SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print
:::C/LAAHI YUSUF & AWEYS::

Hadaladii C/Laahi Yuusuf (Jawhar) iyo Sh. Aweys (Muqdisho)... Guji
:::JAAMACADA KISMAAYO:::

Dhagax dhigga jaamacada Kismaayo... Guji..
SHACABKA PUNTLAND vs TERRY:

Puntland iyo Terry (oo sheegtay Shirkad aan la aqoon) oo Dubai ku kala saxiixday heshiis... Guji

01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 |
:::UGAAS MAXAMED WALI:::
YAA MAALI JIREY? Faallo:Ugaas Max'ed Wali oo ku bilawday C/ahi Yuusuf Axmed Muxuu Kusoo Kordhin Karaa Somalia Guji..
::MPLS: BUUGGA XASUUS QOR :::

Xaflad Lagu Soo Bandhigay Buugga "Xasuus Qor" oo Lagu Qabtay Minneapolis.. Guji...
19-JIR LAGU DILEY MINNESOTA:

Wiil Soomaaliyeed oo La Toogtey Asagoo Dhex Fadhiyey Gaari Taagan Meel Gaaska Laga Qaato oo ku yaal Magaalada St.Paul, Minnesota, USA... Guji
::SH. CIISSE XASSAN JUMALLE::

Walaalahayga Soomaaliyeed baan gargaar ka sugayaa; UAE way iga tuureen cusbitaalkii aan xaqa u lahaa... Guji... 
:::C/NUUR FAARAX CALI:::

Xaflad Shahaado Master oo ka dhacday Qaahira.. Guji..
:::MAQAALKII YUSUF SHABAC:::

XAMAR CAASIMADA HALAGA BEDELO; Calankana bil halagu saa’idiyo... Guji...
:GAAJADA & CARRUURTA SOM:

Carruurta Soomaaliyeed ee gaajada iyo cuduradu ku aafeeyeen dalkooda Soomaaliya oo ay hay'adda MSF Video kasoo duubtay...daawo Halkan
[Waxaad u baahan tahay Windows Media oo laga soo Rogan karo halkan]. Qoraal Soomaaliya la xiriira oo ku qoran English ka akhri halkan...
:::XAFLADII DHALLINYARADA:::

Xafladii Masjidka Abuubakar ee Xagaaga 2005 Loo Qabtay Dhallinyarada... Guji...
::: LAASCAANOOD:: ALHUDA:::

Masjidka Al-Huda oo Saddex Dabaq ah oo Laga Dhisayo Laascaanood... Guji..
.
::: MASJID DAR AL-HIJRA:::

Nala Iibi Dhismaha Masjidka Dar Al-Hijrah, Minneapolis... Guji

Goormuu dhashay Kacaankii Siyaab Barre

C/laahi Axmed Diiriye Boore
boore3@hotmail.com  

siyaad1.jpg (4498 bytes)Kacaankii Ciidanka Qalabka Sida ee soomaaliya Waxuu dhashay 21kii Oktobar'1969kii, waxaana la afganbiyey Xukuumadii sharciga ahayd  ee dalak soomaaliya, Xukuumada oo uu dhisay Raiisulwasarihii dalka, Maxamed Xaaji Ibraahim  Cigaal oo uu magacaabay  Madaxweeynihii dalka ee Xilligaas Cabdirishiid Cali sharmaarke.

Sababihii gundhigga u ahaa oo dhaliyey kacaankii 21 Oktobar waxaa kamid ahaa  maamulxumadii Xukuumadihii aan isdhaamin oo mudda 9k sano ahayd  dalka maamulayey iyadoo xiisaddu gaartay heer  naxdin leh bishii maarso 1969kii halkaas  oo doorashadii baarlamaanka oo kadhacday, uu ka biloowday qalalaaso iyo qaranjab waxaana dalka qasay xasiloonidiisii 69 xisbi oo ku dhisnaa beelo iyo qabeel.

Kacaankii  21 Oktoobar  waxaa  soo dedejiyey  dilkii  madaxweeynihii  dalka marxuun Cabdirisaaq Cali sharamaarke  iyo iyada oo markii uu dhintay madaxweeynihii dalka oo dhana laga soo rogay bandow ciidankii oo habeenkii  aan la isku soconkarin Iyadoo  aan wali la aasin madaxweeynihii dalka  ayaa xaruntii  dhexe  ee Xisbiga  SYL waxaa ka biloowday looltan  iyo  khilaaf  ku sabsan doorashada madaxweynaha Cusub iyo ciddii noqon lahayd.

Maxamad Siyaab Barre oo ciidamada qalabka sida Hoggaaminayey waxuu si wayn u ga faa'idaystay ciidamadii  qalabka siday oo xilligaas ahaa xubinta kaliya oo ka nabadgashay saamaytii  qabyaaladda iyo dalka oo hoggaan la'aan kusoo baxay  markii  uu madaxweeynihii ladilay waxaana markii ladilay  maadaxweeynaha dalka, Maxamax Xaaji Ibraahim cigaal booqasho ugu maqnaa dalka dibidiisa.

Markii Radio Muqdsihow 21 Oktoobar 1969kii ku dhawaaqay in dalka uu u dhashay Kacaan oo ciidanka qalabka sidau ay hoggaaminayaan ayaa waxaa is ku soo baxay shacabkii  oo caleemo qoyan roxayey..

Markii kacaanku dhashayba wuxuu ballan  ku qaaday in uu la dagaalamayo musuqmaasuqa iyo  qabyaaladda uuna soocelinayo nidaamkii  iyo kala danbeentii  waxaa la baahiyey darsuurkii dalka, waxaa la kala  diray baarlamaakii  iyo golihii  Wasiirada  oo qar badan oo kamid ah xabsiga loo taxaabay iyaga oo aan wax maxkamad ah la sootaagin.

Waxa lagu dhawaaqay Golihii  Sare  ee kacanka oo u badnaa Saraakiisha ciidanka Qalabka siday. Waxaa kale oo la abuuray  Xoghayaasha dowladda  oo ka dhigan Wasiiro  waxeyna u badnayeen  dhalinyaro Jaamacado dibidda ah kasoo qalinjabiyey  oo  lugu  doortay aqoontooda..

Sanadihii Ugu horreeyey kacaanku wuxuu  ku socday  xowli  layaab leh  oo loo bogay waxaana hormar  lataaban karo laga xaqiijiyey Xogga dhaqaalaha iyada oo qofwalba oo ka soobaxay dugsi Sare uu haystay ballanqaad shaqo iyo meelayn. waxaa dalka ka bilowday mashaariic lixaadleh oo ah xaga beeraha, warshada badahaba.

Wax qabadkii kacaanka waxaa ugu weynaa qoriddii iyo hirgalintii barshada farsoomaaliga, iyadoo  ololihii hormarinta reer miyiga ee xaga barashada  uu ahaa mid aayatiin fiican keenay, waxaana lagaga xoroobay afafkii qalaad oo dadyar oo qur ah ay yaqaaneen waxaana bilowday in buugaagtii cilmiga ee dugsiyada laga dhigi jiray oo dhan lagu turjumo afka soomaaliga, Dugsiyadii hoose, dhexe iyo sareba ay ku qaateen afkoodii hooyo .

Horumarkii kale oo kacaanku xaqiijiyay waxaa ka mid ahaa Bacaad celintii iyo Dejintii dadka badan 125000 oo ah kuwii abaaruhu ey waxyeelada u geysteen.

Guulihii kacaanka waxa ka mid ahaa abuuristii jaamacada umadda o yeelatay ilaa  sagaal kuliyadood oo lagu barto cilmiga casriga ayna kasoo qalinjebinjireen sanad walba Takhaatiir, Injineero, Dhaqaaloyahano, joolooyijiin, takhaatiirta xanaanada xoolaha, Agronomayaal IWM.

Markii kacaanku dhashay golaha wasiiradu waxay ku urursanaayeen hal dhismo oo loo yiqiin ''Ufficio Governo'' oo kedib noqotay xaruuntii dowlada Hoose, waxaana dhacday markii dambe wasaarad walba iyo wakaalad walba ey yeelatay xaruun bilicsan oo iyada gaar u ah.

Dhinaca Arimaha Dibadda waxaa kacaanka sumcad fiican u keenay dalka Soomaaliya oo sanadkii 1974tii lagu qabtay Shirweynihii ururka Midowga Afrika shirkaas oo kamid ahaa kuwii ugu fiicnaa xagga abaabulka iyo marti gelinta lama soo koobi karo guulihii kacaanka oo aad utiro badnaa haseyeeshee waqtiga oo aan nagu simeyn intaas ayaan ku deyneynaa ...

Waxaa jiray siyaasado maldahanoo aan muuqan oo kacaanku hoos kawatay iyo ujeedooyin  uqarsoonaa oo inyar oo dad ahi ey xogogaal u aheyd; taas ooy ugu weyneyd Takhaluska cidkasta oo Siyaad Barre u arko in ey xukunkiisa Khatar ku yihiin sida Dilkii loo geystay Allaha u naxariistee Sarkaalkii caanka ahaa oo ee ay Ka mid ahaayeen Caynaanshe, Dheel iyo Salaad Gabeyre wuxu kale oo jagadii iyo xilalkii militarinimada ka fogeeyay qaarkoodna xabsiga u taxaabay oo Saraakiil Sare oo uu si gaar ah u necbaa waxaana ka mid ah:-

  • ·    General Max’ed Abshir

  • ·    General Max’ed Cali Mire

  • ·    General C/laahi Faarax Hoolif

  • ·    General Cismaan Sabriye Sokorow

  • ·    General Jaamac ow Muse

  • ·    General Cali Xaashi

  • Iyo kuwa kale

Dhibaatadi ugu weyneyd iyo mucaaradnimadii shacbiga wuxuu kala kulmay Jaalle Siyaad dilidii 1975tii  Culumadii ka hor timid xeerkii Qoyska ee Kacaanka soo saaray, Culumadii oo dhaliishay Sharcigaas oo qura.

Dagaalkii Itoobiya iyo Soomaaliya oo bilowday1977dii oo Qasaaro weyn soo gaaray ciidamadii markaas dib loogu soo celshay xuduudii ay ka duuleen waxey keentay niyad jab iyo bur bur ku dhaca nidaamkii iyo hanaankii ciidan bishaa Aprill 1978dii Waxaa qaar ka mid ah ciidamada qalabka sida oo uu hogaaminaayo Col. Cirro ay ku sigteen in ay sameeyaan Cinqilaab najaxa

Maalintaas ka dib Siyaad Barre wuxuu u arkay ciidamada Qalabka sida in ay yihiin Cadaw aan la isku aamini Karin wuxuuna u iishay xooga Qabiilka asigoo is bedel xoog leh ku sameeyay Ciidamadii ilaalinaayay iyo kuwii joogay meelaha istaraatiijiga ah oo uu u dhiibay rag ay isku heyb yihiin iyo kuwa uu aaminsan yahay arintaas oo keentay in laga taqaluso badii ahaan saraakisha waxa soo baratay oo xirfad ciidan laheyd laguna bedelo kuwa aan aqoon ciidan laheyn oo lagu kalsoon yahay

Waxa Xaaladu hadba meel soo marta arinta Soomaaliya Cakirantay oo faraha ka baxday 1986dii Markaa oo shil aad u ah halis uu galay Siyaad Bare markaas iyo wixii ka danbeeyay waxaa Siyaad Bare olole u galay sidii uu u abuuri lahaa ciddii xukunka ka bedeli laheed marka uu geeriyoodo.

Inkastoo ay soo baxayeen in caafimaadka iyo miirka Max’ed Siyaad Barre uusan kaamil aheyn shilkii ka dib ayna koox tashatay oo ah Caa'ilada iyo Qoyska Reer Barre ee awooda dalka sida ay doonaan ugu takri falayeen.

Siyaad Barre dhibaatooyinka ugu waaweynaa ee uu Dalka ka geystay waxaa kale oo ka mid ahaa:-

1.    - Xasuuqii ka dhacay Gobolada Waqooyi ee Dalka Soomaaliya Siyaad Bare uu amar ku bixiyay Ciidamadii Cirka oo fadhiyay Garoonka Hargeysa ay garaacaan magaalada Hargeysa Madaafiicda Goobtana lagu fooraariyo Shacbigii Magaalada ku noolaa.

2.    -Gumaadkii Ciidamada Qalabka sida ay todobaatameeyadii iyo sideetameeyadii ka geysteen Gobolada Nugaal iyo Mudug

3.    -Dilkii 1989kii Ka dhacay Xeebta Jasiira oo lagu xasuuqay dad wax aan galabsan iyo dilal-kii qaarjinta ahaa oo Siyaad Barre geystay intii uusan ka bixin Magaalada Muqdisho.

      Taariq Nololeed Kiisa Iyo Xiligii Uu Ku Soobiiray Ciidanka

Degmada Dhuuso Mareeb wuxuuna ugu horeyntii yimid Magaalada Beledweyne wuxuuna nasiib wanaag la kulmay askar halkaa lagu qoraayay oo uu ka mid noqday dadkii ciidamadii dhibowga 1936dii ku galay xerada tababarada ee Beledwenye.

Max’ed Siyaad Barre Markii tababarkii uu dhammaaday waxaa loo soo badelay Magaalada Muqdisho waxaana la keenay si uu tababaro dheeri ah oo ciidanimo ugu sii qaato Xeradii Ciidamada ee ku taalay degmada Xamar-Jajab ee Magaalada Muqdisho.

Max’ed Siyaad Bare wuxuu ka tagay howshii ciidanimada 1939kii Ka dib markii loo soo sheegay Geeridii laba adeeradiis ah oo kale ahaa Jaamac Barre iyo Max’ed Barre wuxuuna aaday deegaanka Ulasan ee ka tirsan Degmada Dhuuso-Mareeb oo ciddiisu degenaayeen.

Max’ed Siyaad Barre miyiga ayuu degey wuxuuna ku guursaday Xaaskiisii ugu horeeysay oo lagu magacaabo jiray Faadumo aw Muse Sanadkii 1941dii  markaas oo Ingiriisku kala wareegay awooddii dalka Soomaaliya Taliskii Talyaaniga oo dagaalkii aduunweynaha labaad looga itaal roonaaday, Max’ed Siyaad Barre isla sannadkaas wuxuu ku biiray Ciidamada Ingiriiska wuxuuna dalacaaddii ugu horreysay oo aheyd Alifle helay Sanadkii 1941dii Alifkii labaadne wuxuu qaatay Sanadkii 1944tii  waxaana waxbarasho loogu diray Magaalada Nairobi Dugsiga la yiraahdo “ Gin School ” waxaana tababarkaas ka dib uu noqday Kormeere Koowaad 1950kii  Markii talyaaniga Dalka ku soo noqday Max’ed Siyaad Barre oo sedex xarigle ah waxaa loo qaaday dalka Talyaaniga sanadkii 1952dii .

16kii October 1954tii ayuu Siyaad Barre qaatay Xiddigtii ugu horreysay uuna noqday Sarkaal, Siyaad Bare wuxuu laba xidigle u dalacay sannadii 1955tii asigoo sannadki 1957dii noqday Kabtan ama Dhamme ka dib 1958dii waxaa Max’ed Siyaad Bare noqday  Dhamme oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxaana loo magacaabay xafiiska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

1960kii waxaa la dhisay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya uuna hoggaaminaayay Generaalkii sida aadka ah loo jeclaa Generaal Daauud C/laahi Xersi oo markii uu geeriyooday sanadkii 1965tii uu bedelay oo jagadiisii qabtay General Max’ed Siyaad Barre asigoo noqday taliyihii Xoogga dalka Soomaaliya oo xukunka hayay mudo 21 sano ah wuxuu ku geeriyooday Dalka Nigeria oo uu Magangalyo ku joogay ilaa iyo sanadkii 1995tii.

Lama yaqaan waqti cayiman oo uu dhashay General Max’ed Siyaad Barre sababtoo ah wuxuu ku dhashay MIYI, xataa waxaa dood ka taagan tahay halka uu ka dhashay inkastoo warbaahinta rasmiga ah ee Kacaanku ay qori jireen inuu ku dhashay deegaanka Baardheere waxaa la qiyaasayaa in Max’ed Siyaad Barre uu dhashay sanadkii 1912kii in kastoo wargeysyada rasmiga ah ee Kacaanku ay qori jireen inuu dhashay sanadkii 1920kii

Max’ed Siyaad Barre hooyadiis waxaa la oran jiran Shaqlan Warfaa waxeyna geeriyootay asigoo sideed jir ah aabihiisna wuxuu geeriyooday 2 sano ka dib Max’ed Siyaad Barre oo 10 jir ah waxaana soo koriyay aderkiis Xirsi Barre iyo ayeeydiis Sacdiyo wuxuuna ahaa curudka aabihiis Siyaad Barre oo lagu naaneesi jiray “Siyaad Garba Weyne” inkastoo ay dadku yaqaane Max’ed Siyaad Barre ayaa sheegay in aabihiis Siyaad Barre la dilay dagaal qabiil uuna ahaa abaanduulihii Colkaas waxaa Raadiyo Muqdisho iyo Wargeysyada Kacaanku qori jireen in Siyaad Barre ahaa halgamaa weyn uuna ka mid ahaa ciidamadii uu hoggaaminaayay Cumar Samatar oo gumeysigii Talyaanigu la dagaalamayay una shahiiday aada Ceel Mirikh oo ku yaalo deegaanka Dhuuso Mareeb 1930kii .

Xeris Barre oo ahaaa Max’ed Siyaad Barre adeerkiis ahana ninkii gacanta ku haayay waxaa la dilay 3 sano ka dib dhimashadii Siyaad Bare abaarihii sanadkii 1933dii .

Sanadkii 1936dii ayaa Max’ed Siyaad Barre ka soo tagay Xoolihii MIYIGA oo uu xanaaneyn jiray iyadoo xilligaas cidahooda aay degenaayeen aage Ceel-gaab 

C/laahi Axmed Diiriye Boore
boore3@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 23, 2005

Jariidad Deenish ah oo Aflagaadeysay Nabiga s.c.w.


Sh. Cabdul Raxmaan Al-Sudais oo Helay Abaalmarinta Shaqsiyadda Islaamka ee Sanadkan....
Imaamka Masjidka Weyn ee Makka AL-Mukarama ayaa lagu gudoonsiiyay Dubai... Guji... Oct 22


Jariidad Deenish ah oo Aflagaadeysay Nabiga s.c.w
Tajikistan oo Xijaabka Ka Mamnuucday Iskuulada iyo Jaamacadaha
iyo Muslimiinta Adduunka oo Caro Weyn ka Muujiyey Joornaal Aflagadeeyey Nebi Muxamed (Scw)... Guji... Oct 21

Terry oo Xusuusan Waayey Heshiiskii  Shiidaalka ee "Consort" iyo Puntland
Ra'iisul wasaaraha DFKMG oo warqad u diray suuqa Ganacsiga Australiya ayaa si weyn uga digey cawaaqibka ka dhalan kara heshiiska Puntland iyo shirkadaha Shisheeye, waxaana arrintaas qoraal dher ka qortay jariidada 'The AGE'
Guji... Oct 17



»CIR-MAAXIYAAL SHIINEES AH OO SAHAN HAWADA SARE UGU BAXAY
»
Carruurta Soomaaliyeed ee Qurbaha iyo Dhibaatada Aabbe La'aanta
»“Qoor-qabad Waxaruhu Biyaha kuma Qurquriyaan” | C/waaxid
»Dowladda Karaamaysan Hala Taageero Si Aanu U Helno Kala Dambeyn
»Oktoobar iyo Xafladda lagu Samaynayo Jawhar | Bashiir
»Qarnigii hore  ee somaaliya & qab qab layaasha  maanta jooga | Jamal
»Doorashadii Golaha wakiilada somaliland | Qodax
»Miyaa Maxamed-dheere la Masaafurinayaa | C/waaxid Khaliif
»CIIDAMADA QARANKA OO LOO ABAABULAYO QAABKII USC | C/risaq
»
Madaxda PL  oo Jowhar Lagu Maamuuso, kuwa kalena la Xiiro  | c/waxid
»INJ. MUNYE OO FOGEEYAY EEDEYN LOO SOO JEEDIYAY | Abucar
»Jini Boqor oo Muqdisho looga baxshay ALLE BOQOR | C/raxman
»Dib u heshiisiinta Soomaaliya: Maxaa qaldan? | Raage
»Somaaliya Katarina iyo Rita | Amiin Yuusuf

»Waraaq furan oo ku socota Ururka midnimada islaamka | Saciid
»HALKEEN XALKA KA RAADINAA??? | Xuseen
»
Hargeysaay hambalyo | C/Raxmaan Taysiir
»Dalka Yaa Iska Leh, Dadka Yaa Umaqan | Axmed Cali
»Xasuuqii Malka-durduro | Warfaa 
»Morgan oo Noqday Makaalintii Barre Hiiraale | Maxamed
»Qarnigaan qabiil ku faan qiimo Ma leedahay | Mowlidyare
»MIDOWGA AFRIKA: MIDNIMO KATALIN MISE MINDIYO AFAYN? | Garaad
»
DIGNIIN CULUS: AIDS-KA & SOOMAALIDA | Dhagaafe
»S.Y.U.P oo War ka Soo Saaray Doorashada ka Dhacday Somaliland
»Gabadhii xumaan damacda: "nin iga weyn ayaa lagu dari lahaa"| Ikram

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD