SALADHIGGA
GUULDARADA SOOMAALIYA!!

W/D:Mursal
Max'ed Max'uud(Garaad)
Email:
stethy1@yahoo.com
Dacwada oo soo gaartay
Qarnigii 7aad T.M
darteed, su’aali kama
joogto in Ummadda
Soomaaliyeed ay
wadaagaan dhaqan mid ah
oo saldhigiisu yahay ku
dhaqanka Diinta Islaamka.
Soomaaliya oo EEBE gees
uga beeray Shucuubta
African-ka ah ee ay la
degaan, waxay intooda
badan kaga bedelan
yihiin in ay ku hadlaan
Luuqad mid ah. Way jiri
kartaa kala Lahjado
duwanaansho, haseyeeshee
Qofka Soomaaliga ah
isfahmi-waa xagga
Luuqada ah lama kulmayo,
isagoo ku sugan gudaha
dhulweynihii Soomaaliya
ee Gummaysigu u qaybiyey
5-ta qayb, dabayaaqada
Qarnigii 19aad.
Aad ayeey u
yaryihiin Ummadaha
Caalamka ku dhaqan ee
wadaaga Diin, Dhaqan, Af
iyo midab qura. Taas
ayaana loo aanaynayaa
Xasaradaha, Colaadaha,
is-qoynsiga iyo
dhibaatooyinka kale ee
ka dhex dhaca Dadyoowga
Awd-wadaagta ah een
intaasi ka dhaxayn.
Nasiibkeeda ayeey ku
noqotaye Soomaalidu
intaas oo idil way
wadaagaan waana hal
Qowmiyad.
Hadaba maxay
Soomaalidu isku haysataa?......Maxaase
dabray in ay horumar ku
talaabsadaan oo dib u
socodka xal loo helo?.....Qayb
miyeyse u heleen in ay
baryo-gacmo hoorsadaan
iyagoo ku nool Dal hodan
ah?. Waa maxay sababaha
hor taagan in ay ku
dhaqaaqaan iskaashi
dhab ah....miyaanayse
wax is doorin Soomaalidu
oo fahamkoodu isku
darajo ayuu ka kacaa?
Waydiimahaas iyo kuwo
kaleba waa kuwa ay
iswaydiinayaan Caalamka
iyo qaybo Soomaalida ka
tirsan.
Soomaalidu ma’aanay
gaarin bisayl ay ku
garato waxa ka dhexeeya,
mana ku baraarugsana in
Danta guud ay ka mudan
tahay in laga hormariyo
tan Shaqsiga, Qoyska,
Jufada iyo Qabiilka.
Sikooban oo Aniga iyo
Adiguba aan garan karno
haddii loo sheego
Soomaali badan
Dhulkoodii/Dalkoodii
waxay u yaqaanaan halka
uu Qabiilkoodu
deganyahay, hantidoodana
waxay u garanayaan tan
ay goonida u leeyihiin.
Bishii July
1991-kii, markii talada
laga tuuray Max’ed
Siyaad Barre, waxaa mar
kaliya lagu yaacay
Xafiisyadii,
dhismayaashii iyo wax
walba oo loo
nisbeeynayey Dowladda,
si aan aabo-yeel lahayn
ayaa loo bililaqaystay,
waxkasta oo la qaadi
kari waayana dab ayaa la
qabad siinayey. Marna
Dadkaasi isma waydiin in
Hantida ay bur-burinayeen aanay
cidina ka xigin, oo lagu
dhisay Canshuurtii laga
qaaday iyo howlihii
“Iskaa wax u qabso”
Haddii lagu la doodo
Daartan maxaad u
duminaysaan?...Gawaaridaanse
halkeed ula baxsanaysaan?
I.W.M. Jawaab aan meel
dheer loo doonin waxa
laguugu soo gaabinayaa
“Dowladda ayaa iska
leh”
Waxaa muuqata in
macnaha “Dowlad” aan si
fiican loo fahmin:-
Dhulkasta oo madaxbanaan
Xuduudi-hiisana la aqoon
sanyahay, lehna Calan
lagu garto iyo wax
alaala wixii ku dul nool
ayaa lagu tilmaami karaa
“Dowlad” Golaha
Xukuumaddu waa
Shaqsiyaad howlwadeeno
ah, markii ay waajibaad
kooda kasoo bixi
waayaana laga fariisin
karo shaqadda.
Shaqsiyaadkaasi kama
xigaan qaybaha kale ee
Dadka ka manaaficaysiga
Badda, Beeraha, Xoolaha
iyo kheyraadka kale ee
Dalka.
Waqtigan la joogo
gudaha Soomaaliya layaab
ma’ahan in aad aragto
Daar aad u qurux badan,
kana kooban biyaanooyin
la’iskor saarary,
dhismaheedana ay ku
baxday dhowr boqol oo
Kun oo Dollar, laamiga
mara hortiisase uu aad u
bur-bursan yahay, Qashin
halis ku ah sixada iyo
bilicda Daartana uu
dhinaceeda tuuran yahay.
“ Daartayda anigu waan
quruxsaday, dhal-dhaleelkeedana
qarash fara badan ayaan
u huray, jidkase anigu
gooni uma lihi,
qashinkaasna waxba igama
gelin, waa howl Dowlad u
taala, haddiise aan
dhiso wadadaan yaa wax
igu siinaya?.”
Jawaabahaasi waa kuwa uu
bixin lahaa Shaqsiga
iska leh Daarta, haddii
la waydiiyo Sababta uu u
bili waayey bilicda
Daarta horteeda.
Deegaan oo dhan waa
dhisme iyo dhisme kale
oo ka soo horjeeda. 2-ba
dhisme-kasta oo iska soo
horjeeda haddii ay
guntiga dhiisha iskaga
dhigaan sidii ay iskaga
kashan lahaayeen
nadaafadooda,
ammaankooda,
horumarkooda iyo aayaha
Dalkooda iyagoo u eegin
xigaal iyo aqoon gaar
ah. Bulsho nuucee ah
ayaa kuu sawir mi lahayd??
Guud ahaan Soomaalida
waxaa ka maqan damiirkii
danta guud iyo waxa ay
isku yihiin ay ku garan
lahaayeen. Inta taasi
maqan tahay, ILLAAHAY-na
looga
laabanayoAdduunyadu
sidan ayeey noola
yaabanaan doontaa ,
Asaageena waan ka
danbayn doonaa.
W/D:
Mursal Max’ed Max’ud (Garaad)
E-mail:
stethy1@yahoo.com
Afeef: Aragtida
qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan