SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Dalka Yaa Iska Leh, Dadka Yaa Umaqan

W/Q: Axmed Cali Aadan Ac
C/o: Muqdisho, Somalia
Emial: Ahmedaliac@hotmail.com 

    Waxaa soomaaliya oo dhan halakeeyay bur bur iyo bara kac ilaa markii majaha loo siibay dowladii Milatariga aheyd, dhamaan waxaa is bedalay wax walba oo ay soomaaliya ku faani jirtay, waxaa namaad kuuray dhaqamadii, siyaasadii, fankii, aqoontii, bilicdii dalka, iyo dadkii oo uhayaamay dal shisheeye maheradna ka dhigtay tuugsi, iyo wax ay waa iskala qob waynaan jireen.  Waxaa farxay u fursad xoogan helay dowladihii soomaaliya culaada dheero kala dhaxaysay, waxaa hami xildoon ahi kalay kii takoornaa oo dadka dhexdiisa canbaarta kala haa xiligii ay soomaaliya noolayd.

    Markii la  xasusto bilowkii abuurkii jamhadihii mucaaradka ahaa, waxay noqotay gud sired ha qodin haddaad qodana ha dheerayn ku dhici doontidaa ma ugide, waxuu ahaa C/llahi Yusuf ninkii yire hadii aan ugaan lahaa in ay soomaaliya sidaan noqonayso manoqdeen mucaarad, haba ku faanee mar mar in oo ahaa ninkii ugu horeeyay ee qore iyo baabuur isisaare, wallow aysan saansaantii iyo socod qaloociise  ilaa iyo hada ka suulin.

    Hogaankii dalka iyo dantii shacabku waxaa ku kurkurtama dad yar oo cidna matalin, basle u shaqiiya cadawka soomaaliya, waxaa laqabtay dhowr iyo toban shir midkasta ninbaa kulfa uu yiraa hadii aan noqon sidaas gush iyo gash malahan, waxaan hirkashay cadkaanow ku cunay ma ku ciideeyay. Waxaa si xoogan loo ugaarsaday Indhiir garadkii, Siyaasiyiintii, Saraakiise, iyo nin kasto ka dhiidhi kara darxumada. Culuma’udiinkiina waxaa lagu dhajeyay argakixiso oo sidii xoolihiibaa banaanka loo iib keeyaa,?.  Hadaba intii talin laheyd hadii ladilo yaa talin,….. waa cidna “ waa ujeeddada cadowkeena”.

   dalku wuxuu marayo meel adag,  waxaana loo baahanyahay hawl adag in laqabto, waliba nafta loo huro si loowaayo cid daacad-nimada ka baqda, sii looga guulaysto kuwa yar ee naftooda ka fiirsadda mida soomaali weyn, dibna loo aslo magacii Soomaliya,  In aad ku dhimatid jid toosan waxaay kaaga wanaagsan tahay in aad kun sano silac kuu noolaadid, marka qaar waxaa kugu soo dhacaya aaway aqoonyahanadii iyo geeseyadii dalka Mawada dhintiin? Mase waa lawada dhoofaanay,  dalka yaa iska leh, dadka yaa umaqan. Marka ujeeddada nacasku ama cadowku si sahalan ay ugu hirgasho.

    Waxaa jira kuwa wanaag walba oo laqabto u fasirta xumaan hadii aysan ayagu qaban, nin walba u qabta xilka umaddana dhaliil, ceebeyn iyo fashilin ula  fadhiya. Walaalow iyo waryaahna mid aan ugaleyn,  bal tusaalo uqaado C/qaasin iyo C/laahi hadii ay kii hore ku diideen walaalow, waryaah kan maku raacayaan!!!? Ma waxaa loo abuuray carqaladda dadkooda iyo dalkooda waxbana uma qabtaane.  Waxaa maxay markii wax samaadaan waxa ka maqan, hadii xil ay tahay, waa hayaan, hadii ay xoola tahayna wixii ay abuureen 15 sano ku filan inta cimrikooda ka hartay, hada kadibna nasiibkood dhiman.

   Aaway  hidihii iyo dhaqankii Soomaaliya ay laheyd, marka xaal murgu waxaa u istaagi jiray indheer garad looga bartay soo afmeerida xaalka gaamuray ayadoo looga danbeeyo suuragalinta iyo samatabixintiisaba, aawayse rug cadaayaashi Siyaasadda ku qaraaban jiray maa wax naga yiraahdaan Allifleydaan nagu cayaaraysa….. mase Siyaasada Soomaaliya ayaa kulikeed ah Jaantaa rugan, maqaal hada ka hor aan quray ayaan waxaan ku sheegay, ayuu dowladu hashiis tahay in lasameeyo Gule ka kooban Aqoon yahano iyo siyaasiyiin caan ka ah soomaaliya dhexdeeda taas u aan argayey in ay ku yaryihiin inta aqoon leh, dhamaan wixii lagu soo ungay Mpakathi, miisaaniyadda loo dhiibayna ay kala culustahay midooda gaarka ah,  ayadoo intaas usiidheertahay cadaw jeclaysi iyo laaloosh qaadasho.

   Waxaad marmar yaabtaa marka aad dhageysato ra’yiga inta badan oo leh waxaan loo baahan yahay in shacabku dantiisa garto, hadana marka uu kaa dhaqaaqo uu yahay taageerada qabiilkiisa qalad iyo sax, hadii taada aad ka soo horjeesadid yaa ku saxayo waa su’aasha aan iswaydiiyey mar mar badan, qabiilkaaga waxaa wax u samaanayaan marka Soomali weyn wax u samaadaan. Waxaa wax ku samaan karaan daacadda nin walba u istaaga si laawaaya nin daacadda darada garab uhela.  loona doobto waliba si loo samata bixiyo dadka iyo dalka.                        

W/Q: Axmed Cali Aadan Ac
C/o: Muqdisho, Somalia
Emial: Ahmedaliac@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 2, 2005


MAQAALADA KALE EE MAANTA::::

»DIGNIIN CULUS: AIDS-KA & SOOMAALIDA | Dhagaafe
»Gabadhii xumaan damacda: "nin iga weyn ayaa lagu dari lahaa"| Ikram
»Dowladihii aan Qaranka Lahayn | C/Waaxid Khaliif
»Haddii 189 xubnood ay doorteen c.llaahi muxuu kooram u layahay  
»Muqdisho iyo Jowhar  Barbar-dhac |  Amiin Yuusuf
»Tarbiyada caruurta | Baashi Maxamed Shiikh  
»Mucaarad iyo Muxaafid la isugu tag Shabeelada Dhexe | A. Yusuf
»BISAYL SIYAASADEED MISE BOOR ISKU QARIS? | Garaad
»Fariin ku jeeda  ra’iisulwasaare Geedi! | Cadde  
»
MAQAALADA KALE EE MAANTA::: KA AKHRI HALKAN... GUJI..


Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD