SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

 Ka dan raaco: “Jawaab maqaalka Maamul Goboleedka Lamagacbaxay Somaliland Lama oga nimay u xuntahay iyo nimay u san tahay, oo uu qoray Eng. Siciid Cismaan Maxamed. 

Cabdillaahi Cawed Cige,

Liverpool UK

edleh@hotmail.com

Sept 16, 2005


Uma dhalan qof wax badan ka yaqaanna cuudka iyo sida loo tumo, haseyeeshee haddii aanu Jiimi gacanta ku hayn ama Cumar Dhuulle meel cidhiidhyoon ka rogayn ama Daa’uud Cali Masxaf u daadihinayn sidii looga bartay, ee uu gacanta ku dhigo nin barad ahi aad baan dhadhankiisa u kala saaraa. Marka nin yaqaannaa shubaalinayo waxa aad is odhanaysaa “Col kaa cab” waar tolow meesha uu ka soo aroorinayaa fogaa, balse marka far barad lagu fasaxo waxa aad is odhanaysaa “Eebbow” yaa labada gamcood ka gooya.

Maqaalka uu soo tebiyay walaalkeen Farsamayaqaan Siciid Cismaan Maxamed waxa aan u kala garanwaayay maadays iyo madadaalo midka uu yahay. Muxuu qoraagu inoo soo gudbinayaa? Ma khaladka Somaliland ka gashay Soomaaliya? Ma wuxuu inoo tilmaamayaa dhaliilaha Madaxweyne Riyaale iyo ururkiisa talada haya? Ma wuxuu inoo iftiiminayaa rabitaanka shacbiga Somaliland oo uu inooga sheegayo wax aynaan ka ogayn?.

Dhedada saaran ra’yiga uu maqaalku xambaarsanyahay ayaa ka dhigaysa mid aan kal fayoobi ka warcelinkarayn. Wuxuu qoraagu hadalkiisa u dhigayaa qaab u muuqda in aanu isagu ahayn reer Somaliland. Haddii tuhunkaasi toosanyahay waxa imanaysa sarbeebta ah (b_xigasho)“Salaanow iyadu hays dishee, Duudda Habar Yoonis… Duxi haddaanay kaa soo gelayn, Diradiraynteeda… Ka dan raaco maantay damcaan, Ha isku duufeene… Cabillaahi Muuse”(dh_xigasho). Haddii aanu qoraagu ahayn reer Somaliland wuxuu ku dhexjiraa arrimo daakhil ah ee degdeg debedda ha isaga taago.

Way bannaantahay waana sababta golaha loo waageertay ee sanduuqa waraaq yar lagu biliqsiinayo geedka hoostiisa loo dhigtay in lala xisaabtamo oo weliba xadhig adagna lagu xidho kuwa talada lagu aamminay, haseyeeshee waxa xisaabtankaas iska leh ciddii talada ku aammintay, oo markan ah bulshada Somaliland, ninse soo doolaalo tegay mashqac uu arrimo ka fog ku baadhaa ugama furna.  

Lama oga Somaliland nin ay u xuntahay iyo nin ay u santahay; ayuu qoraagu inagu maansheeyay. Wuxuu la sheekaystay inta ku hoos nool maamulkaas. Somaliland ma sonkor la soo waariday baa oo u xun dadka sonkor macaanka leh? Mise qamaddi Maraykanku ku xannibayo beeraleyda geeska Afrika? Muxuu qoraagu inoo sheegayaa ama doonayaa inuu ina dareensiiyo?

Inta aan ka ogahay Somaliland way caddahay cidda ay u santahay oo waa cidda sumadda ku dhigatay, waa cidda maamulkeeda taagatay, waa cidda ururrada siyaasadeed u abuuratay, waa cidda doorasho tan iyo doorasho u kala gooshaysa!

Cidda ay u xuntahay? Sida maqaalka uu inoo soo tebiyay Farsamayaqaan Siciid Cismaan Maxamed ka muuqata cidda Somaliland u xuntahay waa cidda ay qoraaga isku ra’yiga yihiin, waa cidda la wadaagta aragtidiisa gashan xoqadaha cawlan ee tashuushadda gelinaya wixii indhahoodu ku dhacaan. Bal u fiirso, waxkasta oo dhadhanka Somaliland uga muuqda qoraaga wuxuu u arkaa belaayo meel fadhida.

Cid ka nabadgashay farsamayaqaanka aragtidiisa foorortaa ma jirto, waxa ugu sii daran ururrada siyaasadda ee Somaliland, wuxuu ku tilmaamay “Masiixiyiin”. Xaggaynu awel fikradda noocan ah hore ugu maqalnay? Jihaadkii barakaysnaa ee Ina Cabdille Xasan? Keligii taliyihii Soomaaliya xukunkeeda boobay ee beri ka dul doobyijiray?

Fasiraadda uu farsamaqaanku ka bixiyay saddexda urur siyaasadeed ee Somaliland ayaa waxa ay muuqaal cad oo aan caad ku jirin inaga siinaysaa warcelinta uu innageenna akhrisanayna maqaalkiisa ina weydiinayo.

Bal haddaba haddii warcelinta uu qoraagu raadinayaa ku dhantahay warbixinta uu soo tebinayo, muxuu wakhtiga inooga lumiyay ee inoo hoday ayaa meesha imanaysa? Muxuu u odhanwaayay Somaliland waa cadowgayga, waxa ay Somaliland u xuntahay aniga iyo inta aannu isku fikraddda nahay? Marraa waaxid waannu ka xunnahay in meeshaasi ururro iyo doorasho iyo olole iyo horumar iyo waxyaabahaas ku naallooto.

Somaliland waa Somaliland, maamulka ka jira bartaasina waa maamul laga doortay, lagalana xisaabtamayo aaggaas. In maamulka iyo ururrada siyaasadduba tuuro leeyihiin shaki kuma jiro, balse yaan tuurlahayn? Nin habari dhashay hal ma seegiwaayo, aan ahayn qoraaga maqaalkan oo isagu u muuqda nin hal qudha aan seegin balse wixii halo jiray oo dhan seegay. 

Uuubss! Ka dan raaco maantay damcaan, ha isku duufeene…

Cabdillaahi Cawed Cige, Liverpool UK edleh@hotmail.com 

Maamul Goboleedka Somaliland Lama oga cid ay dan u tahay | Eng. Siciid

AFeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 15, 2005


Maxaa Run Ka ah Hadalkii "Wakiilka" Terry u Fadhiya Magaalada Garoowe
Mucaawinadii uu Soomaaliya u soo diray Brian Morrison laakiin wakiilka Terry uu sheegay in Guji

Maxamuud Wardheere oo Ku Baaqay in Masaajidada iyo Culimada Islaamka la Ixtiraamo
Qoraal uu Minneapolis ka soo saaray ayuu Guji


»Digaag Gata si Puntland Shidaal Loogu soo Saaro| C/waxid
»»
Jowhar Ma Masaaru- Shariif baa? |  Amiin Yuusuf

Puntland maku Tusaale Qaadan Doontaa Khiyaamadii Ku Dhacday Somaliland iyo Ra'iisul Wasaare Geedi
Xabsigii loo taxaabay Mr. Meier kaddib markii ay ka fashilantay shirkadii shidaalka ka baari lahayd... Guji...


Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD