SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

  Fariin ku jeeda  ra’iisulwasaare Geedi! 

wq. Cabdirashiid Faarax Xassan “Cadde”

Maaful@hotmail.com

Mudane ra’iisulwasaare waan ku diirsanaa kolkii aan magacaaga maqalno, waayo waxaad naga awday furin nagu banaanayd. Dadka koonfurta Soomaaliya  ku nool waxaa lagu hayey yasid iyo cay maadaama loo arkay ummad aan lahayn dad waxgarad ah, waxaana sabab u ah in shan  iyo tobankii sano madaxdii u soo baxday ay ahaayeen tuug iyo caaqyo, kolka laga reebo Maxamed Cumar Xabiib ”Maxamed Dheere.” Genaral Liiqliiqato iyo Calasow Dheere.

Mudane ra’iisulwasaare maahan in aan dusha kaa saarayno amaan aadan lahayn, laakiin haddii Alle laga baqo waxaa meesha galay mirtii uu Khaliif Shiikh Maxamuud lahaa: ”Mar uun baa mid lagu meel mariyo maahir noo kicin”  waxaa tahay halyey aysan dawladiisa hor istaagi karin tuug iyo nacasyo, waad og tahay kuwa diidan dawladaada waa maafiyo ku jira guryo aysan lahayn ama xoog ku jooga gobolo qabiillo kale leeyihiin. Biyaha labada wabi masaakiinta waa laga gadaa, waxaa ka iibiya kuwo wabiga u qaba baraagihii laga qodan jirey gobollada dhexe.

Kufsiga iyo barakicinto waa nolol maalmeedka ummada ku dhaqan waxii Xamar ka xiga koonfur, dhirtii iyo duurjoogtii meesha ay mareen waan la soconaa. Haddii aad tagtid Shabeelaha hoose iyo Jubbaland waxaad soo xasuusan filimkii kunte-Kinte ee laga sameeyey qaabkii loo adoonsaday madowgii  waqooyiga Ameerka. Waxaaa nasiibdaro  iyo taariikhxumo noqondoontada  haddii ay dawladaada fashilaan kuwa kolkii  magacyadooda la maqlo lagu yaqyaqsano. Mudane ra’iisulwasaare waxaan kugu amaanayaa sida ay madaxaaga ugu jirto wadaninimadu, qof sidaas qaraninmo uga fakara oo soomaali ah wali ma arag, runtii madaxweynaha shaqada ku siiyey kuma xuma in uu qaran ka fakro, laakiin adigu waxaad uga wanaagsan tahay Soomaaliya ayaa madaxaaga si wanaagsan ugu sawiran.

Mudane ra’iisulwasaare shaqo qaran maahan mid sahlan waxaa lagaaga baahan yahay dulqaad iyo feejignaan dheeraad ah. Danbiilayaasho waa in ay arkaan boolis iyo milatari adag oo baqdin galiya, marna haku fakarin in ay dawlad rabaan. Mudane ra’iisulwasaare haddii ay dawladaadu qaranimadii soo celiso, waxaan kugu sharfaynaa in aad noqotid madaxweynahii shanaad ee Soomaaliya.  

1 Aaden Cabdulle Cusmaan

2 Cabdirashiid Cali Sharmaake

3 Maxamed Siyaad Barre

4 Cabdullahi Yuusuf Axmed

5 Cali Maxamed Geedi? 

wq. Cabdirashiid Faarax Xassan “Cadde”

Maaful@hotmail.com

Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 26, 2005

»Jawaab Maqaalkii "SHIRKA BALCAD MAXAA LOOGA GOL-LEEYAHAY"
»SALADHIGGA GUULDARADA SOOMAALIYA!! | Garaad
»Xuska  Maalinta Nabadda Adduunka | Baaq Nabadeed | Xuseen
»Diiwaan:  Maansadii 41aad ee DoodWanaag | Cali-Mataan
»
Cali Xalane waa ku fududaayey Dhaleecaynta Dhaqanka | Cabdinur
»Muqdisho iyo Jowhar Barbar dhac | Amiin Yuusuf
»»Ka dan raaco: “Jawaab maqaalka Maamul Goboleedka Lamagacbaxay Somaliland Lama oga nimay u xuntahay iyo nimay u san tahay | Cige
»PL: Horumar miyaa laga Hortaagan yahay mise Burcad
»
Terry iyo Sh. Cabdallahii Qarnigii 19aad | Maestro
»
Shacabka Puntland wKhayraadkooda Ha difaacdaan


»Waxaa la Rabaa in dadka reer Puntland laga hor istaago khayraadka
»Cade Muuse Ma Hoogaamiye Siyaasadeed baa, Mase  waa  Ganacasade

»
Qoraalkii Maxamed Baashe Xusuustii uu kiciyey | Kayse
»Ficilada Jaahilnimada Soomaalida samayso waxaa ka mid ah | MM
»Maamul Goboleedka Somaliland Lama oga cid ay dan u tahay | Eng. Siciid
»
Baaqa Baarlamaanka Puntland Ma Mid Wadaniyadeedbaa| kaashawiito
»
Qoraal uu London kasoo saaray Inj. Sayid Axmed Sh. Daahir....
»
MAQAALADA KALE EE MAANTA::: KA AKHRI HALKAN... GUJI..
Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD