SOMALI HUMAN RIGHTS COMMISSION
Ref:SHRC/124/05
Date:27/10/2005
Ujeeddo: CODSI INAAN LA
AQOONSAN GOONI U GOOSATADA WAQOOYI GALBEED(SOMALILAND)
Raadraaca
Taariikhda
Soomaalidu waa ummad isku
af, isku diin halka ay dalal badan oo caalamka looga hadlo
luqado kala duwan luqadda ay isku afgartaan ee ka dhaxaysa
ay tahay luqadda dowladdii soo gumaysatay.
Horukaca tiknoolajiyada
casrigan waxay dunida ka dhigtay tuullo yar oo isu muuqata
taasi ayaa keentay inay Yurub iyo Afrikaba raadiyaan midnimo
iyo hal dustuur , ayadoo sidaa ay jirto waxaa la yaab leh
inay dowladaha yurub iyo Afrika qaarkood sida South Afrika
ay ku mashquulsan yihiin sidii ay Soomaaliya u kala googooyn
lahaayeen iyagoo aqoonsi u raadinaya gooni u goosatada
Waqooyi Galbeed(Somaliland) ee samaystay dowlad iskeed isu
magacawday .
Soomaalida waxay ka soo
kabsan la’dahay dhibaatadii ay ku reebtay markii
gumaystayaasha Reer Yurub ay u qaybiyeen 5 qaybood shirkii
Baarliin 1884kii ee Afrika lagu qaybinayey, weli wax
garowshiyo, magdhow iyo raalli gelin lagama hayo Reer
Yurubkii Soomaaliya soo gumaystay kala qayb qaybiyey .
Xisbiga ANC ee South
Afrika u taliya markii ay xurriyadda u dagaallamayeen
dowladihii Soomaaliya isaga dambeeyey wax weyn ayey tareen,
halkii ay manta ka shaqayn lahayeen sidii Soomaaliya u
xasili lahayd oo ay u heli lahayd dowlad leh awood ay ku
hanato ammaan dhulka Soomaaliya oo idil inay manta ku
howlan tahy wax laga danqado oo Soomaalida ka yaabiyey
taasoo ah inay gooni ugoosatada Waqooyi galbeed (Somali
land) ay aqoonsi u raadinayaan.
Xaqiiqda jirta waxaa
caddaynaya taariikhda si aan u helno xog dhab ah oo ku
saabsan sababta keenay gooni isu tagga & waxa ay rabaan
sidaa aawadeed waxaa lagama maarmaan ah inaan dib ugu
laabanno 40kii sano ay Soomaaliya xorta ahayd dhibaatooyinka
ay Reer Waqooyi Galbeed sameeyeen,dhibaatooyinkii lagu
sameeyey ama ay iyaga isku sameeyeen
Dhibaatooyinka Reer Waqooyi Galbeed Ay Sameeyeen
1- 9 Abriil,1978 markii uu
dhacay inqilaabkii dhicisoobay oo isku dayeen saraakiil u
badnayd Reer Puntland oo ka cabanayey xadgudubyo ay ka
tirsanayeen dowladdii Sarreeye Gaas Maxamed Siyaad Barre,
waxaa dowladda u suuro gashay in ay qabqabato saraakiishii
isku datday afgembiga, dabadeed waxaa billowday wada hadal
dhexmaray odayaasha beesha ay ka soo jeedaan saraakiishaasi
iyo maamulkii dowladda si ayan arinta faraha uga bixin ,Wasiirka
warfaafint Sarreye Guuto Ismaaciil Cali Abuukar oo ka mid
ahaa Golihii Sare ee Kacaanka iyo Sareeye Axmed Jilicow oo
ka mid ahaa saraakiishii nabad sugidda ayaa fashiliyey in
arinta wada hadal lagu dhameeyo iyagoo ku daadiyey
magaalada Muqdisho xilli habeen ah waraaqo ay ku qoran
yihiin (Car dil) iyagoo iska dhigaya beelaha ay ka soo
jeedaan saraakiisha afgembiga isku dayday, tani waxay
dhalisay caro degdeg ah oo soo dedejisay in dil lagu xukumo
saraakiishaasi .
2-Markii la dilay waxaa
durba billowday inay saraakiil badan ay u cararaan dalka
Soomaaliya deriska la ah ee Itoobiya waxayna halkaa ku
aasaaseen(SSDF) jabhaddii ugu horraysay oo dagaal la gasha
dowladdii Maxamed Siyyad Barre, dhibaatada intaa kuma ekaan
ee dowladda waxay cadaadis ku billowday degaanadii ay asal
ahaan ka soo jeedeen sarkiishiishii aasaastay xilli ay
dowladda awoodeed sarraysay waxay halkaa ka gaysatay: xasuuq,
jir dil, kufsi, xarig aan loo kala aabayeelin, baraakadii ay
xoolaha biyaha ka cabbayeen oo la aasay, lo’da ay ku laayeen
gobolka Jubbada hoose iyagoo aan look ala aabayeelin
lab,dhedig waylo iwm oo si arxan darro ah loogu gawray
warshaddi hilibka ee Kismaay ka dib markii ay saraakiisha
dowladda ka soo dhaceen dadkiixiilaha lahaa si loo
barakiciyo iwm, saraakiisha howlahan fuliyey ee ay dowladdii
Maxamed Siyaad u xilsaartay waxay ahaayeen saraakiil Beesha
Hargeysa ah oo ka soo jeeda Waqooyi Galbeed waxaana ka mid
ah: Koroneel C/raxmaan Dhega weyne iyo C/Laahi Tanzaaniya ,
dhibaatooyinkaasi waxay socdeen sanado badan .
3- dhibaatooyinkaasi kuma
ekeen oo keliya degaanada ay ka soo jeedaan sida Jubbada
hoose iyo Puntland waxgaradka odayaasha, sarkiisha u
shaqaysa dowladda rayad iyo ciidanba waxa inta badan ay
wakhtigooda ku dhamaysteen xabsiyada dalka sida : labaatan
jirow, Laanta Buuro,Godka Nabadsugidda ee loo yaqiin(Godka
Jilicow),Xabsiga Dhexe ee Caasimadda Muqdisho , halkaasoo
loogu gaystay jirdil aan loo kalaaabayeelin. Xabsiyada dalka
waxaa taliye ka ahaa xilligaasi Sareeye Guuto Ismaaciil
Axmed Ismaaciil oo beel ahaan nin Beesha Hargeysa(Reer
Waqooyi Galbeed-Somaliland).
4- Markii SNM ay qabsatay
Gobollada Waqooyi Galbeed dabayaaqadii sideetameeyadii waxay
xasuuqeen:
b dadkii rayadka ee asal
ahaan ka soo jeeday Gobollda Koonfureen ee Soomaaliya ee
isugu jiray ganacsato, shaqaalihii dowladda
t) waxay kaloo xasuuqeen
qoxootigii ka soo barakcay gollada Ogaadeeniya & Oromo ee
dalka Itoobiya oo lagu qiyaasay 1500 qof kuwaasoo ay ku
aaseen xabaalo wada jir ah, si ay beesha Caalamka ugu beer
jilicsadaan wafuud soo booqatay hargaysa ayey tuseen
xabaalaha wada jirka iyagoo ugu sheegay inay yihiin dadkooda
oo ay dowladdii Maxmed Siyaad xasuuqday, markii baaritaan
lagu sameeyeyna waxaa caddaatay inay yihiin qaxootiyadii ay
iyaga xasuuqeen .
5- Reer Waqooyi
Galbeedwaxay ku faafiyeen guud ahaan dalka Soomaaliya intii
ay Soomaaliya xorowday ka dib Maandooriyaha Qaadka oo ka mid
ah sababha ay dagaallada sokeeye uga sii socdaan Koonfur
Soomaaliya, oo dumiyey qoysas badan
6- Maamulka Gooni u
Goosatada Waqooyi Galbeed( Somaliland) oo inta badan sanad
walba ka abuura gobollada Sool iyo Sanaag iska hor imaad
hubaysan maadaama ay diidan yihiin gooni isu taagga loogu
yeerayo, iska horimaayadan waxaa ku le’da dad badan oo aan
waxba galabsan
7- Dagaalladii sokeeye
markay billowdeen 30kii Disembar 1990kii xubnihii beesha (Somalilanders)
ee ka tirsanaa ciidamadii qaranka ee Muqdisho ku sugnaa
waxay ka qaybqaateen xasuuqii loogaystay dadkii aan asal
ahaan ka soo jeedin balse deganaa Muqdisho iyo gobollada
Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ka dib markii ay dhacday
dowladdi Maxamed Siyaad Barre.
8- Mushkiladda dhextaal
garabyada dowladda Federaalka ee Soomaaliya Qayb ayey ka
Gooni u goosatada Waqooyi Galbeed(Somaliland) si ay markay
fashilanto ay aqoonsi u helaan waxaa arintani caddaynaya :
b) Afhayeenka Dowladda
Federaalka KMG Shariif Xasan Sheekh Aadan oo Hoggaamiyaha
mid ka mid ah 2da garab ee Dowladda Federaalka oo billowgii
bishii Agoosto 2005 si qarsoodi ku booqday Hargaysa
caasimadda Somaliland ka dib markuu ka soo laabtay Yaman iyo
Jabuuti oo uu booqday dabayaaqadii Julaay,2005 kadib markuu
martiqaad ka helay mas’uuliyiinta Gooni u goosatada Waqooyi
Galbeed(Somaliland) oo 6saacadood kula shiray Hargaysa
ajandaha shirkaasi wuxuu ahaa inuu Shariifka sii wado
khilaafka dhexyaal Dowladda ilaa ay ka burburto.
t) Ra’iisul wasaara ku
xigeenkii 1aad ee dowladda Cali Maxamed Geeddi: Maxamuud C/Laahi
Jaamac( Sifir) oo ay is xigaan Guddoomiya Xisbiga Kulmiye
Maxamuud Axmed Maxamuud(Siilaanyo) oo ka mid ah Hoggaanka
Sare ee Garabka Shariifka wuxuu isna ku howlan yahay sidii
uu uga shaqayn lahaa inayan marnaba isu imaan 2da garab ee
Dowladda Federaalka ilaa ay ka burburto taasoo uu aaminsan
yahay soo degdegidda aqoonsiga Somaliland.
Dhibaatooyinka Loo
Gaystay
I ) Beesha daga Hargeysa
waxay samaysay1980kii jabhad hubaysan (SNM) oo dagaalo
kharaar la gashay dowladdii Maxamed Siyaad Barre
dabayaaqadii sideetameeyadii ka dib markii xubnahii uga
jiray jabhaddii (SSDF) ay go’aasadeen inay gooni isu taagaan,
sidii lagu yaqiinay dowladdii Maxamed Siyaad Barre cid alla
ciddii ka hortimaada ay u cadaadiso waxay caro cadaadis kula
beesha Hargeysa ee ka mid beelaha Dirta Waqooyi, waxaa
halkaa ka dhacay xasuuq, xarig aan look ala aaba yeelin,
baro kicin, jir dil kufsi iwm.
Dhibaatooyinkaasi dadkii u
gaystay waxay isugu jireen xubnihii dowladdii Maxamed Siyaad
Barre oo cid kastaa leh sida:
1- Koroneel Daahir Riyaale
Kaahin oo ah madaxweynaha Gooni u Goosatada Waqooyi Galbeed(
Somaliland) oo ahaa xilligaasi Taliyaha Nabadsugidda
Soomaaliya ee Berbara oo xabsigiisa lagu jirdilay dad badan
oo uka mid beesha Hargeysa.
2- Ismaaciil Axmed
Ismaaciil oo isna ah ahaa taliyaha Ciidamada Asluubta ee
Soomaaliya oo ay hoos imaanayee dhammaan xabsiyada
Soomaaliya ee lagu jirdili jiray dadka u xirxiran arimaha
siyaasadda, isna beel ahaan waa Beesha Hargeysa oo iyaga la
heeb ah.
3- Sheekh Xasan Faarax
Wasiirkii Wasaaradda Caddaaladda & Arimaha Diinta oo isna
beel ahaan Beesha Hargeysa ah wuxuu iftooday inay xubnaha
SNM-ta ee ka soo horjeeda dowladda ay naagahooda xalaal
yihiin oo la guursan karo.
II ) Dhibaatooyinkii ay u
gaysatay dowladdii Maxamed Siyaad waxaa 80% waxaa ka badnaa
dhibaatooyinkii ay u geesteen dagaalladii dhexmaray
dabayaaqadii 1994kiiiyo billowgii1995kii kooxihii ay kala
hoggaaminayeen Maxamed Ibraahim Cigaal iyo C/Raxmaan Axmed
Cali( C/Raxmaan Tuur) ka dib markuu Ibraahim Cigaal
doorashada Madaxweynenimada kaga guulaystay C/Raxmaan Tuur,
waxay doorashan iyo dagaaladii ay sababtay billow u ahayd
is badel ku yimi hoggaankii Gooni u Goosatada Waqooyi
Galbeed( Somaliland) oo ay haysteen jifooyinka xoolaha
dhaqatada Beesha Hargeysa ee Habar Jecel iyo
Habar Yoonis oo ahaa jifooyinkii dagaallo hubaysan kala
horyimi dowladdii Maxamed Siyaad Barre oo khasaaro dad iyo
duunyaba u gaytay, waxay qaadan kari waayeen in jifida Habar
Awal oo uu Ibraahim Cigaal ka soo jeedo oo ah beeralay aan
ka qayb qadaan dagaalladii looga soo horjeeday Dowladdii
Maxamed Siyaad Barre oo aan wax dhib ah sida geeri iyo hanti
lunta ayan soogaarin inay si fudud oo doorasho ah kula
wareegto xukunkii Gooni u Goosatada(Somaliland) weliba
Cigaal intuusan go’aansan inuu jagadaasi isu soo taago ka
yiri shir dib u heshiisiin Soomaaliyeed ee ka dhacay Adis
Ababa Caasimadda Itoobiya : Midnimada Soomaaliya waa Muqadas.
Waxay arintani dhalisay
inuu lumo hadafkii gooni isu taagga ka dib markuu Ibraahim
Cigaal geeriyooday oo uu Riyaale Kaahin qabsaday iyadoo la
ogyahay inuu ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha saraakiishii
nabadsugidda ee xabsiyada ku jirdili jiray xubnaha
ee ka buuxay xabsiga Berbera oo uu taliye ka ahaa Riyaale
Kaahin, jifida Cigaal ee Habar Awal ayaa u haya ramuud
koontarool si uu ugu shaqooyo uga waardeeyaan inay habar
Jecel iyo Habar Yoonis ay soo damaaciyaan jagada
madaxweynenimada Soomaliland.
Maxay
Rabaan?
Waxay rabaan labo arin
midood hadba tii u suuro galayso :
1-Inay aqoonsi helaan oo
ay u meelmarto gooni isu taagga,si ay madaxweynimo joogto u
helaan oo aan cidna ku haysan iyagoo ka masayrsan beesha
Ciise oo ah beel k tiro yar oomadaxwene joogto ku leh
Jabuuti
2- Hadday aqoonsi waayaan
waxay rabaan inay Soomaaliya inteeda kale kula gorgortanto
in la siiyo ra’iisul wasaare joogto ah.
Tani suuro gal ma aha waayo
Soomaali aqbalimayso inay u saxiixdo jifo ka tirsan beelaha
Dirta Waqooyiama beel kale inay u saxiixdo jago caankaa oo
kale oo aan cidina ku haysan,, waayo beelkastaa jaga ceenkaa
oo kale way rabtaa hadday heli kato, keliya waxaa suuro gal
ah inuu jagadaasi u magacaabo qof ku guulaystay jagada
madaxweyne oo iyada qudheeda wareegto ah, ama ay ku
guulaystaan jagada madaxweyne ka dib markay ka qayb galaan
tartan doorasho.
Puntland oo degaan ka
kooban 5 gobol oo ka baaxad weyn, kana dakhli & ammaan
wacan Somaliland oo lagu laayo shaqaalaha shisheeyaha ma
rabto goosasho, dhibaatooyinkii ku dhacay Reer Somaliland
xilligii siyaad Barre waxaa 80% ka badan dhibaatooyinkii ay
dowladaasi u gaysatay Reer Puntland, haddana cid gaar, iyo
gobol gaar ay u haystaan dhibaatadii ku dhacday ma jirto
waxay aaminsan yihiin oo qura inay u gaysatay dowladdii
xilligaa jirtay, caro ku kallifaysa goosashana ma jirto.
Haddayba Dhacdo In La Aqoonsado Maxaa Dhici kara?
Haddayba dhacdo in la
aqoonsado waxaa dhici kara dagaal lagu hoobto oola mid ah
dagaalkii Biyaafro ee Naajeeriya ka dhacay ka dib markuu
gobolka Biyaafro ku dhawaaqday inuu gooni isutaagay ka soo
ay ku geeriyoodeen ugu yaraan hal milyan oo ruux,
waayoaqoonsiga wuxuu keenayaainuu Bangiga Aduunka siiyo deeq
iyo dayn oo u suuro geliya inay ku dhistaan cudud milatari
oo u saamaxda inay xoog ku maquuniyaan beelaha Soomaaliyeed
ee degan gobollada Sool iyo Sanaag ee ka soo horjeeda gooni
isu taagga, dowladda Soomaaliya markaa ka talisa waxay ku
khasban tahay inay dagaal hubaysan la gasho gooni u
goosatada si ay ugu soo celiso midnimada Soomaaliya iyo inay
difaacdo beelaha degan Sool iyo Sanaag ee raba midnimada
Soomaaliya.
Soomaalida ma ayan imaan
dunida markay gumaystayaasha ReerYurub Afrika kala
qaybsadeen oo jiritaankooda ummadeed ayaa ka horreeyey
imaansha gumaysiga, xuduud kala xirana ma jirin sidaa
aawadeed cidina ma daliilsan karto annaga oo ah intuu
Ingiriiska gumaysan jiray waa inaan goosanaa ayadoo beelaha
waqooyi Galbeed wada dega ee kala:Beesha Hargeysa,
Dhulbahante, Warsangeli, Godibiirse, iyo Ciise inay hal
beel(Beesha Hargeysa) u go’aamiso gooni isu taagga oo kuwa
raba midnimada Soomaaliya raba ay dhan yihiin 90%(
Dhulbahante,Warsangeli,Godibiirse,iyo Ciise) sidaa aawadeed
ma aha in taladooda iyo rabitaankooda laga dhigo waxba kama
jiraan.
Aan kala qaadno beelaha
Godibiirse iyo Ciise iyagu dhanka Jabuuti ayey ka xigaan
Beesha Hargeysa taasi ayaa dhalisa inay diidmadooda gooni
isu taagga ay noqoto ashuun ku aadaan si aan loo laynin
aawadeed, haka ay beelaha Dhulbahante iyo Warsangeli aya
iyagu la soo taagan yihiin: waxaan rabnaa midnimada
Soomaaliya waayo waxay iyaga ka xigaan Beesha
Hargeysa dhanka Koonfureed ayagoo isku hallaynaya haddii la
itaal roonaado inay Soomaali inteeda kale u soo gurmanayso
si loo difaaco midnimada Soomaaliya.
Ugu dambayn waxaan soo
dhoweynaynaa annagoo aad iyo aad ugu faraxsanahay
doorashadii ka dhacday gobollada Waqooyi Galbeed ee ay ka
taliso Gooni u goosatada Somaliland, sidaa aawadeed waxaan
ka codsanaynaa Xoghaya Guud Qaramada Midoobe, Golaha
Ammaanka, Dowladda Maraykanka, Midowga Yurub, Ururka Midowga
Afrika,Ururka Jaamicadda Carabta iyo Ururka Islaamka waxaan
wada jir uga codsanaynaa inay is hortaagaan cidkastoo isku
dayda inay xarunta Qaramada Midoobe horgayso aqoonsiga
Gooni u goosatada Waqooyi Galbeed( Somaliland) .
FG: Dowladda federaalka KMG,
maamullada Dowlad Goboledyada Soomaaliyeed(Somaliland &
Puntland) waxaan kula talinaynaa inay xurmeeyaan
heshiisyadii dowladihii Soomaaliya isaga dambeeye ay galeen
guud ahaan,gaar ahaan heshiisyada a xiriira howlaha
shidaal soo saaridda.
Wada shaqayn wacan
Max’ed Xasan Sabriye
guddoomiyaha SHRC
email:
somali_hrcommission@yahoo.se
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga
ku saxiixan Faafin:
SomaliTalk.com | Oct 31, 2005
»ALLaa.Somaaliweeye.
ee Sidee Yeelnaaa.? | Jaamac
»Somaaliland.
dawlad.Qaran, Riyaale Madaxweyne Kudayasho Mudan?
»Barlamanka
cusub iyo isbahaysiga Axsaabta mucaaridka Somaliland
»Xiridda
Garoonka Deyniile oo Noqon Rabta Xariggii Qeybdiid| C/waxid
»Ogaysiis
muhiima oo kusocda qof kastoo soomaalinomo kujirto
»Jawaab
Suufiyada iyo Bisha Soon |
Garweyne
»Midabkee
ayaad jeceshahay? | Zahra
»50
Qab bale Qaran Ma keeni karaan ?? | shuuriye
»JSL
: Kor-u-kaca iyo Hoos-u-dhaca Siyaasadda !! | Ducaale
»Joornaaliisteyaashii
Lagu Diley Soomaaliya:1991–2005
»Ma
jiraa adduunka dad been ka sheega dhalashadooda!? |Zahra
»Goormuu
dhashay Kacaankii Siyaab Barre | Boore
»KA
HORTAG CUNSURIYADA DENMARK |Diiriye
»Waa
sidee dhaqanka Soomaalida ku nool reer galbeedka? |
Zahra
»Isbar
bardhigga Magaalooyinka Jowhar iyo Washington DC | MM
»Waa
Tuma 21ka October? | Mahdi Taako
»C/WAAXID
KHALIIFOW INTEE AYAY KU WADAYSAA ISKU DIRKA
»Jawaab
Furan oo ka Socota Golaha Midnimada iyo Badbaadada |
Bilal
»Tan
iyo markii ay Soo Baxday in Xabsiga Loo Taxaabay Col.
Qaybdiid
»QIIMAYNTA
MUSTAQABALKA DHOW EE GARABYADA DKMG AH
»Waano
ku socota Soomaalida geysata ilmahooda Xanaanada
| Eelay
»Oktoobareey
adaa lahaa! | Waaberi
»GABAY:
Xafiiskii Abwaanka xog baa ku uruursan | Dhuunkaal
»Dagaal
ogayasha waxey raban mala ogaday .mase? | Yoolac
»MAQAALADA
KALE EE MAANTA:::
KA AKHRI HALKAN... GUJI.. |