab ee Dowladda Federaalka ku meel gaar ah : inay dhinac isaga tuuraan  faraqa u dhaxeeya  iyo danaysiga shakhsiyadeed  oo ay u soo jeestaan badbaadinta qarannimada Soomaaliya iyo badbaadinta maatada Soomaalida ee xilliga kastaa ku mashquulsan  Alle bari iyo inuu Alle u sahlo madax fiican oo ka gudbisa marxaladihii xumaa oo ay ku jireen 15kii sano ee la soo dhaafay ee xasuuqa, gaajada , macluusha , kufsiga , baro kicinta,dhoofinta xoolaha dheddiga & ugaarta, xaalufinta dhirta, xaalufinta khayraadka badda Soomaaliya oo ay ka kalluumaystaan  in ka badan kun maraakab oo shisheeye ah, &  cudorro aan la garanayn ee ka dhashay  sunta iyo wasakhda haraadiga Niyuukleerka  ee si joogto ah loogu qubo dalkayaga bad & berriba.  

キ        Dhismaha Dowladda Federaalka  oo ay kasoo wareegatay ugu yaraan 13 bilood kolka laga soo billaabo dhisidda baarlamaanka  ilaa iyo hadda wax u qabsoomay ma jiro , waayo waxa ay ka bixi wayday is qabqabsi aan macno lahayn sida : ciidamo safka hore ma la keenayaa mise maya ?, caasimadda ku meel gaar ma la sameeyaa mise maya? aaway xilkii loo doortay iyo mas置uliyaddii ay qaadeen ayadoo beel kastaa ay leedahay aqoonyahanno nadiif ah oo aan ka qayb qaadan dagaallada sokeeye ayaa haddana si marxaladdan looga baxo waxaa la doorbiday inay xubnaha 2da gole inta badan ay noqdaan hoggaamiye kooxeedyadii horkacayey dagaalladii sokeeye iyo gaandheriyadooda, waa nasiib darro hadday furasaddan  ka faa段idaysan waayaan, ummaddii ay matalayeenna  ku reebaa utuntii ay dhex dhigeen 15kii sano ee la soo dhaafay . 

Waxaa kaloo la yaab leh in Madaxweynaha, Afhayeenka baarlamaanka iyo Ra段isul wasaaraha marka saxaafadda ay la hadlayaan inta badan ummaddii ay matalayeen maqlayaan ayagoo midkood ka kale wax ka sheegaya , waxaa kaloo la yaab leh munaasabadda caynkan oo kale ah  sida15 kii May 2005 oo ku beegneed 15 kii May 1943kii  xilligii la aasaasay xisbigii SYL  ee dhaliyey xurriyadda aan maanta ku naaloonayno,  inaan la maqal Madaxweynaha ama Ra段isul wasaaraha oo  ummadda  u jeediyeen khudbo la xiriira baaq nabadeed oo idaacada la iska arko, kuwa caadiga, wargeesyada & website-yada  ay u sii marsiinayaan, ayagoo ka faa段idaysanaya  munaasabadahaasi ,una gutaan waajibka ka saran ummadda oo ah inay bal marka hore la hadlaan oo baaqyo nabadeed u jeediyaan 

Sidaa aawadeed waxaan xusuusinaynaa hoggaamiyayaasha DFKG inay ka harsan tahay 11 bil dhicidda dowladda haddii inta xilligaa ka harsan aysan ku dhisin maamul goboleedyada hoos yimaada dowladda federaalka sida dustuurka ku qoran, ugu dambayn waxaan kula talinaynaa hoggaamiyayaasha DFKG inay isku kalsoonaadaan oo  ummadda Soomaaliyeed munaasabadda 21da Sebtembar 2005 ay la hadlaan muujiyaanna ballanqaad & waxqabad la taaban karo , si looga  gudbo marxaladda cakiran iyo is qabqabsiga macna darrada ah,  loona gudbo waxqabad la taaban karo , ayadoo taasi ay saldhig u tahay in marka hore heshiiyaan  .   

キ        Malleeshiyooyinka hubaysan waxaan mar 3aad ugu baaqeynaa hubka iska dhigaan ayadoo ayan cidna khasbin sidii aan baaqaan oo kale ugu soo jeedinay  15kii May 2005tii iyo 1st  Julaay oo kale, maslaxaddiina iyo ta shacabka Soomaalida ayaa sidaa ku jirta , dhaqan celin & dib u dhiska dalkiina usoo jeesta, ka xorrooba Hoggaamiye kooxeedyada nooc kasta ay noqdaanba, maadaama aad dhallinyaro tihiin u diyaar noqda inaad noqotaan horseedayaashii nabadda & dib u heshiisiinta. 

キ        Shacabka Soomaalida ee qabqablayaasha dagaal ay madax furashada u haystaan waxaan iyana ugu baaqeynaa inay ku fakiraan kuna tashadaan qaabkii ay uga xorroobi lahaayeen danaystayaasha madax furashada u haysta, waayo waxaa la wada og yahay in beel kastaa  uu hor boodayo qabqable  hortaagan nabadda & horumarka, xusuusta  in shacabka Roomaaniya iyo shacabka Labeeriya ay iska tureen Nikolaay Jisesko & Saamwildo oo ahaa madaxweynayaal si kastaba uga itaal roonaa qabqablayaasha idin hortaagan . 

wada shaqayn wacan .

 Xuseen Cali Cilmi
Guddoomiyaha xisbiga
Somali Young Turks League
Tel: 254-722173152 or 254722360347
Email:
som_ytl@yahoo.com

Afeef: Aragttida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 21, 2005


Qaar Kamid ah Odayaasha iyo Waxgaradka Puntland oo Jaaliyadda Soomaalida Australia Ka Codsaday in
Arrinta Heshiiska shirkada Shiidaalka & Puntland iyaga Loo Daayo ilaa... Guji... Sept 19

Booqashadii Madaxweynaha Soomaaliya, Cabdullahi Yusuf, ee New York
Soomaali aad u farabadan ayaa ka safray Minnesota.. Guji Sept 19


Waraysi: Xildhibaano Ka Tirsan Baarlamaanka DFKMG iyo Ra'iisul wasaare Kuxigeenka Koowaad
Xubnaha DFKMG ee SomaliTalk waraysiga la yeelatay waxay kala yihiin Dr. Sifir, Xildhibaan Sakariye, Xildhibaanad Caasha iyo Xildhibaan Daryeel oo booqasho ku yimid Minnesota, waraysigii
Halkan ka dhegeyso.
ササ WARAYSI:: C/LAAHI AXMED CADDOW (Nairobi, Kenya)
Sannad baa dhammaaday, waxna lama qaban....
akhri...

Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD