Soomaalida
Britain iyo warbixin dhiilo xunbaarsan
Warbixin
ciwaankeedu ahaa (Beyond black and white)
ama (laga gudub madoow iyo caddaan) oo uu
soo saaray bishii la soo dhaafay ee
sebtembar maxadka ku xeeldheer cilmiga
bulshada ee marka lasoo gaabiyo layiraahdo
IPPR, eeyna baahisay British Broadcasting
Corporation qaybta UK ayaa waxa uu ka
hadlay xaaladda nololeed ee dadka soo
galootiga ah ee wadankaan baroosinta ku soo
xirtay intii u dhaxeeysay 1990kii illaa
2001dii iyada oo ay daraasadu meelo badan
ifisay ayaa haddana waxa indhahooda soo
jiitay ayaa waxeey tahay sida ay dadkani uga
qeeyqaateen kobcinta dhaqaalaha wadanka iyo
buuxinta farsadaha banaan ee shaqada taa oo
ah ujeedada ugu horeysa ee albaabada loogu
balaqay soo galootiga.
Haddaba
daraasaddan ayaa aad u dheeraayd oo si
tafatiran uga hadashay jaaliyad kasta iyo
waxa ay kusoo kordhisay wadanka. Waxaana
jaaliyadda soomaaliyeed ee ku dhaqan
wadankan Britain filanwaa ku noqotay meesha
ay ka galeen qiimeeyta guud ee shaqada ama
waxsoosaarka oo ay noqdeen dadkeena shaqeeya
12% taa oo ay micnaheedu tahay inta kale
waxeey culeeys ku yahiin dowladda oo waxeey
ku noolyahiin canshuurta dadka laga qaado.
Qoraalkaan
dagdagga ah waxaan isku dayi doonaa bal
inaan yaraha bidhaamiyo sababaha keenay
shaqa la’aanta halakeeysay bulshada
soomaaliyeed eeku dhaqan cariigan iyo sida
aan u arko in logaga bixi karo.
Sababaha igu
dhaliyay qoraalkaan
Soomaalida
maka liitaan dadka kale? Maxeeyse uga
liitaan?
Waxaan aad ula
yaabay markii aan daraasadda ku arkay
wadanka Angola oo dadkiisa ay shaqeeyaan 30%
innaga oo wada garaneeyna Angola iyo
maxaladahii qalafsanaa iyo dagaaladii
sukeeye ee ay soo martay. Taa ayaa igu
dhalisay inaan baaro sababta keentay in
Soomaalida ay galaan jagada ugu hooseeysa
qiimeeyntaan.
Dowlad
la’aanta (15 jirsatay) qaangaartay
Soomaalida
ayaa ah umadda kaliya ee dunida guudkeeda
saaran ee aan laheeyn dowlad shaqeeysa.taa
waxeey shaqsiga soomaaliga ah dhaxalsiisay
guuldarooyin isdaba joog ah oo dhankasta oo
nolsha ka mid ah taabanaya. Iyadoo sodankii
sano ey dowladda jirtay aysan Soomaalidu
talaabooyin sidaa u waaweyn qaadin ayaa
haddana dowlad la’aanta waxeey badday in
umadda u dhaadhacdo heer dhibaatooyinka haaysta
ay fahmi waayaan bulsha weeynta caalamka.
Xilligii
dowladda soomaaliya ka jirtay shacabka
jahawareer ayuu la taahayay taa oo ay sabab
u aheeyd dowladdii ugu xilliga dheereeyd ee
kacaanka oo duugtay nidaamkii hanaqaadka
muwaadinka somaaliyeed iyada oo ku
dhaqmeeysay falsafado isku qasan, umadduna u
horseeday heerka maanta joogto; sida
dowladdu waxeey qaadatay nidaamka
hanti-wadaaga oo markii laga leexdana
laguugu micneeynayo in uu yahay isagii oo la
cilmiyeeyay, tan labaad waxaana si toos ah
isu burinayay nidaamka dowladda ee Hanti-
wadaaga iyo kan waxbarashada oo ahaa mid ay
gacanta ku hayso dowlad Hanti-goosed ah
Talyaaniga.
Waxaa muhiim
in aan dowlad la’aanta u fahanno ineey tahay
hooyada dhibaatooyinkena oo dhan ,
dareenana nin soo qaxay oo dowlad la’aan ah
waxuu lamid yahay nin soo kalahay oo hooy u
kunoqdo laheeyn, shaqadana agtiisa waxeey
ka tahay hel waxaad nafta ku celceliso taana
dowladda ayaaba dhib la’aan looga hili karaa
sida ay qabaan dadka badanaa ma
shaqeeystayaasha ah.
Ninka dowladi
ka soo jeedo waa nin tol qarameedkiisii bari
gantaalayo, waxuu leeyahay safaarad u joogta
halkaan ineey siiso caawin dhankasta ah,
talooyin iyo ineey difaacdo markii eey
timaado arrin weeyn oo soo wajahda
jaaliyadda ay matasho ee dhulkan ku dhaqan.
Waa mid u dareemi karo nin kasta oo Soomaali
ah dabeesysha naga soo gashay dhankaa.
Waxbarashada
Sababta ugu
weeyn ee ay Soomaalida u heli waayeen
shaqooyin wadankan iyaa waxeey tahay.
-
In
eeysan la’imaan waxbarasho tayo leh,
haddii ay noqon laheyd mid xirfadeed iyo
aqooneed labadaba.
-
Tirada
yar ee nasiibka u heshay waxbarashada
illaa heerka jaamacad oo ay ciishay
luqadaha eey wax ku soo barteen oo
badanaa ahaa talyaani iyo carabi.
-
Iyaga
oo ay markeey wadnkan yimaadaan aanan
xoogga saarin ineey waxbartaan, oo
qofkasta uu ku fikirayo sida ugu
dhaqsiiyaha badan inuu wax usoo saaro
sababtoo ah dadkii uu ka yimid oo
noloshooda isaga ku xirayo amaba laga
yaabo inuu ka soo tagay dad xaaladoodu
liidato. Maadaama uusan wadankii wax
fursada ah ka jirin waxuu ku qasbanyahay
inuu maareeyo biilasha inta ugu badan ee
uu awoodo sida ugu dhaqsiiyaha badan
waxeeyna bilaabaan ineey xamaali
noqdaan, oo ay ka shaqeeyaan waxa loo
yaqaano Bakhaarada (Warehouse) oo
shaqooyinkooda badanaa iska yahiin kuwo
xilliyeed oo aanan joogta aheeyn haddii
ay joogta noqdaana anan muddo dheer
lawadi karin.
Sida aan kor
kusoo xusayba waxbarashada waa labo nooc mid
xirfadeed iyo midsare (Academic). Soomaaliya
iyada oo ay ku yareeyd waxbarashada guud
ahaanba ayaa haddana waxaa sii liidatay
dhanka xirafadaha, Sidaa darteed waxaanu
isugu jirnaa kuwa ka faana xirfadaha oo u
arko sharaf dhac iyo kuwa aanan ku
baraarugsaneeyn.
Xifadahaan aan
sheegayo ayaa waxeey noqon karaan :Dabgalinta,
Baabuur hagaajinta, Guryo qurxinta
noocyadeeda kala duwan. Xirfadahan ayaa ah
kuwo maalin walba isasoo tarayaso baahidooda
kana macaash badan shaqooyinka xafiisyada
badankood.
Waxaa haboon
in qofka markii uu yimaado wadankan oo uusan
garaneeyn afkooda iyo qaabka noloshooda oo
dhan inuu isgeeyo goobaha wax barshada dadka
waaweeyn ee loogu tala galay dadka isaga oo
kale ah. Hal sano gudaheed ayaad ka soo
baxeeysaa adiga oo ku hubeeysan luqaddii
iyo xirfad aad ku shaqeeysataba. Sidaan
waxaa sameeyo umadaha kale oo dhan inta aan
Soomaalida ka aheeyn- oo aan horaan u soo
sheegay waxa isagana ku keenay inuu shaqo
xamaali ah horeey ka galo taa oo aanan
wadeeyn muddo dheer.
Qoxootinimada
Umadaha kale
waxeey wadankaan ku yimaadeen qorshe cad oo
ah ineey ka macaashaan aqoon ama lacag mana
aha dad habqan ah sideena oo kale.
Soomaalida waa dad qaxooti ah oo nabad galyo
raadis ah. Reer dhan ayaa waxay imanayaan
galbeedka weeyna is dhiibayaan iyaga oo ay
ka dhaadhacsan tahay in waxkasta eey hilidoonaan,
oo gacmaha iyo lugahana isasa saran doono raaxo
darteed- waa sida aan raaxada u naqaano
haddii aan Soomaali nahay.
Dhaqanka
Dhaqanka iyo
diinta ayaa iyagana iila muuqda ineey kaalin
weyn ka ciyaarayaan fangalka nololeed ee
umada walba. Sidaan wada ogsoonahay
Soomaalida waxeey ahaayeen dad 100% Muslim
ah, oo suniyiin ah oo wada haaysto madhabka
shaaficiyada. Xagga luqadana waxeey
badankood ku hadlaan hal luqad, waana isku midab
. Taa oo uu mecnahedu yahay Soomaalidu ineey
ka soo jeedaan dad is leh oo ay kajirin
kala dhaxdooda kala duwanaan diineed, dhaqan,
midab iyo mid luqadba. Taana waxeey keentay
markeey waayeen wax eey isku takooraan ineey
heleen qabiil iyo qabyaalad.
Islahaanshaha
soomaalida ayaa waxuu keenay in ruuxa
Soomaaliga ah uusan aqoon iyo khibrad midna
u laheeyn ku dhex noolaashaha iyo fahanka
dadyoowga kale ee ku dhaqan carrigan,
waxeeyna noqotay imtixaan uu ku dhaco qofka
Soomaaliga ah, Illeen inaga oo waxkasta
wadaagno ayaan is ogolaan waaynay oo aan
abtir isku takoornay.
Waxaanu oga
guuleeysan karaa dhibaatooyinkan aanu kor ku
soo xusnay haddii aanu lanimano
is’afgarad,is’ogolaasho iyo aqbalaadda ruuxa
kaa gadisan haddii ay noqon laheeyd diin ama
midab isla markaana aanu la soo baxno
xirfado magaalo joog wanaag sida inaanu
mideeyno codkeena iyo inaano xiriir fiican
la yeelano bulshada soo galootiga ah ee
wadanka ku dhaqan oo iyadu hadda noqotay
xoog aanan la dhayalsan karin.
Adkaanta ama
(Complexity) Fahanka nolosha Reer galbeedka
Soomaalida
badankood noloshooda miyiga kama foga,
noloshaa oo ah mideey aad u fududahay
fahankeeda iyo laqabsigeeda. Waxaana hubaal
ah nolosha magaalada ineey u baahantahay
xirfado bulsho aqooneed iyo karti gaar ah,
taana waxeey qaadani waqti dheer in sida ay
tahay aan ula qabsano, oo bulsho ku
fashilantay iyadii is luqad taqaanay ineey
is fahanto lagama sugayo ineey fahmaan umado
ka luqad,dhaqan, taariikh iyo maslaxad duwan.
Noloshii aan
ku halaawnay ee miyi lamoodka aheeyd!!!!!!
-
Waa
midda qofkasta uu shaqada ku heli jiray
wasaaradda uu joogo nin ay isku heeyb
yahiin isaga oo aan la heeyn aqoontii
iyo kartidii jagadan u baahneeyd.
-
Waa
midda qofkasta markii uu shaqo u baahdo
uu ku khasbanaa inuu raadiyo
dhadhaxaadiye (waasito). Sidaa darteed
waxaad arkeeysaa dad badan oo Soomaali
ah oo wali aanan ka korin dhaqanka
noocaa aha. Waxuu fadhinayaa guriga oo
waxuuna wacaa saaxiibadiis isaga oo
weeydiinayo in fursadi ka jirto
shirkadda uu ka shaqeeyo, haddii ay
jawaabtu HAA noqoto waxuu weeydiistaa
inuu kala hadlo mareeyaha shirkadda.
Waa tan
qofka uusan dan ka laheeyn inuu shaqo helo
iyo inkale, mar haddii uu helayo dad qaraabo
ah oo uu la noolaado. dhaqankana maha mid ku
cusub nolosha soomaalida.
Hubsiino
la’aan
Nidaamka
wadankaan Britain ayaa ah in qorshe kasta
qaato waqti ku filan haddii ay noqon laheeyd
shaqo, dalacsiin, macaash iyo arimaha la
xariio dowladda sida sharciyada oo kale.
haddaba nidaamkaan ayaa waxuu cadaw ku yahay
qofka Soomaaliga ah ee anan aqoon fiican u
laheeyn nidaamka ku dhisan hubsiinada ee ay
hay’adaha wadankan ku shaqeeyaan, waxaadna
arkeeysaa qofka Soomaaliga ah inuusan
fahmeeyn ama uusan ku kalsooneeyn habsami u
sacodka howlaha isla markaana si dagdag u
muujinayo saluugsanaan sida wax u socdaan.
Taa oo ay sabab u tahay khibraddii hore ee
aanu kala nimid wadankeenii oo aheeyd haddii
aad subaxii xafiis u kalahdo saacado
gudahood inaad ku keento deeyro ama guul, oo
haddii waqti kale laguu qabto eey micnaheedu
tahay diidmo haddii eeysan aheeyna laaluush
layska doonayo. (Dad Soomaali ah ayaa waxeey
laaluush ku bixiyeen xafiisyada guryeeynta
(housing) ka oo Hindida wadankan lacagta ka
guratay, maxaa yeelay waxaanu fahansaneyn
nidaamka wax u socodka ee wadanka).
Dhibaatadan
ayaa u baahan wacyi galin gaar ah in
bulshada laga siiyo, loona sharxo waxa ay
sameeynayaan inuu yahaya danbi ay ku
muteysan karaan xabsi haddii lagu helo.
Arinta
shaqeeynta haweenka
Haweenka
Soomaaliyeed ee Yurub ku nool badankood ma
shaqeeyaan, waxaana qiimeeyn kuugu filan
inta aad taqaano. Habalaha ayaa waxeey
yahiin 50% bulshada, halkaana waxaa ku maqan
kalabar xoogii shaqada.
Dhaqan ahaan
hablaha Soomaaliyeed waxeey can ku ahaayeen
howl karnimo iyo ineey qabato wax kasta oo
shaqo ah, xilligii ay dowladu jirtay ee
Soomaalidu magaalda usoo hayaantay sidoo
kale hablaha waxeey ka qeeyqaateen dib u
dhiska wadanka iyo horumarinta umadda. Sidoo
kale xilliyadii ay dhibaatadu wadanka ka
dhacday hooyada Soomaaliyeed waxeey noqotay
mid qabata shaqo kasta si’eey ugu hesho
caruurteeda nolol maalmeed xalaal ah.
Waxaana tusaale inogu filan hooyada uurka ah
ee juwaanka madaxa gashatay eeku biirtay
xamaaliyaasha suuqa Bakaaraha si’ay u rarto
gawaarida xamuulka ee badeecadaha daabula.
Maxaa keenay
shaqa joojinta haweenka Soomaaliyeed ee UK?
Waxaan u
aanaynayaa shaqa la’aanta haweenka sababahan
ama caqbadahan sadaxda ah:-
I. In dadka qaarkii gabarta shaqeeysa
ay ula muuqato midaan diin laheeyn ku
fiicneeyn, oo waxaa jira fakir diini oo
maalmahaan danbe soo xoogeeystay oo badanaa
naga soo galay wadamada muslimiinta ah ee
maalqabeenada ah sida dowladaha kahliijka.
II. Ineey reer noqoto ka dibna ay ka
walwasho in caruuteeda ay gacanta u galiso
daryeesho aysan isku diin aheeyn ama isku
dhaqan-oo halkaasi hooyada ay la soo darsto
walwal, kaa oo keena akhiratanka ineey iska
dhaafto shaqada.
III. Qaab labiska (Xijaabka) hablaha
soomaalida oo aanan laga jecleeyn goobaha
shaqada wadanka, dhibaatadan oo ah midaan la
wadaagno Muslimiinta wadankan ku dhaqan.
Arintaan ayaa
ah mid laga guuleysan karo hadii si fiican
dadka logu sharxo ineey shaqadu tahay
cibaado, in lahelo hablo Soomaaliyeed oo
bartay xifadda caruur haaynta, taa inaga
kaafineeysa inaan caruurteena gacanta u
galino daryeesho aanan isku diin aheeyn.
Gunaanad
Waxaa hubaal
ineey jiraan sababha aanu maanta ka
dhawaajiyay iyo kuwo kale sidaa darteed
arintaan waxeey u baahantahay daraasad
balaaran ku sameeyno waxyaabaha keenay
guuldarada isla mar ahaantaana aan u helno
xal dhaxal gal ah oo laga qeeyb galiyo
bulsha weeynta ku dhaqan wadankaan haddii
kale sidaa ayaan u xajisan doonaa ama aan ka
sii hoo dhici doonaa kaalinta aynu maanta ku
jirno.- Ilaahna ma qaado dhibaato aysan u
soo jeedin dadka eey haaysato sida ay isaga
qaadi lahaayeen.
Sababaha aan
soo tixay ayaa isugu jira kuwo laga
guuleeysan karo oo u baahan oo kali ah wacyi
galin iyo kuwo ay ku xiran tahay xalkooda is
badal loo helo duruufaha nololeed ee ku
xeeran qofka soomaaliga ah ee maanta nool.
Guud ahaan
xalku waxuu soo hoos galayaa inaanu waxbadan
ka barano oo aan daraaso dhab ah ku sameeyno
wax badana aanu ka barano dadka aanu
dooneeyno inaan ku dhex noolaano.
Tixraac:
Beyond black and white
C/raxiim C.
Shaafici
shafieuk@gmail.com
Afeef:
Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin:
SomaliTalk.com | Oct 31, 2005