Asalaamu caleykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu. Mahadoo
dhan Illaahay u sugnaatay,
naxariis iyo nabad gelyana rasuulka Allaha kor yeelo. Waxan
halkan salaam u gudbinayaa
dhamaan walaalaha qiimaha leh webkan somalitalk iyo inta soo
booqataba. Walaalayaal sida aad ogtihiinba caalamkan aynu ku
nool nahay waxaa maalinba isa soo tarayay cilmiga casriga ah
kaasoo maanta aynu arkayno natiijada oo ay ugu dambeyso
aaladan internetka ee aynu adeegsano, waxa soo socdana Allah
un baa og. Iyadoo ay sidaa tahay, halkii aynu ka faa'ideysan
lahayn ama dadka ugu faa'ideyn lahayn ayaa waxaad arkeysaa
shaqsiyaad had iyo jeer u taagan marin habaabin isku dir iyo
ka been sheegid wax walba, haday ahaan laheyd diinta,
cilmiga adduunyada, arimaha dalkeena, waxana mar walba ka
soo burqada fikrado aan bur-bur maahee waxba toosineyn.
Haddaan usoo noqdo dulucda maqaalkeygan waxan shalay
24/10/2005 anigoo meereysanaya shabakadaha netka gaar ahaan
kuweenan somaliga, isha ku dhuftay maqaal ku soo baxa isniin
walba webkan somalitalk uuna so!
o diyaariyo inanka ku dheereeya riyada is daba jooga ah waa
FAHAD YAASIINE, asigoo markan ku soo qaatay maqaal uu
cinwaan uga dhigay (SUUFIYADA IYO BISHA SOONKA) haddana in
riyo tahay iyo in kale ma ogi. Walaalayaal hadaad u
fiirsataan maqaalkan waxaa si toos ah uu ugu durduriyay
ulajeedaduna ahaydba Culimada suufiyada oo aanu ognahay
darajada ay ku dhex leeyihiin Dunida islaamka maantana aynu
harsaneyno cilmiga laga soo gaaray caalimiinta waaweyn ee
suufiyada.
Maaha wax lala yaabo in qof fikir aminsan yahay, laakiin
haddii uu damacsan yahay inuu fidno abuuro waa in laga
feejignaadaa. Waxuu soo jeediyay in laga hortago waxa uu ugu
yeeray qilaafka suufiyada ee bisha Ramadaanka isagoo markaa
inoo muujinaya iney sax yihiin Culimada batroolka, iyadoo la
ogyahay qilaafka ugu weyn ee dunida islaamka ka taagan
maantadan ka mas'uul yihiin culimada batroolka. Haddii aan
soo qaato eedeynta uu huwiyay Culimada suufiyada, waa arin
uu ku deg degay micnaha qilaafka iyo cilmiga ka dambeeyo
uusan ogeyn ama ogyahay laakiin is moogeysiiyay fidno
darteed.
Walaalayaal Bisha Ramadaanka sida aad ka war heysaan
sanad waliba waxaa ka taagan dood dunida islaamka taasoo
lagu kala tagay raacista xadiiskii Rassuulka SalaLLaahu
caleyhi wasallam (Ku sooma aragtida bisha Ramadaan kuna af
fura aragtideeda) iyo in falaga la raaco. Soo shaac bixii
raacista cilmiga falaga in loo adeegsado bisha Ramadaan
waxay bilaabeen culimada islaamka ee falaga ku xeel dheeraa
qarnigii 3aad illaa 7aad hijriyada iyagoo adeegsanayay
cilmigii baabiliyiinta, kaasoo lagaga dhaqmayay dunida
islaamka muddo badan illaa ay ku bedelaan si tartiib ah
raacista taariikhda shiinaha, hindida iyo miilaadiyada
taasoo dhalisay dhibaato weyn sidii lagu ogaan lahaa bilawga
bilaha hijriyada, sababaha dib ayaan idinkaga faaloon doonaa
waqtiga oo igu yar iyo daliilka cilmiga falaga oo aan ku soo
koobi Karin maqaalkeygan, balse waxaan jeclahay inaan halkan
idinkugu soo gudbiyo sababaha dhaliya is qilaafka dowladaha
islaamka manta ee uu dusha ka huwiyay FAHAD YAASIIN culimada
suufiyada kaliya ayagoo ku taagan xadiiska Rassuulka
SalaLLaahu caleyhi wasallam (Ku sooma aragtida bisha
Ramadaan kuna af fura aragtideeda) waana sidan:
1. Wadamada islaamka qaar ayaa ugu yeera
shacabkooda inay baadi goobaan bisha ramadaan taasoo haddii
qof uu ku dhaarto aragtideeda laga aqbalo xitaa haddii aysan
suuragal ahayn ama ay adag tahay falag ahaan waana sida ay u
badan tahay dunida islaamka.
2. Wadana kale ma ogolaadaan shahaadada qof
sheegtay aragtideeda haddii xisaab ahaan suuragal ahayn
balse waxay ogolaadaan markay adag tahay in la arko haddii
xisaab ahaan ey suuragal tahay waana habka ay ku dhaqmaan
culimada batroolka.
3. Waxa jira dowlado kale aanan ku dhaqmin
aragtida bishaba sida liibiya oo ku socota falaga.
4. Dunidan islaamka ayaaba ah kuwo aan raadinin
bilawga bisha iyo dhamadkeedaba marka laga reebo wadanka
marooko iyo cumaan oo illaa xad ah. Teeda kale wadamada
islaamka badankood waxay u diraan shacabkooda iyagoo qaata
aragtida qof sheegtay wuxuu ahaadaba taasoo dhalisay iney
soomaan malaayiin muslimiin ah wadanka sacuudiga sanadka
1404 H 28 maalmood kaliya sababta qof arkay xidigaha mercury
iyo venus una maleeyay bisha. Raadinta bisha iyo aragtideeda
si wadajir ah waa arin muhiim ah si loo ogaado waxa qof kali
ah arkay iney tahay bisha oo aysan aheyn wax
kale.
5. Wadano qaar ayaa qaata aragtida wadamo kale
kuna sooma sida urdun oo kale waa wax u dagsan sharci ahaan,
halka wadano kale aysan aqbaleyn noocan balse kaliya ay ku
soomaan aragtida bisha Ramadaan gudaha wadankeeda sida isla
Sacuudiga laftigooda oo bishii Ramadaan 1420 H oo ay
bayaanisay dowlada Yemen 8/12/1999 kowda bisha Ramadaan
iyadoo dhaarisay shacab ay ku jiraan imaamyada masaajidda
balse Sacuudiga wey
ku gacan seyrtay jaarkeeda, waxayna bilawday 9/12/1999.
Sidoo kale sanadkii 1424 H waxaa bayaaniyay wadanada Yemen,
Urdun, Falastiin iyo Masar in maalinta 25/10/2003 tahay
kowda ramadaan, laakiinse Sacuudiga sida caadada u ah ku
gacan seyrtay. Bal hadaba ka taliyoo yaa u macalina
musiibadan.
Haddii aan ka hadlo wadankeena Soomaaliya sida aan ogahay
dad badanna ii sheegeen tariikhda dhow laguma hayo sanad aan
Sacuudiga isla bilawnay bisha Ramadaan ayadoo wadankeena
laga aminsan yahay xadiiska Rassuulka SalaLLaahu caleyhi
wasallam (Ku sooma aragtida bisha Ramadaan kuna af fura
aragtideeda) anigoo maqli jiray Raadiyo muqdisho oo laga
dhaarinayo dhowr qofoo aragtay. Teeda kale haddii Yemen iyo
cumaan oo jaar la ah Sacuudiga ay qilaafeen maxaa wadankeena
ku qasbaaya inay raacaan, ogaadana walaalayaal wadanka
khilaaf kama jirine raaciyada culimada batroolka waxay ka
faa'ideysteen dowlad la'aanta iyo fowdada ka jirta wadanka
sidaas ayayna ku abuureen khilaafka wadankeena ka jira ee uu
dusha ka huwiyay FAHAD YAASIIN culimadeena sharafta leh,
waxa ku kalifayna waa leyska ogyahay
Sidaa darteed walaalayaal sida uu ku doodayo inankan FAHAD
YAASIIN waa arin aan waxba ka jirin, Suufiyadana inuu u
tilmaamo Allah ka baqa iyagoo lagu yaqaan Allah ka cabsiga
umadoodana la qeybsadaan dhib iyo dheef, isagoo kuwa aan
diir naxa laheyn masaakiinta ay dulliga badeena ee ku nool
qaxootinimada dhismayaashii hore ee dowladda baahi ugu
le'anayaan halka ay iyagu ku jiraan daaro dabaqado ah + AC
iyo cunto nooc walbo leh waa kaaf iyo kala dheeri.
Suufiyada waxba u dhimi meyso dacaayadaha raqiiska oo kuwii
kaa horeeyay ayaa ka daalay, Aaway ibnu teymiya, aaway kii
waalnaa ina cabdil wahaab, kuwa la soo cabsiiyay fikirkoodii
ee haatan soomaaliya nala jooga kuna waashay siyaasaddana,
waa ka daaleen dacaayadaha xitaa waxay isku dayeen inay xoog
ku baabi'iyaan taasoo ay dhacday marar badan iney weerar ku
qaadaan masaajido lagu Allah baryayay suubanaheenana
SalaLLaahu caleyhi wasallam na lagu amaanayay ku dilaan
culimo iyo caamaba, dulmigaasoo Rabbi aanu dib u dhigin oo
waa tii lagu saliday Ethiopia iyo madaxweyne Cabdullaahi
Yusuf oo aan dib loo arag illaa waqtigan oo ay ku
xoogeysanayaan muqdisho balse waxan leeyahay haddii ay kuwan
xaq ku taagan yihiin maxaa looga waayay guul xitaa hal mar
oo daba dhigay guul darada tan iyo waqtigii ibnu teymiy!
aha ay ku waasheen, wey iska caddahay oo waa baadilka iyo
gardarada ay la wareegayaan dunida islaamka.
Allahayow xaqa inagu hanuuni mar walba.
Muuse Axmed
museahmed70@maktoob.com
Afeef: Aragtida
qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin:
SomaliTalk.com | Oct 31, 2005