SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print
:::C/LAAHI YUSUF & AWEYS::

Hadaladii C/Laahi Yuusuf (Jawhar) iyo Sh. Aweys (Muqdisho)... Guji
:::JAAMACADA KISMAAYO:::

Dhagax dhigga jaamacada Kismaayo... Guji..
SHACABKA PUNTLAND vs TERRY:

Puntland iyo Terry (oo sheegtay Shirkad aan la aqoon) oo Dubai ku kala saxiixday heshiis... Guji

01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 |
:::UGAAS MAXAMED WALI:::
YAA MAALI JIREY? Faallo:Ugaas Max'ed Wali oo ku bilawday C/ahi Yuusuf Axmed Muxuu Kusoo Kordhin Karaa Somalia Guji..
::MPLS: BUUGGA XASUUS QOR :::

Xaflad Lagu Soo Bandhigay Buugga "Xasuus Qor" oo Lagu Qabtay Minneapolis.. Guji...
19-JIR LAGU DILEY MINNESOTA:

Wiil Soomaaliyeed oo La Toogtey Asagoo Dhex Fadhiyey Gaari Taagan Meel Gaaska Laga Qaato oo ku yaal Magaalada St.Paul, Minnesota, USA... Guji
::SH. CIISSE XASSAN JUMALLE::

Walaalahayga Soomaaliyeed baan gargaar ka sugayaa; UAE way iga tuureen cusbitaalkii aan xaqa u lahaa... Guji... 
:::C/NUUR FAARAX CALI:::

Xaflad Shahaado Master oo ka dhacday Qaahira.. Guji..
:::MAQAALKII YUSUF SHABAC:::

XAMAR CAASIMADA HALAGA BEDELO; Calankana bil halagu saa’idiyo... Guji...
:GAAJADA & CARRUURTA SOM:

Carruurta Soomaaliyeed ee gaajada iyo cuduradu ku aafeeyeen dalkooda Soomaaliya oo ay hay'adda MSF Video kasoo duubtay...daawo Halkan
[Waxaad u baahan tahay Windows Media oo laga soo Rogan karo halkan]. Qoraal Soomaaliya la xiriira oo ku qoran English ka akhri halkan...
:::XAFLADII DHALLINYARADA:::

Xafladii Masjidka Abuubakar ee Xagaaga 2005 Loo Qabtay Dhallinyarada... Guji...
::: LAASCAANOOD:: ALHUDA:::

Masjidka Al-Huda oo Saddex Dabaq ah oo Laga Dhisayo Laascaanood... Guji..
.
::: MASJID DAR AL-HIJRA:::

Nala Iibi Dhismaha Masjidka Dar Al-Hijrah, Minneapolis... Guji

Xiriirka u Dhexeeya QAADKA iyo cudurka AIDS... Ka Akhir qormadii Ciribtirka Qaadka
Sidee bay Somaliland aqoonsi caalamiya Ku heli kartaa???  

Jamaal Maxamuud Axmed ( Shuuriye )

E-mail shuurye55@hotmail.com  

E-mail shuurye55@yahoo.com

Kenya Nayrobi

Ramadaan kariim ,Allaaweyn oo mahadleh nin kii aaminaana awoodleh alihii iisahlay inaan qoro maqaalkaan xasaasigaa xiisahana badan waxaan salamayaa dhamaan dad ka reer somaliland iyo kuwa somaaliyaba waxaan lee yahay gacmo furan waji farxadeed qalbi walaal nimo ugu sodhawaada maqaalkaygaan.  

Waxaan ku bilaabayaa sida aan lawada socono somaliland laga bilaabo 1960- ilaa 1991 waxey kamid hayd somaliweyn laakiin sanadihii sagaashamaad kii gobolada waqooyi galbeed somaaliya wey goos teen oo wa ay kago een somaliweyn. go itaan kaas maahayn nacayb ay uqabaan somaliya ee waxa keenay in ay kafakaraan aayaha goboladooda ayagoo kacararaayey dagaalada sokeeye ee kajiray somaaliya inteeda kale waxey dhisteen mamaul lagu magacdaray somaliland.  

Xilkii u horeeyey ee cuslaa somaliland waxaa qabtay EEBE Ha unaxariistee madxweynihii lagu magacaabijiray mar xuun Cabdiraxmana cali tuur

maalintii mar xuun tuur loo magacaabay madaxweynaha ilaa iyo maan tadaan Somaliland waa Dawlad jirta laakiin aan aqoon si caalam ka kahelin wali.  

Somaliland hadii la eego maalin tii ay ka go'day somaaliya inteeda kale ilaa iyo maanta daan lajoogo waxaa somaray madax kala duwan oo ay kamid ahaa yeen  

Mudane marxuun Cabdiraxmaan Cali Tuur

Mudane marxuun Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal

Madaxweynaha haatan lajoogomudane Daahir Riyaale Kaahin  

Somaliland ilaa iyo maalin tii ay ka goosatay somaaliya inteeda kale ila a iyo maantadaan la joogo waxaa kadhacay doorashooyin habka dumuqraadiga ah u dhacay oo aan inta badan ka dhicin qaarada africa doorashooyinkaasi ka dhacay Jamhuuriyada somalinad waxay isugu jira kuwa Madaxweyna nimo Kuwa Golaha Deegaanka iyo kuwo Baar lamaan

Su'aashu waxey tahay dal nabada dimuquraadiya kajirto dorashooyin ka kadhacyaa ay ka heer sareeyeen kuwa kadhaca afrika dalal kamida maxaa loo aqoosan waayey dalkoos oo magciisu yahay somaliland???...  

Su'aashaas Aqoon yahno badan bay maskaxdooda ku soo noq noqotay su'aashaas nin ba si buu uga jawaabay laakin adoonku cadaalad maahan waayo Dal 14 sano kahor Goostay dadkiisa ay rabaan in ay kago aan somaaliya in teeda kale ayagoo cadeyn haysta cadeyntaas oo ah somaaliya aydu hasoo heshiiso kadib anaga hanoo timaado mar kaas baan wada hadal lagalaynaa kadib wanaag iyo walaal nimo hanoogu timaado ee yey san xoog nagu han dadin.  

Somaliland sida xaqiiqdaa aan lawada socono waa Dal jira kana jira Gees ka afrika gaar aheen geeska waqooyi Galbeed ee Somaaliya waxaa jira su'aalo ay is weydiiyaan dad ka reer somaliland iyo dad yowga kale ee aduunka dhinacyadiisa kunool su'aalahaas oo ay kamid yihiin kuwa sosocda  

1) Yaa hortaagan aqoon siga somaaliland?

2) Somaliland maamul goboleed miyaa mase dawlad jirta?

3) Somaliland maxaa loo aqoon san waayey?

5) Malaga yabaa in somaaliland la,aqoonsado mus taqbalka dhaw?  

Akhris tayaasha sharfatalahow su'aalahaas iyo kuwa kale oo fara badan waaku wa wereeriyey maskaxda Dad badan oo ay ugu horeeyaan dad ka reer somaliland iyo dad yow kale oo ukala dhashay dawlada farabadan oo aduunka dacdaladisaa akhris tayaal anigoo adeeg sanaaya hadalo madax badan oo aduun ka kataliya iyo waliba.  

Qab qablayaasha Dalka somaaliya ayaan donayaa in aan idiin kaga jawaabo su'aalo farabadan iyo waliba sida ay Somaliland aqoon si caalamiya ku heli karto.  

Akhristayaal somaliland aqoon sigeeda waxaa jira dawlada badan oo aan doonayn iyo waliba madax badan oo somaliya katalisa oo aamin san hadii somaliland la.aqoonsado in halkaas dhibaato kadhacyso saas darteed aan doonayn in la aqoonsado somaliland oo kasoo horjeeda aqoon siga Dawlada somaliland.  

Somaliland maahan maamul goboleed ee waa Daw lad qaran oo kajirta Geeska Afrika kuna lamaan san somaliya somaaliland waxey daris latahay dawladaha kala ah

Jabuuti

somaaliya

itoobiya

Aniga maahi shaqsi u xaglinayo somaaliland laakiin xaqiiqdaan ka hadlayaa waa run oo somaliland mahysato wax aqoon siya waxa ka maqan oo kaliyana waa aqoon siga laakiin waxaa jirta su'aal aan wey diinaayo dad ka aan doonayn aqoon siga somaliland

su'aalhaas waxaa kamida  

Maxaa lagarbaa somaliland hadii jabuutiba ay goosatey

aqoon sina ay heshay oo ay maanta tahay dawlad qaran?

Somaliland malqas bayaa oo maxoog iyo gardaduub baan kusoo celinaysaan hadii aysan rabin in ay wax kudarsato somaaliya ogaada dadow Dad ka somaliland ma aysan nicin somaaliweyn ,laakiin wey ka goosanaysaa oo kaliya sidii ay awal1960 ugu soo biirayn soomaali wayn.  

Su'aal kalaan weydiinayaa raga qab qab layasaha kaah dalka somaliya oo aan Doonayn aqoonsiga Dawlada Somaliland su'aashaas oo ah hadii ay ba yeesho somaliland in ay kamid noqoto somaaliya inteeda kale maxaad u haysaanoo gara oo ay kusoo racdaa somaliya mase waxii nu waa is ka kaaya sooraac bilaa xikmad aan hargaysa kadhigno muqdiso oo kalee yaab yaab yaab yaab yaab !!!!!!!!!!!. . 

Qab qab layaal mawaxaad leedihiin sida ay tahya koon furta aan aniga jamaal ah soo ar kay halagadhigo Hargaysada nabada aan laqiyaasi karini taalo daacadii

hargaysa aniga ma tagin hargaysa bale sidaan maqlay ama aan la socdo waa meel geeska afirka ku dayashu u mudan.

Akhris tayaal saan jeclahay oo ay qabaan dad badan oo oo is kugu jira somaaliiyo somaliland mustaq balka dhaw somaliland waa la qoon san donaa waa hadii madaxweyne daahir Riyaale kaahin dadaal dheeraada layimaado laakiin hadii uu noqodo madaxweyne afrikaana oo uu la yimaado musuq maasuq iyo caburin siyaasadeed iyo xuriya tul qawl wax aqoon sanaaya majiraan laakiin hadii uu dadaalo oo uu aduunka tusiyo dimuquraadiyad aad uheer sareysa waa la aqoon sanayaa waa xaqiiq aan ahayn kutiri kuteena maskaxda loog udhisaayo dad ka Reer Somaliland Arimaha kale ee somaliland aqoonsigeeda soo dhaweeyay waxaa ka mid ah Doorashooyinkii ugu danbeeyay ee baarlamaanka kuwaasi oo hab

 

Xilka kasaaran Riyaale aqoon siga Somaaliland

Mudane daahir riyaale kaahin waa uu lasocdaa halka uu kajoogo dawlada somaaliland waxan donayaa in aan wax yar farta ugu fiiqo xilka uukaqaadan karo aqoon siga Somaliland mudane madax weyne daahir riyaale kaahin . 

Mudane madaxweyne xilka usareeya aduu kusaaran yahay waayo adaa ah madax wey nihii dalka saas darteed waxaa lagaraab aqoonsiga Somaliland dartiis in aad uga tagto gararar badan oo aad lahayd waxaa larabaa mudane madaxweyne in aad saxafada xor kadhigto in aad mar walba kudadaasho in aad dalkaaga kamujiso oo aadkusoo dabaasho dimuquraadiyad in aad utanaasusho xis biyada mucaarad ka in aad is ka ilaaliso in dalkaaga soo galo waxa loyaqaan musuq maasuqa ogow mudane madax weyne hadii uu dalkaaga musuqmaasuq sogalo,ogow in aadan helayn wax yaroo aqoonsiya taas badal keedana lagu takoori doono waa hadii dalkaaga musuq maasuq yimaado.  

Xil intee le,eg baykaqaadan karaan aqoonsiga somalilnad xis biyada mucaaradka

Xil aad uweynbay kaqaadan karaan aqoonsiga somaliland labada xisbi ee,mucaarad ka aynakala hogaaminayaan laba nin ee kala ah

Faysal cali waraabe

Axmed maxamedmaxamuud(silaanyo)

waxaa laga donayaa in ay dulqaad umuujiyaan xukuumada ayagoo eegaya aqoonsiga Somaliland

waxaa laga donayaa in ay yareeyaan oo aysan qaylin hadii lagu tunto xaquuq dooda waayo hadii warku banaan ka gaaro waxaa la modayaa in dawladu tahay dawlada diktaytara oo aan dimuquraadi ahayn saas darteedna waxaa siifagaanaya aqoon siga somaliland saas darteed waa in labada xisbina ay dadaal dheeriya mujiyaan ayagoon aanlatirsanayn xukumada xilka haysa

Xil intee le'eg bay kaqaadan kartaa saxaafadu aqoon siga somaaliland

Saxaafada aduunka qiimay kalee dahay waana laga qadariyaa hadii ay dadasho saxafada somaliland ee farahabadan is kuguna jirto

wergaysyada

websityada

idaacadaha

telefishinada

 

Waxaa laga doonayaa saxaafada Somaliland in ay geed dheer iyomid gaaban ba ufuusho aqoon siga somaliland daacadii somaliland hadii ay war baahin tu dadaasho somaliland aqoonsi dag daga bay helaysaa oo ay gaaraysaa ee waxaan lee yahay saxafada somaliland kudadaal aqoon siga wadan kaaga hooyo waxwal bana kahor mari intaad buun buunin lahyad war xun buun buuni aqoon uradainta wadankaaga somaliland.

 

Xilka intee le,eg bay kaqaadan karaan dad ka somalindweyn

Farkaliya fool madhaqdo waa maah maah jirta hadii shacabka somaaliland aysan raadin oo aysan dawlada iyo mucaaradkaba kutaageerin hiiliyo hooba daacadii wax kamimaanya majiraan waayo dawladu waa rag baar lamaana iyorag wasiiraa oo layaqaan oo latirin karo mucaarad kuna waaba laba xisbi oo kaliya oo laba nin wadato

laakiin yaayaqaan oo tirinkara dad kareer somaliland dad kareer somaliland ayagaa keeni kara somaliland in la,aqoon sado waayo

dad ayaa dal dhisa

dalna iyagaa bur bursha

hal maalin oo aad iskugu soo baxdaandad ka reer somaliland fagaarayaasha magaalooyinka waa weyn.ee.somaliland sida

 

fagaraha hargaysa

fagaaraha burco

fagaraaha gabilay

fagaraha bar bara

 

hadii shacabka somaaliland ay halmar ya wada dhahaan hanala aqoonsado daacadii adunak wala qimeeya a shacab oo ay wada raad shaan aqoonsiga wadan kooda daacadii dag dag baa loo aqoon sanayaa somaliland.

shacabka reer somaaliland now dadaala oo kudadaala aqoon siga dalkiina ilaaliyana nabada aad haysataan marnaba hakufakarinina in aad dalkiin mar naba wax yeshaan oo aad qabataan muda haraadyo mucaarad ku ah dawlada

 

xil intee le.eg bay jaaliyadaha dibada kaqaadan karaan aqoon siga somaliland

 

Jaaliyaduha aad bay uga qayb qaadan karaan aqoonsiga somaliland waayo waxa ay wada jogaan wada madii lagaraadinayey aqoon siga waxaa laga doonayaa mar kasta in ay kudadaalan sidii ay dad kooda iyo dalkoda uga bixinlahaayen tuhunka oo ay ugu dhigilahaayeen dawlad an cidna faragashan karin.

waxaa lagaraa qofkii dawlada wax kacodsanaaya xataa inuu dhaho fadlan dalkayga Somaliland aqoon si hala iisiiyo yaan lamodin wax laga xishoodo hadii aad radisid aqoon siga wadan kaaga baal dahabaad kagalaysaa taariikhda somaliland

Daacadii waxaa kugu lagarabaa hadii dable kudhaho maxaa dawladayda kacod sanaysaa inaad dhahdo aqoonsi inlaii aqoonsado dalkayga somaliland.

Jaaliyadaha dibadaha kunool waxaa lagarabaa in ay dhaqaalo kubaxshaan aqoon uraadinta somaliland waa qasab oo lacago badan baa dhumaayo ayadoon aan la.aqoonsan somliland lakiin is ka sabra oo hadhihinin anaga ma waxaan biilayna Rag nala mida ha eegin lacagta uu cunaayo nin ka wasiir kaa ee eeg aqoon siga wadan kaaga somaaliland  

qof kee ayaalaga sugayaa aqoon siga somalind

Adana Aadan Ismaaciil waa Marwo sharaf leh waa marwo aad uwanaag san waa bilcaan siyaasada wax wey kusiyaadisay waa qof uqalnta madatinimada somaliland  

Adna haatan waa wasiirka arimaha dibada somaliland Adna waa qof ka kowaad ee lagarabo maalin iyo habayn in ay raadiso aqoon siga somaliland waayo adno waa wasiirkii arimaha dibada Adna waxaa lagarabaa in ay yarata inta ay joogto somaliland waxaa lagarabaa in mar walba ay ubaxdo safaro banan kaa sida dalalka kala ah

 

America

Yurub

austuraliya

africa

Carabah

 

Ayaa laga donayaa in mar walba ay safar ugu baxdo aya doon uu yahay ula jeedka safarkeedu aqoon siga somaliland adna ladooni mayao in aad magac kale ubixiso safarkaaga ee waxaaladoo naya in aad dhahdo safar kayga aan kuraadinaayo aqoon siga somaliland waayo hadii aad magac kale labaxdo xataa dad kumadanaynayaan safarkaaga

 

 

           Talo kusocota Adna Aadan Ismaaciil

Adno aadan ismaaciil waxaan karaali galinayaa hadii anigoo ah saxafi ah adoo wasiirada aan ku iri talo ayaan kuso gud binayaa arinkaas karaali noqo adno

adno waa inaad hurdada ka kacada oo aad Hargaysa boorsadaada ka qaadataa adoo qabanaaya dalakad isleedahay xiriir wanaagsan baad la leedahay Adno waliga a qoonsi hakaraadin dariskagaa ee karaadi dawladaha awooda leh

Adno meel kastoo aad tago lahadal dad kareer somaliland ee kunool ku dheh raadsha aqoon siga wadan kina adno mar naba hakadaalin raadinta aqoon siga somaliland

Akhristayaal somaalind hadaad rab taan in ay idiin goosato dadaal mujiya kuna dadal meel kastoo aad joogtaan idin ka ah dad kauhoreeyeelagarabo in aad uda daashaan wadn kiina

Aniga oo ah qoraaga maqaal kaan uma aan dhalan somaliland maqaalkaana uma aan qorin jeceyl iyo taageerida somaliland ee waaxaqiiq aan mudo dhan arurinaayey marka aan lee yahay (dawlad qaran) yaan lamoodin in aan taageerid uga dan lee yahay ee waxaan kahadlayaa waa wax xaqiiwa a waayo somaliland waa dawladqaran dawlada nain tii lagu yaqiinay oo aan ka ahayn aqoonsi wey haysataa

akhristayaal qof ka bini aadam kaa waa daciif oo qaladaad baa kadhacaaya saas dar teed iga raali noqda

hadii ay jiraan qaladaad aan geystay waxii dhaliila oo aan leeyahayna waad iisoo shegi kartaan ana araali ku ah iiguna soo hagaajiya ciwaanadayda

maqaalkayga intaas baan kusoo gaba gabynayaa waxaan idin karaali galinayaa waxii aan qalday bani aadan ayaan ahay wax na waan qaldi karaa waxii aan saxana waad ku mahadsantihiin hadii alle idmana aniga qalinkayga ayaan kaga qayb qadanayaa aqoon uraadinta somaaliland mar naba kadaali maayo dhib kas ta a hiiiga yimaado

 

"ALaa Wayn Ninkii Aaminaa Awood, Leh Umad Waliba Aayaheeda In ay Garato iiyadaa leh".......

 

Waxaa Qoray Saxafi Soomaaliyeed

Jamaal Maxamuud Axmed ( Shuuriye )

E-mail shuurye55@hotmail.com  

E-mail shuurye55@yahoo.com

Kenya Nayrobi

 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 31, 2005


»ALLaa.Somaaliweeye. ee Sidee Yeelnaaa.? | Jaamac
»Somaaliland. dawlad.Qaran, Riyaale  Madaxweyne  Kudayasho Mudan?
»Barlamanka cusub iyo isbahaysiga Axsaabta mucaaridka Somaliland
»Xiridda Garoonka Deyniile oo Noqon Rabta Xariggii Qeybdiid| C/waxid
»Ogaysiis muhiima  oo  kusocda  qof kastoo  soomaalinomo  kujirto
»
Jawaab Suufiyada iyo Bisha Soon | Garweyne
»Midabkee ayaad jeceshahay? | Zahra
»50 Qab bale Qaran Ma keeni karaan ?? | shuuriye
»JSL : Kor-u-kaca iyo Hoos-u-dhaca Siyaasadda !! | Ducaale
»Joornaaliisteyaashii Lagu Diley Soomaaliya:1991–2005
»Ma jiraa adduunka dad been ka sheega dhalashadooda!? |Zahra
»Goormuu dhashay Kacaankii Siyaab Barre | Boore
»
KA HORTAG CUNSURIYADA DENMARK |Diiriye
»Waa sidee dhaqanka Soomaalida ku nool reer galbeedka? | Zahra
»Isbar bardhigga  Magaalooyinka Jowhar iyo Washington DC  | MM
»Waa Tuma 21ka October? | Mahdi Taako
»C/WAAXID KHALIIFOW INTEE AYAY KU WADAYSAA ISKU DIRKA   
»Jawaab Furan oo ka Socota Golaha Midnimada iyo Badbaadada | Bilal
»Tan iyo markii ay Soo Baxday in Xabsiga Loo Taxaabay Col. Qaybdiid
»QIIMAYNTA MUSTAQABALKA DHOW EE GARABYADA DKMG AH
»
Waano ku socota Soomaalida geysata ilmahooda Xanaanada | Eelay
»Oktoobareey adaa lahaa! | Waaberi
»GABAY: Xafiiskii Abwaanka xog baa ku uruursan | Dhuunkaal 
»Dagaal ogayasha waxey raban mala ogaday .mase? | Yoolac
»
MAQAALADA KALE EE MAANTA::: KA AKHRI HALKAN... GUJI..

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD