SomaliTalk HTML CD


Home | Zakaat | Quraan |   Siiro | Search | Saxaabo |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - WARAR
Dr. Abdul Rahman Al-Sudais oo Helay Abaalmarinta Shaqsiyadda Islaamka ee Sanadkan....
  • Tarjumadii:  Canab Mumtaz SomaliTalk.com | Oct 22, 2005
Imaamka Masjidka Weyn ee Makka AL-Mukarama Sheikh Cabdu Raham Al-Sudais ayaa lagu gudoonsiiyay Dubai Abaalmarinta Sanadka ee Shaqsiyadda Islaamka oo ay sanadkiiba mar bixiso Hay'adda Caalamiga ah ee Abaalmarinta Qur'anka Dubai (DIHQA)oo Todobaadkan lagu soo gabagabeeyay Halkaasi. 

Dr.Saced Al-hareb oo ah gudoomiye ku xigeenka Hay'adda DIHQA ayaa sheegay in Sheikh Sudais uu ku helay abaalmarintan kadib markii sanadihii ugu dambeeyay si weyn looga bartay dunida kadib markii cajaladihiisa Qur'aanka lagu faafiyay Caalamka muslimiin badana ay dhagaystaan, sidoo kale waxa uu  hogaaminayay Kulanka Guud ee Muslimiinta ay iskugu yimaadaan Makka Al-mukarama ee Xajka Sanadkiiba. 

Waxa uu intaas ku daray Dr Hareb in uu Aragti fiican ka bixiyay Islaamka marka uu khudbadaha ka jeediyo Masjidka Makka iyo meelaha kale ee lagu casumo ee ka baxsan Dunida Muslimka isagoo si weyn oo cad uga hadla Mas'uuliyadda ay Diinta Islaamku saartay Qof walba oo muslimka ah iyo in ay xaq tahay in ay Musliniintu ku toosnaadaan waxa uu Alle faray. 

"Markii hore Sheikh Sudais waxa uu diiday in uu naga aqbalo abaalmarinta, isagoo sheegay in ay jiraan dad badan oo ka mudan isaga, laakiin Hay'adda waxa ay siisay Abaalmarinta Sanadkan ee Shaqsiyadda Muslimka ah taas oo si weyn ay Hay'addu ugu faraxsan tahay in ay siiyaan Imaamka Masjidka Makka Al-Mukarama Sheikh Abdul Rahman Al-sudais" ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka 

Worshippers outside the Mosque

Shaykh Abdur-Rahman al-SudaisSheikh Sudais Sanadkii hore mar  uu booqday Dalka Britain,waxaana ka soo qaybgalay shir weyn uu ku qabtay Bariga London Muslimiin lagu qiyaasay 10,000 oo ku nool dalkaas iyagoo ka kala yimid magaalooyin ka baxsan Caasimadda waxa uuna ka hadlay dhinacyo badan oo khuseeya Islaamka iyo dadka Muslimiinta ah ee ku nool Dalalka  aan Islaamka ahayn. 

HALKAN KA DHEGEYSO QUR'AANKA OO UU AKHRINAYO SHEIKH  AL-SUDAIS

Isha Sawirada www.IslamicForumeuorpe.com

Canab Mumtaz | cmmumtaz@somalitalk.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 22, 2005


Tajikistan oo Xijaabka Ka Mamnuucday Iskuulada iyo Jaamacadaha
iyo Muslimiinta Adduunka oo Caro Weyn ka Muujiyey Joornaal Aflagadeeyey Nebi Muxamed (Scw)... Guji... Oct 21


Ra'iisul wasaaraha Australia oo Ka Hor Yimid Soo Jeedintii Mamnuucida Khimaarka

Khimaarka gabdhaha Muslimiinta | Sawirka: IslamOnline

AUSTRALIA: Aug 29, 2005: Ra'iisul wasaaraha dalka Australia, John Howard, ayaa Isniin (Aug 29) ka hor yimid soo jeedintii ay Xildhibanad ka tirsan baarlamaanka Australia soo jeedisey in Khimaarka gabdhaha Muslimiintu xirtaan laga mamnuuco Dugsiyada dawlada - taas oo uu sheegay in uusan ku racsanayn.


John Howard

Ra'iisul wasaaraha oo ganafka ku dhuftay arrintaas la xiriirta mamnuucida Khimaarka ayaa yiri: "Suurta gal ma aha in la hir geliyo mamnuucid noocaas ah."

Waxaase jira warar tibaaxay in Ra'iisul wasaaruhu uusan si xoog badan arrinta uga hadlin.

Wararka la xiriira Khimaarka ee ay ka hadleen xildhibaanada ka tirsan Australia, hoos ka akhri.

Tarjumadii SomaliTalk.com | Aug 29, 2005


  • Muslimiinta Kenya oo Ku Dhaartay in ay Difaaci doonaa Maxkamada Shareecada ee Ku Xusan Dastuurka Cusub ee Loo Codeyn Doono November...
  • Tirada Dadka Reer Australia ee Soo Islaamya Intii ka dambeysey September 11 oo aad u Korortay (15,000 oo Qof oo Kusoo Islaamay Hal Gobol....)
  • Wasiirka Waxbarshada Australia oo ka hor Yimid Hadalkii Labo Xildhibaan oo Soo Jeediyey in Iskuulada Dawladda laga mamnuuco Khimaarka::
  • Tirakoobka Muslimiinta Adduunka::: (1.6 billion)

Tirada Dadka Reer Australia ee Soo Islaamya Intii ka dambeysey September 11 oo aad u Korortay:::
15,000 oo Qof oo Kusoo Islaamay Hal Gobol....


Wixii ka dambeeyey Sept 11,2001, waxaa gobolka Queensland ee Austaralia ku soo Islaamay 15,000 oo qof. ISHA: ABC | Aug 28,2005

SYDNEY, Aug 28, 2005 - Tirada dadka reer Australia ee soo gelaya diinta Islaamka ayaa aad u korodhay laga soo bilaabo September 11, 2001, sidaas waxaa shaaca ka qaaday warbaahinta Australia ee loo yaqaan ABC (Australian Broadcasting Corporation).

Warkaas oo ay soo xigatey IslamOnline, waxa uu si gaar ah u xusay nin magaciisa la yiraahdo Omar Boswood oo soo Islaamay sannadkii hore.

"Markii anigu aan bilaabay in aan cilmi baaris sameeyo, isla mar ahaan taasna aan gaari karo go'aan kayga la xiriira cilmi baarista iyo akhriska, waxaan fahmey, xaqiiqsadayna quruxda Islaamka" ayuu yiri Omar Boswood oo mar ahaan jirey Catholic magaciisa la oran jirey Ryan Boswood (ka hor intii uusan soo Muslimin).

Sida Omar Boswood, waxaa gobolka Queensland ee dalka Austaralia ku Islaamay dad tiradoodu dhan tahay 15,000 oo qof laga soo bilaabo September 11, sidaas waxaa sheegay ABC.

"Haddii aad daacad u hadlo, Bible-ka ayaa igu riixey in an Islaamo sababtoo ah waxaan qabey su'aalo aad u fara badan oo an wax jawaab ah u la'aa, jawaabta waxaan ka helay Quraanka." ayuu yiri Omar Boswood.

Dalka Australia waxaa ku nool 300,000 oo Muslimiin ah, kuwaas oo ah boqol kiiba 1.5 dadka reer Australia oo tiradooda guud tahay 20 million.

September 11 wixii ka dambeeyey::

Omar Boswood waxa uu soo Islaamidiisii ka hor Muslimiinta ugu yeeri jirey magacyo xun-xun, waxana uu ku fekerey in uu ku biiro ciidanka Miletariga si uu u fuliyo aar goosi uu u ka aar goosanayo Muslimiinta oo dhan ka dib weerarkii September 11.

"Markii aan daawaday September 11, waxaan aaday in aan ku biiro Miletariga, laakiin kuma biirin, nasiib darro waxaan ahaa qof qaba Asmo (neef), sidaas darteed la iima ogolaan in aan ku biiro ciidanka". "Laakiin waqtigaas xaqiiqadii ma fahamsanayn Muslimiinta ama islaamka." ayuu yiri.

IslamOnline oo halkaas faalo kooban ka bixisay waxay tiri: weeraradii argagaxisadu waxay in badan oo reer Australia ah ku sababeen in ay raadiyaan akhbaar ku saabsan Islaamka iyo Muslimiinta.

"Waa arrin laga xumaado waxa adduunka ka dhacay, laakiin xaaladahaasi waxay noo ogolaadeen in aan dhaafno caqabado, kana gudubno xanibaado, sidaas daradeed waxaan heleynaa fursado aan dadka kala hadalo wax ku saabsan Diinta Islaamka." sidaas waxaa yiri Uzair Akbar oo ah Iimaamka Muslimiinta ee gobolka Queensland.

IslamOnline waxa ay xustay in inkasta oo ay sidaas u kordhaayo Islaamka Australia, haddana in ay Muslimiinta Australia dareemayaan cadaadis, sida soo jeedinta in gabdhaha Muslimiinta ee dhiganaya Iskuulada dawlada laga mamnuuco Khimaarka - akhri warka hoose.


Wasiirka Waxbarshada Australia oo ka hor Yimid Hadalkii Labo Xildhibaan oo Soo Jeediyey in Iskuulada Dawladda laga mamnuuco Khimaarka::

Tarjumadii SomaliTalk.com | Aug 28, 2005


Brendon Nelson

Sida ay hay'ada wararka u faafisa Australia ee ABC ku warantay Axad Aug 28, 2005, wasiirka waxbarshada Australia, Brendon Nelson, ayaa si weyn uga hor yimi arrinta la xiriirta mamnuucida Khimaarka gabdhaha Muslimiinta ee ay soo jeedisey Xildhibaanad ka tirsan Baarlamaanka Australia. Wasiirka oo arintaas ka hadlaya waxa uu yiri: "Marka laga hadlayo Dawlada Australia, waxaan difaaceynaa xuquuqda dhammaan carruurta reer Australia in ay aadaan Dugsiyada ay waalidkood u malaynayaan in ay caruurtoodu ka helayaan waxa ugu wanaagsan, si ay taas u sameeyaan, in ay xirtaan calaamada muujineysa diin tooda, ilaa inta ay waafaqsan tahay siyaasada direyska Iskuulka."

Waxa uu wasiirku warkaas kaga jawaabayey in ay Australia maalmahan ku soo kordhayaan ka hadalka Khimaarka.


B. Bishop

Sophie P.

Xildhibaanad ka tirsan xisbiga Liberalka Australia oo magaceeda la yiraahdo Bronwyn Bishop ayaa soo jeedisey in dugsiyada dawlada laga mamnuuco in gabdhaha Muslimiinta ay xirtaan Khimaarka calamada u ah dumarka Muslimiinta, waxana ay xirashada Khimaarka ku tilmaantay arin madax adayg ah.


Isha: news.com.au network

Ms Bishop waxa ay aragtidaas ku raacday xildhibaanad kale oo ka tirsan Xisbiga Libralka ee magaceeda la yiraahdo Sophie Panopoulos oo toddobaadkii hore walaac ka muujisay in dumarka Muslimiinta ah aysan muujinayn wajiyadooda marka ay gelayaan sawirka aqoonsiga.

Ms Bishop waxa ay Axadii (Aug 28, 2005) sheegtay in arrintan (Khimaarka) lagu khasbay Australia, taas oo (dalka) ay soo wajahday iska hor imaad xagga dhaqanka ah.

"Bulshada ah tan cadiga ah waxay tahay in aan waxba la mamnuucin" ayey Ms Bishop u sheegtay kanaalka Channel Seven ee Australia. Waxayna intaas raacisay "Laakiin arrintan xaqiiqadii waa nalaku khasbay waayo waxaan u jeednaa dalkayagii in uu kajiro iska hor imaad xagga dhaqanka ah, Khimaar kana waxaa loo adeeg sadey hab madax adayg ah." ayey tiri Xildhibaanadu.

"Waxaan ka hadlaayaa waa iskuulada dawladda. Haddii dadku ay ku jiraan Iskuulada Muslimiinta oo taasi tahay dharka direyska u ah, taasi waa caadi. Nolosha gaarka ah, taasi waa caadi" ayey tiri Ms Bishop.


Dawladda Australia waxay ka hor timdi soo jeedintii ahay in Dugsiyada laga manuuco Khimaarka | Reuters

Gabadha madaxweynaha u ah urur ay leeyihiin Dumarka Muslimiinta Australia oo magaceeda la yiraado Maha Krayem Abdo oo arintaas ka jawaabeysay ayaa tiri "Waxaan u malaynayaa in ay aad halis u tahay in aan ka fekero in aan wadadaas qaadno..." Waxayna intaas ku dartay "Waxaana u malaynayay in Australia ay qaadatay waddo hor muud u ah adduunka oo ah bulsho cadaalad ah".

Gabadha u hadlesey ururka Dumarka Muslimiinta Australia waxa ay intaas ku dartay in ay tahay arrin aan la fahmi karin sababta ay dawladu u taageertay xoreynta Ciraaq, isla mar ahaan taasna Ms Bishop soo jeedinteedu ay Dumarka Muslimiinta Australia uga xanibeyso in ay muujistaan xorriyaddooda diimeed ee ay xuquuqda u leeyihiin.

Sannadkii hore ayey ahayd markii baarlamaanka Faransiisku u codeeyey mamnuucida Khimaarka ay gabdhaha Muslimiinta ku xiranayaan Dugsiyada Dalwada, taas oo wararku ku tilmaameen in ay kala qaybisay bulshada Fransiiska.

ISHA: ABC (Australia), Channel Seven  (Australia), IslamOnline


Laba Walaalo Soomaaliyeed oo "Halifax Herald" Sawirkooda u Xulatay in ay Kamidyihiin kuwa ugu Wanaagsan Sannadka 2000....
Tarjuamdii SomaliTalk.com March 7, 2000

best photo 2000
© Peter Parsons / HeraldPhoto | 2002
Marian and Zahra Shee oo walaalo ahna Soomaali ayaa wargeysaka "Halifax Herald" udoortay in ay ka midyihiin sawiradii ugu wanaagsanaa ee wargeysku qaaday sannadka 2000. Warkaan waxaa wargeysku kuqoray caddadkiisii soobaxay December 29, 2000. "Halifax Herald" waxaa uu kasoo baxaa magaalada Halifax ee gobolka "Nova Scotia" ee dalka Canada.

Sawirkan waxa uu wargeysku sawiray bishii Maarso 6 ee sannadka 2000, Waxaana qaaday ama sawiray "sawir qaade" kasocdey Herald oo lagumagcaabo Peter Parsons.


Mamnuuciidii Maxamed DHeere ee Indho Shareerka:: 2004

Waqtigaas waxaa labada gabdhood iyagoo ku lebisan dhar aad u wanaagsan (xijaab) soo bandhigayeen hiddaha dalkooda Soomaaliya, iyaga oo ka qabgalay bandhig dhaqameed lagu qabtay dugsiga sare ee lagumagcaabo "Clayton Park Junior High School" ee kuyaal magaalada Halifax.

Marian Shee waxa ay jirtey markaas 14 (sawirka dhanka bidix), walaasheed Zahra waxay jirtey 16 markii sawirka laqaaday. Waxaana ay ku mutaysteen in sawirkoodu kamid noqdo kuwa ugu wanaagsan waa soo bandhigida dhaqankooda toosan iyo calaamada Islaamka.

Daabacaadii SomaliTalk.com | Talaado, March 7, 2000  & Updated: Jimce, December 29, 2000


Dadka Reer Holland oo Raacsan in Shaqaalaha Laga Mamnuuco Dharka Islaamka...
Tarjumadii SomaliTalk.com | Aug 7, 2005

Sida laga soo xigtey United Press International, cod bixin ay dhowaan qaaday hay'ad Dutch ah ayaa waxaa ay sheegtay in badanaa dadka reer Netherlands (Holland) ay raacsan yihiin in dawladu ay dumarka Muslimiinta ah ee shaqaalaha ah ka mamnuucdo in ay xirtaan xijaabka, khimaarka iyo dharka kale ee Muslimiinta.

Hay'addaas oo lagu magcaabo TNS Nipo waxa ay su'aalo weydiisey 433 qof oo qaan gaar ah, kuwaax oo 63% oo dadkaas u dhashay Netherlands ay taageersan yihiin mamnuucida in dadka ka shaqeeya goobaha madaniga laga mamnuuco xirashada dharka Muslimiinta, iyo in 80% ay raacsan yihiin in shaqaalaha dawlada guud ahaan aysan xiran dhar noocaas ah.

Dadkaas su'aalaha la weydiiyey ayaa 57% waxay yiraahdeen waa in dumarka macalimiinta ah aysan xiran khimaar, halka 77% ay yiraahdeen waa in dumarka booliska ah aysan xiran khimaar, iyo 81% oo yiri waa in qareenadu aysan xiran khimaar, Waxa laga hadlayaa waa dumarka Islaamka ah'e.

Waxaa codbixintu sheegtay in fikrada dadka reer Netherlands ay wax weyn iska bedeleen marka loo barbar dhigo sannadkii 2003.

September 2, 2004 ayey ahayd markii Sharcigii Jacques Chirac ee Dugsiyada Faransiiska Lagaga Mamnuucayey Khimaarka Gabdhaha Muslimiinta uu Ka Dhaqan Galay dalka France. Guji... Halkan.

Boqorada Denmark, Margrethe II
Boqorka Begium, Albert II

Horraantii sannadkan 2005 ayay ahayd markii Boqoradda ka talisa dalka Denmark ay ku dhawaaqday erayo aad u kul-kulul oo ku wajahan muslimiinta dalkeeda jooga. Margrethe II, boqoradda Denmark ayaa Islaamka ku tilmaantay in uu yahay wax dunida oo dhan khatar ku ah, isla markaana ay tahay in la hor istaago. “waa in aynu muujinno diidmadeenna Islaamka” ayay tidhi iyadoo iska dhagatiraysa layaabka dunida. Guji... Halkan..

Lila iyo Alma waa walaalo laga cayriyey iskuulka
Faansiiska iyo Xijaabka Guji.

Isla sannadkan 2005 horraantiisii ayey ahayd markii Boqorka Belgium uu Taageeray Agaasime Difaacay Gabar Xijaaban. Boqor Albert II ayaa bishii Janaayo 12keedii soo dhoweeyey nin agaasime shirkadeed ah iyo gabar xijaaban oo uu ninkaasi difaacey, waxana uu boqorku arintaas uga gol-leeyahy in uu ku muujiyo taageeradiisa uu u hayo ninkaas taageersan in gabadhaasi xirato Xijaab marka ay shaqayneyso. Guji.... halkan.

Isha: Qaar kamid ah wararka IslamOnline | Tarjumadii SomaliTalk.com & Warar hore | Aug 7, 2005


Dr.Zaki Badawi oo Hadalkiisii ay Dumarka Muslimka ahi ka soo hor-jeesteen.

  • Tarjumadii Canab Mumtaz | SomaliTalk | Afrikada Bari | Aug 11,2005

Dr. Zaki Badawi

Waxii ka dambeeyay Qaraxyadii lagu qaaday basaska iyo tareenada dhulka hoostiisa mara ee magaalada London, UK waxa ay cabsi la soo daristay dadka muslimka ah ee ku nool guud ahaan dalka Britain gaar ahaan dumarka xijaaban ee Muslimka ah, kadib markii weeraradaas lagu eedeeyay in dadka islaamka ahi ay ka dambeeyaan kuwii loo qabtayna qaarkood ay ka soo jeedeen wadamo islaam ah.                


"Sarkal Boolis ah oo agtaagan labadumar ah oo Muslimiin ah magaalada London, UK" Reuters.

Dumarka ku nool magaalada London ayaa maalmihii la soo dhaafay ka cabanayay in wadooyinka lagu dhibo marka ay maraan iyagoo xijaaban, waxa ayna cabsi ku abuurtay dumarkaas in waxyeelo loo gaysto naftooda ayna kula kacayaan dad caraysan oo British-ah, haweenkan oo ah sida ka  muuqata kuwo xijaaban dagana magaalada London ayaa ka sheekaynaya sida ay ula dhaqmeen qaar ka mid ah dadka reer London,waxa ay u sheegayaan booliiska in la soo weeraro dhagaxna looga soo tuuro daaqadaha guriga ay dagan yihiin,falalkan oo ay samaynayaan dad caraysan.

Dr.Zaki badawi oo ka mid ah culumada magaalada London ayaa u sheegay Shabakada islamOnline in haweenku ay iska dhigi karaan xijaabka hadii uu dhib u keenayo, si ay naftooda u badbaadiyaan ugana yaraato cabsida ay qabaan iyo Af-lagaadada loo gaysanayoba, sheikhan ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay TV-ga BBC-da.


Dumarka London,UK oo cambaraynaya weerradii lagu qaaday London.  Reuters

Gabar Muslimad ah xijaaban

Gabdhaha Muslimiinta ah ayaa ka soo horjeestay Hadalka Dr.Zaki waxa ayna sheegeen in xijaabku yahay astaan lagu garto gabdhaha Muslimka ah,isla markaana uu yahay waajib diini oo saaran oo aysan ka leexan karin wax walba oo lagula kaco,waxa ayna sameeyeeen banaanbaxyo ay kaga soo horjeedaan hadalkaas oo ay sheegeen in uu gaf ku yahay diinta islamka.

Waxaa kale oo dumarkan oo watay boorar sheegeen in ay ka soo horjeedaan dhibka lagula kaco dumarka muslimka ah ee aan dambiga galin iyadoo mararka qaarkood wadooyinka loogu gaysto dhibaato taasna ay dhaawayso xuquuqd bini-aadamka.

Muslimiin badan oo ku nool dalka Britain ayay dhibaato soo wajahday,balse culumada waawayn ee ku nool jaaliyadda muslimka ah ayaa si wayn uga hadlayay maalmihii la soo dhaafay in aysan wax lug ah ku lahayn arrimaha lala xiriirayo muslimiinta ee ah in ay ku lug leeyihin qaraxyadii ka dhacay London, ayna ka soo horjeesan doonaan cidii ay ku arkaan iyadoo wax qarxinaysa, diinta muslimku maahan diin wax qarxisa waa diin nabadeed, Waxa ayna culumadu xuseen in ay diin walba ay lahaan karaan dadka isqarxiya ee aysan ku koobnayn kaliya dadka muslimka ah.

"Xijaabku waa asaaska xuquuqda aadamiga"

Brent East’s Labor candidate Yasmin Qureshi
Yasmin Qureshi

Sidaas waxaa yiri Yasmin Qureshi oo arimaha xuquuqda aadamiga kala talisa duqa magaalada London, UK. Waxana ay intaas ku dartay "Waa arin asaasi ah oo ay xuquuqul Insaan ay leedahay qofta dumarka ah ee Muslimada ah in ay doorato xirashada xijaab, waana in xuquuqdaas aadamino la difaaco, waana in aynaan guusha gacanta u gelin kuwa midabtakoorayaasha ah iyo kuwo foobiyada ka qaba Islaamka ee raba in ay cabsi geliyaan Muslmiinta nabada jecel."

Waxayna hadalka ku xoojisey "Dadka ay thay inay dabeecadooda bedelaan waa kuwo cabsi geliyayaasha ah ama weerarya Muslimiinta.", waxayna ku celcelisey in ay tahay in la difaaco xuquuqda asaasiga ah ee ay qofta dumarka ah xirashadeeda xijaabka.

Yasmin Qureshi oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Pakistan waxa ay tiri hadal u dhigma sidan: Sida aan calaamadohooda diimohooda loogu diidin Jews-ka, Christian-ka iyo Sikh ayaa dumarka Muslimka ahna ay xuquuq ugu leeyihiin in ay xirtaan xijaabka, waana in xuquuqdaas la difaaco ayey tiri.

Tarjumadii Mumtaz | canabmumtaz@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 11, 2005


Tirakoobka Muslimiinta Adduunka::: (1.6 billion)

Tarjumadii SomaliTalk.com | Aug 28, 2005

:::SH. AXMED DEEDAT:::
Sh. Axmed Deedat oo Ku Geeriyoodey 87-jir
Daacigii caanka ahaa, dood-yahankana ahaa, ayaa ku geeriyoodey K/Afrika.. Guji..
:::ZAINAB AL-GHAZALI::
Zainab Al-Ghazali oo Ku Geeriyootey 88-jir: Zainab oo aad looga yaqaan Masar waxay 1917 ku dhalatay Al-Baxiira... Guji...

Sida ay werisey shabakada wararka ee Kashar (Pakistan), ugu yaraan shantii qof ee dunida ku nool hal qof ayaa Muslim ah. Waxaa warku intaas kudaray in Kontonkii sano ee ugu dambeeye ay tirada Muslimiinta adduunku korortay boqolkiiba 235 jeer, tiradaas oo hadda gaartey 1.6 billion ooMuslimiin ah oo ku dhaqan daafaha dunida. Hadda diinta Islaamku waa diinta labaad ee ugu dadka badan salalka France, UK iyo USA, ayaa warku ku daray.

Waxana tira koobku muujinayaa inta Muslimiin ah iyo dalalka ay ku nool yihiin, sida hoos ku qoran. (M= Million).

UK 1.6m, France 5.8m, U.S. 7m, Germany 3m, Russia *16m, Italy 1m, Indonesia 182.2 m, Pakistan 146.9 m, Bangladesh, 116.0 m, India 109.6 m, Iran 63.9 m, Turkey 61.0 m, Egypt 51.6 m, Nigeria 40.2 m, Algeria 29.1 m, China 29.1 m, Morocco 29.1 m, Iraq 21.4 m, Sudan 20.4 m, Ethiopia 18.3 m, Afghanistan 18.0 m, Yemen 16.1 m, Saudi Arabia 16.0 m, Uzbekistan 15.9 m, Malaysia 10.5 m, Mali 9.4 m, Tunisia 9.0 m, Somalia 8.5 m, Senegal 7.7 m, Niger 7.5 m, Kazakhstan 6.9 m, Guinea 6.5 m, Azerbaijan 6.1 m, Cote d'Ivoire 5.9 m, Libya 5.2 m, Tajikstan 5.2 m, Burkina Faso 5.0 m, Jordan 3.6 m, Syria 3.5 m, Cameroon 3.1 m, Turkmenistan 3.1 m, Chad 2.9 m, Ghana 2.8 m, Kyrgyzstan 2.8 m, Palestine 2.4 m, Mauritania 2.3 m, Mozambique 2.3 m, Sierra Leone 2.0 m, Bosnia 1.8 m, Serbia 1.8 m, United Arab Emirates 1.8 m, Lebanon 1.7 m, Oman, 1.7 m, Malawi 1.5 m, Tanzania 1.5 m, Albania 1.4 m, Bulgaria 1.3 m, Brunei 1.2 m, Kuwait 1.2 m, Benin 0.95 m, Gambia 0.94 m, Togo 0.85 m, Macedonia 0.59 m, Bahrain 0.51 m, Comoros 0.51 m, Guinea Bissau 0.49 m, Qatar 0.47 m, Djibouti 0.45 m, Singapore 0.44 m, Liberia 0.40 m, Maldives 0.25 m, Mauritius 0.19 m, Sahara 0.13 m, Suriname 0.10 m, Cyprus 0.04 m, Gibraltar 0.003 m.

ISHA: Kashar News

NB: Waxaa jirta warbixin sheegysa in tirada Muslimiinta kunool Guud ahaan Ruusha in ay yihiin 23 million. Eeg qoraalka hoose.


Dalka Ruushka oo ay Ku Nool Yihiin 23 Million oo Muslimin ah, si Joogto ahna tiradaasi ay u Kordheyso..

Sida ay werisey hay'adda wararka u faafisa Ruushka ee loo yaqaan Interfax, guddiga muslimiinta ruushka ee loo yaqaan "Council of Muftis of Russia" ayaa shaaca ka qaaday in dalka Ruushka ay hadda ku nool yihiin 23 million oo Muslimiin ah. Tirada guud ee dadka Ruushku waa 144 million.

Warbixintaas oo ay Khamiistii faafisay Interfax waxa ay intaas ku dartay in dadkaas Muslimiinta ah ee ku dhaqan Ruushka ay san ahany dad qaxootinimo ama laajinimo ku yimid ruushka, balse ay yihiin dad weligood inta taariikhdu xusuusato halkas deganaa.

Waxaa warku intaas ku daray in tirada muslimiinta  ee dalka Ruushku ay si joogto ah u koreyso dadkuna ay diinta Islaamka u soo gelayaan si aan kala go' lahayn.

Isha: Mosnews.com | Tarjumadii SomaliTalk.com | Aug 7, 2005


Sucuudiga oo Ballaarinaya Dhismaha Masjidka Nebi Muxamed (scw) ee Madiina

  • Khaadimka Xarameenka Shariifka ah, Boqor Cabdullaahi Bin CabdulCasiis, ayaa lacag dhan 1.25 billion oo dollar ( oo u dhiganta 4.7 billion oo riyal) u qoondeeyey in lagu ballaariyo dhismaha Masjidka Nebi Muxamed (SCW) ee ku yaal magaalada barakaysan ee Madiina...

Ballaarinta masjidka waxaa kamid ah in la rakibo182 daladood oo loogu talo galay in ay hareeyaan Muslimiinta Ku cibaadaysanaya Masjika iyo in deyrka dhanka bari laga dhiso meel qaadi karta 70,000 oo qof.

Mashruuca waxaa kale oo kamid ah in la dhamaystiro wadada Boqor Faysal iyo dhismaha meel gawaarida la dhigto iyo meelo dhulka hoostiisa ah oo la mari karo.

Boqorka dhowaanta la caleema saaray waxa uu ammarka mashruucaan lagu hirgelinayo siiyey governatooraha Madina, Prince Muqrin, iyo wasiirka dhaqaalaha Dr Ibrahim Al Assaf, waxana uu amarkaas bixiyey Jimcadii mar uu booqday magaalada Barakaysan ee Madina.

Intii uu boqor tooyaad hoggaaminayey Boqor Fahad waxaa Sucuudigu kharashgareeyey lacag dhan 27 billion oo dollar (oo u dhiganta 100 billion oo riyal) oo lagu ballaarinayo, laguna cusboonaysiinayo labada Masaajid ee ugu barakada Badan, Makka iyo Madiina, si ay ugu cibaadaystaan malaayiin Xujey ah.

ISHA: AP | Tarjumadii SomaliTalk.com | Aug 23, 2005


Ururka Muslimiinta Britain (Muslim Council of Britain) oo si Kulul u Cambaareeyey BBC-da

  • UK waxaa ku dhaqan 1.6 Million oo Muslimiin ah...

(Tarjumadii SomaliTalk.com | Aug 21, 2005): Sida ay werisey jariidada Sunday Herald, Muran aad u xoog badan ayaa soo dhexgalay Ururuka Ugu xooga weyn Muslimiinta Britain iyo BBC-da kaddib markii uu ururkaasi BBC-da ka dalbaday in aysan siideyn barnaamij "hal dhinac keliya u janjeera" oo ay BBC-du siideyn doonto Caawa oo Axad ah. Barnaamijkaas oo ka bixi doona qaybta loo yaqaan PANORAMA caawa 10.20pm waqtiga London (22:20 BST), kanaalka "BBC One". Barnaamijkaas oo cinwaankiisu yahay "Su'aal ka taagan hoggaanka " (A Question of Leadership).

Barnaamijka Panorama waxa uu ku andacoonayaa in hogganka ururuka Muslim Council of Britain oo loo soo gaabiyo MCB in ay ku sugan yihiin xaalad "iska indha tirid ah xagga baaxada ay leeyihiin Muslimiinta Xag-jira" ee Britain, waa sida warku u dhigaye. MCB isla markiiba arintaas si kulul ayey uga jawaabeen waxayna barnaamijkaas ku tilmameen "Mid aan caddaalad ahayn".

Xoghaya Guud ee ururka MCB, oo magaciisa la yiraahdo Sir Iqbal Sacranie, waxa uu yiri "Barnaamijkaasi waa mid si aad uga fog caddaalada waxaana looga gol leeyahay in la isku dayo in lagu curyaamiyo horumarka ay Muslimiintu ka gaareen xagga siyaasada caadiga ah".

Sida ay werisey jariidada The Observer, afhayeenka MCB, oo magaciisa la yiraahdo Inayat Bunglawala, waxa uu wacay dadka lafagura barnaamijyada kaddib markii uu helay nuqul kamid ah barnaamijka ka bixi doona BBC-da ee cinwaankiisu yahay "Su'aal ka taagan hoggaanka".

Barnaamijka Panorama ee caawa bixi doona waxaa la soo weriyey in uu ku andacoon doono in koox xiriir la leh MCB ay qabaan fikrado xag jira, sidaas waxaa qortay shabaka IslamOnline.

Sir Iqbal Sacranie oo ka hadlaya arinta Islaamka debecsan (moderate Islam) waxa uu yiri "Waxaan aaminsanahay in kooxda uu HOGAAMIYO John Ware (Madaxa barnamaijka Panorama)ay sameeyeen barnaamij si qoto dheer cadaalada uga fog ayagoo si ula kac ah wax u soo xiganaya si ay isugu dayaan in ay magaca dilaan ururka Muslim Council of Britain iyo ayagoo daboolaya qorshohooda ay Muslimiinta Britain kaga fogeynayaan siyaasada ee aaminsanaata iyo ficilka ay diinta Islaamku ku boorineyso.

"Waxaa nasiib darro ah in marka ay bilaabeen 1.6 million oo ah Muslimiinta ku dhaqan Britain in ay ka qayb qaatan siyaasada caadiga ah in ay jiraan kuwo arintaas curyaaminaya" ayuu yiri Sir Iqbal.

Asagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yiri: waxay u muuqataa kuwa loogu yeero "Muslimiinta debecsan" in looga baahan yahay in aysan waxba ka sheegen fal dembiyeedka ay Israel ka geleyso reer Falastiin, haddii kale waxaa durbadiiba lagu koolaynayaa "Xagjirayaal".

Waxana uu Muslimiinta Britain ugu baaqay inay xasiloonaadaan, feejignaadaana si aan loo kala qaybin.

Waxa kale oo uu Sir Iqbal yiri: Kuwa la dagaalama caburinta, kuwa la dagaalama kuwa dalkooda qabsaday, looguma yeeri karo argagxiso, waa halyeyo xorriyad u dirir ah, waxayna la mid yihiin sidii Nelson Mandela ula dagaalamay midab takoorkii, iyo sidii Ghandi iyo in badan oo kale ay ula dagaalameen xukunkii British-ka ee Hindiya". Dhanka kale Mr. Sir Iqbal waxa uu cambaareeyey in dadka shacabka ah oo la iska laayo meel kasta oo ay joogaanba.

Mr. Sir Iqbal Sacranie waxaa mar sii horeysey lagu dhaleeceeyey in uu salaatul jinaaso ku qaban qaabiyey masjid kuyaal bartamaha London si loogu tukado salaatul Jinaasada Sheikh Ahmed Yassin oo ay Israel dishey.

Urururka MCB waxay madaxa sare ee BBC-da, oo magaciisa la yiraahdo Mark Thompson, u qoreen warqad ay ku sheegeen in barnaamijkaasi "uu leeyahay qorshe u janjeera Israel".

Maalintii shalay waxaa ururka Muslimiinta MCB ay sheegeen in barnaamijka Panorama uu soo xigtey Mehboob Kantharia oo ahaan jirey xubin katirsan ururka MCB, taas oo la sheegay in barnaamijkaasi u soo xigtey hab laga dareemi karo in loola jeedo in MCB ay ku sugan yihiin xaalad indha ka qabsi ah arimaha xagjirirda. Waxaase la weriyey in Mehboob Kantharia uu ururka MCB ku wargeliyey in uusan hadalkiisa ula jeedin ururka Muslimiinta ee MCB.

Eedaymaha ururka MCB waxaa ka jawaabey madxa barnaamijka Panorama. (TV).

Madaxa barnaamijka Panarama oo ka jawaabaya eedaynta ururka Muslimiinta ka daawo halkan..... GUJI...

Tarjumadii SomaliTalk.com | Aug 21, 2005 | Isha: MCB website, IslamOnline, BBC-TV



  • ITALY: Masjidka Rooma oo Loogu Hanjabay in la Weerari Doono...
  • DENMARK: Radio laga Joojiyey In uu Hawada Soogalo Muddo Saddex Bilood ah kaddib Markii Laga Sheegay Erayo Nacayb Ku Ah Muslimiinta...
  • SAUDI ARABIA: Sucuudiga oo Xujeyda Sannadkan Weydiin Doona Cadayn Tallaalka Cudurka Qallalka (Polio)

Masjidka Rooma oo Loogu Hanjabay in la Weerari Doono...

Tarjumadii SomaliTalk.com (Aug 19, 2005): Sida ay werisey jariidad kasoo baxda dalka Talyaniga oo loo yaqaan AGI, xoghaya ururka Midowga Muslimiinta Talyaniga oo magaciisa la yiraahdo Massimo Zucchi ayaa waxa uu ka digey hanjabaad lasoo gaarsiiyey masjidka in mustaqbalka laga yaabo in lasoo weeraro.

Massimo Zucchi waxa uu sheegay in ururka Muslimiinta Talyaanigu ay heleen email nacayb ah oo ay ku qoran tahay in la duqayn doono Masjidka Rooma "Muddo lix bilood gudohood ah".

Emailka waxaa kaloo ku qornaa "erayo lagu caayayo Nebi Muxamed, Diinta Islaamka iyo Allah".

Mr. Massimo waxa uu sheegay in laga yaabo in weerarkaas masjidka lala beegsado xilli Salaada Jimcaha ay Muslimiintu ku tukanayaan Masjidka. Waxana uu ugu baqay hay'adaha ammaanku in ay qaataan tallaabo kasta oo arintaas looga hor tegayo.

Qoraalkii AGI oo Af-Talyaani ah Ka Akhri Halkan....

DENMARK: Radio laga Joojiyey In uu Hawada Soogalo Muddo Saddex Bilood ah kaddib Markii Laga Sheegay Erayo Nacayb Ku Ah Muslimiinta...

Tarjumadii SomaliTalk.com

Guddiga Raadiyaha iyo Telefishanka ee (Danish Radio & TV) ayaa Arbacadii la soo dhaafay waxay joojiyeen in uu hawada ka hadlo Radiyo lagu magcaabo "Radio Holger" kaddib markii laga sii daayey hadalo nacayb ah oo mamnuuc ka ah in ay Raadiyayaasha Denmark baahiyaan.

Ninka Raadiyahas iska leh oo lagu magcaabo Kaj Vilhelmsen ayaa la sheegay in uu July 13-keedii yiri: waa in Muslimiinta la laayo, isla mar ahaantaana khasab looga saaro Galbeedka Yurub.

Raadiyahan oo aan aad u weyneyn waxa uu hawada soo geli jirey saddex maalmood, waxaana laga dhegeysan karaa ama laga maqli karaa oo keliya magaalada caasimada ah ee Copenhagen.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa ka soo xigatey in Kaj Vilhelmsen uu yiri "Haddii Radiyaha nalaka xiro waxaan heleynaa nidaam kale oo aan ku faafino dhambaalka ku saabsan dadka Danish-ka Denmark."

Dalka Denmark waxaa ku dhaqan 150,000 oo Muslimiin ah, kuwaas oo tiro ahaan ah boqolkiiba saddex (3%) mujtamaca reer Denmark.

Isha: AP

 Sucuudiga oo Xujeyda Sannadkan Weydiin Doona Cadayn Tallaalka Cudurka Qallalka (Polio)

Sida laga soo xigtey hay'adda caafimaadka adduunka ee loo yaqaan WHO, waxaa dawlada Sucuudigu ay xujeyda sannadkan 1426 oo ku beegan Janaayo 2006 ay weydiin doontaa cadayn muujineysa tallalka cudurka loo yaqaan qallaka ama Polio.

Arrintan waxay ka timid cabsi laga qabo in cudurkaasi uu ku faafo dalka Sucuudiga ama xujeyda imaya xajku ay cudurkaas dib ugu qaadaan dalalkii ay ka yimaadeen sidaasna uu cudurku ku faafo dalal badan.

Arintani waxa ay saamayn ku yeelan doontaa dadka soo xajiyaya ee da'doodu ka yartahay 15 jir, kuwaas oo ka imanaya 19 dal oo laga soo sheegay cudurka Qallalka. Boqolkiiba 96% kamid ah 1,053 qof ee cudurkaasi ku aafeeyey daafaha dunida waxay ku dhaqan yihiin dalalka ka tirsan ururka Islaamka.

Waxaa la soo weriyey in WHO ay u riyaaqday warka ka soo yeeray dalka Sucuudiga.

Si aad wax badan uga ogaatid Cudurka Qallaka GUJI HALKAN...

Isha: Reuters

MA'OGTAHAY:
Haddii aad Maraykanka Joogtid in aad ogaan kartid in xaafada aad deggan tahay ay ka ag dhow yihiin dadka geysta falal dembiyedka Kufsiga ee loo Yaqaan sexoffenders, waxaad ka ogaan kartaa haddii ZIP-CODE-ka xaafadaada aad ku qortid websitekan: http://www.mapsexoffenders.com/

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 20, 2005


Taariikh Kooban Masjidka Cordoba ee Spain:::

Masjidka Cordoba waxaa ladhisay sannadkii 784, waana masjid kamida kuwa ugu da'ada weyn xadaaradii Islaamka ee Spain soo martay waqtigaas. Taariikh kooban ee Masjidka iyo magaaladaas waatan iyadoo kooban.

Qarnigii sagaalaad iyo tobnaad oo ahaa waqtigii ay magaalada Cordoba maraysey heerkii ugu sareeyey waxa magaalada ka dhisnaa 200,000 guri iyo lixboqol oo masjid (meelaha qaybtoodna waxaa lasheegay 700 Masjid), taas oo ay weheliyeen sagaal boqol oo goobood oo ah xamaam (qubeys/musqul dadweynaha), konton cisbitaal iyo xayn suuqyo waaweyn [Eeg halkan]

Qoraa ingiriis ah oo lagu magcaabo Gerald Brenan ayaa masjidka Cordoba ku tilmaamay "masjid Carbeed oo aad loola dhaco [aad u quruxbadan]", waa masjidka saddexaad ee ugu weyn adduunka marka la eego baaxada dhul ee uu ku fadhiyo oo ah 23,000 mitir oo labajibbaaran iyo qaab dhismeedkiisa oo cajaa'ib ah, Waana dhismaha ugu quruxda badan dhismayaasha asalka ah ee dalka Spain, waa goob ay ilaa hadda dadka booqda Spain u daawasho tagaan.

Kaddib markii ay Christianku qabsadeen Cordoba sannadkii 1236 ayey masjidkii [mosque] u rogeen kaniisad [Christian cathedral]. [Eeg halkan]

Magaalada Cordoba waxay kutaal daanta bari ee webiga Guadalquivir, Spain. Waa magaalada ugu muhiimsan dooxada loo yaqaan Guadalquivir. Waa caasimadii EL-Andalus (Khaliifah), waana magaalo bilicdii xilligaas ay weli kamuuqato, waxayna ku caan baxday masjidka weyn ee Cordoba oo sannadkii 1984 lagu daray liiska loo yaqaan "World Heritage List [Unesco]". 

Muslimku waxay qabsadeen magaaladaas sannadkii 711. Masjidkana waxaa halkaas laga dhisay sannadkii 784. Masjidka Cordoba waxa uu tusaale u yahay ilbaxnimadii Khaliifadii loo bixiyey "Caliphate of Cordoba (929-1031). [Eeg halkan] ama [EEG halkan].

Afka carabiga waxaa cordoba laguyiraahdaa Qurtuba.

EEG HALKAN: Macluumaad dheeraad ah

Eeg Sawirada Cordoba

ISHA: SomaliTalk.com | March 4, 2002


Sh. Axmed Deedat oo Ku Geeriyoodey 87-jir
Daacigii caanka ahaa, dood-yahankana ahaa, ayaa ku geeriyoodey K/Afrika.. Guji..

Zainab Al-Ghazali oo Ku Geeriyootey 88-jir:
Zainab oo aad looga yaqaan Masar waxay 1917 ku dhalatay Al-Baxiira...
Guji...


Muslimiinta Kenya oo Ku Dhaartay in ay Difaaci doonaa Maxkamada Shareecada ee Ku Xusan Dastuurka Cusub ee Loo Codeyn Doono November...

Tarjumadii SomaliTalk.com | Aug 29, 2005


"Muslimiintu goroda u laad laadin mayaan cadaadiska diimaah kale, waxayna ku dagaalamayaan difaaca maxkamadaha ilaa aakhirka" Sheikh Dor (Dhexda)

Muslimiinta Kenya ayaa wacad ku galay sidii ay u difaci lahaayeen Maxkamada Shareecada ee loo yaqaan "Maxkamada Qaadiga" aan loog asaari lahayn dastuurka cusub ee Kenya, inkasta oo ay si weyn arrintaas uga soo hor jeesatey Kaniisaduhu.

"Muslimiintu goroda hoos uguma rogan doonan cadaadis kaga yimid diimo kale, waxayna difaacayaan maxkamadaha, ilaa dhammadka" sidaas waxaa yiri Sheikh Mohamed Dor oo ah xoghaha guud ee Ururka Imaamada iyo daaciyada kenya oo la hadlayey IslamOnline.

Muslimiinta oo boqolkiiba toban (10%) ka ah dadka Kenya oo tiradoodu dhan tahay 30 million, waxay aaminsan yihiin haddii Dastuurka cusub ee lasoo jeediyey lagu daro Maxkamadaha Qaadiga in ay siin doonto xorriyad ballaaran oo ay u yeelan doonaan cibaadadooda.

Taas waxaa dheer in aan maxkamad kale xuquuq u lahayn in ay dusha kala socdaan xaaladaha Caqiidada Islaamka. Xeer aan diin Islaam ku salaysnayna ma xakumi karo arrimaha caqiidada, meelna kuma leh hab-nololeed kayaga" sidaas waxaa yiri Sheikh Juma Ngao, oo ah madaxa Supreme Council of Muslims (Kenya).


"Ma taageeri karo dukumiinti abuurayo nacayb, kala shaki iyo is aaminaad darro soo kala dhex gasha dadka", Madaxweynihii hore ee Kenya Moi

"Waxaan rabnaa qof kasta oo Kenyan ah in uu akhriyo dastuurka si uu u qaaro go'aan asaoo xog haya, isla mar ahaantaasna aysan weecin dadka la wareegaya majara habaabinta" Kibaki

Dastuurka Cusub oo ka kooban 197 waxaa la baahiyey Taladadii Aug 23, 2005, si ay dadweynuhu u akhriyaan ka hor inta aan la garin cod bixinta  bisha November loo qadayo dastuurkaas in ay dadweynuhu ansixiyaan iyo in kale.

Dastuurkan cusubi waa markii koowaad oo dib loo qoro gebi ahaanba Dastuurka Kenya laga soo bilaabo ilaa markii ay Kenya Xorriya ka qaadatay Ingiriiska sannadkii 1963.

Waxaa la weriyey in Muslmiinta Kenya ay taageero la xiriirta maxkamadaha Qaadiga eee dastuurka ay ka haystaan Madaxweynaha hadda ee kenya Mwai Kibaki iyo madxweyne kuxigeenka Moody Awori.

Muslimiinta Kenya waxay ku dagaalamayaan in aan dastuurka laga saarin qodobka xusaya Maxkamada Qaadiyada Muslimiinta.

Arintaas Qaadiyada waxaa aad uga soo hor jeestey kaniisadaha kenya oo dalka ka wada olole ballaaran oo looga hor imanayo in dastuurkaas loogu codeeyo 'MAYA" si uusan u dhaqan gelin. Waxaa wararku tibaaxeen sabata ugu weyn ee Kirishtaanku uga hor imanayaan dastuurka in ay tahay ogolaanshaha loo ogolaaday in Muslimiinta danahooda ku xallistaan Qaadi Islaam ah.

Waxaa xusid mudan in dastuurku qoray: Maxkamada Guud, Maxkamadaha Kiristaanka, Maxkamadaha Kadhis (Qaadiga), maxkamada Hindu, iyo maxkamada diimah akale. Meelaha ay ku xusan yihiin Qaadiyaasha Islaamka waa (qodobada: 179(3)(a) , 197(1),(3)(a),(4) ee dastuurka cusub. Eeg linkiga hoose)

Waxaa kale oo dastuurka cusub ka soo hor jeeda labada xisbi ee KANU (oo ah xisbigii hayn jirey talada kenya xilligii Moi) iyo xisbiga kale ee LDP.

Waxaa Axad (Aug 28) cod kiisa diidmada ku daray Madaxweynihii hore ee Kenya oo sheegay in dastuurka cusub uu Kenya ka abuuri doono is aaminaad la'aan, waxana uu yiri waa in diidmo loogu codeeyo "MAYA". Daniel arap Moi oo arrintaas ka hadlayaa waxa uu yiri "Ma taageeri karo dukumiinti abuurayo nacayb, kala shaki iyo is aaminaad darro soo kala dhex gasha dadka"

Madaxweynaha hadda ee Kenya, Kibaki, waxa uu u ololeynayaa in dastuurkaas loogu codeeyo "HAA". Mwai Kibaki oo arrintaas ka hadlayaa waxa uu yiri  "Waxaan rabnaa qof kasta oo Kenyan ah in uu akhriyo dastuurka si uu u qaaro go'aan asaoo xog haya, isla mar ahaantaasna aysan weecin dadka la wareegaya majara habaabinta".

Dhanka kale degmada Migori waxaa Axadii mudaharaad ku dhigay 2,000 oo Muslimiin ah oo ka soo hor jeeda maxkamada Hidu-ga iyo Kirishtaanka ee ku xusan Dastuurka cusub ee loo codayn doono.

Waxaa wararka Isniin Aug 29 ka soo baxaya Kenya ay tilmaameen in ururka Muslimiinta ee Supreme Council of Kenya (Supkem) uu sheegay in culimo iyo qareeno ay dersayaan dastuurka cusub, isla mar ahaantaasna ay maalinta Talaadada soo saaridoonaan wixii ay Muslimiinta kula talin lahaayeen iyo wixii ay ka yeeli lahaayeen dastuurka Cusub.

Dastuurka Cusub ee loo Codayn doono ka akhri linkiga hoose:

www.nationmedia.com/dailynation/downloads/ProposedConstitution.pdf

ISha: IslamOnline, Standartd, DailyNation | Tarjumadii SomaliTalk.com | Aug 29, 2005

@Spam!

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Allah Is Great

Fartun xishoodkeedu wuxuu soo shaacbaxaa waqtiga qadada ee lajoogo Kafeeteriyada, halkaas oo ay waqtigeeda kuqaadato akhris halkii ay la-bulshayn lahad gabdhaha kale ee Soomaalida.. GUJI...


Sweden 2002: Malika hellberg oo Swedidh ah oo ku hadashay magaca dumarka Soomaaliyeed iyadoo sidatey dharkii lagu yaqaanay hablaha Muslimiinta gaar ahaan kii soomaalida, ayey waxay aad ugu dooday dumarka Guji...


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji

DENMARK: QAXOOTI SOOMAALIYEED OO CUNTADA KA SOOMAY
 


DENMARK: QAXOOTIGA SOOMAALIYEED CIDNA UMA MAQNA, CEELNA UMA QODNA


DENMARK: SI MAAMUUSID LEH AYAA LOOGU GURMADAY SOOMAALIDII LAGU DHIBAATEEYAY LANGESKOV


GABAGABADII SHIRKII URURKA DHALINTARADA SWEDEN  


URUR MIDEEYAY DHALINYARADA SOMAALIYEED EE DENMARK


SILICA IYO SAXARIIRTA LAGULA DHAQMO MAXAABIISTA REER CIRAAQ
Waxaa isa soo taraya shaleey iyo maanta wararka sheegaya sida naxariis darrada leh ee... Guji

UJI.... 5/9/02 

Dhibaatooyinka Soo Foodsaara Ubadka iyo Hooyooyinka Soomaaliyeed ee Denmark
Warbixin: Ibraahim Saalax oo booqay tuulada Gudbjerg ee gobolka Fyn, Denmark ayaa sheegay in..
GUJI.. 30/8/02
 
SOOMAALIDA ODENSE OO U QAXAYA DALKA ENGLAND  
 

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD