Maamul Goboleedka Lamagac baxay
Somaliland Lama oga nimay u
xuntahay iyo nimay u san tahay
Waxay ahayd wakhti aad udheer
intuu uu ku jiray maamul
goboleedka lamagac baxay
somaliland intii uu ku jiray
jaah wareerka siyasadeed iyo
dhaxal xumada,, iyadoo ay usii
dheertahay daalkii ka qabsaday
ka go'ida somalida inteeda kale
iyagoo had iyo jeer dadka
umatalaa heerka siyaasada maamul
goboleedkaas ay noqdeen kuwo ay
albaabkay istagaanba kaso xidhmo.
Lakin iswaydiintu waxay tahay
matalayaasha maamulkaas mayihiin
dad waayo aragnimo uleh arimaha
siyasadeed?
Waxaynu wada ogsoonahay,ishuna
ina tusinaysaa xaqiiqada dhabta
ah ee ka jirta inta uuka taliyo
maamulkasi inaysan haba yaraatee
ka jirin maamul habsami
siyasadeed ku socda. tasina
waxay ina tusinaysaa gebi ahaan
inaan la orankarin waxaa arimaha
maamulkaa faraha ku haya dad
siyasiyiin ah waayo waxaynu
aragnay intuu uu maamul
goboleedkasi shaqaynayey habkuu
ushaqaynayey. waxaa iyana la
iswaydiin karaa maxaa guul iyo
guul darabo maamul goboleedkaas
lasoo deristay?
Marka laga hadlo wax kastoo la
abuuro wuxuu dhalaa manfac bari
kamalin cidii abuurtay ay
midhihiisa gurtaan,,,Hadaba
intuu uu maamul goboleedka ka
dhisnaa gobolada waqooyi hadii
la daraseeyo iyadoo laga eegayo
dhinacyo badan siiba muxuu guul
soo hooyey waxaa la oran karaa
way koobantahay wayna ka
yartahay mataalkiisa siyasadeed
waxtarka laga helay iyado ay
sidasi jirto ayaa waxaa laga
dhaxlay dhibaatooyin aad ufara
badan kuwasoo ah kuwo aan
umuuqan cida metesha maamul
goboleedkaas.Waxaa sidoo kale
mugdiga kula jira bowsadayasha
siyasadeed ee maamul
goboleedkaas gabi ahaan inta
kuhoos nool deegaanadaas haday
noqon lahdayd heerarka kala
duwan ee bulshada inkasto ay
badantahay inta sida saxiga ah
fekerkooda ushaqeeyo oo iyagu ka
quustay maamulkasi inuu
mustabalka siijiro.
Lama oga somaliland nimay
uxuntahay iyo nimay u santahay
Waxa sido kaleeto wax lala
wareero noqotay markaad siyabo
badan ula shekaysato inta ku
hoosnool mamul goboleedkaas
inaysan waxtar iyo waxyeeloba
kaga sheegi karin maamulka ay ku
hoos noolyihiin oo ay
metalayashiisu ku sheegaan
dowlad lugaheeda isku taagtay
ictirafna caalamka ka sugaysa.
Hadaba marka larabo in la ogado
meel walba waxa ka jira waxaa
laga qiyaas qaataa fekerka iyo
aragtida dad waynaha iyo sida ay
wax ula muuqdaan.Waxaa gabi
ahanta kala gedisan cida
hogamisa maamul goboleedkaas iyo
cida la hogamiyo waxaana kala
soocaa keenay mudadii faraha
badnayd ee aan maamulku ahaa mid
lasoo jiitama siyasad dibu
socoda.
Wuxu noqday maamulkani mid kala
feker ka dhiga wadayasha
maamulka iyo bulshada inteda
kale,, waxaa sidoo kale ku
wareer san caalamka guud
ahantiis oo loola tago sheekada
maan daalidka ah ee waxaanu
rabnaa ictiraaf,,Waxaa jawaab
hortagan ku noqotay nimanka ku
qarwa sheekada go'intanka soo
taad xornimada qadateen 1960 kii
run ahantiina wa jawaab an laga
dhafi karin dhinacna,,hase
ahaatee sanadadii dame ayaa
waxay isu badashay sheekadii
ictiraafku mid loomaro habkii
lagu helilahaa kaalmo.
Axsaabta siyaasad sheegadka ah
ee maamku maxay aminsanyihiin!!!!
Iyadoo ay jirto axsaab farabadan
oo ka jirta maamul goboleedka
waqooyi oo waliba sigara ugu
magcaban inay yihiin xisbiyo
siyasaded aya dhamantood waxay
yihiin kuwo salka ku haya qabiil
oo waliba leh ujeedooyin gaara
kuwaso ka gedisan habka ay
umagcabanyihiin run ahantiin wa
aragti lagu tilmami karo ama
lagu salaynkaro MIDIGTA KA DHIIB
BIDIXDA KAQDO.
Argtidaan iyada aya waxaa hore
loogu yaqaanay inay isticmaalaan
xisbiyada ama ururada kiristanka
ah oo iyagu waxay ku
magcabanyhin iyo habka ay
ushaqeeyaan kala gedisanyihin
waxay ay midigta ku bixiyaana
isla markaa bidixta ka
qaata.Hadaba xisbiyadani waa
kuwo ay si buuxda isu
khilafsanyihiin sida ay
umagcabanyihiin iyo sida ay
ushaqeeyaan.
UDUB
xisbigaan ama ururkaan oo ah kan
manta talada haya isla mrkaana
kuleh awood mamul goleedka
waqooyi ayey shakhsiyadka ugu
sareeyaa aamin sanyihiin sidaan,
"HADAN ISKA TAGO WA LAKALA TEGIN".
run ahantiina sida uu ku
shaqaynayo waa mid mustaqbalka
ukeeni karta maamulkaas
mustaqbal madow madaama uu
hadafka shakhsiyadaka ugu
sareeyaa yahay mid meel dhow ku
eg.Hadii bari kamalin aytaladu
dhanka kale uwareegto waxa
hubaal ah inay isku magcabi
doonan mucarad hubaysan tasoo
soo ifbixinaysa habkii uuku
magcowna iyo siduu uu
ushaqaynayey inay ahaayeen wax
kala dheer.
KULMIYE
Kadaroo dibi dhal awabaan
layabana udub hadana ma kulmiyaa
hadaba kumiyow bal adna
Hadaba kulmiye waxa isugu
qarsoon laba arimood oo kala ah
sidaan:
1)Inuu yahay xisbi mucarad
nabdoona
2) Inuu awooda maamulka ku hanto
adeegsidga silaxa uu haysto
waxaa iska cad in kulmiye
mowqifkiisu yahay aragtida ah "NINBA
WAA MARE WA MARKAYGI",,,,Lakin
waxa waxa dhiba wali ma ay
muuqato in janis usoo marayo
kulmiye inuunoqdo bedlka udub.
UCID
Isku daah maleh sheekadu mar
hadaynu aragnay meel atoor
sidaas noqday sagaaro warkeeda
daa. xisbigaan waxaa isku
magcaabay aad u jecel inuu wax
badan ka ka hadlo saxafaada ,,wuxuu
usii muuqadaa ururkani inuu
noqon doono urur saxafi ah
maadama awoodisu ku egtahay ka
hadalka arimaha laysla
dhaxmarayo maamulka waqooyi.waxa
uu in badan garab marsan yahay
magaca u wato iyo habka uu
ushaqeeyo tasoo macno ahaan soo
dedejinaysa inuu si dhakhso ah
saxada uga baxo
Malaha ururkani halgan hore iyo
miduu doonayo inuu hada muujiyo
run ahantiina kuma laha gobolda
waqooyi baaxad iyo mug
siyasadeed,, loogamana rajo qabo
mustaqbalka dhow iyo kan dambeba
inay farihiisa soo galaan awooda
maamul ee gobolka waqooyi
galbeed
ENG.Siciid Cismaan Maxamed
Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan
Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex
markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Aug 2
Jaamacada Kismaayo oo Ladhigay Dhagaxeedii u Horeeyey
Markii ugu horeysey ee taariikhda Kismaayo ayaa la dhigay
dhagaxii ugu horeeeyey ee Jaamacad Kismaayo...
Guji...
Aug 1
Terry ma u Suurta Geli doontaa in Xera
Gashado Ganacsada Soomaaliyeed
Goobtii heshiiska Terry iyo DGPL waxaa
joogey qaar ka mid ah Xawaaladaha iyo ganacsadata
Soomaaliyeed oo...
Guji... |