SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Muqdisho iyo Jowhar Barbar dhac

( Ciyaar waa Gelin dambe )

Qaybtii 1aad

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Muqdisho, Soomaaliya


          Aniga oo xafiiskeyga jooga ayaa waxaa ii yimid Nin, wuxuuna watay warqad qoraal ah oo uu ku leeyahay waxaan ahay Guddoomiyaha Taageerayaasha kooxda Inter ee Soomaaliya, markaas ayaan waxaan ku iri “Jagadaan maxay kuu soo kordhineysaa ama ay kuu anfacaysaa, yaase kuu aqoonsan?”, markaas ayuu iigu jawaabay  “Adiga ii qor”, markii uu Subixii ku soo baxay magiciisii Jaraa’idka iyo xilkaasi cusub ayaa waxaa haddana xafiiska igu soo booqday nin kale oo oranaya aniga ayaa ah Guddoomiyaha saxda ah ee taageerayaasha  Inter ee Soomaaliya, “kaasi muxuu ogyahay hadda ayuu soo galaye”, weliba waxa uu intaa ku sii daray in uu illaa iyo sideetankii uu ahaa Guddoomiyaha taageerayaasha kooxda Inter ee Soomaaliya. Maalinkii saddexaad ayaa waxaa kale oo ii yimid nin kale oo saddexaad oo isna ku doodaya in uu yahay guddoomiyaha dhabta ah ee taageerayaasha kooxda Inter laga soo billaabo illaa lixdameeyadii, aad baan u yaabay, waxaa ii soo baxday in Soomaaliya siyaasadda ka jirta ay sidan u egtahay oo wax la isku cafinayaa aysan jirinba waxaan halkaan ku soo bandhigayaa ciyaar siyaasadeed oo ku wajahan labada kooxood ee Dowladda Federal-ka ee kala degay Muqdisho iyo Jowhar. Kooxda Soomaalida waxay ahayd intii ay ku sugneyd Magaallada Nairobi koox mideysan oo wadata taageerayaasheeda, tababareheeda iyo wixii tasiilaad ah, waxaana tababare u ahaa nin u dhashay waddanka Kenya, ciyaartii markii ay geba-gebo mareyso ayaa waxaa kala jab ku yimid kooxdii Soomaaliyeed, waxayna markiiba u kala bexeen kooxda Nairobi iyo kooxda Muqdisho, markiiba tababarihii iyo garsoorihii ka socday dalka Kenya way caroodeen, waxayna labadii kooxood ku amreen in ay dib ugu laabtaan dalkoodii, halkaasna ay ku ciyaaraan, kooxdii Muqdisho markiiba way soo dhaqaajiyeen, waxayna abaabul ka bilaabeen magaallada Muqdisho iyagoo doonaya sidii ay uga hor tagi lahaayeen kooxda Nairobi. Kooxdii ku sugneyd Nairobi ayaa waxay inta badan ka fikirayeen sidii ay magacooda u beddeli lahaayeen, iyagoo aakhirkii ku heshiiyey in ay qaataan magaca “Jowhar”, waxayna dib ugu soo laabteen Dalka, waxaana markiiba u soo baxay garsoore ka socday Qaaradda Afrika oo doonayay in uu dhex-dhexaadiyo labada kooxood, la tashiyo ayaa labada kooxood ay la sameynayeen taageerayaashooda iyo dadka khibradda ku leh ciyaaraha noocaasi oo kale ah. Jowhar waxaa Kabtan u ah C/llaahi Yuusuf Axmed, dhinaca kalena waxaa Kabtan u ah Shariif Xasan Sh. Aadan, waxayna mar kasta la tashiyo la sameeyaan raggooda Difaaca uga ciyaara, Shariif waxa uu la tashi la sameeyaa Max’ed Qanyare Afrax, Muuse Suudi Yalaxoow, Cismaan Caato iyo xubnaha kale ee kooxda, halka Kabtan C/llaahi Yuusuf isna la tashto ragga ay ka midka yihiin ninka Khadka dhexe uga ciyaara kooxda Jowhar Max’ed Cumar Xabeeb (Max’ed Dheere), Cali Max’ed Geeddi, Prof. Max’ed Cumar (Dhalxa). Prof. Geeddi oo aan ciyaarta sidaasi xirfad u lahayn ayaa gool inta la soo dhaqaaqay waxa uu ka dhaliyey kooxdii ka socotay Muqdisho, goolkaasna waxaa loo bixiyey goolkii Talyaaniga, markiiba Kabtan Shariif ayaa carooday, isna waxa uu kubbad baas ah u dhigay raggiisii dhexda ku jiray, waxaana isna uu dhaliyey goolkii Talyaaniga, taageerayaashii sawaxan iyo qaylo ayay afka ku dhufteen, waxayna erayadii ay ku qaylinayeen ka mid ahaa “Ciyaar waa gelin dambe”, dhinaca Biyaha ama barafka iyo daaweynta ciyaartooyda kooxda Muqdisho waxaa u wada Caasho Axmed Cabdalla, halka dhinaca Jowharna ay u waddo Khadiijo Max’ed Diiriye.

            Labadan Xubnood mar ayaa waxa uu dagaal ku dhex maray Dalka Koonfur Afrika mar ay ka qayb galayeen siminnaar ku saabsanaa ciyaarta K/Cagta, waxaana dagaalkan soo kala dhex galay rag si aad ah u yaqaanno sharciyada K/Cagta oo ku guuleystay in ay dhexdhexaadiyaan labada dhinac.

            Ciyaartii iyadoo aan weli dhammaan ayaa Kabtan C/llaahi Yuusuf waxa uu soo qaatay Kubbad uu si wanaagsan u soo xirfadeeyey, isagoo markiiba sigay goolkii kooxda Muqdisho, naxdintaasina waxaa loo bixiyey “Naxdintii Yemen”, Shariifka ayaa isagana isagoo ka careysay sigitaankaasi waxa uu birta ku dhuftay goolkii kooxda Jowhar, iyadoo mid walba uu xiiqayo ayay ciyaaartii waxay u bexeen la tashiyo, si ay ay u helaan xirfad dheeraad ah oo ay kaga badi karaarn kooxda ka soo horjeeda.

            Waxaa ciyaartii soo galay nin aan sidaasi looga aqoon garoommada ciyaaraha, waxaana lagu magacaabaa Prof. Dhalxa, intuu kubbad si wanaagsan u soo habeystay ayuu wuxuu ku dhowaaday goolka kooxda Muqdisho, waxayna taageerayaashii Muqdisho is weydiiyeen “Ninkan cusub intuu ka yimid?, goorma ayaase la soo gatay?, waaba yaabannahaye, sidee wax u jiraan?”, Prof. Dalxa waxaa u suurto gashay in uu gool caato ah ka dhaliyo kooxdii Muqdisho, sawaxan kale ayaa cirka isku shareeray. ciil ayay qaarkood isla wada qaloociyeen, waxaa goolkii uu dhaliyey Dhalxa loo bixiyey goolkii “Liibiya”, waxaa ciyaartii beddel ku soo galay nin u dhigma Dhalxa oo lagu magacaabo “Cismaan Cilmi Boqorre”, wuxuuna isagana la soo baxay farsamo dheeraad ah oo u suurto gashay in uu kubaddii madaxa ku qaatay, wuxuu sii habeeyaba wuxuu dhinaca midig gool aan ka liidan goolkii Dhalxa ka dhaliyey shabaqa kooxdii Jowhar, waxay mar kale ciyaartii noqotay bar-bar dhac, wax la is hardiyo oo la is weeraro, Cayaaryahan Muuse Suudi ayaa muddo ku fekerayay sidii uu guul uga soo hoyn lahaa kooxda Jowhar, wuxuuna labo xero oo ku taala duleedka Magaalada Muqdisho ku xareeyay cayaartooy cusub si ay mustaqbalka guul uga soo hooyaan kooxda Jowhar.

 AKHRI qaybta 2-aad

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Muqdisho, Soomaaliya

Faafin: SomaliTalk.com : Sept 20, 2005


Qaar Kamid ah Odayaasha iyo Waxgaradka Puntland oo Jaaliyadda Soomaalida Australia Ka Codsaday in
Arrinta Heshiiska shirkada Shiidaalka & Puntland iyaga Loo Daayo ilaa... Guji... Sept 19

Booqashadii Madaxweynaha Soomaaliya, Cabdullahi Yusuf, ee New York
Soomaali aad u farabadan ayaa ka safray Minnesota.. Guji Sept 19


Waraysi: Xildhibaano Ka Tirsan Baarlamaanka DFKMG iyo Ra'iisul wasaare Kuxigeenka Koowaad
Xubnaha DFKMG ee SomaliTalk waraysiga la yeelatay waxay kala yihiin Dr. Sifir, Xildhibaan Sakariye, Xildhibaanad Caasha iyo Xildhibaan Daryeel oo booqasho ku yimid Minnesota, waraysigii
Halkan ka dhegeyso.
»» WARAYSI:: C/LAAHI AXMED CADDOW (Nairobi, Kenya)
Sannad baa dhammaaday, waxna lama qaban....
akhri...

Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD